SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xafiska Guddoomiyaha

Bankiga Dhexe ee Soomaliya 

Ku dhawaaqid 

Ujeedo: Wargelin Dadweyne 01/05 

Taarikhda: 01 Abriile 2005 

Ayadoo la fulinayo qodobka 12 iyo kan 44 (d) ee Axdiga KMG, isla markaana la tix-raacayo talajeedinta Ra’iisul Wasaaraha waafaqsan go’aanka mideysan ee lagu guddoonsaday Shirka Golaha Wasiirrada isugu yimid 24 Jennaayo 2005, Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ee Jamhuuriyadda Soomaliya, Mudane Cabdullaahi Yusuf Axmed wuxuu ii magacaabay Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaliya sida ku cad Dekreetada lambarkeedu yahay Tirsi/RSTS/XM/029/05 taarikhdeeduna tahay 21/02/05. 

Bankiga cusub waa sii socoshada ama dib u howgalka  Bankigii Dhexe ee Soomaliya hore kaaso joojiyay inuu shaqeeyo 31 Disember 1990, markii ay burburtay dowladdii Soomaliya dagaalkii Ahliga ahaa dartis. Qodobbada Sharciga lambar 6 ee 19ka Oktoobar 1968 ayaa hoggaaminaya howsha Bankiga Dhexe inta laga soo saarayo sharci cusub oo beddela. 

Sida ku cad Sharciga, ujeedooyinka asaasiga ee Bankiga waxay yihiin inuu xaqiijiyo xasilloonida nidaamka Maaliyadda, inuu ilaaliyo qiimaha gudaha iyo dibedda ee Shilinka Soomaliyeed, iyo inuu dhiirrigeliyo xaalad amaah iyo sarrifka lacagta horseed u noqota kobcinta dhaqaalaha Soomaliya, iyo inuu ka qayb qaato dejinta siyaasadda dhaqaalaha iyo maaliyadda Qaranka Soomaliya xadka awooddiisa Sharci ku siman. 

Bankiga waxaa u qorsheysan inuu si deg deg ah u hirgeliyo nidaam lacag bixin ee gacan siinaya howl galka dowladda. Isla markaa waxaa u qorsheysan inuu hirgeliyo nidaam Maaliyadeed ee dhiirrigelinaya kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuuris. Bankigu wuxuu howshiisa ka hirgelinaya dalka oo dhan.  Waxaan bogaadin iyo taagero u gudbinayaa qaybta gaarka ah doorka ay ka qaadatay badbaadada iyo adkeysiga dhaqaalaha Soomaliya muddada dheer ee dalku dowlad la’aanta ahaa. Si gaar ah, waxaan u amaanaya Shirkadaha Xawaaladaha ah doorka wax ku oolka ah ee ay ku jireen  ama ku jiraan waqtiga dagaalka iyo kaddib. Waxaan jeclahay inaan halkaan ku caddeeyo in Bankigu dhiirrigelinayo isla markaana taagerayo fidinta suuqa xorta  ah iyo in la abuuro jawi dhiirigelinaya maalgelinta gaar ahaaneed iyo kobac dhaqaale Sare. 

Bankiga Dhexe sida Bankiyada Dhexe kale, waxaa xilkiisu yahay: 

  1. Inuu dejiyo nidaam lagu kalsoonaan karo ee  lacag bixinta gudaha iyo dibedda.
  2. Inuu fuliyo siyaasad lacageed ee u adeegeysa xasilinta sicirka iyo sarrifka.
  3. Inuu dhiirrigeliyo isticmaalka wanaagsan ee deeqaha dibedda iyo Maamulka keydka lacagta adag ee Soomaliya.
  4. Inuu suurageliyo qaybinta hantida dalka si waxtar leh ayadoo la adeegsanayo nidaamka amaahda,
  5. Inuu dejiyo adeeg maaliyeed ee xaqiijiya dhaqan gelinta iyo ilaalinta Misaaniyadda Dowladda.

Bankiga Dhexe waxaa horyaal howlgal culus ay ka mid yihiin: 

1.      Kasbashada kalsoonida gudaha iyo tan caalamka iyo dib u soo nooleynta xiriirka dibedda ee Bankiyada kale.

2.      Helitaanka maalgelinta looga baahan yahay raasumaalka asasiga ah iyo kan shaqo ee Bankiga Dhexe; xulashada shaqaale aqoon iyo xirfad leh iyo dejinta nidaam shaqo si loo bilaabo howsha Bankiga Dhexe loona hoggaamiyo si karti leh nidaam dhaqaale ee ku dhisan suuqa xorta ah.

3.      Dib u dhiska Miisaaniyadda iyo nidaamka Xisaabaadka Bankiga.

4.      Dib ula wareegidda  iyo dib u dhiska dhismayaashii Bankiga; dib u helidda dokumentigii hore ee Bankiga iyo diiwan gelinta iyo hubinta qaanta gudaha si tallaabo ku habbon looga qaato.

5.      Qiyaasta lacagta ku jirta suuqa  iyo soo saaridda lacag cusub si loo sahlo nidaamka wax kala iibsiga  iyo taabbagelinta siyaasadda maaliyadda.

6.      Ogaanshaha iyo la wareegidda hantida lacageed ee taal dalalka dibedda iyo xaqiijinta qaanta caalamiga ah ee loo haysto Bankiga Dhexe;

7.      Wax ka qabashada arrimaha sharci ee caalamiga ah ee ka dhashay buburkii qarankii Soomaliyeed 1991;

8.      Darsidda xalka habboon ee deynta dalka Soomaliya dibedda looga leeyahay ayadoo lala kaashanayo deyn bixiyayaasha.

9.      Helidda xalka ku habboon shaqaalihii hore ee Bankiga Dhexe. 

Waxaan ugu baaqaya kana codsanaya Ummadda Soomaliyeed meel kasta ay joogto in lagu soo wareejiyo Bankiga Dhexe hantida ma guurtada ah; dokumenti iyo wixii kale ee gacanta dadweynaha ku jira, Bankiguna leeyahay. Bankigu wuxuu u sameyn doona tabaabusho munaasabado wareejinta hantida iyo qalab kale. Bankigu wuxuu doonaya inuu ka bixiyo abaal marin dadaalka looga qayb galayo dib u dhiska Bankiga Dhexe oo qayb weyn ka ah dib u dhiska Qaranka Soomaaliyeed.    

Kaalinta Bankiga Dhexe waxay tahay inuu xoojiyo kalsoonida dadweynuhu ku qabo maamulka hantida qaranka. Arrintaa waa mas’uuliyad la wadaago, loona baahan yahay mas’uuliyiinta  iyo hay’adaha shaqada ku leh uga qayb qaataan si joogto ah  iyo ku adkeysi leh. 

Bankiga Dhexe waa soo saaraha/daabacaha keli ah ee lacagta dalka, Bankiga Bankiyada, la Taliyaha Dowladda, Bankiga iyo wakiilka dowladda xagga qabashada canshuuraha, Maamulka iyo maareynta deynta gudaha iyo dibedda ee dowladda. Fulinta xilalkaas ee Bankiga waxay u baahan tahay taagerada dowladda, Barlamaanka, Beesha Caalamka iyo Shacbiga Soomaliyeed. 

Waxaan codsi u jeedinayaan Ganacsatada Soomaliyeed inay nagu taageraan dejinta nidaam lacageed oo waxtara fidinta iyo kobcinta ganacsiga dalka gudihiisa, Soomaliyana wax ka hesho dheefta  isu furidda dhaqaalaha adduunka. Waxaan kaloo codsi u jeedinaya hay’adaha Maaliyadda Caalamiga ah inay gacan nagu siiyaan inaan ka mid noqonno nidaamka maaliyadda caalamiga ah sida ugu dhaqsaha badan. Waxaan u mahadcelinaya Maamulka Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Adduunka (World Bank ) dhiirrigelinta iyo taagerada farsamo ay ilaa hadda na siiyeen walow ay jiraan caqabado xannibaya iskaashiga labada dhinac taaso ka dhalatay burburka Qaranka Soomaaliyeed.  

Ugu dambeyn, waxaan u mahadcelinaya Dr. Andrew K. Mullei, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Kenya, iyo Dr. Edward Sambili, Ku Xigeenka Guddoomiyaha soo dhoweynta diiran ee ay iigu fidiyeen Xafiiska Guddoomiyaha iyo ballan qaadkooda ahaa in Bankiga Dhexe ee Kenya u fidiyo wixii kaalmo ee suura gal ah Bankiga Dhexe ee Soomaliya. Waxaan jecel nahay inaan ka faa’iideysanno waayo aragnimada iyo hoggaaminta sare Bankiga Dhexe ee Kenya. 

Dr. Maxamud M. Culusow
Guddoomiyaha
Bankiga Dhexe ee Soomaliya
E-Maillada Bankiga waa:

E-Mail:
centralbsomalia@yahoo.com
E-Mail:
gudbanki@yahoo.com

###


Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD