SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI

INTAY FIDNO ABUURI LAHAYD, HA FASHILANTAA KA ROON!!!!!!!

mursal W/D:Mursal Max'ed Max'uud(Garaad)E-mail stethy1@yahoo.com

Ma'ahan markii ugu horaysay ee rajo xumo ka soo ifbaxdo horumaro la'isku dayey in loo qaado dhanka Dowladnimadda iyo Dib-u-heshiisiinta.Dowladdii dhismaheeda loo fadhiyey mudada dheer ayaa waxaa muuqata in Raggii ugu sareeyey ay ku dhaqaajiyeen Wadadii ay ku wiiqmi lahdy rajadii laga qabay in Dowladdu si buuxda uga howlgasho Dalka soona celiso amnigii iyo kala danbayntii 15-sano oo fowdo ah ka dib.

    Inta badan waxyaabihii fashilka ku keeni jiray Maamuladdii la'isku dayey in Somalia loo sameeyo waxaa ugu badnaa "Anaa u Xaq leh iyo anaa ka sii mudan" is qab-qabsigaas oo aan lahayn tanaasul "compromise" ayaa marka ugu danbeeysa ku soo af-jarma in lagu kala dareero Xaajana ay ku soo idlaato "Gush iyo Gash maleh" sidoo kalena waxay keeni jirtay  in  intii wax gooni  iskula doonaysayba ay gaarkeeda dhinac ugu go'do. Waxaana ka soo bixi jiray Ereyga caan baxay Mudadii Qarab bur-burka, eed moodaba in loo sameeyey wax duminta  kaas oo ah "Looma dhamma"

     Markii ugu horaysay waxaa lagu guulaystay in meesha laga saaro Ereygii "Looma dhamma" kadib dhismihii Dowladda Mpagthi oo durbadiiba Dadku ay u bixiyeen Dowladdii Isbaaro qaadka, waxaana la oran karaa waa Nidaamkii ugu horeyey ee 98% ay u dhanyihiin Raggii adeegsan jiray "Looma dhamma", Waa Maamulkii ugu horeeyey ee Ragga hubaysani iska wada dhex arkaan. Dad badan ayaa iyagu aaminsanaa in dhibkii uu intaa ku hari doono mar hadii intii Xalku u af-duubnaa ay noqdeen min Madaxweyne, Wasiir. illaa Xildhibaan. Hase yeeshee weli waxaad moodaa in ay tahay "Faanoole fari kama qodna!!"     Marka loo kuurgalo hab-dhaqanka Hoggaanka Dowladda waxaa soo baxaya in wixii loo fadhiyey mudada dheer ay kaabiga u saaran yihiin Hal bacaad lagu lisay in ay la mid noq daan, haddii aan la samayn isbedello xoog-leh oo lagu saxayo khaladaadka dhacay iyo kuwa imminkaba socda, waxyaabaha raja beelka ku riday Ummadda ee Qof waliba goonidiisa isku waydiinayo waxaa ka mid ah:

1. Haddii Madaxdda Dowladdii laga dhursugayey waqtiga dheer ay beegsadeen Waddo halis gelin karta jiritaanka Ummadnimo ee Somalia.

2. Haddii ay ku dhaqaajiyeen waddo aan ka tarjumaynin hanaankii Dib-u-heshiisiineed ee lagu soo dhisay.

3. Haddii rabitaankooda shaqsi madax-maray hoggaankii Dowladda, oo aanay cid kale tixgelin siinayn.

4. Haddii qaar ka mid ah Raggii uu xalku u af-duubnaa loogu goodinayo in laga saarayo Dowladda, oo aanay awood lahayn.

5. Haddii aan weli laga gudbin isbahaysiyadii lagu kala jiray, kahor intii aan la dhisin Dowladda, sida S.R.R.C, Samatabixinta I.W.M.     

6. Haddii hadalka kasta oo ay yiraahdaan Madaxdii Dowladdu uu noqday goodis, caga juglayn iyo mid xaalad-abuur ah.

7. Haddii Madaxddii Sare Gaar ahaan Madaxweynaha la sheegayo in uu ka iibiyey Deegaanka Xaafuun Hay'ad ajnabiya oo la yiraahdo Xafza muddo Qarniya. 

8. Haddii Deeqihii loogu tala galay Dadkii dhibaatadu ka soo gaartay Masiibadii Tsunami ay Madaxda sare ee Dowladdu, u isticmaalayn qaab NGO, iyo safaro tamashlayn ah.                      

    Waa maxay Sawirka kuu muuqan kara Mustaqbalka dhow iyo kan fogba, haddiise waxyaabahaas oo dhan ay sax yihiin mayihiin Madaxdaasi kuwii wax badbaadin lahaa?

    Sida Wararka lagu helayo waxaa dhawaanahanba lagu ururinayey Zoonka 5-aad ee Ethiopia iyo meelo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland, Meleeshiyaad gaaraya dhowr kun, Ciidamadaas oo sida qorshuhu yahay ku sii jeeda Mgaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar oo uu Geeddi sheegay in ay Dowladdiisu kala degi doonto, islamarkaasan aan arintaas looga baahnayn in Barlamaanku ansixiyo, ayaa dhan ka kale waxaa jiray Ciidamo loo diyaarinayey sidii ay kuwaas uga hortegi lahaayeen, qaar ka mid ah Hoggaamiyayaasha hubbaysan ee Dowladdana ku jira ayaa iyaguna ku hanjabay in Madaxweyne C/laahi Yuusuf aanu mar kale tegi karin Jawhar iyadoon raali looga ahayn, waxaa jira in wadnaha farta lagu hayo is ku dhac ay suurta gal tahay in uu dhex maro Ciidamadda Gobolada Waqooyi iyo kuwa Bari ee isku hor fadhiya Deegaanka Ari-caddeeye.

     Waxaas oo dhan ka horse waxaa hadaba Xiisad Collaadeed ka qaraxday Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay. Dagaal kan oo salka ku haya khilaafaadka u dhexeeya Xubnaha Dowladda ee ku saabsan halkii ay Dowladdu degi lahayd.  Xubnaha ku jira Dowladda ee ka soo jeeda Gobolkaas ayaa qoloba cid ay malaha u ciil qabtay Dusha uga tuurtay Mas'uuliyadda Dagaalkaas, ilaa 15 Mudane oo ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya ayaa war Saxaafadeed ay soo saareen ku eedeeyey Madaxda sare ee Dawladda in ay qarash ku baxiyeen sidii halkaas Collaad looga aloosi lahaa, halka illaa 5-Wasiir oo uu ku jiro kii Dowladda u qaabilsanaa Dib-u-heshiisiinta ay ka soo duulayn Nairobi, sheegeena in ay ka xoraynayaan  Gobolka Bay Cadawga ku soo duulay, iyadoo Mudane shariif Xasan Sh. Aaden  uu dhex-dhexaad ka noqday, kuna baaqay in Dagaalka la joojiyo isagoon cidna ku eedayn.

    Sikastaba ha ahaatee waxaa muuqata in meelo badan oo Dalkaa ay ka jirto dhiilo Colaadeed oo ay suurtagal tahay in Gacmaha la'iskula tago. Hadaba Dowladdu ma waxay ahaydbaa la'iswaydiin karaa mid Dib-u-heshiisiin, oo Nabad dhex-dhigta qaybihii horay isku dagaashanaa mise mid Colaad abuur oo dib i noogu celisa horraantii 90'meeyadii?

    Waan hubaa in Ciwaanka qormada aanay igu waafaqsanayn inta badan Shacabka Soomaaliyeed, waayo Dadku way daalan yihiin mana aqbali karaan Dadaal kasta oo la sameeyo in uu shaqayn kari waayo, oo ciribtiisuna fashil noqoto.....Hase yeeshee Akhristoow sideed u maarayn lahayd ood una kala dooran lahayd Su'aalahan?

A). In Dalku uu sii ahaado sida uu imminka ku sugan yahay iyo in Xaalku ka sii daro?

B). In dhulka Soomaaliyeed la sii kala qayb-qaybiyo iyo in sida imminka uu yahay uu ku sii hakado?.

C). In Somalia ay noqoto Zoonka 6-aad ee Ethiopia & in Dalku sidan sii ahaado.                     

D). In Dowladdu ay abuurto Dagaal cusub oo lagu hoobto, dibna inoogu celiso 90'yadii iyo in Xaalka aan looga sii daran?

    Haddii aan Anigu ka jawaabayo waxaan oran lahaa in Dalku sidaan sii ahaadana Xal ma'ahn, in looga sii daraana way ka sii khatar badan tahay, howlina sida ay u kala culustahay ayaa loo kala hormariyaa, sidoo kalena Islaamku wuxuu jideeyey haddii Qofka Muslimka ah ay noqoto in aanu ka baxsanayn 2ba dhibaato midkood wuxuu qaadanayaa hadba tii fudud. Sidaas darteed marka hore waa in la xaqiijiyaa in aanu dhicin dhib ka baaxad wayn kii ay Bulshadu horay ugu sugnayd. Markaas kadibna loo gudbo sidii loo midayn lahaa afkaarta qaybaha Dadka si loogu wada jiheeyo dhanka wanaagsan ee wax qabsashada.

    Ulajeedadu ma'ahan in wax gaar ah meel lagu ogyahay, mana ahan wax-xun saadaalin. Hase yeeshee Qoruhu wuxuu ka faaloodaa wax dhacay, waxii taagan iyo waxa immaan kara Mustaqbalka, waa Bini'aadam Saadaashuna mararka qaarkood way is dhaln rogi kartaa, inta badanse waxay ku timaaddaa "Sax" haddii loo kaashado Waayo aragnimadii la soo maray.

    Isku soo duuboo weli Dowladda waxaa loo hayaa Xushmad aad u balaaran, weli soo dhawayn & wada shaqaynbaa loola diyaar yahay, weli jaanis ay isku sixi karto, si buuxdan ugu soo celin karto kalsoonidii Dadka ayaa horyaala. Haddiise ay ka go'antahay in lagu laabto sidii la'ahaa horraantii 90'yadii iyo si kasii liidata, waxaa la oran karaa in ay fashisho Xukuumaddu ayaa ka roon. Marka aan leenahay Xukuumad dabcan Waa Golaha cabinet-ka, Madaxweynaha iyo intii kale ee la shaqaynaysa. Barlammaankuse waa jaanib kale oo lagu baxsan karo hadday muujiyaan Mas'uuliyad dheeraad ah, sdii ay sameeyeen 17kii march oo kale.

W/D:Mursal Max'ed Max'uud(Garaad)E-mail stethy1@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE MURSAL...

Faafin: SomaliTalk.com |  April 4, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD