SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Ciidan iyo caasimad 

Shaafici Xassan Maxamed

Gothenburg Sweden

E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se 

Arrin sharci darro weyn ah oo qaynuunka iyo caqligaba la gabomaray baa waxa ay Nayroobi ka dhacday tobankii Oktoobar sannadda 2004. Doorashadii madaxweynaha warreeggeedii labaad buu mid tartameyaashii ka mid ahaa waxa uu codbaxiyeyaashii ka helay 56% (boqolkiiba konton iyo shan), taas oo ahayd in uu helay aqlabiyaddii codbaxiyeyaasha oo uu macneheedu ahaa in ay doorashadii dhammaatay, oo markaas laga bilaabo uu asagu ahaa madaxweynihii Soomaaliya. 

Doorashadii oo sharci ahaan dhammaatay baa waxaa la sii waday doorasho kale oo aan qaynuunka iyo caqliga midna ku saxnayn, waayo qofku aqlabiyadda codbaxiyeyaasha kalsoonidooda markii uu helo ka dib ma uu aha musharrax ee waa madaxweyne. Sidaas awgeed wareeggii saddexaad waxa uu ahaa laqwi iyo lunsanaaan oo sharci ahaan waxa ay doorashadii ku afjarantay wareeggii labaad. Wareeggii saddexaad oo sharci darrada ahaa buu waxa uu helay 71%, waana wareeg uu intii aan la bilaabin ahaa madaxweyne, oo aysan waxba ka jirin markii la raaco qaynuunka. 

Baraarujintaas kooban oo ka baxsan ujeeddada uu qoraalkaani u abuurmay waxa aynu uga jeedna in uusan dib u dhacin khalad sharciga iyo xisksa sidaas u garabmarsan oo ku saabsan doorashooyinka soomaalida. In la iska socdo ayada oo aan qaynuun la cuskanayn waa waxa daneheennii oo dhan kharribay, waana in hadda ka dib la ogaadaa in ay doorashada noocaan ahi afjaranto markii uu qof helo in kala bar ka badan codbaxiyeyaasha kalsoonidooda. 

Ereyga ciidan waxa uu ka mid yahay kalmadaha soojireenka ah, waxa uuna leeyahay labo macne oo kala duwan. Macnaha kowaad waa qof ama dad kasta oo shaqo loo baahnaa qabta, waxaana waayadii hore ereyga macnihiisa buuxin jirey dadka xoolaha raaca ama ceelasha wax ka waraabiya. Shaqo kasta oo yar ama weyn qofkii qabtaa waxa uu qaadan karaa ereyga ciidan, siiba markii ay shaqadu joogto tahay oo ay soo noqnoqoto. 

Maxamed Cabdulle Xassan baa waxa uu carabta ku tilmaamay dad aan ciidan ahayn, waxa uuna malaha uga jeedey in aysan wax shaqo ah qaban karin, oo aan sidaas awgeed waxtar la weydiisan karin, waxaana uu yiri hadal mindhaa sidaan ahaa:

 ”Nimankii canbuurrada xumaa, ciidan ma ahayne” 

”Waxtarid” iyo ”waxqabad” guud ayuu malaha uga jeedaa ciidanka, waxaana macnahaas mid la mid ah niman soomaali ah ku liidey Aadan-Carab, oo yiri: 

”Waxba yaan canbaarayn dad aan, ciidanba ahayne” 

Ciidanka xoolaha raaciddooda iyo dhaqaalayntooda ah waxaa waayadii hore lagu xasuusan jirey qofka madiidinka ah ama qabbaanka ah ama qawsaarka ah, oo reero uusan u dhalan xoolaha u raaca si uu noloshiisa iyo aayihiisa ugu helo waxyaalaha daruuriga u ah, waxaana ciidanka noocaan ah gabay ku sheegay Cismaan Keenadiid, oo yiri: 

”Kuwo reer ka ciidamin jiraa, caarran waayaha’e” 

Ciidanka shaqada iyo waxqabadka guud ku salaysani aad buu murtida soomaalida ugu soo noqnoqdaa, waxaana midka shubitaanka ceelasha ah gabay ku daray mudane Khaliif shiikh Maxamuud Saciid, oo naftiisa ku yiri: 

”Curyaan laaban oo jiifah baan, ciidan kuu tarine

In uu ceel Walwaaleed shubaa, waa ka caariyo’e” 

Macnahaas guud waxaa jira macne ka uruursan oo ah dad hubaysan oo si maamulan oo siyaasadaysan u wada shaqeeya, waana macne aad u xoog batay muddadii dawladnimada la isku hafray, laakiin macnahaani weligiis waa uu jirey, oo waxaaba laga yaabaa mirkii gabayga ahaa oo Maxamed Cabdulle uu carabta ku xaqiray in uu macnahaan ula jeedey, waxaase si qeexan u badan gabayo soomaaliyeed oo uu ereygu macnahaan danbe yahay, waxaana ka mid ah: 

“Cudud kula dhaqaaqdiyo Allaa, ciidan kuu fidine

Anna caafimaad talo qabtaan, ku callimaayaaye

Culuumtayda maqal waa mid aad, ka cabbi doontaaye” 

Si toos ah baa waxaa mirahaas Khaliif shiikh Maxamuud looga dareemayaa in uu ciidanku yahay mid hubaysan oo habaysan, waxaase ka sii qeexan mirarkaan kale oo uu isla gabyaagaasi ciidanka noocaan ah ku sheegay: 

”Cilmi baan u leeyahay in aan, cidi u aarayne

Maxaan ’ciidamowda’ u hayaa, lagala caalwaaye?” 

”Ciidamin” iyo ”ciidmid” waxaa muuqata in ay kala dhadhan geddisan yihiin, oo dareenka qofka af soomaaliga xoogaa ka yaqaan waxa uu ereyga danbe ku samaysanayaa shucuur ka duwan midda hore. Waxaa ciidamin kara ilma saqiir ah keli ah, laakiin ”ciidmid” waxaa ka muuqda hub iyo olole ay ka qaybqaadanayaan dad waa weyn oo isku ujeeddo ah, iskuna dubbadhacsan. 

In kasta oo uu ereygu labadaas waji leeyahay haddana waxaan tuhusanahay in uu asalkiisu ahaan jirey macnaha shaqada ah oo guud, maxaa yeelay ”ciidanxumo” iyo ereyo kale oo la mid ahi hub iyo siyaasad midna kuma ay saabsana, isla markaas dareenka dadka aan reer magaalka ahayn waxaa ku badan macnaha uu ereygu shaqada yahay. 

Haddaba ereygaas uu malaha asalkiisu ”shaqaale” la mid ahaa waxaa jajuubay oo siyaasadda iyo hubka xaggooda u raray in shaqada ugu lamahuraansan oo xoolodhaqatadu u baahnaayeen ay ahayd rag isku duuban oo wax u soo dhaca ama difaacooda u suga. Sidaas awgeed ereygii shaqada oo dhan khuseeyey baa waxaa loo afduubay shaqo ay dadku aad ugu baahnaayeen oo gaar ah. 

Markii uu ereygii magaalo soo galay ayaa waxaa sii xoogaystey macnihii danbe, oo waxa uuba noqday erey aan shaqo kasta lagu soo xasuusan ee gaar ah. ”Ciidan” iyo ”shaqaale” oo awal isku macne ahaa baa waxa ay yeesheen dhadhammo kala duwan, oo ereygii ”ciidmid” baa waxa uu isku ballaariyey aaggii oo dhan, waxaana ”ciidamin” booskii ka riixdey ”shaqayn”. 

”Shirkad baan ka ciidamiyaa” ama ”warshadda ciidankeeda” haddii ay dadka magaalooyinka joogaa maanta maqlaan waxa ay dareemayaan af aan la caadaysan oo uu dareenkoodu ka didayo, laakiin qofka reer miyiga ahi waxa uu dareemayaa af soomaali fiican oo la fahmi karo. 

In aynu ereyga labadiisa dheeg gabayada kala duwaya iyo sida uu u xuubsiibtey sii dabaalanno uma aynu baahnin, oo sidaas darteed waxa aynu uga sii tallaabaynaa waxyaalaha eegga inaga galay kalmaddaan iyo baahida xagga siyaasadda iyo maamulka loo qabo. 

Labada nuxur oo ereyga markii dawlad midaysan ama qaran la noqday mid kastaa waa uu sii xoogaystey, oo macnihiisa ”shaqaale” ahaa waxaa laye loo helay hay’ado, warshado, mashaariic iyo arrimo aan la soo koobi karin oo laga ciidamiyo. 

Wajiga kale oo ah dad isku dubbaridan oo xagga hubka ama sharciga gaarsiisan heer shacabka ka duwan aad buu u xoogaystey. Waxa ay dadyowga kala duwani meel kasta oo ay joogaan sida badan maanta leeyihiin ciidan badan oo aag ballaaran ku baahsan oo isku ujeeddo ah isku qaab uga hawlgala, kuwaas oo shacabka ka xoog badan. 

Inta ciidanka lagu talaxtegey ayaa waxaa laga dhigay noocyo kala duwan oo uu macaga ”ciidan” ka dhexeeyo, hase yeesho ee habkooda shaqadu uu sida biyaha iyo subagga u kala miiran yahay. Sidaas darteed ayaa ereyga ”ciidamada” la yiraahdaa, oo aan aalaaba la oran ”ciidanka” haddii aan la qeexin nooca uu yahay sida nabadsugid. 

Gumaysigii soomaalida baray in ay xudduudo iyo astaamo qaran yeeshaan waxa uu habaabiyey fakarkii ummadda, oo xagga ciidanka iyo xagga shaqaalaha kale waxa ay ka qaateen qiyaasaad nololeed oo aan fiicnayn. Horta muddadii ay soomaalida gumaysanayeen wax shaqo ah oo aan ciidan ahayn ma ay barin, shacabka soomaaliyeedna midnimo uma ay yeelin, oo ciidankii gumaysigu soomaalida ka samaystay wax loola jeedey soomaalidu tan iyo haddeer ma ay oga! Xataa qofkii ka mid ahaa waxa uu ogaa in uu mushaar iyo nolol shakhsi ahaaneed u galay iyo in uu helay tabobar iyo nadaam uu sida diimaha oo kale iska xambaarsanayey ee uusan hubin ama dareensanayn yoolka lagu gaari dooney in uu dhab yahay. 

Horta ciidan ummadeed muxuu yahay? Inta aan dadka ciidan loo yeelin malaha waa in ay dano u midaysan yihiin, isla markaas ciidanka ay yeelanayaan waa in uu baahidooda ku saabsan yahay ee uusan baahi kale u dhisnayn. Gumaysigii haddii uu rabi lahaa in ay soomaalidu noolaadaan uma uu sameeyeen ciidan badan oo juhalo ah oo aad u hubaysan, ee waxa uu u samayn lahaa shaqaale badan oo xirfado kala duwan leh. 

Waxaa hubaal ah in aysan soomaalidu xilligaas hortiis haysan hub macne leh, waxa ayna ahaayeen dad baahan oo ay ku xeeran yihiin bado, oo xoolo badan dhaqda, isla markaas dhul wax laga beeri karo deggan. Soomaalidu waxa ay u baahnaayeen oo ay niyad iyo xiiso weyn u hayeen in ay lacag iyo magaalo helaan, waxaana u daliil ah sida ay dhallinyaradu ugu qamaameen in ay galaan ciidankii gumaysiga. 

Markii uu gumaysigu yimid waxa ay awoodeen in ay shaqooyin ka abuuraan badda iyo birriga soomaalida, oo ay dadku ku shaqeeyaan lacag iyo dhar, isla markaas ay bartaan warshadaha iyo qalabka ay gumaysigu hayeen, oo xagga dhulka iyo xagga baddaba ay soomaalidu ku khayri lahaayeen. 

Soomaalidii oo aan noloshooda waxba laga doorin baa waxaa laga qoray kumannaan askar ah, oo jimicsi iyo qoryo la barayey, kuwaas oo bulshada ay booliska u ahaayeen aan waxba laga beddelin, laakiin la isku sii diray oo loo badiyey madaxdii qabyaaladda oo ay maanta soomaalidu u yaqaanniin madaxdhaqameed. 

Madaxdii jahliga oo hore ayaa xagga siyaasadda la dhiirrigeliyey oo la badiyey oo weliba dhaqanxumooyin hor leh la baray, xagga ilbaxnimadana waxaa dadkii muraayad looga dhigay dhallinyaro xoolodhaqatada u badnaa oo la baray qoryo iyo gaardiyid. Xaggii hoggaanka waxaa xoogaystey oo la tarmiyey juhalo qabyaaladda wax ku haga, xagga shaqadana waxaa la isku guray ciidan gumaysi oo dalkiisii aan ka keenin wax aan qoryo iyo rasaas ahayn! 

Dad aan madax macquul ah lahayn oo aan wax shaqo ah haysan in ay xoolo raacaan ma ah ee ayaa ciidan loo samaystay! Wax lacag ah oo aan mushaarka askariga iyo odayga jaahilka ah ahayn lama helin, isla markaas wax arradtir ah oo dabogaabyada askarta aan ahayn dalka lama keenin. Xagga cuntada dadkii lama dhaafsiin in ay xoolaha maalaan oo ay qashaan, oo dadka cuntada badda iyo birriga laga kasban karo laguma baraarujin, ee waddankii oo qaawan baa waxaa alifyo iyo xiddigo lagu taxay dhallinyaro aan fahmayn sidii soomaalidu cunto iyo dhar ku filan loogu heli lahaa, oo ay u sii jiri lahaayeen. 

Markii ay gumaysigii soomaalida isku fasaxeen, oo ay dawlad aan soconayn ku hafreen waxaa batay noocyadii ciidamada, oo soomaalida oo ay ku filnaayeen xoogaa boolis ah baa isla markiiba waxaa lagu daray millateri iyo waxyaalo kale oo aan loo baahnayn. Markii noocyada ciidamada soomaalida loo badinayey wax shaqaale ahi ma ay jirin marka laga reebo shaqooyinkii hore oo u badnaa in xoolaha loo kaxeeyo hadba meeshii uu roob ka da’o. 

Millaterigu sida la og yahay waxa uu kor ka difaacaa ummadda, laakiin waa in ay ummaddaasi sida maraykanka haystaan wax loo difaaco, isla markaas waa in ay leeyihiin cadow laga difaaco. Soomaalida waxaa geesaha ka xigey, welina ka xiga Afrikaan aan dhar iyo cunto haysan, ayaguna waxa ay ahaayeen afrikaan aan shaqo, cunto iyo wax ay cawrada ku asturtaan heli karin. Sidaas awgeed millateri loogama baahnayn Soomaaliya, ee waxaa loo baahnaa in xoogaa boolis ah oo loo kala dacwoodo lagu baahiyo dhulka si nabadda loo sugo iyo in laga fakaro sidii dhar, hoyaad iyo cunto loogu heli lahaa soomaalida. Taas oo uu macneheedu ahaa in ay aqoon iyo shaqo isla helaan, oo bal la nafaqeeyo oo loo arradtiro inta aan dagaal la gelin. 

Askartii baa la sii badiyey oo waxaa la gaarey heer aan noocyada askarta la aqoon wax ay ku kala saabsan yihiin. Millateri aan loo baahnayn waa la iskala gudbey oo waxaaba dariiq kasta iyo derbi kasta la taagey “guulwade” gaajaysan oo aan xishoonayn. Intii uu gumaysigu joogey askarigu cunto ayuu heli jirey, laakiin markii ugu danbaysey dawladdii cadowga ahayd wax cunto iyo lacag ah lama arag, oo askari kastaa injir buu lahaa. 

Qofka soomaaliga ahi waxa uu ku seexday baqdin iyo baahi, waxaana la gaarey in cadowga keli ah oo soomaaligu uu noqdo askari soomaali ah oo ay labadooduba gaajaysan yihiin. Dalkii waxa uu noqday meel cadaab ah oo in laga tago ma aha ee aan dawo kale lahayn, waxa uuna baabuurka ciidanku markii uu shacabka baahan u muuqdo ahaa naartii jahannama oo albaabkeeda la furay. 

Kuwo koofiyad gaduudan madaxyada loo geliyey oo ummadda lagu cadaabi jirey baa habeen fiidkii waxa ay xoog qariskaxoornimo ah ku mareen laami aannu agtiisa marayney. Nin aan jidka u dhaweyn baa waxa uu yiri: “War waa aynu sigannay”. Waxa aan moodey in uu fule yahay, waxa aanna ku iri “Inooma ay dhaweyn”, waxa uuna ku jawaabey “Qof dhar ciidan qaba haddii aad aragtid waa aad sigatay, kuwaanina kumaba ay sii jiraan”. Waa runtiis oo haddii ay rasaas oodda nagaga qaadaan macne ma aannu lahayn. 

Dadka soomaalida ah oo inta ay lebbis ama koofiyad ciidan arkeen uu wadnuhu istaagey lama koobi karo. Inta qof naxdin uu koofiyad ciidan muuqaalkeed ka sasay la waalatay Rabbi bay u xisaaban yihiin. Inta dumar uur lahaa qarracmay oo dhiciyey lama soo koobi karo, waxaase ugu darnaa markii uu mid askarta ka mid ahi shardi ka dhigay in dukaan kasta sawirkiisa oo koofiyad qaba oo lebbisan la suro, haddii kale dukaanka la xirayo! 

Haddii uu qofka shacabka ahi askarta ka dhuunto oo uu intii karaankiisa ah meeshii ay uga muuqdaan ka fogaado waxaa naxdin iyo sas ugu filnaa in midkii ugu arxan darnaa sawirkiisa loo suray meeshii uu rubuca sonkorta ah ka gadan lahaa. Waa sawir ka daran naartii Jaxiima, oo uusan araggiisa jeclayn! Waa qof u samaysan in uu jir ahaan, maskax ahaan iyo dareen ahaan kuu cadaabo oo aan la haysan meel looga dacwoodo iyo meel looga dalaabo. 

Markii ugu danbaysey 1990 waxa uu askari kastaa qorigii uu haystey ula dhaqaaqay meeshii wajigiisa ku aaddanayd, shacabkiina waxa uu gurtay qoryo malaayiin ah iyo rasaas balaayiin ah. Ciil iyo gaajo ayuu qof kastaa qabey markii uu qorigu gacantiisa galay, waxaana maskaxdiisa ku jirtey in ay madaxweynaha iyo dabadhilifayadiisu ladnaayeen intii uu asagu baqdinta, ciilka iyo baahida la cabbursanaa. 

Maxaa ka galay?! Qof kastaa qori buu haystaa, oo guriga ugu dhow albaabkiisa ayuu gudaha isu dhigayaa, waxa uuna jarayaa waraaqaha yaal haddii aysan lacag ahayn. Qofkii dhinta qiimihiisa sow kama ay horrayso in qofka diley uu qiimo leeyahay? Weligiis dilaaga naxariis looma gelin, mana uu helin wax hadalkiisa qaddariya. Shaqo iyo xorriyad waxaa ugu horraysey maanta oo uu guri albaabkiis jebiyey, oo uu wax diley, waxna uu fuulay. 

Haddii uu shaqo helay oo uu sidii loo dili jirey si ka daran wax u diley maxaa ka galay wax kale? Waxa aan maalin 1990 Disembar arkay nin jabhadda USC ka tirsanaa oo guri albaabkiis jebiyey, dabadeedna ay asaga iyo kuwo kale oo gaajaysani gurigii ka soo daldaleen alaabo qubaash ahayd. Mid santuukh iyo khaanad uusan malaha wax ku jira aqoon la roorayey bay khaanaddii dhulka kaga dhacday, waxaana alaabtii ka daadatay ka mid ahaa sawir dumar oo bac adag ku jirey. Sawirkii buu ku xanaaqey oo waxa uu damcay in uu jaro, waxaana ku adkaatay bacdii uu sawirku ku jirey, dabadeedna waxa uu sawirkii in uu ku jaro damcay ilkaha. Asaga oo sawirka labada gacnood ku haya oo ilkaha ku rifaya ayaan weydiiyey sababta uu sawirka dhibta badan ilkaha ugu jagaynayey, waxa uuna asaga oo caraysan iigu jawaabey ”Afweyney isku jufo yihiinaan u malayhaa”! 

Ugaar iyo geedo midna maanta Soomaaliya laguma arko, xoolihiina haddii aysan geedo jirin ma ay jiraan. Dhirta iyo noolaha Soomaaliya waxaa ka badan rasaasta iyo qoryaha ku firdhaday Soomaaliya. Badihii oo aysan cidina lahayn oo malaha sumaysan baa dabaylo kulul soo afuufaysa. Dabayluhu geed ay ku hakadaan laguma arko gudaha Soomaaliya, dadkana indhohoodu waa ay wada dhadsan yihiin oo isha gudeheeda meeshii caddayd ma ay cadda ee waa baroon habeed geel la moodo, waana calaamadda ugu weyn oo qofka silicsan lagu yaqaan. 

Buntukh iyo baahi! Ciidamada Somaliland iyo Puntland oo isku duulaya waxaa wajiyadooda ka muuqda rafaad, waxa uuna mid kastaa u qabaa in xaqiisii la dhaafiyey oo la dulmiyey! Asaga iyo midka kale oo qoryaha iskula soo jarmaaday midna guri iyo gasiin ma uu haysto, oo qaaxo iyo waalli bay wada qabaan, mushaarna lama siiyo ee waxaa la siiya casharro been ah oo asaga oo baahan cuqdad iyo ciil ku sii huriya. Sidaas oo ay tahay waa labada ciidan oo ugu nolol roon dadka soomaaliyeed oo qoryaha ku raran. 

Soomaalida gudaha Soomaaliya maanta ku jirtaa waa wada ciidan. Waa ciidan aan hay’ado kala duwan ahayn oo isku wada nooc ah, haddana uu qof kastaa ujeeddo u gaar ah u ciidmo. Qoriga uu sito xabbadaha ka dhaca tiradooda iyo meesha uu u rido go’aankooda asaga ayaa gaar u leh. Asaga ayaa dable iyo jeneraalba ah. 

Hubka casriga ahi waa wax halis ah, oo haddii uusan nadaam helin qofkii uu gacanta u galo ayaa dawlad ah. Sidaas awgeed waxaa gudaha Soomaaliya ka jira malaayiin dawladood oo kala siyaasado iyo kala hadaf ah, oo aan xudduudo kala duwan lahayn. Qofku haddii uu qori uusan cidna uga amarqaadan haysto waa dawlad madaxbannaan, oo waxii ay rabto fulin karta. Dawlad xor ah waxaa hubka ka qaadi karta oo qabsan karta dawlad kale oo ka sii xoog badan. 

Malaayiin iyo malaayiin qori oo aan isku ujeeddo loo sidan, oo aan kala amarqaadan, oo aan kala sarrayn, oo ay dadka kala wataa kala shakisan yihiin, oo ay wada gaajaysan yihiin, oo ay wada jaahil yihiin baa dadkeenna gacnooda maanta ku jira. Wax shaqo fiican haysta waxaa maanta jira Malakulmawd iyo gaajo oo Soomaaliya gudeheeda ku xasilay. 

Waxaa jira doodo waayadaan ku saabsan sidii hubka dalka gudihiisa ku jira la isugu keeni lahaa! Waxaa hubaal ah dadkii loo diro in ay hubkaas mideeyaan in ay dareemi lahaayeen shaqo aan madax iyo majo lahayni in ay hortaal. Xaggee laga bilaabaa shaqada ah in malaayiin iyo malaayiin qori oo cabbaysan oo uu midba meel u jeedo la wajaho, oo isku ujeeddo loo yeelo, oo nadaamo kala duwan oo kala sarreeya loo habeeyo? 

Soomaalida inta jecel in ay waxa Nayroobi lagu asaasay ka hawlgalaan Soomaaliya oo aan shakhsi ama koox gaar ah ximinayni waxa ay aragtiyohooda ku aaddiyaan in hawsha ugu weyn ee maanta soomaalida u taallaa ay tahay in ay dhanka nabadda wax ka qabtaan, taas oo ah in uu hubku yahay xayiraadda ugu weyn oo ku gudban in ay waddanka dawlad iyo nololi ka suurtoobaan.

Horta qofka soomaaliga ah oo samaanta jeceli waxa uu mar kasta ka fogaanayaa in uu qof soomaali ah ama koox soomaali ah xinif uu u qabo ku dabakho danta ummadda soomaaliyeed oo maqan, waxa uuna maskax caafimaad qabta ku eegayaa sidii loo daboqaban lahaa soomaalida dhulka taal oo ay nabad iyo nolol u higsan lahaayeen. 

Soomaali iyo cid kaleba waxaa la isku raacsan yahay in ay Soomaaliya maanta u baahan tahay kaalmo ajnebi, waxaana in arrintaas la isku raaco keenay in ay wax kastaa eber yihiin oo aysan soomaalidu waxba ku tillaabsan karin haddii aan wax lala qaban oo aan la garabjoogsan. 

Xagga dhaqaalaha in Soomaaliya laga caawiyo cidina kama ay muranto, ee waxaa jira hadallo xagga ciidanka in laga kaalmeeyo ka soo horjeeda. Badanaaba dadka doodaha diidmada ah ka muujiyey in dhanka ciidamada la inaga caawiyaa waxa ay ka kooban yihiin dad si kale uga soo horjeeda barlammaanka Nayroobi lagu unkay iyo xukuumadda dhawaan la taagi doono. 

Qofkii yiraahda ”Soomaaliya yaan lacag lagu kaalmayn” waxa uu ka baqayaa in lala yaabo oo uusan asiibin meeshii uu dawladda ka jillaafayn lahaa, hase ahaato ee ciidanka iyo hubka waxaa laga baxin karaa sawirro kala duwan oo qofkii raba in uu dawladda diidaa waxa uu ka samaysan karaa sawir uu intii ka qaadanaysa tuso iyo qalloocyo kuu wax ku marinhabaabiyo. 

Inta aynaan ciidanka xoogaa ka oran ayey oraaho kooban oo xagga dhaqaalaha ku saabsan si fudud u dulmaraynaa. Waxaa cad in dalal iyo ururro badan oo Soomaaliya xagga dhaqaalaha ka gacanqaban karaa ay jiraan, hase ahaato ee waxaa jira dhibaatooyin dhaqaalahaas ku saabsan. 

Midda kowaad dhanka soomaalida waxaa lamahuraan ah in la helo dad diyaarin kara oo gudbin kara qorsheyaal ku saabsan barnaamijyada lagu xallin doono baahida soomaalida iyo hantida dabooli kartaa inta ay noqon karto. Qorsheyaashaasi waa in aysan qalloocan ama aan laga ilduufin oo ay xukuumadda la dhisi doonaa noqoto dad caalamka fahmi kara, isla markaas baahida soomaalida waafajin kara kaalmada ay suurtaggal tahay in ajnebi laga helo. 

Labo dhibaato ayaa dalalka la caawiyo qabsada, waxa ayna kala yihiin in ay la imaan waayaan qorsheyaal ay dalalka iyo ururrada wax caawiya kaga keeni karaan waxyaalihii ay ka heli kari lahaayeen, taas oo sida badan ka timaadda aqoonyari iyo warqab la’aan haysata madaxda waddamada deeqaha qaata. 

Midda labaad waa in kaalmada la helaa aysan gaarin baahidii loogu talogalay oo dhexda looga baxo. Sida badan waxaa kaalmada badankeeda afka u dhigta dadkii baxiyey laftooda oo lacagaha ku qaata shaqooyin been ah iyo turufo ay ugu talogaleen in ay lacagtu ka soo baxdo meelihii ay tiil oo ay dadkoodu qaataan. Taas waxaa dheer in waddannada la caawinayo laftooda ay dadka metelayaa yihiin kuwo aan waddaniyiin ahayn oo ajnebiga la qaraabta, kuwaas oo leexsada deeqaha dadkooda baahan in lagu horumariyo loo dejiyey. 

Labadaas dhibaato ayaa maanta soomaalida ku soo wajahan, oo markii ay barlammaanku madaxweyne doorteen oo uu si duuduuban oo guudmar ah u sheegay in ay Soomaaliya kaalmo dhaqaale u baahan tahay waxaa meelo badan oo caalamka ka mid ah ka bilowday ololeyaal loogu mindiyo lisanayo in la helay meel kaalmo u baahan oo dhaqdhaqaaq lacageed uu bilowday. 

Adduunka maanta turitaan iyo axsaan kama ay jiraan oo waxaa wax kasta shamaago u dhigta dad inaga aqoon horreeya oo aynaan xeeladohooda aqoon, kuwaas oo raba in ay dusheenna mariyaan gacno isdhaafaya oo aynaan wax ku jira aqoon. Haddaba walwalka ina hayaa waa sidii aynu uga badbaadi lahayn in deeq iyo dayn wax soomaalida lagu hafray ay iska qaataan isla dadkii baxiyey iyo soomaali aragti gaaban oo jeebabkooda iyo jirkooda la cayaaraa. 

Dadka soomaalida metelayaa waa in ay ku dadaalaan in soomaalida rafaadsan waxii la siiyaa aysan dib ugu noqon gacnihii dhiibey laftoodii oo magaceenna ku bannaysta in ay khasnadohooda waxyaalo ku jira kala soo baxaan. Waxaa kale oo lamahuraan ah in uu jiro qaynuun soomaalida madaxda ah ka waardiyeeya in ay ummaddooda baahan ka leexdasadaan xoogaa lacag ah oo loo soo diray. 

Wax kasta oo ay soomaalidu dhisteen waxaa wiiqay in aysan dadka xilka hayaa u dhexayn karin soomaalida iyo caalamka kale iyo uusan jirin sharci dadka awoodda leh ka celiya kuwa aan awoodda lahayn. Qofkii awoodda lahaa waxa uu u adeegsadey in uu hantida ummadda ku boobo iyo in uu waxyeelleeyo oo uu handado dadkii baahnaa oo uu xilkooda hayey. 

Casharradaas hore waxa ay u digayaan dadka maanta xil ummadeed u soo istaaga, waxaana in lagu cibroqaato mudan waddadii ay mareen madaxdii iyo masuuliyiintii hore. Qofka masuulka ah, carruurtiisa iyo carruurtoodu magac iyo aayo nololeed kuma ay helayaan in uu qofka madaxda ahi lacag xado oo uu ku tamashleeyo iyo in uu awooda u adeegsado in uu ummaddiisa ku dhibaateeyo. 

Soomaaliya waa gurigeenni, gurigeenna uma ay fiicna in ay tuugta iyo juhaladu ku bataan. Gurigeenna waxaa ku nool carruurteennii iyo xaasaskeennii oo haddii aynu caqinno oo hantidooda si xun u dhacno ay taariikhdu ina caayi doonto. Haddii aynaan si fiican u metelin ayaga ayaa innaga oo mootan ina caayi doona, sidii loo caayey madaxdii hore oo ina dhibaateeyey. 

Xagga ciidanka Soomaaliya in laga kaalmeeyo dadka diiddani waxa ay u kala baxaan dhawr nooc. Kooxda kowaad waa siyaasiyiin raba in aysan dawladda federaalka ahi shaqayn oo xaasidnimo iyo xinif ay shakhsiyaad u qabaan ay kala weyn tahay in Soomaaliya dib loo hagaajiyo. Fakarkooda ugu weyni waxa uu ka duulayaa in haddii xagga ciidanka ay dawladdu guulo ka gaarto ay shaqayn doonto, taasina ay guul u tahay soomaalida inteeda taageersan waxii ka soo natiijoobey labadii sannadood oo ay soomaalida silicsani jeeqaaqayeen Kenya. 

Siyaasiyiinta ay doodohoodu xagga ciidanka ku warwareegayaan iyo dadka ay saameeyaan labadaba waxaa aqoonta ciidanka ku dhaama nimanka madaxda looga dhigay dawladda federaalka. Sidaas awgeed siyaasaddooda xagga ciidanka ahi waxa ay la mid tahay carruur waalidkood baraya sida la isugu galmoodo! 

Hubka Soomaaliya yaal iyo hawlaha ciidan nabaddii soo celiya sidii loo abbaari lahaa in lagala tashado waxaa hubaal ah in ay soomaalida ugu aqoon roon yihiin qof ama labo uu madaxweynaha cusubi ka mid yahay, taas ayaana sabab u ahayd in ay xildhibaannadu codkooda siiyeen Cabdullaahi Yuusuf, waayo dhibta ugu daran oo wax kasta oo la dhiso dumin kartaa waa nabadda iyo hubka ay ku raran yihiin ciidamada aan habaysnayni. 

Waddannada ka walwalsan in ay Soomaaliya ammaankooda cid waxyeellaysaa ugu soo gabbato ayaga oo xasillooni la’aanta ka faa’iidaysanaya laftoodu waxa ay danaynayaan in aad looga fakaro sidii gacan dawladeed loogu soo celin lahaa hubka, waxa ayna jeclaan lahaayeen in ay xilligaan hoggaanka qabtaan dad ciidamada iyo nabadda wax ka qaban karaa. 

Dadka in Soomaaliya xagga ciidamada laga kaalmeeyo diiddan waxaa ka mid ah kooxaha wadaaddada qaarkood, oo ka walaacsan mustaqbalkooda ku aaddan aragtida ay diinta ka haystaan iyo kooxnimadooda. Waxaa la wada ogaa in uu madaxweynaha la dooratay muddo dheer aamminsanaa in ay jiraan dad magacooda ”Itixaad” la yiraahdo oo aan oggolayn in uu awood siyaasadeed oo sare gaaro! Mar kasta oo uu caqabado siyaasadeed jiirayo waxa uu afka ku hayey in ay jillaafooyin u dhigeen ”Itixaad”, oo ka mid ah kooxaha ugu waaweyn dhaqdhaqaaqyada aragtiyaha kala duwan diinta ka kala qaba. 

Labo arrimood baa ugu wacnaa in uu Cabdullaahi ururka colaaddiisa la jahro, waxa ayna kala yihiin in ay run tahay colaadda iyo ciilka ay isu qabaan Itixaad iyo kooxaha Cabdullaahi taageera oo ay xataa dhaceen dagaallo xabbad la isku abuufay iyo in uu Cabdullaahi og yahay in ururka ay cadowga isku yihiin iyo kuwa la nooca ah aan laga jeclayn dawladaha maanta jira xaggooda, oo uu garawsho ku helayo haddii uu Itixaad colaadiyo. 

Dad badan baa markii ay maqleen Cabdullaahi oo Itixaad sida shaydaankii isaga naaraya waxa ay moodeen uu diinta islaamka neceb yahay maaddaama ururka Itixaad ragga ka tirsani ay wadaaddo u badan yihiin, isla markaas ay soomaali badani wadaaddada iyo diinta isku mid u qabaan. 

Xassan Daahir Uweys oo mar ay Itixaad iyo kooxaha Cabdullaahi taageeraa haraati isla dhaceen ahaa kuxigeenka guddoomiyaha ururka iyo xoghayaha gaashaandhigga ayaa waxa uu markii Cabdullaahi la doortay oo uu sheegay in ay Soomaaliya u baahan tahay in xagga ciidamada laga saacido waxa uu iclaamiyey jihaad cusub oo mar labaad wajiga la isugu diiro ciidamo Itixaad ah iyo ciidan uu Cabdullaahi matoor u yahay. 

Waxaa bogagga internetka qaarkood lagu soo sawiray Xassan Daahir oo gacanta bidix kitaab ku haya, midda midigna mindi afaysan, oo cimaamad gaduudan ku asturan, oo malaha mindida ugu hanjabayey dawladda federaalka oo uu madaxweynaha u yahay Cabdullaahi Yuusuf, oo laftiisu dhawaan sheegay in ay Soomaaliya joogaan ururro uusan qarsan karin xumaanta ay la maaggan yihiin xukuumaddiisa, in kasta oo uu ka afgobaadsadey in uu carrabka ku dhufto urur gooni ah maaddaama markaas loo dhaariyey in uu yahay madaxweyne qaran, oo soomaalida u dhex ah. 

Dhammaan dadka ka soo horjeeda in Soomaaliya laga caawiyo xagga ciidamada waxaa ka muuqata in aysan sheegi karin aragti lagu diidi karo in ay dad ajnebi ahi dawladda cusub ka caawiyaan ciidamada. Hadalka ugu culus oo lagu diido cawinaadda ciidamada waa in ay ciidamo shisheeye mar Soomaaliya soo galeen, dabadeedna ay ka noqdeen iyo laga yaabo in ay dalka soo galaan shisheeye qaba curro. 

Midda hore ciidamadii waddanka Soomaaliya tobaneeye sannadood ka hor gaaray oo ka laabtay ma ay ahayn ciidamo dawlad soomaaliyeed ay dalbatay, ee waxa ay ahaayeen kuwo aan isku meel ka amarqaadan oo si habqan ah dalka u galay, isla markaas aan tan iyo haddeer hadafkoodii ka sheegi karin. Ma ay jirin markaas ciidammo soomaaliyeed oo ay tabobarayeen iyo qaab ay nabadda Soomaaliya u soo celinayeen oo ku salaysnaa in ay dawlad soomaaliyeed ka xasisho waddanka. 

In lagu doodo in ciidanka wax tabobaraya oo nabadda ka caawinaya soomaalida laga yaabo in ay ku jiraan kuwo jirrani waa aragti aan weyneyn. Maanta ajnabiga jirran oo Soomaaliya baasaboor la’aanta ku galaa waa imisa qof bishiiba? Bad iyo birri dalka waxaa laga shaki qabaa in sun lagu aaso, waxaana markii ay rabaan iska gala tirooyin ajnebi ah oo aysan cidina baarin jirrooyinka ay qabaan. 

Xagga ciidamada markii ay soomaalidu dalbanayaan waxaa fiican in laga fakaro ciidamo badaha iyo hawada Soomaaliya ilaaliya. Cabdullaahi Yuusuf waxa uu ka sharqamiyey 20 kun oo tabobarrada iyo hubdhigista soomaalida ka caawiya, laakiin waxaa xukuumadda cusub oo dhismi doonta la gudboon in aysan hadda ka dib Soomaaliya noqon meel badaheeda iyo hawadeeda ay ciddii rabtaa iska aaddo, oo aysan cidina lahayn. Xudduudaha iyo badaha haddii aan xal degdeg ah loo gelin waxba ma ay tarayso in hubka gudaha yaal lagu mashquulaa. 

Waxa ugu lamahuraansan oo dawladda horyaallaa waa in ay kalsoonida soomaalida wanaajiyaan oo ay dadku dareemaan in ay dawladdu u dhisan tahay in ay danahooda iyo aayahooda hagaajiso. Kooxaha soomaalida ah oo ka kooban ururro wadaaddood iyo qabiilooyin dhammaantood waa in loo muujiyo in ay dawladdu tahay dawlad soomaaliyeed oo u taagan waxqabad, ee aysan ahayn cadow ayaga jiritaankooda lid ku ah. 

Haddii ay dhacdo in ay kooxaha qaarkood wax soomaalinimada iyo nabadda dalka ka weecsan isla soo taagaan waxaa habboon in sidii la fursan waayo arrimohooda lagu dhammeeyo, waxaaxe shacabka iyo dawladdaba u fiican in si wadajir ah looga wada shaqeeyo soocelinta nabadda iyo raadinta midnimo soomaaliyeed. 

Kooxaha hubaysan badankoodii waxa ay ka mid noqdeen ama ay ka mid noqon doonaan barlammaanka iyo xukuumadda, taas oo sabab u ah in ay dad aan awal rajo qabi jirini dareemeen in uu mustaqbalku fiican yahay oo ay taageereen shirkii Nayroobi iyo natiijadii ka soo baxday. Haddaba in ay kooxahaas qalabaysani hubkooda kaga qaybgalaan asaaska hawlgallada nabadda Soomaaliya waxa ay fududaynaysaa in hubka dalka yaal intiisa kale lagu raadin karo si sahlan, ayada oo aysan ciidamo qalaad meesha ka marnayn. 

Kolley haddii lagu talogalo in malaayiin qori la uruuriyo waxaa dhacaysa in loo marayo tub iyo hawlo aan fududayn oo waxaaba laga yaabaa in ay dad ku dhintaan uruurinta hubka, hase ahaato ee kooxaha waaweyn oo qabiil ahaanta u hubaysan waxaa lamahuraan ah in ay si niyadsami ah u qarameeyaan hubka iyo ciidanka ay hayaan, dabadeedna shacabka kale loo qabto muddo ay hubka ugu soo gudbiyaan dawladda, haddii kale qofkii muddadaas la qabtay ka dib qori lagu arko meesha uu markaas marayo lagu toogto, waayo waxaa hore loo yiri ”Ninkii soo joog laga waayo soo jiifso ayaa laga helaa”. 

Waxaa iska jira doodo aan macne weyn lahayn oo ku laalaabta arrimaha caasimadda. Haddaba caasimad in laga doodo waxaa ka kahyr badan in laga doodo sidii kala danbaynta guud ee dalka loo soo celin lahaa iyo sidii ay u cagodhigan lahayd dawlad u adeegta soomaalida meel kasta ku rafaadsan oo ay karaamadoodii luntay. 

Meeshii awal caasimadda ahayd eegga waxa ay noqotay meesha ugu nabadgelyo liidata guud ahaan geyiga ay soomaalidu degaan, taasina waxa ay keentay in ay dad badani caasimad kumeelgaar ah in dawladda laga dejiyo ku baaqaan, waxa uuna afku u badan yahay magaalada dekadda leh ee Kismaanyo in ay xarun kumeelgaar ah u noqoto dawladda dhexe ee federaalka ah. Waxaa kale oo laga sharqamiyaa magaalada Baydhabo in ay noqoto xarunkumeelgaar ah. 

Kolley dalku dhammaantiis waa dal soomaaliyeed oo dawladda iyo shacabku meel ay meesha kale ka jecel yihiin ma ay jirto, waxaase hubaal ah in aan Muqdisho maanta dawlad la geyn karin, maxaa yeelay waxaa jooga ciidamo badan oo aan isku ujeeddo ahayn, waana xaaraan in dawlad xarun looga dhigo magaalo ay joogaan ciidamo kala ujeeddo ahi. 

Waxaa magaalada Muqdisho jooga labaataneeye ciidan oo in la mideeyaa ay xilli dheer qaadanayso, waxaana ciidamada ragga dawladda soo dhisay oo Nayroobi wax ku soo unkay ka amarqaata ka badan kuwa hoosyimaada kooxaha wadaaddada oo ay qaarkood ku baaqeen in ay jihaad holcaya kala hortegayaan dawladda federaalka ah iyo dalalka caawin doona. 

Barlammaan iyo dawlad waxaa la geyn karaa meel xasilloon oo aysan ka dhaweyn ciidan iyo hub aan dawladdaas hoostegini, taas oo caddaynaysa in haddii Muqdisho ay xukuumadda iyo barlammaanku fariisanayaan ay lamahuraan tahay in marka hore qoryaha magaalada yaal oo dhammi ay noqdaan hub dawladeed, oo ay ururrada wadaaddada koofurtu iska soo dhiibaan madaafiicda iyo qoryaha ay hayaan, oo xad-dhaafka ah. 

Waxaa la hadalhayaa in uu ra’iisulwasaaraha dawladda soo dhisi doonaa noqon doono qof ka soo jeeda degaanka Banaaddir beesha degta, isla markaas uu duqa magaalada Muqdhiso isla beesha Muuse Suudi noqon doono, taas oo laga yaabo in ay labada sannadood oo soo socda gudohooda Muqdisho qoryaha yaal badankoodu galaan gacanta dawladda, waayo Muuse Suudi iyo Maxamed-Dheere laftooda waxaa lagu wadaa in ay noqdaan labo wasiir si ay degaankooda iyo guud ahaan Soomaaliya ugu raadiyaan nabad ay ummaddooda ammaan iyo duco kaga helaan, oo sharaf iyo mustaqbalka u noqota naftooda iyo shacabkooda rafaadsan, oo ay doorashada middaan ku xigta shan sannadood ka dib u noqdaan rag wanaaggii ay sameeyeen dartiis loo dooran karo madaxda ugu sarraysa qaranka Soomaaliya. 

Shaafici Xassan Maxamed

Gothenburg Sweden

E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004


Habnololeedka Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor [Silsiladda Taariikhda Islaamka]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
 

 



HTML CD