SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - JAWHAR

SOMALITALK OO WAREYSI LA YEELATAY GABAR SOOMAALIYEED OO QABTA CUDURKA AIDS-KA

(Reerkii ay ka dhalatay gabdhaas oo go’aan la yaab leh ka gaaray nolosha gabadhooda)

Weriyaha Amiin Yuusuf Khasaaro oo safar shaqo uga soo laabtay Magaalada Jowhar ayaa fursad u helay in uu la kulmo gabar Soomaaliyeed oo la il daran Cudurka AIDS-ka, Gabadhaas oo magaceeda ku sheegtay Shamso C/llaahi Cali oo 27-jir ah, muddo sanooyin ahna ku nooleed Dalka Itoobiyo, gaar ahaan Magaalada jig-jiga, balse Iminka la keenay Magaalada Jowhar, kuna jirta Isbitaalka Inter-SOS ee Magaaladaas.

Amiin waxa uu qormadiisa nooga soo diray, Magaaladda Jowhar . waxa uuna ku bilaabayaa Sidan:-

"waxaa gabadhaas ka muuqatay Astaamaha Cudurka AIDS-ka, jirkeedu wuu dhamaaday, ma haleeli karto in ay fariisato, hadalku waa dhibayay, iyadoo sariirta dusheeda saran ayaan la yeshay wareysigan, waxaana markii ugu horeysay aan weydiiyay:-

Amiin: Sideed ku ogaatay inaad cudurkan qabto yaana kuu sheegay?

Shamso: Anigoo uur leh ayaan tagay isbitaal ku yaal magaalada Jigjiga, dhaqtarad caddaan ah oo aan la xiriiray ayaa markii ugu horreysay ii sheegtay inaan cudurkaasi qabo.

Amiin: Goorma ayuu cudurku sidan kuu soo riday?

Shamso: Sannooyinkii ugu horreeyay waxaan ahaa qof caadi ah, inkastoo la ii sheegay inaan cudurka qaba haddana dadka kama hoosayn oo waxaan ahaa qof iska shaqeysanaysa nolosheedana si caadi ah u wadata, balse billowgii sanadkaan ayuu cudurku bilaabay inuu i soo rido, waxaan dareemayay tabar yari xoog badan iyo anigoon u adkaysan karin xanuun kasta oo i qabta, jirkaygu wuxuu billaabay inuu sii gurmo maalinba maalinta ka dambeysa illaa aan gaaro heerkaan aan sariirta ka kici karin.

Amiin: Reerkiina xaguu ku nool yahay?

Shamso: Reerkaygu waxay ku nool yihiin baadiyaha degmada Balcad, waxa aan itoobiya uga soo laabtayba waxay ahayd inaan waqtigayga inta ka harsan la noolaado reerkayga, balse nasiib darro waxaa dhacday arrin aan aad uga naxay oo aan weligeyn filaynin, runtii waxaa aad ii soo dhaweeyay oo aan gacan fiican ka helay maamulka degmada Jowhar oo markii aan xaaladdayda u sheegay ii diyaariyay gaari si ay reerkayga iigu geeyaan, balse reerkeyga oo horay u sii ogaaday inaan qabo cudurka dilaaga ah ee AIDS-ka ayaa gaarigii intuusan tuuladii gaarin qoryo la hor istaagay kuna qasbay inuu gaarigii dib ugu soo laabto magaalada Jowhar.

Amiin: Hadda, maadaama aad isbitaalka jiiftid keligaana aad tahay yaa howshaada caafimaad gacanta ku haya?

Shamso: Maamulka degmada Jowhar iyo isbitaalka INTERSOS ayaa iska kaashaday daryeelkayga caafimaad, waxaana la ii sameeyay saddex gabdhood oo kalkaaliso caafimaad ah oo xannaanadayda iyo faya-dhowrkayga gacanta ku haya, laakiinse waxaanan haysan daawooyinkii kaalmaatiga u ahaa cudurkan oo ay isbitaalka iyo maamulkaba ii sheegeen inaysan ii heli Karin balse aan anigoo ka faa’iidaysanaya fursaddaan waxaan ka codsanayaa dadweynaha Soomaaliyeed iyo hay’adaha wax bixiya inay gacan iga siiyaan sidii daawooyinkaas oo aan filayo inay xoogaa lacagtooda badan tahay u heli lahaa, si xanuunka faraha badan leh ee i haya aan uga nasto.

Amiin: Cudurka AIDS-ka dad badan oo dunida ka mid ah ayaa jiritaankiisa inkirsan, adigu sideed u aragtaa?

MINNESOTA: 18 Soomaali ah ayaa Qaba Cudurka AIDS-ka.. GUJI...
aids
File photo::  Eeg halkan

Shamso: Wax la qarin karo ma ahan, aniguna maba jooji xilli iyo waqi aan ku inkiro, siddeed sano ayuu i hayaa haddana qaybihiisii ugu darnaa ayaan lugaha la galay, waxa keliya ee aan oran karaa waa dardaaran iyo baaq aan u jeedinayo gabdhaha Soomaaliyeed ee ila midka ah anigoo ku oranaya walaalayaal indhihiinna iyo dhegihiinna fura dareen dheeraad ah yeesha ee iska ilaaliya cudurkan halista ah, gabar walba waa inay sharafteeda iyo nolosheedaba ilaashataa, dhinaca kalena Shamso kama aysan aamusin ragga Soomaaliyeed oo waxay tilmaantay inay qaybta ugu ballaaran ee fididnta cudurkaan ay leeyihiin, waxayna kula dardaarantay inay ibtooda ilaashadaan reerkoodana ku ekaadaaan.

Shamso, waxay noqotay gabadhii ugu horreysay ee afkeeda ka qirata inay qabto cudurka AIDS-ka magaceedana sheegta iyadoo weliba ku nool gudaha Soomaaliya, inkastoo ay sheegtay inay aad uga xun tahay inay reerkeeda soo dayriyaan. Dhinaca kale dhaqtarka Isbitaalka INTERSOS Dr. Cali Cumar ayaa isaguna dhiniciisa caddeeyay in cudurka haya gabadhan uu yahay cudurka AIDS-ka isagoo xusay in isbitaalka iyo maamulkaba aysan u heli Karin daawada ay u baahan tahay.

Breaking News (war deg-deg ah)

Intii aan ku sugnaa magaalada Jowhar ayaa subaxnimadii aan soobaxayay waxaa la’isoo war galiyay in ay Shamso geeriyootay, hase yeeshee waxaa Gabadhaas loo sameeyay AAS heer sare ah, ayna ka qeyb galeen dhamaan madaxda Gobol-ka iyo Madaxda Hay’adaha Samafalka.

Qoraaga Amiin Yuusuf Khasaaro waxaa lagala xiriiri karaa:  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

SomaliTalk.com | Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2004

Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
Prof. Yusuf Hersi Ahmed  

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD