SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

 


DOODA CAAWA EE MADAXWEYNE BUSH IYO SENATOR JOHN KERRY IYO MARXALADDA OLOLAHA

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


Mobile: 00-92-300-2600907
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com
E-mail2:
mabdihassan@yahoo.com
 
pop E-mail: diridhaba@myfastmail.com

ST. LUISE: Iyada oo ololaha doorashada ee dalka maraykanku uu marayo wakhti xasaasi ah oo labada musharax Senator John Kerry iyo Madaxweyne George W. Bush  ay isku dhawyahiin xagga cododka dadka (dead heat) ayaa waxaa Caawa Saacadda Magaalada ST. Luise markay tilmaamayso 8:00 fiidnimo ama saacadda Afrikada Beri 5:00 Subaxnimo ay si fool ka fool ah ugu kulmi doonan doododi labaad (the second Debate), Caawa doodu waa ka duwanaan doonta tii todobaadkii hore lagu qabtay  Jaamacadda Miami, waxay noqon doonta mid u furan dadku inay su'aalahooga weydiiyaan, waxaa kale oo dooda su'aalo weydiin doona labada Musharax Suxufiyiinta oo iyaguna ku sugnaan doona goobtaasi.

laga soo bilaabo bishii hore markii ay Jamhuuriyiintu ku qabteen Shirkoogii ay ku caleemo sareen Madaxweyne Bush magaalada New-York oo halkaasi ay weeraro aan joogsi lahayn ku qaadeen Senator Kerry iyo Senator Edwards kuna eedeynayeen hadaladooda aan qawlka lahayn ee is bed bedala (flip flop)  waxay heleen aqlabiyad ay ku hogaaminayeen cododka dadka laga qaado (national polls), taasi oo madaxweyne Bush ku hogaaminaayey Senator Kerry codod gaadhaya %10, balse doodii todobaadkii hore lagu qabtay Jaamacadda Miami ee gobolka Florida ayaa uu Senator Kerry wuxuu dedaal badan u gallay sidii uu cododka iskugu dhawayn lahaa wuxuuna Madaxweyne Bush ku weeraray galdalooloyinka Dagaalka Ciraaq, Awood La'aanta uu Madaxweyne Bush ku tahli waayey inuu rumeeyo ballankiisi ahaa qabashada Osama Binladen iyo Jaha-wareerta uu ra'ayga Shacabka Maraykanka ku jahawareeriyey dagaalka Ciraaq, kaasi oo guddidii loo xilsaaray baadhitaanka hubka Ciraaq cadeeyen in aanay ciraaq haysanin dhamaanba Hubka wax gumaada,

 

Saddam Xuseen iyo Osama Binladen na aanay ka dhexaynin wax xidhiidh ahi, taasi waxay runtii u kasbatay Senator Kerry guul aad iyo aad u balaadhan oo uu ka gaadhay doodaasi iyada oo xagga cododkuna aad iyo aad iskugu dhawaadeen, Codod uu qaaday Televisionka Maraykanka ee CBS ayaa wuxuu guul balaadhan siiyey Senator kerry %78 inuu ku qanciyey shacabka maraykanka fikradahiisa, xagga Madaxweyne Bush uu hellay %28, sidoo kale Television-ka ABC ayaa isaguna sidoo kale wuxuu aqlabiyad balaadhan siiyey Senator Kerry, wixii intaasi ka danbeeyey cododka guud ee dadku waa isku dhawaayeen iyada oo musharax kasta cododka hadda ee dadka laga qaaday uu haysto

  • Senator Kerry            %49
  • Madaxweyne Bush    %49
  • Nadar                           % 1

Dooda caawa ayaa la filaya inay xooga saari doonto xagga dhaqaalaha, Shaqooyinka, Caafimaadka, waxbarashada, iyo arrimaha bulshada, sida dadka u dhuun daloola tartankani guriga cad tilmaamayaan waxaa looga baahanyahay Madaxweyne Bush inuu muujiyo fikrado ka gedisan kuwii uu todobaadkii hore soo bandhigay haddii uu doonaayo inuu kursiga guriga cad marlabaad ka arrimiyo, waxaa kale oo looga baahanyahay Senator Kerry inuu guul weyn ka gaadho qodobada dhaqaalaha iyo caafimaadka oo hore loo sheegay inuu haysto qorshayaal ka fiican kuwa Bush uu soo bandhigay.

WAXAA SOO URUURIYEY MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Karachi, Pakistan

diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 8, 2004

Xiddiga la Saadaalinayo in uu Noqon Doono Madaxweyne Maraykan ah oo Madow.... Akhri faaladii Aden-Gaas

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD