SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

 Mowqifka Jubland Foundation ee keenista ciidamado shisheeye Soomaaliya

Diyaariye: Abdisalan Malla Chairman & Founder  of Jubaland Foundation

 Warqad Furan oo ku socota

      Madaxweynaha Dowladda kumeelgaarka Federaalka Mudane Abdullahi Yusuf

      Xubnaha Baarlamaanka kumeelgaarka ee Federaalka Soomaaliya

      Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo guud ahaan muwaadhinka  Soomaaliyeed 

Talo Jeedin Tirsigeedu yahay: 02-102704 - Habka Badbaadinta Soomaalida 

 

Mooqifka aan ka qabno arinta kor ku xusan waa sida soo socota:

      In Dawladda cusub aysan ku degdegin adeegsiga ciidan shisheeye sababaha soo socda awigeed:

1)      Waxaa loo arki karaa kalsooni darro ka dhaxeeysa Madaxda hogaanka dalka iyo dadweynaha ay rabaan in ay xukumaan iyo weliba kalsooni darro xag jirta oo ka dhaxeysa madaxda la doortey dhexdooda haddey ahaan laheyd kuwa hoggaanka xukuumadda, ama madaxda baarlamaanka iyo dhamman xubnaha la doortay.

2)      Soomaalida oo aan jecleyn in ay ku amartaagleeyaan dushooda ciidan aan iyaga u dhalan oo ay u araki karaan dhaqan ahaan sharaf jab hor leh oo ku yimid diintooda, dhaqankooda iyo dalkoodaba.

3)      Ciidanka shisheeye oo noqon kara amaba u badnaan kara haddii ay ka yimaadaan Africada madow kuwo aan dadkeenna la diin iyo dhaqan midna aheyn tasoo dhalin karta iska horimaad iyo isafgaran waa badan oo dhexmara ciidanka shisheeye iyo dadka soomaliyeed

4)      Ciidamada shisheeye oo ay suuragal tahay in ay la yimaadaan dalka cudurro halis ah iyo dhaqan qaloocan oo ku faafa dalka gudihiisa oo ay nagu dhacdo sidii horey loo yiri: waxay na badeen baa ka daran waxay na bareen.

5)      Sharciga diinta Islaamka oo aan oggoleyn in la kaashado cadow ama ciidan shisheeye xag diin iyo mid dhaqanba oo loo kaashado umuuraha umadda Islaamka ee xassaasiga ah sida nabadgelyada haddii ay suuragal tahay in la heli karo xal waafaqsan shareecada sida ciidan Islaam dalkuu doonaba haga yimaadee oo xaliya mushkiladda haddii umadda soomaliyeed ay nafahaanteeda u xalinweyso mushkiladdeeda waayo shareecadda Islaamka waxay u argtaa muslimiinta caalamka oo idil hal ummad oo kaliya oo walaala ah.

      Wxaan talo ku soo jeedineynaa in dawladda cusub ay qaado ama adeegsato talaabooyinka soo socda:

6)      In dawladda cusub ay weydiisato beesha hawiye (Siyaasiyiintooda, xubnahooda baarlammanka iyo duqooyda hogaamisa) in ay la yimaadaan barnaamij cad oo ah damaanad iyo ballan qaad nabadgelyo oo ay u fidiyaan hoggaanka cusub ee umaadda soomaliyeed taasoo beesha hawiye u noqon doonta sharaf weyn oo baal dahab ah ka gasha taariikhda badbaadinta ummadda haddii ay hirgasho fikraddaas madaama ay caasimadda ay ku taal degaankooda, nabadgelyo xumina ay ka jirto halkaasi.

7)      Ma daama dawladda ku meelgaarka ah lagu unkay hab qabiil (4.5), waxay na la tahay in aasaaska hore ee ciidank booliska ama kan xoogga dalka lagu dhiso hab qabiil sida soo socota: In dawladda ay weydiisato iyadoo u mareysa baarlamaanka federaalka ah in shanta beelood ee loo qeybiyey soomaalida ay beel walba keento tiro rag oo u qalma ciidanka oo lagu saleeyey qaabka qeybsiga xubnaha baarlammanka ee afarta iyo barka ah. Matalan haddii ay dawladda rabto 22,500 oo ciidan ah waxay ka dalbeysaa afarta beelood oo waaweyn min 5000 oo qof, beesha iskujirkuna 2500 oo qof. Haddaba dawladda cusub xalka laga rabo waxaa weeye in ay kaalmo xalaal ah oo miisaaniyadda ciidankaa cusub ay weydiisato mujtamaca caalamka inta dawladda cagaheydu ay ku istaagi doonto. Sidaan ognahay siyaasiyiinta ku jira dawladda cusub waxay ku gorgortamayeen muddo labo sano ah in ay dhul, dad, iyo hubba heystaan si ay u noqdaan madaxda dalka. Hageybey ka baxdey arrintaasu? Maanta madaxnimadi ay rabeen, haddii ay run aheyd sheygashadaasu, wey heleen ee nabaddi dalka ha keenan maadaama kulligood ay wada heshiiyeen Allah idinkii. Sidoo kale Madaxwene Mudane Abdullahi waxaa la gudboon in uu ku dhawwaaqo wasiirka koowaad si dhakhso ah si xubnaha wasiirada cusub ee dawladda loo soo dhiso tasoo wasiirka gaashaandhigga ama taliyaha cusub ee booliska dalka ay xilka ciidamaasi ula wareegaan ayna u noqdaan ciidan qaran oo federal ah oo hawshiisa guta mana noqonayaan mid qabiil u adeega ama lagu shirqoolo dawladda cusub.

8)      Habka aan kor ku xusnay haddii aysan suuragal aheyn, ciidan shisheeyana laga maarmi waayo, si dawladda u hergasho, nabaddana u soo noqoto, waxaan ku talineynaa in madaxweyne Abdullaahi uu weydiisto ururka dawladaha Muslinka ah ama kan dawladaha arabta (arab leage) in ay ku deeqaan ciidan iyo maalba wixii suuragal ah, mujtamaca kale ee addunkana oo uu ka mid yahay uruka Afrikaanka in ay la yimaadaan deeq maaliyadeed ama mid farsamo.

 

Wa bi-Allahi Towfiiq 

 

Waxaa diyaariyey warqaddan Furan:

Jubaland Foundation: Somali Philanthropic & development Organization

Ururka daryeelka iyo horumarinta soomalyeed: Jubaland Foundation

Founder and Chairman: Abdisalan Malla

awmadow@yahoo.com   

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 3, 2004


Habnololeedka Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor [Silsiladda Taariikhda Islaamka]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
 

 



HTML CD