SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  FAALLO/MAQAALLO

DAWLADDA INGIRIISKA OO CADDAYSAY INAANAY AQOONSAN DOONIN HOGAANKA SOOMAALIYA

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, Pakistan.
<diridhaba2001@hotmail.com>

London West Minister: Wasaaradda arrimaha dibadda iyo guriga Ra'isal Wasaaraha Downing Street ayaa labaduba ka gaabsaday inay wax hadal ah xitaa qoraal ah ka sheegaan hogaanka la sheegay in Soomaaliya loo doortay, Balse xallay wakhti danbe ayaa Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ingiriisku xaqiijisay in aanay aqoonsan doonin dawladd la sheegay in Soomaaliya dibadeeda lagu dhisay ilaa inta dawladda Britain ay arkayso dawladaasi oo Muqdisho ka arrimisa, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda ingiriisku Ken Degley wuxuu xaqiijiyey inaan dalkiisu wax taageero diblomasiyadeed, mid dhaqaale iyo mid taakulo siin doonin ilaa uu arkaayo dawlad dadkeeda iyo dalkeeda u arrimisa.

afhayeenku wuxuu kale oo xaqiijiyey in dawladiisu ay sidii ula shaqayn doonto Somaliland, arrimaha Somaliland iyo Soomaaliyana ay u kala saaranyahiin, afhayeenku wuxuu warsaxafeedkaasi ku soo gaba-gabeeyey in doorashadii Baarlamaanka ee March 2005 lagu qabanayo Somaliland uu dalkiisu xagga dhaqaalaha uu gacan weyn ka gaysan doonan, dhawaana loo diri doono Hargeysa wafdi ka socda wasaaradda arrimaha dibadda iyo wasaaradda xidhiidhka iyo taageerada caalamiga ah iyo weliba baarlamaanka britain.

Ken Degly
Afhayeenka wasaaradda Arrimaha dibadda ee ingiriiska qaybta africa iyo common Wealth-ka.

Waxaa soo turjumay warbixintani oo hadal ahayd Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Karachi, Pakistan.
<diridhaba2001@hotmail.com>


Magaalada Burco Iyo Sida looga soo dhaweeyey Doorashada C/Laahi Yuusuf...

Axmed Maxamed Sugaal
Freelance Journalist
Burco, Togdheer.
<calanside@yahoo.com>


Tan iyo habeen hore waxa magaalada Burco oo ah magaalo ay ku nool yihiin in kabadan 400,000 oo qof ka dhacayey dabbaal-degyo googoos ah oo lagu taageerayo doorashada Col. C/laahi Yuusuf Axmed oo loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.

soo dhoweyntan reer Burco ee Col. C/Laahi Yuusuf ayaad dareemeysay in laga kala lahaa ujeeddooyin kala duwan.


Cheif Caaqil Axmed Adan Cabdi oo ka tirsan cuqaasha waaweyn ee beelaha Habar Jeclo ayaa ii sheegay in Burco ahaan jirtay xiligii Soomaaliya dowladda keli ah ahayd magaalada ugu dhaqaalaha badan uguna ganacsi fiican Soomaaliya oo dhan, haddana ay tahay magaalo aan lahayn xarakaad baayac-mushtar, "Naga daa adeer dhowr iyo toban sano ayaannu jeel ku jirnaye, mar uun ha soo noqoto noloshii iyo dowladnimadiiye".

Dhinaca kale Inj. Maxamed Cali Xirsi ayaa isna ii sheegay in dadka reer Burco u baahan yihiin dowlad dhab ah oo leh haykalkii iyo haybaddii dowladnimo, waayo buu yidhi "14kii sano ee la soo dhaafay waxa aannu ku noolayn dowlad been ah oo aan jrin, geed la jaro moojaane geed dambe Burco lagama beerin 14 kaas sanadood, waddo, iskuul, wershed iyo waxtar kalena daaba"

Dhinaca ciidamada sarkaal dhalinyaro ah oo ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland kana mid ahaan jirey Mujaahidiintii SNM ayaa isna ii sheegay in uu si weyn u taageersan yahay madaxweynaha cusub ee loo doortay Soomaaliya, "Madaxweynaha cusub waxa naga dhexeeya taariikh halgan oo la yaqaan, waad ka war qabtaa in SNM iyo SDDF isku naf iyo ruux ahaan jireen, markaa ma Sarkaal sare oo halgamaa ah ayaan dhaafsan karaa daahir Riyaale oo ahaan jirey, sarkaal hoose oo NSS ah, oo reer ahaanna aan i kala xigin" 
 
Guud ahaan marka aad eegto magaalada Burco waxa aad arkaysaa in taageerada C/laahi Yuusuf ay tahay mid aan qarsoonayn, gaar ahaan xaafadaha iyo suuqyada bariga magaalada oo ay degaan Beelaha Habar-jeclo oo xidhiidh soo jireen ah la leh Beelaha Harti oo uu ka soo jeedo Col. C/Laahi Yuusuf oo dhowaan loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.

Axmed Maxamed Sugaal
Freelance Journalist
Burco, Togdheer.
<calanside@yahoo.com>

 


"Dawladda Marykanka oo xaqiijisay inaanay aqoonsan doonin dawlad aan  fadhigeedu ahayn Muqdisho oo sheegata Soomaaliya inay xukunto, waxaa kale oo ay ka digtay in la farageliyo Meelaha Nabaddu ka jirto==Somaliland,"

http://www.state.gov/r/pa/prs/ps/2004/37037.htm
Washington: War Saxaafadeed shallay gelinkii danbe laga soo saaray Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa si taxadar ku jiro waxay usoo dhawaysay Madaxtinimada Cabdilaahi Yuusuf Axmed ee dalka Soomaliya, waxaanay ugu baaqday in ay Soomaalidu dantooda gartaan lana shaqeeyaan hogaanka loo doortay, Warsaxafeedku wuxuu tilmaamay in keliya ay dawladda Maraykanku aqoonsan doonto Dawlad Soomaaliyeed oo toos ah uga shaqaysa magaalo Madaxda Muqdisho inta ka sokaysana ay si diblomaasiyadeed uun usoo dhawayn doonto.

Dhinaca kale war saxafeedka ayaa digniin culus wuxuu ka bixiyey inaan la fara-gelin karin Jamhuuriyadda Somaliland, go'aanka shacabka Somaliland-na la ixtiraamo, Warsaxafeedka waxaa lagu sheegay in Dawladda Maraykanku ay qadarin badan u hayso dhulka Nabaddu ka jirto ee Somaliland haddii la fara-geliyana ay cawaaqib xumu ku noqon doonto cidkasta, Warsaxafadeedku wuxuu tixraac ku sameeyey ka warqabka xurgufta u dhexaysa Somaliland iyo Ninka la sheegay in hogaanka Soomaaliya loo doortay ee ay ku muran sanyahiin xuduudka labada Dal ee Somaliland iyo Soomaaliya (Sool beri), waxaa afhayeenka warsaxafeedkani ku saxeexna Richard Boucher uu uga digay markale in tixgelin la siiyo hadafka Somaliland.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda maraykanka
Richard Boucher

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


Mobile: 00-92-300-2600907
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com

Hadii aad doonayso qoraalkani ka akhriso bogga State Department-ka maraykanka ama guji links-ka hoos ku yaalla:

http://www.state.gov/r/pa/prs/ps/2004/37037.htm


Somaliland: Runtii itoobiya ayaa hagardaaminaysa

ahmed habane <habane54@yahoo.co.uk>

Salaan qiimaheeda aan la koobi karin ka dib.
                                                  
Waxaan doonayaa inaan daaha ka rogo runta lagama maarmaanka ah ee dad badani ka meermeerayaan inay abaaraan.Taasoo ah reer Somaliland inay ka leexleexanayaan xukuumadda Itoobiya dibindaabyada iyo lugooyada ay nagu hayso,waxaana halkan idiinku soo gudbin dhacdooyin qoyan oo wali raadkeedii ina hayo.

1-  Somaliland cadowgeeda koowaad sida aynu ognahay waa Cabdullaahi Yuusuf iyo maamulkiisii Majeerteenya,oo waxa adduunka lagu colooba waxaa ugu wayn deegaankaaga oo lagu soo xadgudbo,been haddaanu isu sheegaynna beriga Sanaag,Sool iyo buuhoodle gacanta Majeerteenya ayay ku jirtaa,oo waad la socotaan in xitaa buuhoodle damaashaadkii loo dhigayay Cabdullaahi Yuusf  laga siidaayay idaacadaha Caalamka, Laas qoray oo aan ka
fogayn Cerigaabo maamulka Majeerteenya waa kuwii keenay oo ku casumay Fanaankii waynaa ee reer England,Magaciisii ma karee,Hargaysane Yimmid,badhan, hadaaftimo,Taleex,xuddun iyo ilaa xuduudda garowe u muuqata Maleeshiyada majeerteen ayaa joogta oo gacanteenna kuma jirto.Haddaba waad ogtihiin Cabdullaahi markii la jabiyay oo uu u cararay qaybta reer tolkiisa ka dego Galkacyo,rag dhulkeenna inoo aqoonsanna ka itaal roonaadeen sida Mohamed Xaaji Aden,qolodii u horaysay oo soo taakulaysa hub iyo dhaqaalo siisa waad ogtihiinoo waa Xukuumadda Itoobiya,isla markaana uu ciidan ka urursanayay deegaanada kilinka shanaad oo raali looga ahaa.

2- Shirka imbigaathi oo 2 sano lagu soo waday Kenya inay itoobiya wadatay oo sallaan dheer usoo martay inuu Cabdillaahi noqdo madexweynaha Meeshaas cidina kama qarsoona.Wiilka safiirka looga dhigay ee itoobiya gaysay Shirka Kenya Cabdicasiis Gurgurre,waa ninka hogaanka uhayay oo la yidhi Abti baad utahay Cabdilaahiye nin kale yuu ku fariisan kursiga yacne Cabdillaahi hooyadiis baa Dira.

3-Muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa Deegaanada ay ka taliso Xukuumadda itoobiya hantidoodii lagu dhacay oo ilaa iyo immika ayna wax ka qaban,maantana dad badan oo maalkoodii dhaceen shuftada ONLF,ayaa faro madhan,iyadoo muwaadiniinta itoobiya ay si nabad gelyo ah u maraan dalkeenna.

4- xukuumadda itoobiya waxay xidhay oo cuna qabatayn dadban saartay ganacsigii isaga gooshi jiray labada dal,ayadoo maamulka majeerteenya xudduudooda aan la taaban oo isu furan yihiin.

5-Xukuumadda itoobiya wax loogu mahadiyo Ictiraaf baa ugu horeeya,namana siin oo 13 sano ayaanu ka dalbanaynay.

6-Itoobiya Xaruntii Au baa ku taal,mar walba dad cadowga somaliland ah baa ku fariisanayay kursigii naga dhexeeyay ,oo wali laguma hayo kusoo heshiiya idinka iyo Somaliland.

7- qawda maqashii waxna ha uqaban mooyaane,ilaa iyo immika bal wax naruura oo Xukuumadda Meles Senaawe na tartay ma hayo,qaad na hallaaga uunbaa nooga yimaada.

Haddaba kuwa dhaleecaynaya Jabuuti oo leh waa cadowgeenii koowaad,waar jabuuti xitaa cadow dhul innagu haysta ma taakulayso oo hub iyo dhaqaalo ma siiso,xudduudeenii ayaana calankii ka taagan yahay,Madexweyne Riyaalena guusheeda ayuu leeyahay maadaama Gobalkii uu ka soo jeeday calankii ka babanayo,oo xudduudeenii inuu xidhantahay kuwa ka soo jeeda beriga Somaliland sida xisbiga Kulmiye ee maalin walba cambaarenaya Madexweyne Riyaale waxaan leeyahay somaliland  beelo isku tagay weeyaan ee hadduu tiisii ka soo baxay ragga ka soo jeeda beriga Somalilandow xudduudi Garowe u muuqatay meeday,In la garab galo oo loo hambalyeeyo ayuu mutaysanyahay madexwene Riyaale,laakiin Dawlad aan kuu soo jeedin oo cadowgeenna taakulaysa waa itoobiya ee yaynu nafta been u sheegin oo itoobiya ka xigsan jabuuti.

Sida uu ku xusay xusuus qorkiisa M.Siciid Gees,makii uu ka hadlayay shakhsiyadda Ismaaciil Cumar Geelle,waxuu yidhi waa nin Taariikhda aad u yaqaan oo garaadkiisu sareeyo,marka Geele waa nin og ciday wax isu yihiin oo Dirnimadu ku dheertahay,ina adeerkii Riyaalana aan Cadow usoo qarinayn,balse Tigre danayste ah oo aan ku naxayn yaan laga dhigan nasteex inoo roon.

ahmed habane <habane54@yahoo.co.uk>


HAMBALYO MADAXWEYNAHA CUSUB

Sacdiya Sheikh Mohamed <sacdiyoislan@hotmail.com>

Anigoo Sacdiyo Sheekh Maxamed oo ku nool magaalada Bruxelles ee dalka Belgium waxaan u tahniyadeynayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed doorashada cusub ee loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed. Waxaan Ilaahay uga baryayaa Madaxweynaha cusub inuu noqdo kii waddanka ku soo dabaala nabadgelyo iyo xasilooni, kuna maamula diinta iyo caddaaladdaba, isagana waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu la garab galo xilka culus ee loo doortay. Si weyn ayaan ugu faraxnay doorashada Madaxweynaha cusub markaan maqalnay, waxaana u aragnaa arrin rajo gelinaysa Soomaalida ku nool waddanka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayasha ku saxiixan...

 

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
kaah



HTML CD