KAFAN!! MISE KABO??
(Faallo)
Cumar
Cabdinuur Nuux – Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com
Mahad Ilaah baa leh,
Nabadgelyo iyo Naxariisna nabigeenna korkiisa ha ahaato.
Kafan iyo Kabo waa labo
shay oo midna nolosha lagu xidho, midna geerida kadib la isu xidho. Waa laba
shay oo aan isku qaldami karin. Mid qof nool baa qaata midna qof dhintay baa
lagu duuduubaa. Shirkii dalka Kenya uga socday Soomaalida labada sano iyo
Dawladda Kumeelgaarka ah ee ka dhalatay shirkaas, ee iyana lix bilood
jirsatay waxaa lagu muransanyahay natiijada kasoo baxday iyo cawaaqibta laga
dhaxli doonaa maxay noqon? Kafan mise kabo!!
Soomaalidu waxay ku
maahmaahdaa “wax nin la qumman baa nin la qalloocan”, iyo “nin walba
qummanihiisaa qoorta ugu jira” waana arrinta iyo caqliga dhaxalsiiyey
Soomaalida maanta in noloshii iyo geeridii isaga qaldanto, in saxii iyo
qaladkii isaga dhexyaacaan iyo in dantii iyo dandarradii la kala garan waayo.
Waxaa habboon in qofku waxa la qumman iyo waxa la qalloocan labadaba cilmi,
caqli iyo dan ku saleeyo si falkiisu uusan halaag iyo qoomammo ugu horseedin.
Waxaad arkaysaa dadkii Soomaaliyeed oo maalin kasta hadba meel loo duwayo,
hadba meel loo didsanayo, hadba gidaar madaxa loo saarayo, oo hadba meel
lagu askaaxayo (laynayo) sidii ido ama riyo goosan ah.
Si aan u qiimeyno in
shirkii Kenya iyo dawladdii ka dhalatay ay yihiin kafan ama kabo, bal aan
raadraac ku sameyno ama isweydiinno su’aalo u baahan jawaabo aan looga
maarmin gunaanadka faalladaan.
-
Maxay ahayd ujeeddooyinkii shirka loo
qabtay?
Run ahaantii
ujeeddooyinkii shirka loo qabtay way faro badan yihiin, waxaase loo qaybin
karaa ilaa afar ujeeddo oo waaweyn.
-
Ujeeddadii ay ka lahayd dawladdii Carte
lagu soo dhisay ee C/qaasim Salaad Xasan madaxweynaha ka ahaa waxay
ahayd in iyada iyo mucaradka ama golaha SRRC lagu dhexdhexaadiyo, oo
wixii dhimman lasii dhameystiro.
-
Ujeedadii golaha SRRC waxay ahayd in ay ka
takhallusaan Dawladda Carte lagu soo dhisay oo wax walba koow laga soo
bilaabo.
-
Ujeedada dalwadaha deriska waxaa ugu xoog
roon tan dalwadda Ethiopia oo ahayd in dawladda Carte ay ka takhallusto
golaha SRRCna soo saarto. Jibouti iyo Kenya waxay rajo ka qabeen in
shirkii Carte la sii dhammeystiro, mase noqon.
-
Dawladaha Yurub iyo Maraykanka oo kala
ujeeddo duwanaa, waxay guud ahaan iska waafaqsanaayeen in la helo dawlad
ay ka raalli yihiin oo Soomaaliya lagala xaajoodo si aysan bahallo
galeen u noqon aragtidooda.
2. Ujeeddooyinkaas
maxaa ka hirgalay?
-
SRRC, Ethiopia iyo Reer Yurub oo
Maraykanka lagu daray waxaad mooddaa in ujeeddooyinkoodii wax badan uga
hirgaleen
-
Dawladdii Carte lagu soo dhisay iyo
Shirkii Jibouti martigelisay waa laga takhallusay. Dawladda Kenyana
waxay hadba la bah tahay meeshii ay danteedu ku jirto waxayse aad ugu
ujeeddo dhawdahay dawladaha reer Yurub oo ay wakiil uga tahay shirka.
3. Yaa shirka
Soomaalida uga qayb galay?
Shirka waxaa soomaalida
uga qayb galay:
-
Gacan ku dhiigle
-
Calool ku dhiigle iyo
-
Caqli ku dhiigle
4. Maxaa shirkii 2da
sano loo fadhiyey kasoo baxay?
Waxaa layaab ku noqotay
indheergaradka Soomaaliyeed qaabkii shirka lagu waday. Sidii ergooyinkii
Soomaalida loola dhaqmay iyo sida looga dhowray in cid aan afkaarteeda laga
raalli ahayn shirka ka qayb qaadato. Waxaad moodday ama uu ahaa shirku mid
Soomaalida loo qabtay, laakiin aan Soomaalidu shaqo ku lahayn habka loo
abaabulay, habka uu u socday iyo natiijooyinka kasoo baxay intaba.
-
Waxaa shirkii kasoo baxay Dastuur aan ilaa
hadda la garaneyn cidda qortay iyo meesha lagu qoray toona!! Waa dastuur
iska soo daba iyo horjeeda oo bilowgiisa iyo dhammaadkiisu isburinayaan.
Waa dastuur aad mooddo in cid aan Soomaali ahayn loo qoray amaba qortay.
-
Waxaa shirkii kasoo baxay Baarlamaan ay
mudanayaal ka yihiin intii shirka ka qayb gashay! Hoggaamiye kasta oo ka
mid ah Gacan-ku-dhiiglayaashii, Af-ku-dhiiglayaashii iyo
Calool-ku-dhiiglayaashii shirka ka qayb galay wuxuu ku dadaalay in uu
baarlamaanka kusoo darsado mid isaga ka sii liita ama la mid ah xagga
aragtida iyo aqoontaba si uu isaga ugu codeeyo maalinta doorashada.
-
Waxaa shirkii ka soo baxay Dawlad Kumeel
Gaar ah oo Fadaraal ah oo ay madax iyo minjaba ka yihiin saddexdii qolo
ee shirka ka qayb gashay. Gacan-ku-dhiigle wuxuu dilo uun buu yaqaan,
inuu wax dilo buuna diyaar u yahay. Calool-ku-dhiigle inuu wax
bililiqeysto uun buu yaqaan taas buuna meesha ugu jiraa.
Caqli-ku-dhiiglana wuxuu aaminsanyahay madaxa oo lagu socdo in ay ka
wacan tahay in lugaha iyo cagaha lagu socdo
Intaa waxaa dheer oo in
badan oo indheergaradka Soomaaliyeed ka mid ah ay aaminsanyihiin in
natiijooyinka shirka kasoo baxay ama imaan kara ay ka mid yihiin dagaallo
lagu hafto oo dalka kasoo cusboonaada. Gacan shisheeye oo dalka la wareegta.
Baaba’ iyo dabar go’ ku yimaada ummaddii awalba dhibaataysnayd ee muddada
dheer silica iyo saxariirta la baday. Waxaa jira aqooyahan kale oo aaminsan
in waxa meesha lagu dhigayba ay tahay riwaayad ama “show” oo aysan jirin
laba Cali oo lagu heshiisiiyey shirkaas balse dad col ahaa wax la isugu
daray si ay si fiican isugu aakhiro-seegaan. Waxaa dadka qaar qabaa in
markii la arkay dadka Soomaaliyeed oo dagaalkii ka daalay, wax soo saar,
isdhexgal iyo nabad ku wada noolaanshana bilaabantay, ay lagama maar maan
ku noqotay ummado iyo dawlado burburka qarankaan gaaray qayb ka ahaa in ay
mar kale dab cusub huriyaan oo wixii awalba la isku seegay soo dhexdhigaan
wax-ma-garatada Soomaaliyeed.
Waxaa iyana jira aragti
ay qabaan in badan oo Soomaalida ka mid ah gaar ahaan danyarta, daacadda
kuwa dulman iyo kuwa hantidooda ma-hanbeeye aan meel dheer la tagin la
wareegay. Dadkaas waxay aaminsanyihiin in “wax xoog lagu qaaday xoog uun
lagu soo dhacsado” oo aan walaalow waxaygii isii aysan suurtogal ahayn.
Waxay leeyihiin “Mukulaal Madoow haddii aan muruq lagu muquunin Minankeenna
ka biximayso”. Qoladaan waxay la tahay ama ku niyadsanyihiin in ciidamada
shisheeye ay u dhaamaan ma-naxe iyo ma-noogaha ku mabay ma-guurtadii gaarka
loo lahaa iyo tii guudba!!. Waxay leeyihiin “waxba dhowrsanmaynee Alloow
dhuxolo soo daadi”.
Aragti kale oo saddexaad
waxay leedahay marka la eego sida shirka loo maamulay, sida wax uga soo
baxeen iyo sida dad aan heshiis ahayn 30 bilood meel loogu wada horjoogay,
waxaa jira qorshe qarsoon oo gacan qarsoon gadaal ka hagayso. Waxay
indheergaradka fikraddan qabaa aaminsanyihiin in hoggaanka sare ee Dawladda
Fadaraalka ee Kumeelgaarka iyo Golaha Shacabka ee Kumeelgaarka uusan
midkoodna go’aan xor ah lahayn, uusan waxna dhisi karin waxna burburin karin!
Waxay dadka fikraddaan qaba aaminsanyihiin in ujeeddooyinkii shirka loo
qabtay qarashdkii iyo waqtigii uga baxay gacanta gadaal ka maamulaysa aysan
marna suurtagal ahayn in Maryoolay la yiraahdo ka taliya oo ku kala taga!!
Waana culeyska keenay in min South Africa, Nigeria, Tunisia, Libya, Yemen,
Sudan, Uganda iyo Ma-quuste Zanawi ay ciidamo ku yaboohaan! Soomaalidu waxay
tiraahdaa “Caano ima siin jirine ma qorrataa uga dhacday”!! Carab iyo
African maxay maanta 15 sano kadib ku keeneen in ay yiraahdaan waa in
Somaaliya Dawlad loo dhisaa!! Oo ciidan loo diraa?
Isugeyn marka la eego oo
aad loogu fiirsado sida wax ku bilowdeen, wax loo maareeyey, sida wax uga
soo baxeen iyo halka xaal marayo waxaa maxsuulku ama dhaxalka Dawladda
Fadaraalka Kumeelgaarka ee shirkii Kenya ka dhalatay noqon doonaa “Kafan ama
Kabo”. Marka laga dabqaato labada aragtiyood ee hore waxaa kuu soo baxaya in
Dawladdaan noqon doonto kafan lagu duubo qarankii Soomaaliyeed ee dhowr iyo
tobon sano ka hor geeriyooday, sidaasna jiritaankii Soomaliyeed ku xijaabto.
Haddiise la eego fikradda dhahaysa “Matashadaba loo Tali” ee golaha
shacabkee bakooradaha iyo hangoollada isku garaacay ee dhawrka gobol u kala
guuraya, ay jirto gacan gadaal ka maamusha wayba jirtaa sida fikraddaan
qabto’e, waxaa dhici karta in dawladda Fadaraalka ee Kumeelgaarku ay noqoto
“Kabo”. Kabi marna qodoxda iyo qashinkay kaa xigsataa marna qabowga iyo
kuleylkay kaa xigsataa. Soomaalidu waxay tiraahdaa “kab-xume ma haree
kab-laawaa hara”. Bal aan dhawrno lixda bilood ee soo socota meesha xaal ku
danbeeyo – kafan ama kabo midday noqoto.
Inj. Cumar C/nuur Nuux –
Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
April 4, 2005
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com