SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  NAIROBI

WARARKA NAIROBI:::

  • Gudiga Xalinta khilaafaadka oo sheegay in IGAD ay faragalin ku samaysay shaqadoodi
  • XAFLADO KALA DUWAN OO CAAWA KA DHACAY MAGAALADA NAIROBI.
  • Kulankii wasiirada arrimaha dibada ee IGAD oo bari la qaban doono.
Gudiga Xalinta khilaafaadka oo sheegay in IGAD ay faragalin ku samaysay shaqadoodi
 
Canab Mumtaz.
Somalitalk.com
Nairobi.
 
Warsaxafadeed ay maanta soo saareen guddiga xalinta khilaafaadka ay kaga hadleen in awoodii shaqo ee ay u hayeen beelaha soomaaliyeed kala wareegtay IGAD,si toos ahna waxay ugu eedeeyeen Am kiplagad in uu fara galin cad  ku sameeyay qabiilada uu ka dhexeeyay khilaafaadka,midka ka mid ah guddiga xalinta khilaafaadka ayaa sheegay in ku yiri kiplagad tiradan sii jufa hebel intana jufa heblaayo sidasna ay awoodii ay lahaayeen uga baxday gacantooda dad aysan gudbina lagu daray liiska iyadoo khilaaf uu ka taagnaa.
 
waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in ay ogaysiinayaa beelaha qaba cabashada iyo siyaasiyiintaba aysan wax shaqo ah ku lahayn arrintan,muhimada ay shirkan u qabteena ay tahay in ay oagaysiiyaan in IGAD ay fara galisay xilkii shaqo ee ay beelaha u soo magacaabeen si ay ugu xaliyaan waxii khilaf ah ee ku aadan beelaha isku qabsada qaybinta xubanaha baarlamaanka.
 
warsaxaafadeedkan ayaa ku xusnaa in haweenka ay qalad wayn ka galeen ayna lahaayeen 33 xubnood baarlamaankana ay galeen 20 ka mid ah iyadoo ay maqan yihiin 13 kale,arrintasna aysan ka hadlin IGAD.
 
Ugu dambayn waxaa ay u soo jeediyeen shacabka soomaaliyeed iyo beelahaba in aysan mas'uul ka ahayn waxii ka dhasha arrintan,IGAD na ay faraha la gashay in wax aan shaqadooda ahayn ee faraha la galeen,dhamaanba shanta qaybood ee loo beelaha soomaaliyeeedna ay fara galin toos ah ku sameeyeen IGAD iyagana ay magacaabeen xubanaha baarlamaanka ku jira hadda.
 
Shirkan oo ay goob joog ka ahaayeen siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Xuseen Caydiid,Mowliid macaane,Maxamad sh.cusmaan iyo qaar kale waxa lagu sheegay in beelaha soomaaliyeed xil ka saaran yahay in ay iska qabtaan waxii dhib u keeni kara.
 
XAFLADO KALA DUWAN OO CAAWA KA DHACAY MAGAALADA NAIROBI.
 
Waxaa si wayn uga socda magaalada Naiorbi olole wayn oo ay wadaan musharaxiinta ku tartamaya jagada madaxweyne ee soomaaliya oo la filayo in ay dhacdo maalmo ka yar todobaad.hadaba waxaa caawa munaasabad la xirirta ololaha doorashada soo bandhigay isbahaysiga la baxay Aragtida cusub oo ay ku midaysan yihiin afar musharax.
 
Musharaxiintan ku midoobay tartankan ayaa kala ah
Zakariye Xaaji maxamuud.
Jaylaani Cali kadiye.
Faarax Caddow wehliye.
Iyo Shariif Roobow.
 
Musharaxiintan oo isku bahaystay hal xisbi oo lagu magacaabo (NEW VESION) aragtida cusub,ayaa munaasabadan ka soo jeediyay qudbado kala duwan oo ay kaga hadlayaan wax qabadkooda la xiriira hadii loo doorto madaxweynaha soomaaliya.dan walbana ay ka hormarinayaan danaha soomaaliyeed.
 
musharaxiinta kale ayaa iyagana wada barnaamijyo kuwan oo kale ah,waxaa isma munaasabad qado ah maanta u sameeyay baarlamaanka Cabdalla Deerow isaaq, oo  tagaan tartanka jagada gudoomiyenimo ee maalinta bari ah lagu dooran doono hoolka shirirka ee Mbagathi,deerow waxa uu xusay in uu shaqadisa u gudan doono si cadaalad ah hadii loo doorto gudoomiyaha baarlamaanka KMG ah,codkoodana ay siiyaan.
 
Munaasabad waxaa heeso iyo suugaan wadani ah ku soo bandhigay hobalada WAABARI,heestii XILQAAD,ee bacalwaan iyo Xareedo simaaciil ayaa ka mid ayaa suugaantaas,waxa ayna tilmaameen fanaaniintu in muhimadu ay tahay nabad,(Bacalwaan oo aan wareesi dheer la yeeshay ayaan idin  soo gudbin doonaa Insh,Allah).
 
Shariif xasan sh Aadan oo ka mid ah musharaxiinta gudoomiyenimo ee baarlamaanka lana saadaalinayo in uu helo codka ugu badan ee baarlamaanka ayaa caawa munaasabad ku qabtay hotela sarena ee Nairobi.
 
Shariif xasan oo ku casuumay dad badan munaasabad oo  u badan baarlamaanka iyo beesha uu ka soo jeedo(digil iyo mirife)waxa uu qaban doono hadii loo doorto jagadan ayna ugu horeyso nabad kuwada noolaansho,cadaalad,isku keenid,iyo ilaalinya sharciga ee u dagsan dowlada iyo baarlamaankaba,waxa uuna ka dalbaday in ay siiyaan codkooda.
 
baarlamaanka ayaa saadaalinaya in uu yahay shariifka nin macquul ah lagana yaabo in uu helo codka ugu badan ee baarlamaanka,waxaana caawa ka socda goobaha shirarka kulamo qaas oocay yeelanayaan baarlamaanka sidii ay siin lahaayeen codkooda,baarlamaanka ayaa laftooda iskugu xiran koox koox,hadba sidii ay siyaasadahoodu isku fahmayaan.
 
shariif xasan waa ganacsade aan wax badan ku jirin siyaasad,waxa uuna taageero ka haystaa madaxda dhaqanka iyo baarlamaanka si hoose digil iyo mirifle,waxaa kale oo cilaaqaad iyo saaxiibtinimo la leeyahay baarlamaanka oo aan aqoon badan u lahayn waxa ayna sheegeen in uu iyagana ku soo jiitay furfurnaan iyo hadalo dagan oo macquul ah,balse waxa dhinacyadiisa taagan Deero,aadan madoobe,fowsiya oo ah gabadha kaliya ee u taagan jadan,iyo xaabasade oo dhamaantodna ay hal meel ka soo jeedaan.
 
Kulankii wasiirada arrimaha dibada ee IGAD oo bari la qaban doono.
 
Waxaa bari furmaya shirkii caadiga ahaa ee wasiirada arrimaha dibada ee IGAD ay kaga hadlayeen arrimaha shirka iyo isbadalka ku soo kordhaba,kulankan ayay wasiiradu kaga hadli doonaan guulihii laga gaaray shirka iyo waxyaabihii u qabsoomay baarlamaanka soomaaliyeed mudadii ay dhisnaayeen.
 
wasiirada ayaa waxaa horyaala dhowr qodob oo ay ugu horeyso siyaasiyiinta ku sugan kismaayo,maqnaanshaha jen morgan iyo waliba bixistii uu dhawaan ka tagay shirka barre hiiraale oo dhaartay kana mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka,sababta uu u baxay isagoo jooga kenya lana ogaa halka uu daganaa iyo halka uu ka baxayba,walow ay Wakiilada IGAD ee shirku sheegeen in ay ka xanibeen dhinaca duulimadka hawada,balse lagu haysto sababta ay ula socon waayen dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed maadaama uu ku sugnaa halka uu ka dhacayay shirka saamayna uu ku lahaa xiisada ka jirta kismaayo.
 
Dad badan ayaa saadaalinaya in IGAD ay ku fashilmi doonto hadii aysan waxba ka qaban dib u soo celinta labadan siyaasi,wasiiradana ay bari ka wada hadli doonaan arrinta ku saabsan waxa laga yeeli doono.
 
Waxaaa kale oo ay ka jawaabi doonaan qoraalka ay maanta soo saaree guddiga xalinta khilaafaadka oo sheegay in xilkii ay soomaalida u dhiibatay iyaga waxa ay IGAD ugu samaysay faragalinta tooska ah sida ku cadayd warsaxaafadedkaas.

Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>    

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 14, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
QAYBTA SEEXISKA EE ISBITAALKA MBAGATHI
Faaladii toddobaadka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Guji..



HTML CD