(SOMALI YOUTH ASSOCIATION IN BELGIUM)
SYAB ASBL
September 2004
Urur Dhalinyaro cusub oo laga dhisey caasimada Midoowga Yurub ahna caasimada dalka Belgium Brussels
Ururkaan oo ah urur markii ugu horeysa ay dhalinyaro daggan dalka Belgium isku af garteen in ay muhiim tahay in ay dhalinyarada Soomaliyeed midoobaan ururkaan ayaa waxaa ay dhalinyarada ku midoowday kala yihiin dhalinayaro Jabuuti, Soomaliland iyo Soomaliyaba ka kala yimid oo in mudo ah ku noolaa dalka Belgium dhismaha ururkaan ayaa waxaa keentey baahi loo qabo midnimada dhalinyarada Soomaaliyeed iyo horumarinta iyo sidii ay dhalinyarada Soomaaliyeed xiriir toos ah ula yeelan lahaayeen dowladaha ku middobay Yurub oo fadhigooda yahay Brussels sidoo kale dowlada Belgium iyo dhalinyarada Soomaaliyeed ay uga dhex abuuri lahaayeen is faham iyo xirir saaxiibtinimo ururkaan oo ay fikradiisu ka dhalatay kadib markii ay xubnaha ku jira ka qayb galeen tartan ciyaareedkii EUROSOM kaasoo ay ka soo qaateen fikrado badan iyo muhiimada ay leedahay is barida iyo is dhex galinta dhalinyarada Soomaaliyeed ururkaan ayaa ujeedooyinkiisa ay yihiin kuwan soo socda
1- Ujeedooyink ama himilooyinka SYAB waa sida ay dhalinyarada Soomaliyed ee ku nool Belgium u sameeyn lahaayeen Integration ama is dhex gal bulsheed iyo inuu u sharaxo dhalinyarada sida ay Belgium ugu noolaan karaan una dhex gali karaan bulshada kale iyo inuu u fududeeyo dhalinyarada fahamsiinta Belgium iyo barida taariiqda Belgium iyo tan Yurub isagoo bixin doona casharo ku saabsan dhismaha iyo dastuurka Midoowga Yurub
2-in ay sameeyaan fikrado is dhaafsi ama exchange dhalinyarada kale ee aduunka iyo kuwa Soomaaliyeed ee ku kala nool wadamada Yurub iyo kuwa Yurubiyaanka ah intaba.
3-in uu ururrkaan (SYAB) sameeyo xarun la isku dhaafsado dhaqamada laguna soo bandhigo dhaqanka Soomaaliyeed iyo Muusiga center culturel sido kale xaruntaan oo ay ku sheekeysan karaan dhalinyarada Belgium iyo kuwa Soomaliyeed iskuna waydaarsan karaan fikrado in uu SYAB ka shaqeeyo saaxiibtinimo dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dhalinyarada Belgium uuna la sameeyo isku xir iyo saaxiibtinimo
5-in uu gabdhaha dhalinyarada ah ka difaaco FGM una digo waalidiinta in ay ka waantoobaan uuna siiyo casharo iyo seminaaro gabdhaha dhalinyarada Soomaaliyeed uuna ka caawiyo wixi talooyin ah
6- in uu ka wacyi galiyo dhalinyarada cudurka dilaaga ah ee AIDS ka
7- In dhalinyarada Soomaaliyeed lagu dhiiri galiyo in ay bartaan luuqadaha Belgium lagana caawiyo sida ugu sahlan oo ay ku heli karaan iskoolada,loona sameeyo xirfado ay kaga shaqeysan karaan daka Belgium sidoo kale SYAB inuu u dhexeeyo hadii uu problems ama dhibaatooyin kala qabsado ardeyda Soomaaliyeed iyo macalimiintooda sidoo kale hadii ay dhibaato kala qabsato Dhalinyarada iyo waalidka
8-In SYAB uu qabanqaabiyo sanad kastaa barnaamij sport oo ay dhalinyarada Belgium wada cayaraan dhalinyaro kale oo Yurubiyaan ah ama ku kala nool dalalka yurub loona kexeeyo dhalinyarada wadamada kale ee yurub loona sameeyo tartan ciyaareed sport ayna ka qayb galaan tartan ciyaareedka sanadlaha ah ee EUROSOM sidoo kale ay cayaaro la yeesheen bulsho waynta Afrikaanka ah ee deggen Belgium
9- in uu SYAB xiriir la sameeyo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool gudaha Soomaaliya uuna xiriir u sameeyo dhalinyarada Soomaliyeed iyo dhalinyaarda Yurub si loo helo isku xir ka dhexeeya dhalinyarada dibada iyo kuwa gudaha si uu ugu raadsho taageero iyo horimarin dhalinyarada afka Soomaaliga ku hadla meel kastoo ay joogaan degmo gobol wadamo IWM.
10 in uu ka wacyi galiyo dhalinyaada Drugs ka uuna sameeyo dhaaf drugs ama maandooriye dooro Sports ka
11 ururkaan SYAB mabaadiida kale oo dhan wuxuu la wadagaa Somali Socialist Unity Party SSUP iyo Belgium Parti Socialist (PS)
12 SYAB wuxuu ka qayb qaadan doonaa mustaqbalka barnaamijka taageerada ciyaartooyda iyo fanaanninta Soomaliyeed ee ku dhibaataysan dalka gudihiisa wuxuuna taageeri doonaa xuriyada saxafada iyo midnimada
Ugu danbeyntii SYAB Wuxuu wada shaqayn la yeelan doonaa
SYAB wuxuu xiriir wada shaqayn la yeelan doonaa UNAFRIK oo ah urur ka dhisan Sweden, iyo SSUP oo ah xisbi siyaasadeed oo ka dhisan Yurub dhamaan xaruntiisana tahay Magaalada Katerineholm ee dalka Sweden , sidoo kale wuxuu la shaqayn doonaa dhamaan ururda dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka jira Yurub iyo Soomaliyaba wuxuu wada shaqayn la lahaan doonaa ururada saxaafada SYAB oo ogsoon doorka iyo muhiimada saxaafada sidoo kale wuxuu la shaqayn doonaa fanka iyo dhamaan ururada Diinta Islaamka isagoo qaban doona is aragyo diini ah iyo kuwa dhaqameed intaba sidoo kale ururkaan wuxuu soo dhawaynayaa urur dhamanaa ururada Soomaaliyeed ee ka dhisan Belgium iyo urur kastaa ooka fog Qabyaalad, colaad, dagaal, is naceyb iyo kala fogaan wuxuu ururkaan gacmo furan ku soo dhawaynayaa dhamaan inta taageersan walaalnimada, is dhexgalka, midnimada, horumarinta , dib u dhiska iyo hagaajinta isku keenida umada afka Soomaaliga ku hadasha iyo is jeceyl.
Ururkaan ayaa markii ugu horeysey waxaa si rasmi ah u taageerey dowlada Belgium aya qaar ka mid ah dadka dowlada ugu sarsareeya ay sheegeen in ay tahay fikrada wax ku ool ah.
Sidoo kale markii ugu horeysey ayuu ururkaan hanbalyo gaarsiiyay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Belgium Mr. Louis Michel oo noqdey sarkaalka horumarinta Gudiga Yurub (European Commission) Mr. Michel oo ka gudoomay ururka hanbalyada isagoo sheegey in markii uu si rasmi ah ula wareego xafiiska Horumarinta Gudiga Yurub bisha November uu si rasmi ah u qaabili doono ururkaan dhanka kale Mr. Elio De Rupo oo ah Gudoomiyaha Parti Socialiste PS Wallonie qaybta afka faransiiska ayaa warqad taageero ah soo gaarsiiyay qaar ka tirsan xubnaha ururka.
Ururkaan ayaa soo dhawaynaya dhamaan talooyinka waxgaradka, Aqoonyahanada, iyo dhamaan umada Soomaaliyeed
Luqadaha Ururkaan ayaa ahaan doona Afka Soomaaliga, faransiiska, Netherland iyo English
Saida Sheikh Ahmed (VIP) GUDOOMIYAHA SYAB
Xussen Maxamed Aadan XOGAHAYAHA GUUD
Faahfaahin Dheeri ah la soo xiriir saidavip1@yahoo.com
HALKUDHIGA URURKA
U ISTAAG KANA QAYB GAL MEEL KASTA IYO WAX KASTOO OO LOOGA HADLAAYO NABAD,HORUMAR,ISJACAYL,DIB UDHIS,IYO QAYR WAXAA KU SUGAAYA DAL BURBURSAN IYO UMAD DHIBAATAYSAN.WAXAAD TAHAY DANJIRE EE ISA SAAR XIL CULUS U GURMO DALKAAGA IYO DADKAAGA KA QAYB QAADO HORUMARINTA DHALINYARADA AAD DALKAGA HORUMARISIDEE BADBAADI DHALINTA AAD DALKAAGA BADBAADISIDEE
Faafin:
SomaliTalk.com
|
Sept
5,
2004
Afeef:
Aragtida
qoraalkan
waxaa
leh
qoraaga
ku
saxiixan
»Baroortu
Suldaan
Hure
ka
weyn
[Jagne]
»WAA
GOB,
WAA
GUN,
WAA
BOON,
WAA
BEER
LAXAWSI
[Eelay]
»Madaxweynanimadu
Soow
Markii
Reer
Waqooyiga
Maaha
[C/waxid]
»YAA
MADAXWEYNE
KA
NOQONAYA
SOOMAALIYA?
[Ingiriis]
»Musharixiinta
Madaxwaynanimadda
somalia
[C/casis]
»Hogaamiyaasha
“
Waxaa
I
riday
gacantii
isoo
saartay”
[Siyad]
»Maxay
ku
kala
duwan
yihiin
shirkii
carte
iyo
kan
Kenya?
[M.A.]
»XILIBAAN
WAXAA
KU
SAARAN
BADBAADA
UMADAADA
idawaqaca