SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Tuko ma Aadan Tukane; Dowlad Dhista, Dowlad ma Aydaan Disane 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Marka laga hadlayo gobolladee Soomaaliya ugu horbilaabay Salaadda; waxaa kaftanka laftiisa lagu qeybsadaa “4.5”! Reer Waqooyi iyo Waqooyi-Bari waxay dhahaan: annagaa Salaadda u horbilownay iyagoo soo xigta in nin reer Koofureed ah ka sheegay Salaadda in Tukad la yiraahdo oo Waqooyi laga dheelo halka kuwa Koonfurtuna, kaftan kaas lid ku ah ay ka sheegaan Waqooyi iyo Waqooyi-Bari. 

Adduunka, wax kasta qiyaas iyo miisaan bey leeyihiin. Wax wax lagu miisaamo waxaa ugu fiican diinta Islaamka iyo fidrada. Salaadda is barimeyno iyo halkey Islaamka kaga jirto. Nabi Muxamed (SCW) markuu ciriiri naf iyo badankaba dareemo wuxuu u cararijiray oo ku raaxeysanjiray Salaadda. Qaranka iyo dowladnimadu halka Salaaddu diinta ka joogto bay nolasha iyo kala dambeynta ka joogaan. Ka warran qof Soomaali ah oo Xamar ka soo qaxay dagaaladdii sokeeye oo Masar ama Zambia yimid? Ama Sweden? Soomaaliya mar bey qaran jira ahayd. Adoo dhulka Itoobiya heysato, baad lagaaga qaadi jiray ayaad Xamar ama Hargeysa imaaneysaa oo waxbarasho, shaqo ama ganacsi ka bilaabeysaa iyadoon lakala jecleyn halkaad Soomaaliya kaga dhalatay. 

Miyeynaan Qaran iyo dowlad xiiso u qabin? Qofkii dagaal-ooge faa’iido ka suga ma filayo inuu qaran daneynayo. Sidee loo saxaa nin leh dowlad baan xukumayaa? Anigu waxaan u saxayaa sidii nabi Muxamed (SCW) u sixijiray waxyaalaha muhiimkaa. Aan xaddiiskan caanka ah wada milicsanno: 

Nabiga (SCW) iyo saxaabada (RC) oo masaajidka fadhiya ayaa waxaa soo galay nin weyn dabadeedna salaad gudagalay. Ninkii odeyga ahaa si boobsiis ah ayuu sidii digaag biyo cabbaya madaxa dhug-dhug ka siiyey. Markuu ninkii salaad-ku-sheeggii dhammeystay baa nabigu (SCW) yiri: tuko ma aadan tukane. Ninkii sidii caadadiisa ahayd buu sidoo oo kale ku ceshay; nabiguna (SCW) siduu buu ku yiri: tuko ma aadan tukane. Markii seddexaad ka dib baa ninkii inta dhaartay yiri nabi Alloow (SCW) waxaan intaas ahayn ma garanayo. Markaas buu nabigu (SCW) u sharxay. 

Shacabku wey ku saxsanaayeen inay Cali Mahdi, Ceydiid iyo C/Qaasim ku dhahaan: dowlad dhisa waxba ma aydaan dhisine. Sidoo kale waa lagu saxsanyahay in korneylka lagu yiraahdo: waxba maadan dhisin (ma rabo in la yiraahdo wax soo dhis oo ku noqo). 

Nabi Muxamed (SCW) oo naxariistiisa iyo xikamaddiisa la ogaa, muxuu odeyga intaas le’eg, masaajidka dhexdhiisa sidaas ugu yiri; isagoon hoos-hoosey ugu sheegin? Ilaahay baa amuuraha og laakiin waxaa laga fahmayaa in nabigu (SCW) uu arrinta Salaadda weyneynayey maaddaama uusan ninku markaas muslimin ee uu fikrad ka heystay Salaadda. Ninkaas waxaa lagu magacaabaa ninkii salaaddiisa xumeeyey. Hadda raggaas aan xusay waxay taariikhda u geli doonta kuwii madaxweynanimo ceebeeyey. Mid md waad oran kartaa madaxweyne-dile. Arrintaas oo kale, waxay ku fiicantahay in sidaas loo sheego si dadku ay u weyneeyaan oon loo fududeysan. Waxaa kaloo dhici karta inuu nabigu (SCW) ogaa ninkaas iyo inuu yahay arday fiican oo dulqaad u leh in sidaas loo saxo. Waxaa arrintaas laga fahmayaa, sida odeygaas uu markii dambe isagoon xanaaqin u yiri: nabi Alloow (SCW), sidaas waxaan ahayn ma aqaan. 

Waxaan amminsanahay, in markii dagaaloogayaasha iyo qof kastoo madaxtinimo u waashay la arko iyagoo ka leexday waddadii qaran-dhiska iyo dowlad-dhiska in la yiraaho iska taga waxba maydaan dhisine. Haddii mid caqli lihi ku jiro wuxuu shacabka goorta dambe ku orandoonaa: sidaas waxaan ahayn ma aqaan ee wax ii sheega. Haddey arrintu halkaas gaarto, qofka waa la la talin karaa isna sidii odeygii wuu qaadan doonaa. Marka, mar ay ahaataba waa imaandoontaa haddii Ilaah idmo.

Dadkaaga Cadow ma loo soo Wataa 

Nin tuug ah ayaa meel cidla ah ku soo baxay nin Caalim ahaa oo ka soo baxay beer uu lahaa. Tuuggii wuxuu caalimkii ku yiri: ii siib go’a iyo hoos-guntida aad gashantahay. Sheekhii, calaacal iyo dhaar buu galay laakiin tuuggii wuxuu sheegay in dhaarta tuugada loogu dhaarto aysan wax-ka-soo-qaad lahayn weliba isagoo madaahibta soo daliishaday. Ugu dambeyntii caalimkii inta dhaartay buu yiri: ii ogoloow inaan beerteyda ku noqdo dabadeedna nafteyda oo raali ah baan labada maro kuu keenin? Tuuggii inta waxyar aammusay buu caalimkii ku yiri: ma garaneysaa waxaan la aammusay? Caalimkii baa yiri maya. Tuuggii wuxuu yiri waxaan dib u gocday qisooyinka tuuggada; laga soo bilaabo waagii nabi Muxamed (SCW) ilaa hadda, mana maqal tuug “nasii’o” (dib-u-dhig inta aad maryaha iiga keeneyso) wax ku farsameeyey. Marka tuuggii wuxuu sii yiri: ma rabo inaan bilaabo jid aan la iiga horreyn oo dambigiisu isoo gaaro iyo dambiga inta tuug ee gadaashay igu dayata. Sheekhii oo qaawan buu diray. 

Miyeysan ku fiicneyn qolyaha Xabashida Soomaaliya usoo wada iney ka fiirsadaan? In dowladi, dowlad cadowgeed ah ugu yeerato dowlad kale waa wax dhaca laakiin waa adagtahay in la arko cid iyadoo dagaal-sokeeye lagu jiro, u yeerata dad labada qolaba cadow u ah. Anigu, Abuu Jahal iyo Quraysh baan xasuustaa markey Madiina ku duuleen. 

Dagaalkii dhexmaray Imaankii Muslimiinta, Cali Binuu Abii Daalib (RC) iyo Mucaawiye Binu Abii Sufyaan (RC), wuxuu Mucaawiye (RC) diiday taageero Roomaanku ugu yeereen oo ah inay ka dhinacdagaalamayaan si uu Imaamka (RC) iskaga celiyo laakiin Mucaawiye (RC) wuxuu Roomaankii ku caayey caay ay ka shaallaayeen. Ogoow Mucaawiye (RC) aad buu ugu baahmaa caawimaad maxaa yeelay waxaa ka soo horjeeday Libaax Cali (RC).

 Carabta keliya kuma ekeyn. Waxaa jiray nin Soomaali ah oo qoladiisii khaati ka istaageen. Qoladii ninku ka dhashay ayaa waxay xuleen ciidan soo dila ninkaas oo keena meydkiisa. Colkii oo ninkii ku raadjooga ayaa waxaa ka horyimid qolo kale oo soo dishay ninkii ay qoladani raadineysay weliba iyagoo sar-waji ka soo bixiyey. Qoladii kale oo ogaa sida ninkaas loo raadinayo ayaa islahaa haddaad sar-wejigaas  u geysaan qolada ninkaas ka dhashay waxaad heli doontaan abaal-marin. Laakiin arrintu sidaas ma noqon. Qoladii ninku ka dhashay waxay xabad madaxa uga dhufteen kii siday sar-wajiga ninkooda iyagoo leh: annaga dilan lahayn doofaarkayaga ee yaa idiin dirsaday! 

Anigu marna ma aamminsani in Xabashi dad Soomaali ah loo soo wato. Ma dad madaxweyne ii doortay baan wax taas ka yar ka dhammeysan waayilahaa? Waxay i xasuusineysaa arrin laga sheegay haweeney ka sheegatay ninkeedii. Waxay u tagtay nin wax-sheega. Wuxuu haweentii ku yiri: intaan ninka baabkiisa loo gelin, waxaad ii keentaa duf aad ka soo gooysay libaax nool. Haweentii maalintaas bay dagaal gashay. Waxay biloowday inay raxan libaaxyo ah la saaxiibto iyadoo ku biloowday inay ari u loogto. Markii hore hilibka waa u tuuri jirtay. Markii muddo la isbartay ayey biloowday inay hilbaha libaaxyada afka u galgaliso ilaa ay gaartay heer ay libaaxyada salaaxdo oo korkooda xoodiso iyadoo taabaneysa. Markii dambe ayey si dhibyar uga goosatay waxay rabtay. Markay ninkii waxsheegijiray ku noqotay ayuu yiri: marba haddaad libaax nool la saaxiibtay ood duf ka soo goysay waad la heshiin kartaa ninkaaga ee garo wuxuu rabo. Sidii bey haweentii yeeshay dabadeedna muddo yar bay ninkii si fiican u saaxiibeen. Marka waxaan uga danleeyahay, haddaad dad ka dhammeysatid howl weyn, waxaad sidoo kale ka dhammeysankartaa mid ka yar waa haddii dariiqeeda la maro. 

Run ahaantii wuu niyadjabayaa qofkii u fiirsada caqliga dadka Soomaaliyeed. Waxaa jira buug aan ugu talogalay dadka Soomaaliyeed oo ka hadlaya Qiimaha Dhulka iyo sida aysan Soomaalidu u qaddarin. Buugga mowduucyadiisa intooda badan waxaan ku soo bandhigey boggagga Soomaalida. Bal Sawirka jaldiga buuggaas arag! (ka fiiri Mudulood iyo Somalitalk) Waxaan ka dhigay, Itoobiya oo inta booyad shidaal ah soo qaadatay iska dhigaysa inay ku damineyso labadii gobol ee haray ee Soomaaliyeed oo gubanaya. Ilaah baan idinku dhaarshee, miyeysan arrintu sidaas u muuqan? 

Maqaaladaas ayaan ku sheegay inay suurtogal tahay in inta dib-u-heshiisiin la sugayo la sameeyo dib-isu-bahaysi? Ilaah baan idin ku dhaarshee, arrintu ma muuqataa? Waxaan kaloo sheegay marka laga hadlayo heshiis, waa in maxsuulka ka soo baxaa uusan ka yaraan eber (heshiis ≥ 0). Micnaha waa inuu keenaa horumar hadduu rabo ha yaraadee ama waa inuusan keenin dhib cusub. Ilaah baan idin ku dhaarshee, maxaa hadda laga baqayaa? Soow lama filayo in la daadsho dhiig Soomaaliyeed oo horleh haddii Xabashi iyo shisheeye la keenno. Arrimahaas ka hadalkooda waxaa ku jiray qorayaal badan oo arrintaas ka hadli jiray. 

Sidaan horay u iri waxaa suurtogal ah in waddan uu gargaar ka helo waddan kale si uu ugu duulo waddan kale oo cadow u ah. Taasi waa arrin dhacda oon ugub ahayn. Sidii Maraykanku u caawiyey Yurubtii la dagaaleysay Hitler. Hadda Mele Zenawi wuxuu ku socdo waa la fahmi karaa. Si uu Soomaali u qabsado wuxuu kaalmeysanayaa Ugaandha, Suudaan iyo waddamo kale. 

Marar badan baan ku ceshay – dhibka Xamar kaliya kuma ekaanayo. Maxaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo? Dad canshuur laga qaado oo iska ganacsanaya soow suuqa laguma leyn? Maahan markii ugu horraysay mana filayo iney noqonayso markii ugu dambeysay. Marka haddaan dhibka Xamar ka jira iyo dhibta ummadda Soomaaliyeed heysata la xallin, yaa ladaya? 

Waxaa iigu yaab badan markaan arko  qolyo na horbooda oo dhaha: mooryaantu binu Aadan ma ahan oo Xabashi baan usoo wadaneynaa isla markaasna dhaha dadkaasi ma aha dad dhib wada ama ciidan isku-dhaf ah baan sameysanaynaa! Waxaan aamminsanahay, inay saxsanyihiin ganacsatada ka soo jeeda labada dhinac ee Gaalkacyo iney ciidan isku-dhaf ah sameystaan oo ku dadaalaan inaan suuqa la isku leyn sidoo kalana aan hantida dadweynaha la bililaqeysan. 

Waxaa nasiib-darro ah, mar aan akhrinayey shir  Gaalkacyo ka dhacay oo uu ka hadlay Guddoomiye Jabhad iyo Wasiirka Puntland, Gaagaab. Waxay dadkii tuseen sawirro laga qaaday burburkii ku dhacay magaalada Gaalkacyo iyo siday hadda tahay. Ma guryaha ay dhisteen shacabku oo in badan oo ka mid ahi dibadaha jiraan baa la isku xorayn? Ileyn maamulka Gaalkacyo waxaan dhac ahayn oo uu u taray shacabka ma jiree sidii xeradii daraawiishta ee Gaalkacyood iyo canshuur la iska qaato. Weydii sida loogu cagojugleeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhaafaya koontaroolka Waqooyi ee magaalada sidii aad mooddo iney yihiin cadow. Marka waxaan kula talinlahaa shacabka Gaalkacyood inay ku deydaan ganacsatada ooysan dantooda ka sugin dowladda hoose ee Gaalkacyood. 

Miro-tirisku Goormuu Muhdiyoow kula Macaanaadey 

Waxaan hadda maqlayaa xildhibaanno reer hebel ah oo madaxweynaha la shiraya isagoo leh tolbeeley ee yaan Xamar la iga aadin! Shalay Xabashi baa la diiday; maanta isku qabiil baa la yahay! Caqligu ha shaqeeyo. Waxaan rabnaa in dadka Soomaaliyeed nabad helaan. Magaaladee Soomaaliya ugu dhib badan? Waa Xamar. Haddii Xamar xoogga la saaro si wax looga qabto maxaa ku jaban? Markaas ayaa laga hadlayaa in lasoo cesho dhulka iyo hantida la boobay. Waxaan kula talinlahaa in xildhibaanada haweenka ah ee Nairobi joogaa ay tagaan Xamar si ay ragga hara u dhahaan: “keen shaarka, hoo shaashka”. Qofkii raba inuu Xamar ama Soomaali caawiyoow waa inaad isu diyaarisaa wax kasta xitaa dhimasho; marka ma jirto wax ka fiican in qof uu ku dhinto danta dadkiisa. Laakiin waxaa nasiib darro ah in qofi ku dhinto isagoo ku taagan khiyaamo qaran iyo inuu Xabashi soo gesho Soomaaliya.

cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk Apr 17, 2005


Mindi ayaa Lagu Diley Aqoonyahankii Soomaaliyeed ee reer Kanada
»Canada: 3 qof oo loo xiray dilkii marxuum Xassan M. Yusuf
»Minnesota: Ismaaciil M.Cali oo Qirtay Dilkii Yaasmiin Geelle
»USA: Laba qoys oo Soomaaliyeed oo iskaga hor yimid gabar
»Baaritaan lagu sameeyey cashuur celinta Soomaalida MN
Wararka oo dhan ka akhri halkan...
Guji... Apr 15

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD