SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI

Haddii Suudaan Ciidan u soo Direyso Soomaaliya; Samatobixintuna Waxay u Diraysaa Daarfuur 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo  naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Maqaal hore  waxaan ku sheegnay in dowladda Suudaan u dhaqmeyso sidii ninkii inta qoryaha (xaabada) doontay oo isku xirtay xirmo xaabo ah dabadeedna markuu qaadiwaayey inta xarigii ka furay kusii darsaday xaabo kale si uu u qaado. Waqtigan xaadirkaa, dhibaatada ka jirta Daarfuur ayaa ka daran midda ka jirta Xamar iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliyeed. 

Waxaan usoo taagnaa kuray yar oo foorjeynayey/dacaayadeynayey mid kale oo leh: kani wuxuu maqlay dab-damis; markaasuu inta koonbo biyo kusoo shubtay, isagoo iska dhigaya dab-damis ayuu nin dariiq marayey oo sigaar cabayey afka biyo kaga shubay isagoo leh: anna ma daminayaa adna ma daaree! Soow hadda uma habboonna sida wiilkaas, in Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa ku tiraahdo Suudaan: annaguna (UN) ma Daarfuur baan ciidamo u diraynaa si aan wax uga qabanno dhibtaad geysateen; idinkuna (Suudaan) ma waxaad rabtaan in ummad markeedii horaba dhibbaneyd (Soomaali) aad la kala safataan ood xasuuq kale geysataan? 

Waxaan maqaalkaas ku sheegay, in haddii Suudaan, Itoobiya iyo Ugaandha ay wax ka qabtaan Soomaaliya, uu Maraykanku ugu yeeran doonno inay wax kala qabtaan hubka nukliyeerka ah ee Iiraan iyo Kuuriyada Waqooyi lagu tuhunsanyahay. Waxaan kaloo ku darayaa in dowladdaan Biriteyn, lafteedu ugu yeeran karto inay Suudaan iyo Itoobiya ka caawiyaan siday wax ugala qabanlahaayeen dhibta ka jirta Waqooyiga Ayrlaan (Northern Ireland). 

Maxaa Laga Rabaa Dadka ka soo horjeeda Farogelin Shisheeye? 

Soomaalidaa tiraahda hadday riyo (ari) dib leeyihiin dabodoodey ku qarsanlahaayeen. Horta waxaa laga rabaa in xildhibaannada diidan farogelin shisheeye ay adduunka weydiiyaan cidda caawineysa. Lasoo dhaaf waqti aashuun-ku-addin. Tusaale, hadday Suudaan tiraahdo waxaan ciidan u diraynaa Soomaaliya, waa in xildhibaannadu wacaan Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ooy dhahaan: Waxaad 24 saac ku heysaan dhib baa ka jirta Daarfuur. Waxaad leedihiin 300,000 oo qof baa ku dhimatay geyigaas. Haddii dowladda Suudaan lagu eedeynayo xasuuqaas, maxaa Soomaaliya loogu soo dirayaa ciidan Suudaan u dhashay? Haddii daacadnimo jirto waxaan filayaa in UN-ku aan si leexleexad lahayn u dhihi doonto: Suudaan uma suubbato inay ciidan Soomaaliya u dirto. Haddii kale waxaan filayaa in Jawaabta UN-ku  la mid tahay midda IGAD, oon hoos ku qorayo hadii Ilaah idmo. 

Xalka IGAD noo soo Wadaan 

Nabadda iyo horumarka ay IGAD Soomaaliya usoo waddo waxay i xasuusineysaa sheeko laga sheegay nin aan dhaqtar ahayn oo dabiib iska dhigay. Waxaa la sheegaa in waqti sii horreeyey ay cisbitaal  ka bateen dadkii bukaanka ahaa ee jiifay. Ninkii dhaqtar iska dhigayay  baa intuu madaxdii magaalada isbitaalku ku yaal u tagay ku yiri: dadkaan oo dhan anaa hal saac ku daweynaya oo isbitaalka ka saarayee ee ii ogolaada inaan isbitaalka ka shaqeeyo. Waa laga yeelay. Wuxuu dabka saartay fuusto saliid ah. Wuxuu diyaarsaday afar nin oo iska waaweynaaday (Yemen, Itoobiya, Ugandha iyo Suudaan). Wuxuu yiri qof kasta sariirtiisa ku soo qaada oo halkaan keena. Qof kasta wuxuu ku dhahaa ama fuustadaan saliidda ah oo karkareysa baan ku dhexdhigayaa ama socod isbitaalka uga bax? Haddee ma qof saliid kulul u jeedaa meesha ku haraya haddaanba nafta lugahiisa laga soo siibin oo uusan dhuunyeerineyn? Dadkii oo dhan baa isbitaalka ka baxay. Haddaan eegno sheekada IGAD waxay la mid tahay taas oo kale. Ileyn ummad ama waddan waa la qabsan karaa laakiin waxa isbitaalkaas ka dhacay ama waxa Suudaan Soomaaliya la rabto ma xalbaa? Ka warran haddii Itoobiya na qabsato? Waxaad arki doontaan iyadoo la arko hal nin oo madaxweyne u tartamaya oo la leeyahay 100% baa la doortay sidaan horay usoo arki jirnay. Ogaada hal libaax arkeysaa ma godlato. 

Talo fiican baan hayaa oo dowladda Suudaan iyo wixii la mid ah looga aarsan karo. Aan xoolo nool iyo lacag u aruurino Daarfuur. Dadkaas dhibbanna faa’iidey u tahay; dowladda Suudaanna hoog. Marka la dhaho, dad Soomaaliyeed baa soo caawiyey Daarfuur waxay gelaysaa saxaafadda marka macquul noqonmeyso in dad Soomaaliyeedna Daarfuur caawiyaan; dowladda Suudaanna ay ciidan Soomaaliya u dirto. 

Maddaama ay Yemen iyo dowladaha Afrikaanka qaarkood (IGAD) la soo baxeen caqligii lagu yaqaan; Soow ma dhici karto  in la maqlo golihii Samatobixinta ama jabhadda Xaabsade ama  tan Indho-cadde ama Dooxada Jubba oo leh waxaan ciidan u diraynaa Daarfuur!

cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE C/WAAXID

Faafin: SomaliTalk.com |  April 4, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD