SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

 


Qaybtii Labaad: WAA KUMA JOHN KERRY: MUSHARAXA MADAXNIMO EE XISBIGA DIMUQRAADIGA 2004

Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


Mobile: 00-92-300-2600907
E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com
E-mail2:
mabdihassan@yahoo.com
 
pop E-mail: diridhaba@myfastmail.com

Todobaadkii hore waxaan ka hadlay taariikhda guud ee John kerry, qoyskii uu ka dhashay, iyo taariikh nololeedkiisi kala duwana ee Waxbarashada, ku biiritaankiisi ciidamada bedda ee maraykanka iyo tegitaankii dalka Vietnam iyo mucaaridadisi markii danbe ee uu ku biiray ururkii (The Vietnam Veterans of America).

Todobaadkan waxaan soo qaadan doona Qoyska John Kerry,Caruurtiisa, guud yar oo ku saabsan aaminsanaanta diintiisa, iyo soo koritaankii Masrixiyadiisa Siyaasadeed ee dalka maraykanka.

JOHN KERRY WAA NIN DIINTEE AAMINSAN


JOHN FORBES KERRY

John Forbes Kerry waa nin Aaminsan ama haysta Diinta Kiristaanka Mad-habta Masiixiyadda (Christian Catholic), inkasta oo la sheego in awooga Kerry uu ahaa nin Aaminsana diinta Yuhuuda, hadana John kerry wuxuu naftiisa ku qeexay nin diinta Kiristaanka ku dhex koray kuna soo caqliyaystay aadna u Aaminsan,balse ninka ay sida ba'an isku hayaan ee ay ku tartami doonan bisha November 2deeda korsiga ugu sareeya ee dalka maraykanka George W. Bush ayaa la sheega inuu kaga adagyahay xagga diinta, John Kerry wuxuu naftiisa ku qeexay nin Aaminsan diintiisa balse qadarin badan u haya dhamaan diimaha laga aaminsanyahay dalka maraykanka, sida Muslim,Yuhuud,hunuud,bodheest i.w.m.

Dadka Aaminsan Mad-habta Masixiyadda oo lagaga tiro badanyahay dalka maraykanka marka la bar bar dhigo dadka Aaminsan Mad-habta Protestant-ka ayaa la sheega in aanay aaminsanaantani waxba sidaasi ah u dhimi doonin taageerada Siyaasadeed ee uu John Kerry uu filaayo inuu ka helo dadka maraykanka bisha November.

QOYSKA JOHN KERRY

John Kerry wuxuu Sannadkii 1970-kii guursaday Haweenaydiisi ugu horaysay oo la odhan jiray Julia thorne, Julia waxay u yeelatay ama u dhashay John kerry laba Hablood oo la yidhaahdo Alexandra Kerry iyo Venessa Kerry, Alexandra waxay dhalatay 5 Bishii September sannadkii 1973-kii, waxay dhamaysatay Kuuliyad ay shariikadda aflaamta samaysa ee dalka maraykanka Hollywood, ku leedahay duleedka magaalada Los Angeles bishii June ee sannadkani 2004, Alexandra waxay matashay dhawr filim oo uu ugu caansanyahay Filimka la yidhaahdo “State and the last full measure” waxay si firfircoon uga qayb qaadanaysa ololaha Aabaheed ugu jiro inuu hanto xilka Madaxtinimo ee dalka maraykanka.

Alexandra Kerry iyo Venessa Kerry
Labada hablood ee John Kerry

Venessa Kerry Waxay dhalatay 31 bishii December Sannadkii 1976-kii, Waxay dhamaysatay ama ka qallin jabisay kuuliyadda Philips, iyo Jaamacadda Yale iyada oo qaadatay shahaadada caafimaadka (MBBS), waxaanay hadda shahaado sare oo takhasus ah ka diyaarisa Harvard Medical School.

John Kerry iyo Haweenaydiisu Julia thorne waxay kala tageen sannadkii 1988-kii, balse Kerry wuxuu marlabaad guursaday Haweenaydiisi labaad Tereza Fierera Heinz oo ahayd gabadh carmal oo uu ka dhintay Senator laga soo doorto gobolka Pennyslavenia, Senator H. John Hienz II, waxay kulmeen Kerry iyo gabadhiisa labaad sannadkii 1992-kii markaasi oo qaramada Midoobay ku qabanaysay shir deegaanka ah magaalada Newyork, markaasi oo ay Tereza ka soo qayb gashay shirkaasi, balse waxay waxay ku aqal galeen Nantucket, Massachusettes sannadkii 1995-kii, Tereza waxay u leedahay Saygeedii hore seddex wiil oo kala ah John Hienz, Andre Heinz, iyo Christopher Heinz, Kerry iyo Tereza waxay leeyahiin maanta hanti gaadhaysa 1 Bilyan iyo badh dollarka maraykanka ah, taasi oo iskugu jirta dhaxalkii uu kerry ka dhaxlay Aabahii iyo weliba inteeda badan oo uu tabcay, wuxuu la dhashay John Kerry wiil isaga ka yar oo la ydhaahdo Cameron Kerry iyo laba Hablood oo la kala yidhaahdo Diana iyo Peggy.

SOO KORITAANKII MASRIXIYADDA SIYAASADEED EE JOHN KERRY (1972-KII)

Sannadkii 1972-kii ayey ahayd markii ugu horaysay ee John F. Kerry lagu arko soo koritaanka Saaxadda Siyaasadda ee dalka maraykanka, iyada oo muddo hal sanno ah uun laga joogay markii uu sida ba’an ugu ololayn jiray in maamulkii Madaxweyne Nixon joojiyo dagaalka uu ka waday dalka Vietnam, wuxuu u ololayn badan u gallay sidii uu uga mid noqon laha golaha Congress-ka ee dalka maraykanka, wuxuuna go’aan ku gaadhay inuu tartan hoosaad ka soo galo mid ka mid ah degmooyinka gobolka Massachussetes, wakhtiga iyada ah John F. Kerry wuxuu ogaa in caqabado badani kaga hor imanayaan ololahiisa ka mid noqoshada golaha Congress-ka maadama oo haayaddii dooroshoyinka Gobolka Massachusettes ay daafadaysay inay tartanka ka qayb qaatan mucaaridkii dagaalka Vietnam oo la oga in John Kerry uu ahaa nin aad uga soo horjeeda dagaalkaasi.

John Kerry iyo haweenaydiisii hore Julia waxay u guureen degmada Lawrence ee gobolka Massachusettes, halkaasi oo ay damceen inay olole ka galaan sidii uu Kerry u noqon lahaa nin congresska ku biira, balse markii dooroshooyinkii degmada Lawrence la gallay isag oo John Kerry la tartamaayey Sagaal nin oo isugu jira dimuqraadiyiin, Jamhuuriyiin, iyo qaar madax banana (independent Candidates) ayaa waxaa soo food saartay in walaalkii Cameron lagu xidho mu’aamaraad lacageed, waxaana soo eedeeyey nin ganacsi ka dhexeeyey walaalka Kerry, caqabado badan ayaa ka hor yimid kerry taasina waxay sababtay inuu kerry ku guuldaraysto kursigii Congresska ee degmada Lawrence, waxaana doorashadaasi ku guulaystay nin la odhan jiray Conin oo ahaa Jamhuuri xag jira.

Guul darradii Kerry ka soo gaadhay dooroshooyinkii Degmada Lawrence may noqonon mid niyad jabisa halgankiisii siyaasadeed, balse wuxuu go’aan ku gaadhay inuu dib ugu laabto hawlaha bulshada, wuxuu ku biiray inuu olole lacageed u uruuriyo Haayad qayb weyn kaga jirta hawlaha Bini’aadnimada Adduunka oo la yidhaahdo “cooperative for assistance and relief every where “CARE” Kerry wuxuu bilaabay inuu la shaqeeyo ururkaasi, wuxuuna sameeyey barnaamij uu lacag ugu uruurin jiray,

Kerry wuxuu isku qanciyey midda keliya ee uu dib ugu laaban karo adeega bulshadu inay tahay inuu wax ka barto cilmiga sharciga caalamiga ah "the Internatinal Law" wuxuuna ku biiray 1973-kii kuuliyadda Boston College Law School, halkaasi oo uu ka qaatay shahaado sare “Doctorate law” sannadkii 1976-kii, wuxuuna In badan u adeegay haayado ku lug lahaa sharciyada socdaalka, amaanka iyo danbiyada gobolka Massachusettes.

KU BIIRITAANKIISI GOLAHA SENATE KA ADEEGII DHEERA EE GOLAHA SENATE-KA

18 April sannadkii 1985-kii wuxuu Kerry u dhaartay inuu noqdo xubin laga soo doorto gobolka Massachusettes oo ka mid noqda Golaha Senate-ka ee dalka maraykanka (the house of legislators), ama guriga sharci dejiyeenada dalka maraykanka, Kerry wuxuu olole balaadhan ka gallay degmada Lawrence isaga oo u ololayn jiray xuquuqda Haweenka iyo tacadiyada loo gaysto, wuxuuna si weyn uga adkaaday, iyada oo wakhtigaasi dib loo soo doortay Madaxweynahii hore ee dalka maraykanka Ronald Reagan oo ahaa Jamhuuri.

Inyar uun ka dib ku biiritaankiisi golaha Sharci dejiyeenada dalka maraykanka “the house of senate”, Senator John kerry wuxuu socdaal ku tegay isaga oo uu weheliyo Senator laga soo doorto Gobolka Iowa Tom Harkin, Jasiiradaha Nicarague, wuxuuna la kulmay Madaxweynaha Jasiiradahaasi Daniel Ortega, Kulankaasi Kerry iyo Madaxweynaha Ortega ayaa si weyn loo dhaleeceyey, inkasta oo Ortega loo doortay si dimuqraadi ah hadana Washington waxay ku eedayn jirtay waagaasi inuu Ortega xidhiidh weyn la leeyahay hogaamiyaha shuuciga ah ee waddanka Cuba Fidel Castro, iyo midawgii Soviet-ka oo waagaasi Madaxweyne Reagan kula jira dagaalkii qabooba (“the cold War”).

Intii uu John Kerry joogay golaha Senate-ka ee dalka maraykanka wuxuu shaqooyin badan ka qabtay dhinacyo kala duwan, wuxuu ka mid noqday sannadkii 1986-kii guddi Senateka maraykanka ahaa oo loo xil saaray inay baadhitaan ku sameeyaan xashiishadda iyo mandooriyayaasha ka soo galla dalka maraykanka wadamada Koonfurta America, wuxuuna caddaymo u gudbiyey labada gole ee dalka maraykanka isaga oo gudigaasi u ahaa gudoomiye.

Kerry waxaa kale oo uu noqday Gudoomiyaha Xidhiidhka Arrimaha dibadda ee Golaha Senateka intii u dhexaysay 1987 ilaa 1989-kii.

Sannadkii 1990-kii ayaa Kerry mar labaad loo doortay inuu sii hayo xilkiisa Senator-nimo, ka dib markii uu ka adkaaday Senator-kii Jamhuuriga ahaa ee laga soo dooranaayey gobolka Massachusettes William Weld

Senator Kerry wuxuu ka madax noqday intii u dhexaysay 1990-kii ilaa 2000 Gudoomiyaha Xidhiidhka Siyaasadda ee golaha Senate-ka maraykanka.

Todobaadada soo socda waxaan ka hadli doona Kerry iyo ololahiisa Musharaxa Xisbiga Dimuqraadiga ee ka soo bilawday Iowa ilaa Newyork, iyo magacaabidii ay Dimuqraadiyiintu Magacaabeen Kerry inuu noqdo musharaxooga xisbiga Dimuqraadiga ee dooroshooyinka Madaxtooyada 2004. (Official Democratic Presidential Candidate 2004)

Waxaan kale oo aan xasuusinaya Akhristayaasha in bishani aynu ku jira 30-keeda ay Xisbiga Jamhuurigu ku qabsanayaan shirkoogii ay ku magacaabayeen George W. Bush inuu noqdo Musharaxooga xisbiga Jamhuuriga ee uga qayb galaya tartanka Madaxtooyada dalka maraykanka (The Republican National Convention)2004, waxaan dhawaan soo bandhigi doona WAA kuma GEORGE W. BUSH, taariikhdiisa iyo noloshiisi siyaasadeed intii uu ahaa Badhasaabka gobolka Taxes, iyo noloshiisi Madaxweyne nimo 2000 ilaa 2004.

Qoraalkii Todobaadkii hore

Qallinkii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Karachi, Pakistan

diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | August 18, 2004

Xiddiga la Saadaalinayo in uu Noqon Doono Madaxweyne Maraykan ah oo Madow.... Akhri faaladii Aden-Gaas

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 

 



HTML CD