|
c/fatax jaamac
somalitalkpl@yahoo.com
Maalintii Dabaal Degga Degaanka Adduunka oo
Looga Dabaal Degay Boosaaso Si Murugo leh
Waxaa Tariikhdu markay ahayd June 05 2004
looga Dabaal dagay maalinta Degaanka Aduunka oo ku aadan Maalintaa, waxaana
lagu qabtay Xarunta WAWA ee Haweenka Boosaaso Xaflad ay soo agaasimeen
Shabakada Maareynta Khayraadka Soomaaliyeed oo Xafiiskoodu yahay Magaalada
Bosaaso; lakiin Xarumo ku leh Magaalooyin kale oo Soomaaliyaa.
Xafladaa
ayaa ugu horeentii waxaa ka hadley Gudoomiye ku xigeenka Degmada Boosaaso
Axmed Qaxiye oo ku dheeraaday in inta Badan ay Xafiisyada NGO-yada ah kana
furan magaalooyinka ay sheegaan in ay ku soo Qortaan Calaamad waxa ay ka
shaqeeyaan lakiin aan la arag waxa ay ka shaqeeyaan taasna ay kalifayso
burbur hor leh oo ku yimaada dhinacyada kuwa ka shaqeeya arimaha Bulshada
lakiin loo bahan yahay in loo shaqeeyo Dadka iyo Dalka hadda aan la hayn
Wadadeedii.
Waxaa
isgana ka hadlay Xubin ka mida Shabakada soo Qaban Qaabisay Xafladaa oo
Warbixin ka dhiibay wax qabadkooda Degaanka Guud ahaan soomaaliya oo Tusaale
ahaan uu u soo Qaatay Daaqsin ay ka sameeyeen Degaanka Degmada Qardho oo ay
hada Lo,da ku nool degaankaa ay quudato.
W axaa
isagana ka hadlay xubin kale oo ka mida shabkada oo isagu ka warbixiyay Bada
kana sheegay arimo Argagax leh oo ay ku hayaan
Maraakiibta bada marta iyo kuwa Jariifa, kuwaas oo Qashinka ku daadiya
Badaha Soomaaliya kana kaluumaysta si Sharci darro ah ayna hubaysan yihiin.
[Eeg halkan...]
Waxaa iyadana ka hadashay gabar ka mida
Shabkadaa Gabadha oo loo yaqaan in ay udoodo Degaanka waa Fadumo Jaamac
Jabriil oo ah Gabadhii ku Qaadatay Bilada looyaqaan (Goldmen Environmental
Press) u doodida sidii loo joojin lahaa Dhuxusha loo dhoofiyo Carabaha
taasoo keentay Nabaadguur xoogleh Sanadkii 2002.
Faadumo
oo warbixin dheer ka dhiibtay halkaa ayaa ka hadashay sida ay ula
dagaalameen Joojinta Xaalufinta Dagaanka oo xataa ay tababaro u sameeyeen
Dadka ku nool Degaanka oo ah Dadka Reer Baadiyaha ah taasna ay keenta in
sidii hore uu ka yaraado Xaalufinta, Faadumo ayaa tusaale u soo Qaadatay in
Adduunka hada lagu Tartamayo abuurka uuna Noqday waxa kaliya ee hadda laga
Dhigto Dhaqaale soosaar lakiin Dadka Soomaaliyeed ay ku jiraan Dagaan
tirtirid.
Fadumo
oo sii wadata hadalkeeda oo aad ay u Damqaysay Dadka ka soo qayb galay
Xaflada Arimaha ay ka sheegayso Degaanka iyo sida mudo gaaban loogu
Xaalufiyay ayaa ka hadashay in ay Dadka ilaaliya Degaanka oo ah dadka Degan
Dhulka ay haboon tahay in ay ka helaan Taageero, Aqoon iyo Dhinacyo kaleba,
Dadka Dibadaha aaday ee Aqoonta soo bartay soona arkay Degaanka iyo
Qiimihiisa inay uga faa,iideeyaan aqoontooda Dadka walaalahooda ayna ku
taageeraan Dhinac walba oo ay awoodi karaan.
Xubno
ka mida Shabakadaa oo aan wax ka waydiyay tageero in ay ka helaan Maamulka
iyo Hay,ado kale ayaa ii sheegay inay wax taageero ah ka helaan Hay,ada
NOVIB -Tageero wada shaqeyna, Dadka Degaanka oo ay tababaro siiyaan ayna
fuliyaan howlaha ay u diraan, waxa aan haynaa warbixino ku saabsan xagga
Badaha hadaan laga Hortaginna ay keeni karto Cuduro badan ayuu yiri Xubinkaa
ka tirsan shabakada oo lagu Magacaabo Cabdirisaaq Afweyne, lakin tageero
kama helno Maamulka ayuu yiri Cabdirisaaq.
[Eeg
sawirada...]
Badaha
iyo Bariga Soomaaliya ayaa ah kan ay ku noolyihiin Dadka Soomaliyeed oo ay
ka heli jireen Dhaqaale ay ku noolaadaan lakiin Xiligii Burburka ayaa waxaa
isa soo taraayay Xaalufin lagu hayo Badda iyo Barigaba, taas oo inta badan
ay ehel u yihiin Dadka Ganacsatadaa oo aan u Abaabo yeelin Dad iyo Dalba,
Meel kastana ku mara Dhaqaale Bixin ama Musuqmaasuq waxa loo yaqaan, inta
badana aysan Doonayn in Dowlad la helo si ay u helaan Dhaqaale aan cidina
wax ka waydiin.
Sawirada
ka daawo halkan...
Cabdifataax Jaamac Mire
somalitalkpl@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com |
June 8, 2004
»»EEG
SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA [
www.somalitalk.com/sun/]
MAXAA GAACA BIYO
JAW LEH....
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|