SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Amiin Yuusuf Khasaaro, Muqdisho.
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Cimrigaaga oo Dheeraaday Muqdisho Waxay ku Tusinaysaa Nolol Cusub!

Soomaalidu waxay tiraahdaa “Cimrigaaga dheeraaday Geel dhalaas ku tusaa!!”, waxaana maqaalkan ugu talo galay in aan bulshada ku tusiyo nolosha dhabta ah ee ka jirta magaallada Muqdisho iyo sida maalinba maalinta ka dambeysa Bulshadu u soo saareyso nolol cusub, isla markaana Muqdisho ay u barayso nolol cusub.

14-kii sano ee ay dagaalladu ka socdeen dalka, dadka ku nool magaallada Muqdisho waxay maalinba maalinta ka dambeysa la soo baxayeen farsamooyin cusub oo ay kula dagaallamayaan noloshooda, si ay u helaan quutul daruuriga maalinkaasi, waxaana halkan doonayaa in aan ku soo bandhigo dhowr waxyaabood oo Muqdisho lagu arkay oo dhinaca nolosha ah.

“Hoodi…Hoodi..”, “Waa kuma?”, “Haa…. Waa dhaqtarkii Ilkaha, ma jiraa qof ilkaha laga hayo”, “Maya walaal”, kuwani waa Dentisteyaal wareega xaafadaha magaallada Muqdisho dhexdeeda, si ay dadka guryahooda ugu tagaan oo ay gows ama ilig kaga siibaan, hana la yaabin nolosha ayaa arrintaasi bartay.

Doobiga Wareegga ayaa jira magaallada Muqdisho oo wuxuu kugu soo booqanayaa gurigaaga waxa uuna ku leeyahay “Ma jiraa dhar laguu feereynayo”, waxa uuna gacanta ku wataa bac yar oo ay dhuxul ugu jirto, Feeradii dharka lagu feereynayay iyo bustayaashii lagugu goglayay miiska feerada, waxaana maalinkii uu maraa dhowr guri, si uu uga helo xoogaa lacag ah oo uu baahidiisa ku daboolo, hana la yaabin nolosha ayaa bartay!,

Waxaa jira macallinka wareega, wuxuu wataa buugaagtiisa oo uga buuxa bacdiisa, wuxuuna dadka kula heshiiyaa 1:00-saac in uu gurigiisa wax ku barayo, (One hour in home teaching) si uu u baro luqadaha English-ka ama Carabiga, wuxuuna isna maalinkii maraa dhowr guri, isagoo ku xisaabtamaya saacadaha, halkaas ayuuna ka raadsadaa noloshiisa oo ha la yaabin waxaa baray waqtiga iyo nolosha adag ee ka jirta dalka.

Waxaa garoonka Stadium Muqdisho oo lagu ciyaaro Kubadda Cagta bannaankiisa ka jira iyana nolol la yaab leh, waxaa halkaasi yaalla gawaaridii ugu dambeysay ee noocyadoodu kala yihiin, (Market II, Toyota, Land Cruiser, Corolla iyo Suzuki iyo weliba Mootooyin), waxaana gawaaridaasi halkaa lagu baraa dhallinyarada iyo haweenka, waxaad arkeysaa canug jira 8-sano oo la barayo darawalnimo, 1-kii jiiro ee Garoonka Stadium Muqdisho bannaankiisa waa 5,000-Shillin Soomaali, waxaad arkeysaa gabdho yar-yar oo kireysanaya gawaaridaasi, waxaana magaallada Muqdisho haatan ku soo kordhaya Darawallada, sidaa darteed hala yaabin nolosha ayaa bartay, waxayna dadka baabuurtaasi iska leh fiidkii halkaasi kala hoyaadaan xoogaa lacag ah.

Maqaayadaha ku yaalla xaafadaha magaallada Muqdisho sida Bakaaraha oo kale qaarkood waxaa dhacda in adigoo iska jooga Bakhaarkaaga ama xafiiskiiskaaga in aad si fudud taleefoon ugu dirtid maqaayadda aad dooneysid, waxaadna ku oranaysaa, “Ha la ii soo dhiibo qadadii ama quraacdii”, markiiba waxaa la cararaya Waiter-ka ama Kibilyeeriga oo kuugu keenaya goobtaada, waxayna ka mid tahay nolosha cusub ee ka jirta magaallada Muqdisho, sidaa darteed ha la yaabin!.

Waxaad arkeysaa dhallinyaro da’doodu u dhexeyso 20 illaa 30 sano oo wareegaya xaafadaha gudahooda oo ku qaylinaya, “War yaa loo qodayaa God Qashin”, dhallinyaradaasi waxa ay wataan Gar-weyn iyo Badeel, waxayna kuu qodayaan god aad u dheer oo qashinkaaga aad ku asturan karto muddo bil ah, waxaana dhallinyaradaasi maalinkii ay qodaan 5-illaa iyo 6-god oo ay ka helaan shilimaad yar oo daboola baahidooda.

Noloshu maalinba maalinta ka dambeysa waxa ay qofka bartaa hab cusub oo loo qaraabto, waxa aad arkeysaa gabdho yar-yar oo Xamaali ah, kuwaasoo dhabarkooda ku qaadaya adeegga aad ka soo iibsato Suuqa, waxa ay wataan Dambiilo, markiiba gurigaaga ayay si dhaqso leh kuugu geynayaan adeeggaagii, waxaana arrintaasi keena markii gaari-gacameedyadu ay geli waayaan Suuqa Bakaaraha, cariiri dartiis, waxayna gabdhahaasi halkaasi ka helaan xoogaa lacag ah oo ay ku mareeyaan noloshooda.

Waxaa jira gabdho kale oo iyagana iibiya dharka nooca loo yaqaanno “Ha i wareerin”, waxayna dhex wareegaan xaafadaha, waxa ay garabka ku wadaan noocyo kala duwan oo dhar ah, adigoo markii aad dhar ka iibsatid dharkaasi aad lacagtooda u yar-yareyneysid, waxay kaloo wataan (Yards) ay dharka ku cabiraan, adigoo welibana toddobaadkii ama bishiiba xoogaa iska bixinaya, sidaa darteed ha la yaabin oo waxaa jira alaabo ha I wareerin la yiraahdo oo qofka dhallinyarada ah marka uu doonayo in uu guursado waxa uu tegayaa meelaha lagu sameeyo agabka guryaha, waxa uu leeyahay “Waxaan doonayaa alaab ha I wareerin ah”, markiiba horey ayaa laga siinayaa, isagoo alaabtaasi lacageeda u bixinaya toddobaadkiiba mar ama bishiiba, si tar-tiib tartiib ah, ha la yaabin nolosha ayaa bartay!.

Haddii marka ay tintu kugu baxdo aad tegi jirtey Timo-jare waxaa haatan soo baxay Timo-jare dhex wareegaya xaafadaha oo kuugu imaanaya gurigaaga, halkaas ayuu si tartiib ah timahaaga kaaga jarayaa, kuuna qurxinayaa, ha la yaabin oo nolosha ayaa bartay!.

Waxaa jira Farmashiyaha socda, haddii aad daawada ka soo gadan jirtay Farmashiyaha waxaa haatan soo baxay dhallinyaro wareejinaya dawooyinka kaalmaatiga ah, waxayna dawooyinkaasi ku soo raseeyeen Kartoon fidsan oo ay garabka ku sidaan, si fudud ayayna kaaga iibinayaan daawada aad u baahan tahay oo ha la yaabin nolosha ayaa bartay, halkaa ayayna ka raadsadaan wixii maalinkaasi ay noloshooda ku maareyn lahaayeen.

Dhallinyaro kale ayaa jirta oo iyaguna dhex wareega xaafadaha oo wata qalabka lagu cabiro dhiigga (Blood Pleasure), waxayna ku dhawaaqayaan “War yaa dhiiggiisa la cabirayaa”, waxayna maalinkaasi helaan dhowr qofood oo ay ka cabiraan dhiiggooda, waxayna ka helaan xoogaa shilimaad ah.

Haddii aad Qaadka ku ogeyd in lagaa iibiyo Kiilo ama Marduuf haatan arrintu waa ay is beddeshay, waxaa soo baxay qayb, rubuc, dhud, iga dhirfi iyo waxyaabo la mid ah (Haddii aan kuu fasiro iga dhirfi) waa hal laan oo Qaad ah oo lagaa siinayo 2,000-Sh. Soomaali, waana nolosha cusub ee ku soo korortay magaallada Muqdisho.

Waxaa jira Suuq lagu iibiyo rasaasta noocyadeeda kala duwan, waxaad ka heleysaa nooc kasta oo rasaas ah, hase yeeshee iyagana noloshooda si bay ku maareeyaan oo waxaad arkeysaa rasaas loo kala saaray Original iyo Bug, haddii aan kuu fasiro Bugta waa mid ay ku farsameeyeen goobta ay ku ganacsadaan, wayna ka raqiisisan tahay midda Original-ka ah, hana la yaabin waa nolosha cusub ee ay ku bareyso magaallada Muqdisho.

Adigoo gurigaaga jooga ayaa waxaa kuu imaanaya gabdha socda oo waxaa gabdhahaasi lagu magacaabaa (One time), waxayna gabdhahaasi ay isku maraan dhowr aqal oo ay dharka iyo alaabta u dhaqaan, waxayna Maqribkii halkaasi kala carraabaan dhowr kun oo shillin Soomaali ah.

Waa nolol cusub oo ku soo korortay magaallada Muqdisho, ha la yaabin haddii la kala iibsaday Isbaarro, dhowaan ayaa duleedka magaallada Muqdisho isbaarro ku taallay waxaa kala iibsaday laba beelood, waxaa la kala siistay dhowr kun oo Dollar-ka Mareykanka ah, waadna garan kartaa Isbaarrada dakhliga ka soo xarooda in uu aad u fara badan yahay, waxayna tani ka mid tahay waxyaabaha layaabka leh ee ku soo kordhay magaallada Muqdisho.

Waxaa jira dhallinyaro yar-yar oo subixii ku kallaha xarumaha ay ka soo baxaan Jaraa’idka (Newspapers-ka) iyagoo halkaasi ka qaata xoogaa Jaraa’id ah, si ay ugu iibiyaan xaafadaha iyo suuqayada Gobolka Banaadir, balse dhallinyaradaasi waxa ay ku shaqeystaan arrin la yaab leh, waxa ay sameyayaan in ay Jaraa’idka ka kireeyaan dadka, waxaad arkeysaa dhowr qof oo 1-mar kireysanaya hal Jaraa’id, waqtiga kiraduna waxa ay noqoneysaa hal saac, iyadoo wiilka dhallinyarada ah ee soo qaata Joornaalka uu kireysanayaa dhowr saacadood, kaddibna si toos ah ayuu u iibinayaa Jaraa’idkii, waxa uuna ka helayaa xoogaa lacag ah, ee ha la yaabin waxaa bartay nolosha iyo dhibaatada ka jirta dalka.

Haddii aad ogeyd Shineemmo la geli jirey habeenkii haatan waxaa soo baxay Shineemooyin furan laga bilaabo subixii illaa habeenkii 1:00-saac habeennimo, ma jiraan shineemooyinkii hore ee Darbiga ahaa, haatan waxaa soo baxay Shineemooyin Video ah, waxaana ninka Shineemada iska leh dhowrkaasi saacadood u galaysa dhowr raac, wuxuuna halkaasi ka helayaa xoogaa lacag ah, haddii aad damacdo in aad adigoo shineemada ku jira aad dibadda u baxdo si aad hadhow u soo laabato waxaa lagaa qaadayaa wax la yiraahdo “Rahan” oo ah in aad shey aad wadatid lagaa qaado sida (Saacad, lacag, Kabo iwm.) si hadhow aad ugu soo laabatid shineemada, hana la yaabin waa nolosha cusub ee ka jirta magaallada Muqdisho.

Haddii Malayga lagu iibin jirey Suuqyada, waxaa haatan soo baxay Kalluun lagu dul iibinayo Gaari-gacmeedyo, kuwaasoo dhex mara xaafadaha dhexdooda ama waxa aad arkeysaa iyadoo lagu iibinayo waddada dhexdeeda, marka ha la yaabin nolosha Muqdisho ayaa bartaye!.

Noloshu inta ay cariiri sii dhaaftay ayaa waxay gaartay in Shaaha oo aad ku ogeyd in Bakeeri lagaa iibiyo haatan adiga iyo saaxiibkaa la idiin kala gooyo Koobkii Shaaha (Half and Half), sidoo kale Cabitaanka ayaa isna la mid ah, marka waxyaabahaas oo dhan waxa ay la socdaan nolosha.

Haddii aad caseeyaha ama dhallinyarada Kobaha hagaajiya ku ogeyd goob la yaqaanno waxaa haatan soo baxay dhallin yaro yar-yar oo dhex wareegaya xaafadaha dhexdooda, kuwaasoo kuugu caseynaya gurigaaga kobihii aad subixii ku bixi lahayd, sidoo kale waxaa dhallinyaradaasi u sii dheer in haddii ay kobta kaa go’do in ay isla iyaga kuu tolayaan, taa waxaa ka sii daran in 1,000-Shillin Soomaali ah lagu caseeyo laba joog oo Kobo ah, waxaad arkeysaa nin oranaya “Waxaa iigu kaa harsan hal mar oo maris ah”, sidoo kale Luujitada ay mariyaan Kobaha ayaa iyana ninka Dukaanlaha ah wuxuu kaga iibiyaa cabir ay isla og yihiin, waxaana gasaca yar ee Luujitada loo qaybinayaa 4-qaybood, qaybtiina ay tahay 1,000-Shillin. ha la yaabin waxaa inankaasi yar arrintan ku kalliftay nolosha Magaallada Muqdisho,

Waxaa la arkay marqribkii markii la gaaro in xaafadaha ay dhex wareegaan haween wata Jeegag ay ku jiraan Caano, waxayna ku dhawaaqayaan “Yaa doonaya Caano!”, sidoo kale waxaa jira gabdho yar-yar oo iyagana waalidiintooda ay u soo dhiibaan cajiin iyo weliba gaas oo iyagana dhex wareega xaafadaha, waxayna gabdhahaasi leeyihiin Kalyenti ama (Customer) ay Maqrib kasta u geeyaan gaaska iyo cajiinka, waxayna lacagtu noqoneysaa in aad hor marisid ama toddobaadkii hal mar ama Bishii!!!, cajiib.

Sidoo kale waxaa jira dhallinyaro iyana ku shaqeysta waxa la yiraahdo (Work & Food), maalinkii oo dhan ayuu kuu shaqeynayaa haddii aad maqaayad leedahay, waxa uuna kugu leeyahay cunno saddex waqti ah, dabadeedna habeenkii ayuu halkaa ka hayaamayaa, waana nolol dhib badan, balse isaga waxa uu u arkaa in uu kaga baxo noloshan cariiriga ah, marka hala yaabin, waxaan maqli jirey “Muqdisho Maskiin koriye”.

Haddii aad beteriga aad ku dhegeysanaysid Raadiyahaaga aad ka iibsan jirtay Dukaanka, haatan waxaa la keenay Beritiyo la kaarikeynayo, waxaana markii uu kaa dhammaado dabka beterigaaga aad geyneysaa goobaha lagu kaarikeeyo adigoo bixinaya 2,000-Shillin Soomaali, waxaana Kaarikada beterigaasi ay ku heyneysaa muddo toddobaad ah, inkastoo marka aad beterigaasi suuqa ka soo gadanaysid uu qaali yahay, haddana waxa uu ku heynayaa muddo dheer!, marka dhallinyaro ayaa beteriyaashaasi Kaarikeeya oo ka raadsada nolol maalmeedkooda.

Noloshan aan ka soo sheekeynay ee ka jirta Magaallada Muqdisho waxaa haddana bar-bar socda nolol ka duwan taa oo Muqdisho ay ku sii hormareyso, waxaa ka socda dhismayaal aad u qurux badan, waxaa ka jira Magaallada Muqdisho, Iskuullo aad u fara badan oo leh Hoose/Dhexe iyo Sareba oo markii la gaaro duhurkii waqtiga la soo daynayo ardaydaasi waxa ay lug ku maraan waddooyinka magaallada Muqdisho, iyadoo indhahaagu ay soo jiidanayaan midabbada dharka kala duwan ee ay wataan, sidoo kale 7-Jaamacadood (Universities) ayaa ka furan Magaallada Muqdisho oo kala ah Jaamacadda Muqdisho, Jaamacadda Banaadir, Jaamacadda Badweynta Hindiya, Jaamacadda Niileyn, Jaamacadda Islaamiga ah ee Muqdisho, Jaamacadda Xamar iyo Machadka Cambridge International College oo fadhigeedu yahay London, balse xarun ku leh Muqdisho, waxaa laga dhegeystaa 7-Idaacadood oo FM ah, kuwaasoo kala ah Horn Afrik, Banaadir, STN, Shabeelle, Qur’aanka Kariimka ah, Codka Shacabka iyo Bariga Afrika, waxaa ka soo baxa 20-Joornaal (Newspapers), waxaana ugu caansan Jaraa’idyada maalinlaha ah sida Ayaamaha, Qaran, Xog-Ogaal, Codka Xoriyadda, Panorama, Muqdisho Times, Iyo wargeyso soo baxa toddobaadkii hal jeer sida Aayaha Nolosha, Taariikh iyo Caawiyaha Nolosha, iyo 2-Joornaal oo Isboorti ah oo toddobaadkii saddex jeer soo baxa oo ka sheekeeya macluumaadkii ugu dambeeyey ee Isbortiga (The latest Sports news) oo kala ah Gool Sports (GS) iyo Laacib, waxaa kalooka jira dhowr warshadood oo ay ugu caansan yihiin (Warshadda Coca-cola United Bottling Compan, Warshadaha Biyaha nadiifka ah sida Caafi, Saafi, Zam-zam, Shifo, Warshadda Bacda, Warshadda Nacnaca Banaadir, dhowr warshadood oo Oomada ah, warshadda Harkaha iyo saamaha, warshadaha soo soo saara Joodariyaasha Isbuunyada ah, sida Mubaarak, Al-Furqaan, Shaakir iyo kuwo kale, warshadaha sameeya agabyada guryaha (Furniture), waxaana ugu caansan Warshadda Mobil-ka Kaba Qori, waxaa ka jira dhowr Isbitaal oo ay ugu magac dheer yihiin: Isbitalka Al-Xayaat, Carrafaat, SomRus oo ay ka howlgalaan dhaqaatiir Ruush ah, Banaadir, Madiina, Keysaney iyo SOS, sidoo kale Muqdisho waxa ay horumar ka gaartay dhinaca isgaarsiinta iyo Internet-ka (Telecommunications & Internet Service), iyadoo inta badan guryaha magaallada Muqdisho ay ku jiraan Teleefoonnada shirkadaha Hormuud, Telecom Somalia iyo Nationlink, waxaana sii kordhaya adeegga Internet-ka, waxaana la dhihi karnaa (Muqdisho bur-bur uu garab socdo horumar). [XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRo... Guji]

Amiin Yuusuf Khasaaro, Muqdisho.
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Waxaa sawirada qaaday:
Yusuf Ali Hassan | Muqdisho
http://somalitalk.com/2004/sawiro/xamar2.html

Akhri: Xaalad Nololeedkii Muqodisho ee 2001.

Faafin: SomaliTalk.com | April 2, 2004

<><><>

QISADII MADHOODHOW: Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

<><><>

SOMALITALK.COM KA AKHRI:

2004: SOOMAALIDA KU DHINTAY BADDA CAS

2003: SOOMAALIDA KU GEERIYOODEY BADDA TALYAANIGA

2002: SOOMAALI KU GEERIYOODEEN SAXARAHA LIIBIYA

2001: SOOMAALIDA KU GEERIYOODEY BADDA YEMEN

2001-2004: SOOMAALIDA LAGU LAAYEY QURBAHA

2004: TACADIYADA: DILKA, DHAAWACA, AFDUUBKA, KUFSIGA & BARAKACA

2004: CAQBADAHA HOR TAAGAN NABBADA SOOMAALIYA

QAXOOTI: Utange | Banadiri | Baraawe/Jomvuu | Kkuma | IFO | Mandera | Yemen |

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
MADHOODHOW
Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...
 
FILIMADA ANSHAXA XUN
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
 
GALCAARKA
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo ah mindi laba-afle ah...
Guji
 
CAAFIMAADKA
AIDS | CHOLERA | SOKOROW | JABTADA | SHIFO
Faarax Axmed Muuse | Karachi
 
QISO NAXDIN LEH
Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....
 
SAWIRRO XAMAR
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
XIJAABKA
»Maxamed DHeere oo Indh shareerka mamnuucay

»
Faransiiska oo iskuulada ka mamnuucay Xijaabka...

»Yusuf Shabac II oo Raali Geliyay Jaaliyadda Guji...
 
DAROOGADA QAADKA
KHASAARAHA DHAQAN-DHAQAALE EE QAADKU KU HAYO SOOMAALIYA:
Waxaa lagu qiyaasay in garoonka Deyniile oo keliya laga dejiyo qaadka nooca Miirowga loo yaqaan oo qiimihiisu dhan yahay $170,000/bishiiba, taas oo sannadkii ka dhigeysa $2,040,000. Eeg halkan... Qiyaas akhristow inta ardayga Soomaaliyeed uu ku dhigan karo Jaamacad kutaal Soomaaliya..
Guji.. 

BOSASO: Kasoo horjeedka Cisbitaalka Boosaaso waxaa kuyaal suuqa daroogada Qaadka oo ay  kasoo baxdo miisaaniyad lagu qiyaasay $US50,000 maalintiiba, laakiin lacagta halkaas ka soo baxda iyo cashuurteedu toona ma gaaraan cisbitaalka, sidaas waxaa qoray...
 ABC Australia...
 
MUSLIMIINTA CUSUB
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..

Dhakhtar Ajnabi ah oo ka tirsan dhakhaatiirta Isbitaalka SOMRUS oo Islaamay: Dr. Maxamed Cali oo horeyna loo oron jiray Dr. Nikiforov Pavel ayaa islaamay Muqdisho Guji

Singapore: 500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka.. Guji
 
QISO XIISA LEH
“Sawirkan Lama Ogala. Waxan Rabna Sawir Midab ah oo wajiga, timaha iyo qoorta wada muuqato”, Guji.. ..

Sheekadii Kiishka... Guji/
 
BARO QAARADA AFRIKA

AFRIKA: DUNI DAHAB AH IYO MALAB DAMEER SAARAN!! aKHRI: Wax ka baro Qaaraddaada