SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  AWDAL

Urur aqoonyahan oo loogu magac daray “ Free Awdal Forum” oo laga aas-aasay Gobolka Awdal

 

DHAMBAAL KA YIMID:::

FREE AWDAL FORUM 

Anagoo ah Dhalinyarada xorta ah ee Gobolka Awdal waxaan ansaxinay dhambaalkan oo ku saabsan siyaasada Gobolka iyo tan Soomaaliyeed. 

Waxaan ku faraxsanahay shirka qaranka ee Nairobi oo gabogabo ku dhow. Inkastoo waxbadan wali khadan yihiin sida tirade loo qoondeeyay Gadabuursi haddanna waxaan aaminsanahay in tanaasulladku lagama maarmaan yahay si loo badbaadiyo qaranka oo loo helo dawlad soomaaliyeed oo haybadiii ummadda soo celisa. 

Waxaan tahniyad u diraynaa dhamaan xildhibaanada soomaaliyeed ee ka tirsan Baarlamaanka qaranka ee u soo fool adaygay sidii Soomaliya dawladeedii dib loogu heli lahaa. Waxaan si gaar ah u tahniyedaynaynaa oo amaan mudan xildhibaanada ka soo jeeda Gobolka Awdal dhamaantood iyagoo ku amaanan sida geesinimada leh ee  xilkii gobolkooga ay uuga soo baxeen iyagoo dhag u dhigi waayay waraabayaasha macasha Hargaysa ku haysta ee qanjilaaya dawlanimada kuna heshiiyaya xaaranta. 

Biyo meel godan bay isugu tagaane, dadweynaha reer Awdal ee xorta ah waxaan ugu bishaaraynaynaa in waa’ cusub baryay, beentiina dhamaad tahay. Dha’do roob ma noqotee maamul ku sheega Hargaysa ee kaabe qabiilada iyo hadhaagii SNM ka qabqableeyaan wakhtiigiisii waa dhamaaday. Taa markhaati waxaa u ah dhutiska ka muuqda baryahan damba, gaar ahaan daba-dhilifka Rayaale oo iloowsan halka uu ka yimid iyo waxa isaga oola jeedo. Is-moog aqalkiibay aslaysaa soo heestu ma ahayn?!!

            Dhacdooyinkan ugu dambeeyay ee Boorame ka dhcay waxay markhaati u yihiin sheekada gabo-gaboda ah ee qorshihii madhalayska ahaa ee ahaa kala goynta qaranka Soomaaliyeed. Bal u fiirsada dhacdooyinkan: 

1.      Shirkii Daahir Rayaale Boorame dhawaan kula yeeshay masuuliyiin Gadabuursiya oo noqday mid fashilmay markii aqoonyahan iyo odayaasha Gadabuursi  ka codsadeen Daahir rayaale inuu shirka ka saaro masuuliyiinta Isaaq si kalidii ay uula hadlaan. Markuu arintaas diiday shirkii ma qabsoomin waana lagu kala dareeray. 

2.      Markuu Daahir Rayaale soo jeediyay in saddex oday iyo sadex dhaliyaro ay Hargaysa kaga dabayimaadaan si cadho ku jirto iyaa qorshaha loogu gacan sayray. Codsigaana lagama yeelin sobobtoo ah guurtigii uu la hadlaayay iyaa ugu jawaabtay Gadabuursi waa 8 jilib ee maaha saddex iyaa loogu jawaabay. Haduu Isaaq uhaysto inuu Gadabuursi la siman yahay jilib Isaaqa ah , waan tusaynaa inuu la siman yahay iyay odayadii ugu jawaabeen Daahir Rayaale.

3.      Arintu waxay ka murugsantahay waa mid ku saabsan doorashooyinka baarlamaanka ee maamul ku sheegu doonaayo in laga qabto Waqooyiga. Aaqilada iyo dhalinyaradu waxay isla helee in Gadabuursi sina u aqbali doonin qaybta waqooyi ka taagan oo si xaq daro ah ku salaysan. Dahir Rayaale isna uma diyaargaroobin kaabeyaashiisa Isaaq inuu hunguri weyni ku sheego. 

4.      Arintaas iyo dhacdooyin foolxun oo isa soo tarayay oo wax lagu yeelaayo karaamada iyo magaca ummadda reer Awdal iyaa keentay in gobolka ay xamaasad weyn ka dhalato. 

5.      Dadweyna reer Awdal waligood waxay ahaayeen dad magac iyo maamuus ku leh ummada soomaliyeed sidaa darteed waxaan cadaynaynaa in foolxumada iyo ceebta ka taagan Waqooyiga in laga gacmo dhaqdo si loogu hiisho taariikhda iyo mustaqbalka ummada soomaaliyeed gaar ahaan kan caruurta reer Awdal. Eroyadaa waxaa Daahir Rayaale ka hor yidhi odey reer Boorame ah oo   magac weyn ku leh laguna naanayso “White Horse”. 

6.      Aqoonyahanka gobolka Awdal iyo wax-garadkoogu waxay dan u arkeen sidii caadada u ahayd in loo digo dadweynaha muddo badan lagu jaho wareeriyay qorsha xaraanta ah ee ku salaysan kala goynta qaranka Soomaaliyeed. 

7.      Sidaa awadeed waxaa la aas- aasay urur aqoonyahan  oo loogu magac daray “ Free Awdal Forum” oo hawlgalkiisu yahay inuu hago siyaasada Gobolka Awdal iyo danaha ummada ku nool iyagoo kaashanaaya bahweynta soomaaliyeed.  

Guul iyo Midnimo.                           

Boraame, 2 september 2004
Contact:
fradal1@hotmail.com

DR. Idriss H.Nuur

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
FAALLO: MADAXWEYNE RIYAALE MA KU NAGAAN DOONA HOGAANKA SOMALILAND



HTML CD