SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI

Gudoomiyaha baarlamaanka oo ugu baaqay dadka Soomaliyeed Nabad.

Xuska Maalinta Nabada Aduunka oo ay soo qaban qaabiyeen hay'addaha ka shaqeeya nabada ee Qaramada ayaa lagu qabtay maanta magaalada Nairobi.

Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen madax ka kala socotay Baarlamaanka KMG ah ee soomaaliya Qaramada Midoobay, bulshada caalamka,wakiilada IGAD ee shirka iyo dadweyne lagu casuumay ayaa looga hadlay mudnaanta ay nabada u leedahay aadanaha guud ahaan si gaar ahna dadka soomaaliyeed ee ay nabad la'aantu wali ku haysato meelo ka mid ah soomaaliya.

Gudoomiyah baarlamaanka KMG ah ee soomaaliya Shariif Xasan Sh,Aadan ayaa u diray dadka soomaaliyeed meel walba oo ay kala  joogaan baaq nabadeed,wax walba oo colaad abuuri karana ay hal meel uga soo wada jeestaan,waxa uuna ka dalbaday caalamka in ay baarlamaanka iyo dadka soomaaliyeedba ku garab istaagaan Nabad ka dhalata dalka soomaaliyeed guud ahaan taas oo maanta miraheeda la hayo mar hadii lagu guulaystay in la dhiso baarlamaan iyo gudoomiyihisba gacanta aan ka sugayno ayaana furre u ah in ay dowladani noqoto mid mira dhasha,

Waxa uu u mahadceliyay IGAD beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay gacantii ay ka gaysteen dhismaha baarlamaankan iyo waliba sida aysan wali uga daalin in ay soomaliya ka dhalato dowlada soomaaliyeed,ugu dambayna waxa uu saxiixay baaqa nabada ee caalamiga ah iyadoo baarlamaanka xubnihii ka mid ahaa ee munaasabada ka soo qaybgalayna ay saxiixeen in ay hirgalin doonaan baaqan nabad ku wada noolaanshaha.

Waxaa munaasabada sidoo kale ka hadlay Mr.David Bell oo ku hadlayay magaca bulshada caalamka ee gacanta ka gaysata shirka dib u heshiinta soomaaliyeed waxa uu xusay in uu joogay dhaarintii baarlamaanka,doorashadii gudoomiyaha iyo waliba maanta oo uu kala qaybqaadanayo dadka soomaaliyeed in munaasabada Maalinta Nabada oo maanta loo dabaal dagayo,waxa uu ku amaanay baarlamaanka doorashadii gudoomiyaha sida ay u dhacday,waxa uuna sheegay in ay ka fiirsadaan doorashada madaxweynaha waqti iyo maskax badana ay ku bixiyaan cida ay u dhiibayaan xilka ummadda,Mr,David waxa uu sheegay in xitaa hadii ay dhacdo in ay timaado laaluush ay mar walba kala waynaato wadaniyada iyo kan wadanka wax u qabanaya.

Waxa uu tusaale u soo qaatay arrin aad loogu qoslay oo ahayd nin intuu musharax ka qaatay lacag,balan qaadna u sameeyay hadana kaga baxay oo mid kale doortay,markii uu dacweeyayna u sheegay in ninkan uu qanciyay kaliya jeebkiisa ee uusan qancinin maskaxdiisa,isagoo kula dardaarmay in marwalba ay baarlamaanku ka xisaabtamaan maskaxdooda,musuqmaasuqana waan la socon doonaa ayuu yiri.

Waxa kale oo uu ka hadlay arrinta ku saabsan Haweenka ee ah in aysan helin tiradii ugu qornayd baarlamaanka,waxa uu yiri waa in si dag dag ah loo siiyaa haweenka tirada kaga soo aaday baarlamaanka.

Ugu dambayn waxa intaasi ku daray in Arrinta somaliland ay tahay mid muhiim ah,baarlamaanka iyo dadka soomaaliyeedna ay ka qayb qaataan sidii somaliland loo qancin lahaa,waayo waxay tabanayaan arrin waynn oo u baahan raali galin sidii ay shirkan uga soo qayb gali lahaayeen.Gudoomiyahana ka codsaday in si dag dag ah wax looga qabto.

Dhinaca kale waxaa munaasabadan ka hadlay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha soomaaliya Mr.Tubman isagoo ka hadlay mihimada nabadu u leedahay aadanaha guud ahaan,waxa uuna ayaan daro ku tilmaamay in ay maanta iyadoo la dhisay baarlamaan soomaaliyeed ay dhacayaan xabado iyo miino lagu aasayo dhulka wax lagu xumaado ayuuna ku tilmaamay waxa uu sheegay in siyaasiyiintaas uu ugu baaqayo nabad iyo in ay shirka ku soo laabtaan hadii ay dhici waysana ay la tiigsan doonaan sharci caalamiyadeed ciqaabta ay mutaystaana la marin doono.

Mr.tubman waxa uu sheegay in Wasiirada IGAD ay ku maqan yihiin shirka maanta ka furmay Newyork,waxayna kala hadli doonaan Qm,sidii taageero caalami iyo aqoonsiba loogu heli lahaa dowlada ka dhalan doonta shirkan isaga laf ahaantiisna uu bari tagi doono xarunta Qaramada Midoobay una gudbin doono in ay somaliya ka go'an tahay in nabad, joogista halkana ay dhab ka tahay,waxa uu intaasi ku daray in uu caasimada ruusha kula soo kulmay wasiirka arrimaha dibada ee raashiya  si uu taageero ugu raadiyo somaliya,Dowlada ruushkana waxa naga ogolaatay in ay taageerayso shirkan gacan dhaqaalena siin doonto somaliya.

Ugu damabyntii waxaa munasabad oo qaban qaabadeda lahaa C/qaadir Xuseen Macalim marshaale ka soo jeediyay suugaan ka tarjumaysa Nabada iyo faa'iidadeeda hobalada soomaaliyeed oo soo bandhigay riwaayado,shirib,iyo heeso dhamaantooda Nabada la xiriiray,waxaana la soo bandhigay qoralo kuujinaya nabada waxaa ay dadweyne badan socod ku mareen goobtaas iyagoo ku watay boorar nabad ka hadlaya.

Canab Abdule <canabmumtaz@yahoo.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusa xiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2004 

Gudoomiyaha Baarlamanka oo ku baaqay in la Joojiyo Dagaalada K/Soomaaliya
dhinacyada ku dagaalamaya dalka gudahiisa waa in ay joojiyaan dagaalada ka socda kismaayo iyo... Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD