SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ducaale Hadal-Wanaaje II
ducalewanaje2@hotmail.com
Sociopolitical & Community Organizer.

Sadex-shub hadalku ha u dhaco ! 

 Raggu waa saxed : 

1. Rifie             2. Rife-kalkaal             3.Nin rag ah. 

Rife : Waa nin aan asagu wax qaban oo aan lahayn karti uu wax ku qabto. Waa ma shaqayste aan waxba ku soo kordhin guriga, qoyska iyo qaranka midna. Waa nin aan waxba laga wadi karin oo ninkii wax wadi lahaa garbaduub u qabtay. Waa nin aan aragti kale lahayn oo shaqo ka dhigtay in uu rifo magaciisa ninkii rag ah ee wax qaban kara ama hor-u-marka jecel.           

Rife-kalkaal : Waa nin ka sii liita Rife. Waa nin aan asagu toos wax u rifin. Waxa uu ku tageersan yahay Rife oo ninkii ragga ahaa rifaya. Rife-kalkaal waa ninka gacmaha u qabtay Rife in uu rifo ninkii ragga ahaa ee reerka waday.. 

Nin ragg ah : Hadaba waa keeh ninka ragga ahi ? Ninka ragga ahi waa ninka aan hoos ku soo sheegi doono. Waa ninka leh afar tilmaamood oo gaar ah, mid, labo, sadex ama afarta ba. Dulqaad ( Nin leh degaansho iyo sabir ),  Deeq ( Nin u naxariista dadka jilicsan ), Dood (Nin u dooda caddaaladda iyo xaqa ), iyo Dirir ama is-difaac marka ay dantu keento in uu u dagaalamo oo uu difaaco danta guud.  

Waxa intaas u sii dheer, in uu yahay  nin ay madaxiisa saaran tahay maskax fayow. Waa nin ay Maskaxdiisu wax barasho leedahay. Waxbarashadiisu ay khibrad leedahay. Khibraddiisu ay qorshe leedahay. Qorshahiisu uu xikmad leeyahay. Xikmaddiisu ay dadaal leedahay. Dadaalkiisu uu fulin leeyahay. Fulintiisu ay dhammaystir leedahay. Dhammastirkiisu uu daacad, ikhlaas, barako iyo raali gelin leeyahay.   

 Raggu sadex waa ka siman yahay: 

  • Marka uu dhasho!

  • Marka uu dhinto !

  • Marka la dhehdo!

Marka uu dhasho magaca waa ka siman yihiin. Dhammaan waa nin baa dhashay. Waa loo wada mashxaradaa. Waa na loo wada wan-qalaa. Magac wanaagsan na waa loo wada baxshaa.

Marka uu dhinto ama la dilo magaca waa ka siman yihiin. Dhammaan waa nin baa dhintay ama nin baa la dilay. Magta waa ka siman yihiin oo waa wada boqole. Waa na loo wada aar doonaa.

Marka uu meel marayo magaca waa ka siman yihiin. Dhammaan waa nin baa halkaas marayay. Dumarku waxay yidhaahdaan nin baa noo yimid. Gabadhii heblaayo nin baa soo doonay oo guursaday, nin baa la doortay oo madax noqday iwm.  

Raggu sadex buu ku kala tegey, ku kala mudan yahay, isku dhaafay : 

  • Ninka wixii tegay yaqaan ka harkooda !

  • Ninka waxa jooga yaqaan wax ka qabashadooda !

  • Ninka waxa soo socda yaqaan garashadooda !

  1. Ninka yaqaan oo garta wixii tegay ka harkooda.

 Aduunka wax waliba waa soo dhaceen ama waa dhici doonaan. Ninka wax garadka ahi ma yidhaahdo maxay waxaasu u dhaceen. Waa dhaceen ! Ma soo noqonayo wixii dhacay ! Way fiican tahay in la barto sidii ay wax u dhaceen in mark kale laga digtoonaado in aany wixii oo kale dhicin haddii aan la rabin in ay dhacaan. Laakiin laguma waqti lumiyo xalna lagama raadiyo in la yidhaahdo maxay u dhaceen ba waxaasu. Wixii dhacay dhece. Wixii dhintay na dhinte. Sabirkuna halkaas ayuu ku jiraa. Wixii dhacay waxa looga hadhaa in uu ahaa qadarka iyo qadiyadda EEbe. Ilaahay loogu mahad naqo, raali na lagu ahaado wixii uu qadarku noqday haddii uu iimaanku buuxo !

Ninka ragga ahi waa ninka yaqaan in uu ka hadho wixii dhacay ee tegay oo aanu weligii hiban wixii dhacay.

Falsafad hadalkaas la xiriirta ayaa tidhaahdaa,  

"Haddii uu kaa lumo furaha albaabka aad geli rabtay ee guriga,  lama sii eeg-eego halkii uu furuhu geli jiray. Ama waa la jebiyaa albaabka ama waa laga tagaa meesha  oo la iska dhaafaa"!

  1. Ninka yaqaan ee garta waxa jooga wax ka qabadkooda.

  Waxa ay ku fiican tahay in salaad walba la tukado goorteeda. Waa laga fiican yahay in aad tidhaahdo waxaas hadhow ayaan qaban doonaa oo aad dib u dhigato adiga oo markaas wixii qaban kara haddii aad sidaas u lahayd qorshe kuu dhignaa oo kuu sii meel yaalay. Waqtigu waa seef haddii aad jari weydo adiga ayuu ku jarayaa. Nin gabyay na waxa uu yidhi, "dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawsrataa abid e". 

 Wax qabad, shaqo iyo talo sugan iyo tawakul alle ayaa lagu meel maraa.

Ninka ragga ahi waa ninka yaqaan ee garta sidii waxa jooga markaas wax looga qaban lahaa ee uu ugu dhaqaajin lahaa sidii ay ugu qorshaysnayd. 

  1. Ninka yaqaan ee garta waxa soo socda garashadooda.

  Wax waliba waa qorshe, waa odors, waa ka hor-tag iyo shax loo sii degay inta aysan wax waliba kugu imaan oo aysan hoosta kaa soo gelin. Wax walba waxa la dejiyaa hawshooda waqti hore oo hoos laga xariiqdaa maalinta ay wax bilaabmi doonaan ayada oo wax walba oo wax lagu qaban lahaa la sii diyaariyay.

 Tusaale :  

Doorashadii Golaha wakiilada JSL ee loo qabtay in ay dhacdo 29.March 2005 waxa ay ahayd in ay dhacdo waqtigii loo qabtay mar haddii aysan jirin duruuf adag oo ka hor timid oo kaliftay in la baajiyo.

Wax waliba waxa ay liihiyiin goor wax la qabto  oo loo yaqaan faro-fayow. Haddii wax walba sidii loogu dhawaaqay loo qaban waayo waxa ka dhalata khall-khal, tuhmaad iyo kala shakin, waxa dhaxaysa niyad jab iyo mooraal xumo., waxa dhacayso dib-u-dhac iyo daalaadhac kale. Maxaayeelay waxa uu ahaa ballan uu rag ku kala tegay iyo wax lagu heshiiyay...... Ballan darro na waa diin darro ....... 

Nin weyn oo hadal ka dhacay waa geed ay qolofi ka dhacday. Taas oo looga jeedo go'aanka iyo dhawaaqa ka soo yeedha qof weyn oo mas'uul ah sida madaxda Dawladaha iyo Baarlamaanada iwm. Waa in la meel mariyo wax kasta oo uu yahay  iyo wax kasta oo ka dhalan kara go'aan mar haddii uu ahaa wax ku yimid qorshe iyo heshiis mar hore la dejiyay oo laga fiirsaday fulintiisa.  

Waxyaalaha dhacayo waxa ay u badan yihiin waxyaalo ku dhacaya farsamo-xumo ee aysan ahayn wax ku dhacaya niyad-xumo. Waxa se la ogyahay in ay farsamo-xumadu ka daran tahay oo ay ka dhibaato badan tahay niyad-xumada. Tabaabulshe la'aan waxa ka dhalata tayo-xumo.

Ninka ragga ahi waa ninka yaqaan ee garta waxa soo scoda wax ka qabashadooda ee leh himilo, bar-tilmaameed ( Target ), hadaf iyo ujeedo u calaamadsan oo leh maalin xadaysan in uu ku dhaqaajiyo hawsha iyada ah ( Target date ). Inta aanad boodin eeg halka aad ku boodayso. 

 Ninkii ay sagaaro dhaaftay waxa uu yidhi tan danbaba. Waa maacalaysh xaajadii kaa murkacataa 1 Niyad wanaagga ayuun baa muhim ah. 

Sadex bay Somalidu ku midaysan yihiin guud ahaan: 

1. Diinta  Islaamka      -           2. Dubka midabka       -           3. Dibnaha Hadalka. 

a)      Diinta Islaamka. 

Somalidu rumaynta Diinta Islaamka way ku midaysan yihiin oo dhammaan waa wada sheegato Muslim dhab ah. Inta badan Somalidu barashada Diinta Islaamka waa ku liitaan sida waxbarashada kale oo garasho fiican uma laha cilmiga diinta Islaamka. Waxa aad moodaa intooda badan in ay ugu dhaqmaan Diinta sidii wax uun u ah taageerayaal ama tifoosayaal Islaamka marka la eego ku kicidda falalka ay Diinta Islaamku xaaraan ka yeeshay iyo sida loo xalaashaday waxyaalaha ay ka mid yihiin dilka, dhaca, fasaadka, dulmiga, beenta, tuugada, quudhsiga, faaxishada, qabyaalad-xumada, qalalaasaha iyo nabadgelyo la'aanta iyo argagixinta ay dadka qaarkood ku kaceen ama ay hadaba ku kacayaan, kuwo kale na ay ku raacsan yihiin ayada oo hadana Muslim la sheeganayo.. 

b)      Dubka midabka iyo diirka sare. 

Somalidu dubka sare, diirka iyo midabka inta badan waa iskaga mid oo waa iskaga eeg yihiin. Waa dad asalkoodii hore ka kala yimid boqolaal kun oo sanadood ka hor dhawr qaybood oo dunida ah oo u badan qaarradaha Asiya iyo Afrika. Ugu danbayn dhammaantood waxa ay isugu biyo shobteen Afrikaan dhankii loo eego dhaqan iyo dhalasho waxa ay ka tirsan yihiin qaaradda Afrika. Carabnimo la sheegto waxa ka sokeeso in sinji la sheegto haddii aan Somalinimada lagu joogahayn. Dhammaan  Somalidu waa dad isku isir ah ama isiroobay. 

c)      Dibnaha hadalka. 

Somalidu dibnaha hadalka waa ka midaysan yihiin waxa ay ku wada hadlaan dhammaantood luqadda ama hadalka ay ku hadlaan qoomiyadaha loo yaqaan kushitigga ka sii ah lahjadda afka Somaaliga ( So'maal ). Luqadda loo yaqaan May-tiri ama afka may-mayga waa lahjad ka mid ah afka qoomiyadaha Kushitigga oo ay ku hadlaan degaanada biyo-maalka iyo Boojo-maalka.  

Sadex bay Somalidu ku kala duwan yihiin guud ahaan. 

  • 1. Dan-guud yaqaan ( Degaanka Jabuuti ilaa iyo Laasqoray ).

  • 2. Dan-gaar yaqaan  ( Degaanka Boosaaso Ilaa iyo Beledweyne ).

  • 3. Docdii-yaqaan.      ( Degaanka BuulaBurde ilaa iyo Kismaayo ).

 a)      Dan-guud yaqaan: 

Somalidu ( 5ta ) waxa jirta sadex waxyaalood oo ay ku kala duwan yihiin. Sadexda walaxood oo ay ku kala duwan yihiin waa sadex wax oo aan la taaban karin ama aan muuqan karin sida ay u muuqdaan midabka, hadalka, ama diinta. Waa sadex wax oo qarsoon oo la xidhiidha fiirada dareenka oo ah dhaqan ku salaysan geed-la-daaq  gooni ah iyo dabeecad gaar ah (specific phnomenon).

Waxaasi waa wax jira, waana waxa saldhigga u ah khilaafka iyo is-afagarsho la'aanta ka dhex taagan Somalida oo soo taxnayd tan iyo waqtigii is-dhex-yaaca Somalida 1960kii. Sadexdaas walaxood waa waxyaalaha keli ah ee ay Somalidu isku haysato oo la garan la'yahay sidii loo macnayn lahaa ama loo sharxi lahaa shirarka iyo goobaha lagu doodo dhexdooda. Waa wax uu qofku dareemayo LAAKIIN aanu cabbiri karin ama aanu soo saari karin in uu ku gar naqsado. Waa dareen sida jacalylka, neceebka ama xasadka hinaasaha oo kale ah. 

Tusaale ahaan waxa loo soo qaadan karaa sadex nin oo walaalo ah oo hal guri ku wada nool LAAKIIN se uu mid waliba leeyahay dhaqan ama dabeecad u gaar ah oo aan la taaban karin. Waa wax la dareemi karo oo ka-hor imaanaysa rabitaanka dabeecadda ninba ninka kale . 

Ninka hore waa nin goor walba ka fekeraya danta guud. 

 Waa nin wanaagga jecel. Waa nin waanagga cid walba la jecel asaguna uu ka mid yahay. Waxa uu jecel yahay in uu walaaladii wax walba ku soo dhaweeyo inta uu asagu dib isku dhigo ixtiraam awgiis. Ninkaasu waxa uu goor walba heegan u yahay difaaca, hor-u-marka, daryeelka wanagga guriga iyo caddaaladda ka dhaxayso asaga iyo walaalihii. Waxa uu jecel yahay oo ay tahay ka-helistiisu ( Hobby ama hiwaayad ) oo uu weligii ku naaloodaa sidii ay asaga iyo walaaladiiba aduunka uga mid noqon lahaayen dhinaca aqoonta, hor-u-marka iyo nolosha fiican oo ay u noqon lahaayeen dad jira oo ka tirsan ummadaha wax qabsaday aduunka korkiisa oo ka soo baxay in ay gutaan dhammaan wixii uu Illaahay u abuuray oo dhan dhinac kasto camal iyo cibaado suuban oo dhab ah ( Self-formed ).

b)      Dan-gaar yaqaan : 

Ninka labaad waa nin wanaagga iyo hor-u-marka jecel LAAKIIN waa nin asagu kelidiis wax isla jecel oo inta uu far dheer laabta iskaga qabto ku dhihi wax waliba aniga ayay ku wanaagsan yihiin. Waa nin ay ku dhan tahay annaaniyad oo dhami ( salfness ).Sabab, baahida, rafaadka, wax la'aanta iyo cayrnimada uu ku soo barbaaray awgeed.

Waxba kuma aha in uu ku yiraahdo koodhkaaga, kabahaaga, kursigaaga, gaarigaaga iyo waxa guriga yaal oo dhami aniga ayay dhammaan igu fiican yihiin in aan qaato. Waxa uu ka sheeganayaa kuwa kale ee ay walaalaha yihiin ciidii, calankii, ciidankii, calaamaddii qarankii iyo sharftii oo dhan asaga oo aan waxba ku soo kordhinayn guriga. Waxa uu rabaa inuu qaato wax kasta oo ay ragga kale keeneen guriga. Wixiisa na lama arko meel ay ka dhaceen oo goor walba waa wax la'yahay. Madhan ayuu dhashay. Haddii uu wax kasta helo kama muuqanayso oo asaga oo haysto aduunyo inta ugu roon ayuu hadana kabo la'yahay. Ciddii sidaas u eegta waxa qabanayso goor walba in sadaqad loo  fidiyo.

c)      Docdii-yaqaan : 

Ninka sadexaad waa nin la moodo in aanu wanaag ba jeclayn. Waa nin aan hadal haynba u lahayn sidii wax loo wanaajin lahaa iyo sidii uu uga qayb qaadan lahaa wanaagga iyo wax ka toosinta qaabka guriga. Asagu wanaagga islama jeclo, nimanka  kale ee ay walaalaha yihiin wanaag lama jeclo. Marka aad eegto ba waxa uu ku mashquulsan yahay wax uu docdiisa iyo goshiisa ku rito ama uu ku sii gurto. Lama arko ninkan Docdii-yaqaan oo meel iftiin ah oo la arkayo wax ku qabanaya ama ku cunaya ( suuq madow ). Dan iyo muraad kama laho haddii Guriga dhinaas la fuqsanayo, la qaadanayo ama dalka iyo dadkaba sun lagu shubayo oo lagu aasayo oo nalka iyo biyaha laga goosanayo guriga oo aysan nololiba ka  jirahayn - bartii yaqaan ( Self-confusion ).  

Somalidu sadexdaas dhaqan-hoosaad ayay ku kala duwan yihiin. Sidaas darteed waxa adag oo aan muuqan sida ay sadexda nin ee walaalaha ahi hal guri ugu sii wada jiri lahaayeen inta ay jirto dabeecadaha aan isa soo jiidanahayn.( unlike poles rebell )..

Ninka hore ( kowaad ) ayaad moodaa in uu noday daxiyad ( victim ) ka daalay in uu la jaan qaado nimanka kale ee ay walaalaha yihiin sidii ay wadajir nolosha ula  tacaali lahaayeen tijaabo uu la galay in ka badan muddo 40 sanadood ah - Laga soo bilaabo is-dhex yaacii Somalida 1960kii. 

 Waxa ay tahay su'aalshu, muddo intee leeg ayuu ninka hore ( 1aad ) kula dhex noolaan karayaa guri labada nin ee uu mid ba dhaqankiisu midka kale ka daran yahay.  Danaysiga gaarka ah iyo demmanaanta ay ka qabaan danta guud iyo dadnimada ee uu xaalkoodu sidaas yahay ? Muddo intee leeg ayuu u dul-qaadan karayaa in uu u dayaco ama uu u lumiyo waqtigiisa iyo dantiisa baylahda noqotay ? Muddo intee leeg ayuu sii eegan karayaa in uu ku sii jiro dib-u-dhac iyo in uu wax-ka-dhaxayn la yeesho raggan noqday sida naflay-ku-noolsha iyo dulinka ( parasitism ). 

Baadhis la sameeyay waxa la ogaaday asaga oo ay ka ahayd wax hagaajin in uu taliskii Maxmed Siyaad Barre bitrool iyo baasiin ku sii shubay dareenka dhaqanka lagu kala duwan yahay ee aan kor ku soo sheegnay. Dhuxul dab ah oo  hoos ka shidn ayuu ku joogsaday. Nabar milil leh ayuu dushiisa rabay in uu dhayo.  

Waxa la og yahay in uu ahaa Maxamed Siyaad Barre hogaamiyayaasha Somaliyeed ninkii ugu dadaalka badnaa bal in uu wax ka sameeyo faraqa iyo is-maan dhaafka jiray Somalida dhexdeeda ee ay wax ula socon la' yhiin. Nasiib darro se, farsamo xumo awgeed iyo khibrad la'aan dammiinmo  u dheereed daacadnimo darradii Dantii-yaqaan iyo Docdii-yaqaan waxa ay sababtay in uu daalaadhac kula kufo dubihiisii weynaa Dan-guud -yaqaan oo aan dareen ba qabin. 

Sadex buu Siyaad Barre lahaaa kala ilaali : 

  • Isaaq - Awood, xukun iyo maamul ka ilaali !

  • Hawiye - Hub, qoray iyo hanti ka ilaali !

  • Daarood - Dayac, darxumo iyo gaajo ka ilaali !

Sadex ma heshiiso : 

  • Nin qosol badan iyo nin qoonsimaad badan !

  • Nin qab weyn iyo nin aan uba qabin !

  • Nin quudhsi badan iyo nin aan uba qaadan !

Sadex ma heshiiso LAAKIIN labo way heshiisaa ! 

Sadex qolo oo qoyaan badan iyamaa qabiili ah ? 

Qaldawalaha* iyo Doobiga* iyo kan Qararaflaha* wada. Amina Cali Xersi 

___________________ 

  • Qaldawale*  =  Dhisaha isku qoosha shamiitada, niista iyo biyaha.

  • Doobiga*      =  Laamadaayo, dharka dhaqe

  • Qararafle*    =  Gaari- gacan, Biyoole

Sadex baa hoogtay : 

  • Ummad cunta wax aanay beeran,

  • Ummad cabta wax aanay miiran,

  • Umadd marriimatay maryo aanay tolan.

Sadex madoow bay Somalidu dhex socotaa : 

  1. Weji madow aan maqbuul ahayn ( Black Minority ) oo aan soo dhawayn lahayn.
  2. Jeeb madow aan waxba ku jirin,baahi iyo baryo badan oo aan soo dhawayn lahayn.
  3. Caqli madow aan cilmi ku jirin, wax na looga baahnayn oo aan soo dhawayn lahayn.

Sadex siyaaso bay somalidu u baahan yihiin oo soo celin karta :  

  1. In ay is-cafido oo nin walbo xcaqiisa loo celiyo.
  2. In ay is-dhiibto ( Illaahay ) oo ay dhulkeeda aaminto.
  3. In ay is-ictiraafto gudaheeda oo qasab ku ah..

Ictiraaf laga soo bilaabo, qof-qof, koox-koox, qabiil-qabiil iyo qarrannimo. 

Wa Allaahu Al-Muwafaq.

Ducaale Hadal-Wanaaje II
ducalewanaje2@hotmail.com
Sociopolitical & Community Organizer.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk Apr 17, 2005


Mindi ayaa Lagu Diley Aqoonyahankii Soomaaliyeed ee reer Kanada
»Canada: 3 qof oo loo xiray dilkii marxuum Xassan M. Yusuf
»Minnesota: Ismaaciil M.Cali oo Qirtay Dilkii Yaasmiin Geelle
»USA: Laba qoys oo Soomaaliyeed oo iskaga hor yimid gabar
»Baaritaan lagu sameeyey cashuur celinta Soomaalida MN
Wararka oo dhan ka akhri halkan...
Guji... Apr 15

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD