SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI

Minneapolis oo noqotay Mbagathi-dii Mareykanka(Q.1-aad)

C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com

Waxay ahayd Maalin Jimce ah 25 Maarso 2005. Abaabul badan ayaa ka socday Magaalada, Fadhi ku diriradu waa buuxaan, jidadka iyo daaraha hortooda waxaa loo safan yahay sidii iyadoo ay Oktoobatii tahay. Waxaan ka wareeray waxa maanta ummada isu soo uririyey. Waxaa luuq yar iiga soo baxay Yoonis oo aad moodid inuu gaadhi ka tegayo. 

Eelay: Yoonis maxaad la maqiiqan tahay?

Yoonis: Shirka noo! Cadowgaa la jebinaa saaxiib! Waa soo lebisahaa

Eelay: Warka isii hee saaxiib

Yoonis: Saaxiib Maanta waa kala guurkii! Ma aragtidoo dadkaa meel kasta tuban, kuli waxaa la yahay weerar iyo difaac. Hawiye siiba Habar Gidir waxay ka xanaaqsan tahay shirkii ay wateen oo uu Daaroodku siiba Majeerteen ka burburiyeen. Markaas maanta shirkii la sugaayey aa dhacaayo noo! Waana laga tabaabusheestay. Meesha imow adigaa wacdaro arkeyside!  

Xoogaa haddiiba aan dadkii iska dhex mushaaxay ayaa waxaan maqlaayaa dad xanaaqsan oo leh: “ Hawiye dowladnimo ma rabo! Maxay ku falayaan dowlada maadaama ay iska haystaan 14 sano beero aysan lahayn, daaro iyo dhul aysan lahayn oo ay iska haystaan” Mar walba xujo cusub bay keenayaan si wixii la soo doortay ay u baaba’aan: “ Axdigii baa lagu xad gudbay-laga yeel, Kalsoonidaan kala noqonay-laga yeel, Itoobiyaan lama keeni karo-laga yeel, wax kale maaha ee waxay afka soo marin la’ yihiin Madaxweyne Daarood ah ma rabno!. Xabashi bay ku marmarsiyoonayaan Yaa Hawiye ka Amxaarsan waa kuwa dhaca, kufsiga iyo dilka ku haya dadka masaakiinta ah ee ay haystaan beerahooda iyo guryahooda”. Mid kalaaba soo booday oo leh: “ Waar ninyahow anigu waxaan la yaabay fariidnimada wadaadada Hawiye! Markii ay arkaan in dowlad la dhisayo oo wax soo bidhaamaanba inta ay dadkooda buufiyaan bay yiraahdaan ha la jihaatamo cdowgii baa soo socdee! Bal hadday Diintu dhab ka tahay oo aysan ka ahayn Daarood nacayb, may ku Jihaadaan 5-tan Yuhuud ee waddankiina diirtay, Gabdhihiina kufsaday, Dhismayaashiina burburiyey, Xaaraanta iyo ummadda xoolahoodana ku naaxay! Wallee Hashu Maankeyga gadaye ma masaar bay liqday!” 

Waxaan aaday dhinicii kale ee ay dadku ka buuqayeen waxaana lays weydaarsanayey ereyo kul-kulul: “Haa, waa lays bartay! Nimankii Mareykan hilfaha u laabay aa nahay anaga, Itoobiyaan xun maan u daahaynaa. Waa ku Jihaadeynaa Wallaahi. Wax ka soconaaya iska yar Dowladaan, sidii tii C/Qaasim lee ku danbeynee” Mid kalaa soo booday oo yidhi: “ Dhibka dhanba nimanyahow Hawiyahaa iska leh! Iyaga lee C/llaahi Yusuf ma dooraninoo, Xayawaankaan Cali Geedi-na isagaa ku shaqaysta. Walle Hawiye haddiiba ay dowladaan hirgasho ceebtiisa Illaahay dhiqi maa! Waayo dheh? Inta 14 sanno uu waxba soo maamuli waayey oo Dowladii la keenaba dhaqaajin waayey haddii Dowlada Daarood maanta hirgasho sow Xoolo noqon mayno!. Laakiin Xay kuugu taalaa runtu Alley taqaanaaye, haddiiba Warlord-kii Hawiye Xamar habeen waayey oo inta ay Mujaahidiintooda kala baxaan Magaalada xero u sameeyn waayeen ha la karbaashee iska dey” Mid kalaa isoo eegay anigoo anteenadu ii taagan tahay Markaasuu yidhi: “ Nimanyahow Midgaankaana muxuu dhega dhegeynaayaa! Waaba isku kay rugaayaa ka warran!” 

Madashii shirka ayaa la soo dhoobtay iyadoo ay meel walba ka taagan yihiin Booliis wada giigsan. Waxaa bilaabmay shirkii waxaana halkaa ka hadlay oo qudbado qiima leh ka soo jeediyey dadyow kala fikrado duwanaa. Tusaale ahaan Mohamed Keynaan oo ah Madaxweynaha SIMA ayaa ku nuux-nuuxsaday inaan wax ciidama ahba loo baahnayn haba yaraatee. Wuxuu u sheegay Soomaalida inay taageeraan Dowladan iyo Baarlamaankeeda. Wuxuu kaloo Soomaalida u soo bandhigay inay iyagu wax qabsadaan oo iska daayaan taakulada ay is leeyihiin dibadey idiinka imanaysaa. 

Dr. Cali Khalif oo hadalku uusan soo gaadhin shirkii hore ayaa aad uga sheekeeyey dowladihii ay dhibtanoo kale soo qabsatay iyo sidii ay uga gudbeen. Wuxuuna sheegay inuu aaminsan yahay in ciidamo la keeno laakiin uusan taageersaneyn in kuwa Safka Hore wadankii la geeyo. Wuxuu ku guubaabiyey dadweynihii inay haboon tahay in la taageero dowladan Soomaaliya u dhalatay iyo Baarlamaankeedaba maadaama ay ku timid si Dimuqraadiyad ah. Shirkaasi si wanaagsan buu ku dhamaaday oo bilaa buuq ah maadaama Faranjigii Cadaa ee aanu weligeen ciseen jirnay uu na dul tubnaa! 

Markii shirkii laga soo baxay ayaan arkay Yoonis oo meel halkana afkiisa ku furtay:” Waa nala siray, Cali Kahliif sidaan maanan moodeyn, ninkiiba Hartinimadiisii ayuu u dhurtay! Maxaa waaye dowladaan la taageeraayo iyo ciidankaan uu sheegaayo! Meesha waa nagula ajaray saaxiib!”.  Xoogaa haddaan dadkii sii dhex mushaaxay, mise waa Guuleed oo qoslaaya: “ Oof Cali Khaliif meesha wuu iska soo qaaday! Haddee ninku waa nin Harti ahe ma ogtahay! Maalintii horena waa la fududaaday oo lama sugin intuu ka hadlahayey ma ogtahay! Waxaa nalagu yidhi Hawiyaa shirka watey ma ogtahay! 

Ululuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuuu! Haddii aan eegay meesha alalaasku ka baxayo, mise waa Islaamo is foorjeeynaya: “ Nacabow nafta waa! Naa Maxaad ka soo doonteen shikayaga islaamihiina Majeerteen?.iyo “ Naa heedhaha Naagihiina Dhulbahante war xuma tashiil baa na helayee haddee ha lays cafiyo” 

Waxaa banaankii Golaha shirka marba meel u cararaayey Mohamed Keynaan si uu u qaybiyo Xayeysiin qurux badan oo ku saabsaneyd Shirka dhacaya Maarso 26 2005 ee looga hadli doono Xuquuqda Dadka laga tira badan yahay ee ku nool Soomaaliya. 

Yabaq aad u badan ayaa waxaa ka soo dhex baxaysay ereyada ay ka midka yihiin: “Bal Midgihiina maxaa soo dhex geliyey sheekada Hawiye iyo Daarood! Wallee nama yaqaanee inuu Keynaan Bucsharadiisa ku cayaari doono oo aanu uga guuri doono Carwadiisan uraysa! Bal siduu u oran karaa ciidamo oo dhan looma baahna walaa Itoobiyaan”. Naa anigiyo asxaabteydu haddaanu Nooloostada siineynaa ee noogasoo raadiya Magaalada boosas aanu dharka wadhano! Waa idin kula jiraa! Waa inoo ballan yaah, aanu barno cashar lama ilaawaan ah! Ayay tii kale tidhi. 

Gacamey ayaa isoo eegay isagoo leh: “ Waar ninyahow waaba mashaakil, xataa Mareykan dhexdiisa haddiiba la rabo in lagu af qabto oo ha hadlin lagu leeyahay dhib maahinoo!”. 

Shirkii wuu u qabsoomay Qolyihii Taageerayey Go’aankii Baarlamaanka. Haatana waxaa socda olole ay wadaan qolyihii Taageersanaa in Ciidamo Itoobiyaan ah la keeno oo isugu imaan doona shir. La arki doonee!

Haatanba Isbaarana waa lausu dhigtaa, Leejada waa layska guraa si colaada wadankii loo sii huriyo oo loogu taageero kuwa Iskursiyeeynayee…..

Eebow uusan haatan Isbaroomis noogu darsamin!

C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE EELAY...

Faafin: SomaliTalk.com |  April 4, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD