SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI

Siyaasada iyo indho sarcaadinta runta ah ee looga dan lahaa soo dhaweynti Muqdisho loogu sameeyey dowlada cusub!!!

-----------------------------

Siyaasada iyo indho sarcaadinta runta ah ee looga dan lahaa soo dhaweynti Muqdisho loogu sameeyey dowlada cusub!!!

Awoodo badan oo Damacyo kala duwan kala wata ayaa Dowlada cusub ku turaanturinayaan in ay Xamar Ciidan laŽaan tagto. Waxaana kooxahaas ka mid.

BBCda Laanta Afsomaliga oo iyada la ogyahay in ay ka xumaatay natiijooyinkii shirka kenya ka soo baxay. waxayna ka shaqaysaysaa sidii ay dowlada cusub God uga tuuri lahayd.

HayŽadaha dhaqaalaha bixiyaan oo qaarkooda rabin in ay dowlad taabo gal ah oo shaqadooda la wareegta somali ka dhalato.

Maxkamadaha islaamiga oo ka baqayaan in Qoryaha laga qaado sidaas darteedna waxay diidan yihiin in ay dowlad xoogle xamar timaado. Kooxdii mar ku guulaysteen in ay dowlada cali maxamed geedi afganbiyaan waxayna u badan yihiin golihii wasiirada ee carte waxayna u arkaan haddii ay dowladu xamar tagto in ay ka xoog badan yihiin. Kooxo mucaarad ah laakin aan rabaan in ay is muujiyaan inta ay dowladu kenya joogta.

Waxaana la dhihikaraa kuwa u ololaynayaa in ay dowladu xamar ciidan laŽaan tagto waxay u kala qaybsan yihiin kooxo Ujeedooyin kala duwan kala wata. waxaana ujeedooyinkooda lagu soo koobikaraa.

Ujeedo Dhaqaale: waxay kooxi ka wataan ciidan shisheeye laŽaan dowladu xamar ha tagto dan dhaqaale oo waxay rabaan in dhaqaalaha dowladu aanu meel kale iyo magaalo kale galin.

Ujeedo dibin daabo: waxay kooxaha dowlada cusub ka soo horjeeda rabaan in ay dowladu tagto meel ay madfacooda kala soo gaari karaan oo ay ka dibin daabyeyn karaan.

Ujeedo qabiil: waxa jira koox qabiil ahaan iyo in ay qabiilkoodu awooda faraha ku dhagaan rabaan oo sidaas u rabaan in ay dowlad ciidan la Žaan xamar tagto si ay iyagu ciidan ugu noqdaan iyo si ay dowlada faraha ugu dhigaan.

Ujeedo laŽaan: waxaa jira kooxo ujeedo laŽaan u taageersan in ay dowladu xamar tagto waxaanay kooxahaasu u badan yihiin kuwa aan ku cibro qaadan waxa carte ku dhacay iyo kuwa warbaahinta xamar u ololaysa haaheeyo raac u ah. Haddaba qorsha ay qaar dowlada cusub ka mid ah ay xamar ku booqdeen Wuxuu ahaa qorshe siyaasadaysan oo ay madaxda sare ee dowlada ku meel qaar ka mid ah wax ka maleegeen waxaana ujeedada booqashadaas iyo soo dhawayntii indho sarcaadinta lahaa looga dan lahaa oo kaliya.

in lagu xakameeyo fikirka ka digaya in aan sidii carte xamar lagu dagdagin.

In dowlada beelaha xamar daga magan u ah xamar la geeyo.

In markii xamar la geeyo dowlad aan awood lahayn in qaab dhismeedka dowlada wax laga badalo oo la qabto doorasho. Si doorshasaad loogu sii diyaar garoobo waxay cabdiqaasim iyo cali mahdi dhisi rabaan xisbi siyaasi ah oo mucaarad ah.

Haddaba si aynu u odorasno in ay Dowladu Cusub tii carte ka duwanaan doonto iyo in kale haddii ay ciidan laŽaan xamar tagto waxaa fiican in aynu dhagaha ka furaysano indhahana ka qabsano soo dhaweyntii indho sarcaadinta looga dan lahaa ee xamar ka dhacday oo aan fiirino waxa ku dhicikara Dowlada cusub haddii ay Xamar Ciidan la áan tag.

Waxaa hubaal ah haddii ay Dowladu Xamar Ciidan laŽaan tagto in ay Dowladu marti iyo magan u noqonayso Jifada RaŽiisul Wasaaraha ka dhashay ama Beelaha Xamar Awooda ku leh Beel ka mid ah, taas oo keenaysa in Beesha martida loo yahay GoŽaamada Dowlada wax ku yeeshaan iyo waliba in ay iyaga Dowladu u jilib xirnaato sidii tii carte. Waxaana meesha ka bixidoona Dowrka Awoodeed ee ay Barlamaanka, Madaxweynaha iyo RaŽiisul Baarlamaanku ay Dowlada ku leeyihiin.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa cabsi ku dhacaysaa oo dhumin doonaan Xilka loo soo igmaday, ilayn kii afka kala qaada ee danta Beesha maganta loo yahay ka soo horjeesta waxaa hubaal ah in Habeen madow la mirayo oo meel uu galay la waayeyo.

Beelaha Somaliyeed ee kale ayaan u guuxidoonin in ay Beel kaliya Awoodii Dowlada faraha ku dhigto, taas oo wiiqidoonta kalsonida Somalidu Dowlada cusub u hayso.

Dhibaatadu kuma dhacayso Madaxweynaha, RaŽiisul Baarlamanka, Xildhibaanada iyo Wasiirada xamar Doolka ku ah oo kaliya ee waxaa hubaal ah in Beesha maganta loo yahay iyana dhib soo gaarayo, ilayn markii Martidooda la weeraro waxay ku khasban yihiin in ay daafacaan, taas oo keenidoonta in ay Beelo isku dhacaan oo ay arintu isu badasho Beelo faro ku hayntooda dowlada ku hardamaya sida Geelii la kala dhicijiray.

Waxaa kale oo Dhibaato aan yarayn lagala kulmi doona sidii Hubka Dadka looga dhigi lahaa iyo Cidii Hubka loo dhiibi lahaa ilayn Beeluhu isma aaminsane. wuxuuna Xalka kaliya ee Hubka lagu ururinkaa uu noqondoonaa in Beelkasta ay Hubkeeda meel isugu gayso Ciidan Beelaha u gaar ah oo Hubka ilaaliyaana la qoro sidii tii Carte, taas oo sii xoojinaysaa Awooda Hogaamiyaasha Wasiirda noqday ee Awooda Xamar ku leh iyo waliba in ay abuurmaan Hogaamiyaal kale oo iyana ciidankooda loo masruufo.

Xildhibanada iyo Ergooyinka Caalamiga ah ee Dowlada martiga u ah ayaa loo baahandoonaa ciidamo Beeleedyo meelaha ay dagan yihiin iyo markii ay magaalada marayaan ilaaliyaan, taasna waxay keenaysaa in xildhibaanksta sidaas la hayste u noqdo.

Hoteelada Xamar oo ay Dowladu ku khasbanaan doonto in ay ku jilib xirnaanto ayaa iyaguna qayb ka qaadan doonaan in aanay Xamar dagin, ilayn ninna ma rabo in xildhibaan sidii loŽdii ugu jilib xiran laga kaxeeye.

Yaa ka faaŽiidaya ciidamo shisheeye laŽaanta Dowlada cusub?

Maxkamada islaamka ayaa la hubaa in ay awoodooda gorgortay ay sii xoogaynayso oo ay ku guulaysanayaan in ay damacooda siyaasadeed sidaas ku hirgashaan waxaanay dowlada cusub ku khasbanaandoontaa in ay iyagana ciidamadooda u masruufaan iyo in ay maamulka madax ka noqdaan.

Mucaarda dowlada ka soo hurjeedaan iyo ninkii dowlad iska dhex arki waaya ayaa la hubaa in ay helayaan meel ay dowlada hoobiyahooda kala soo gaarikaraan, taas oo abuuray in ay dowladu baryo iyo hebelna ha lala hadlo iyo qolo hebel ha la qanciyo ka dhamaan weydo, taas oo keenaysa in ay meesha ay ka baxdo qorshii 4.5ka ahaa ee wax lagu qaybsaday, ilayn wixii somali ka dhaxeeyey ayaa beelo lagu qancinŽ..

Dhalin yarada wax qafaashaan ayaa waxay helayaan fursad ay xildhibaanada iyo ergooyinka martida ah ay ku qafaashaan waxana ku soo biiraya Dhalin yaro kale gaar ahaan inta wayda in ay xildhibaanada wax ka waardiyeeyaan oo iyaguna bilaabidoonaan in ay xildhibaanada qafaashaan waxayna sidaa dhaqaalihii dowladu ku bixidoonaa madax furasho.

ku guulaysan doonin in ay is aaminaan oo ay hubka isku meel dhegan laakin waxay ku guulaysanayaan in dhaqaalaha ay dowladu hesho siday doonaan ugu tagri falaan.

Yaa ku khaaraya haddii ay dowladu ciidan shisheeye la aan xamar tagto?

Beelaha aan xamar daganayn ayey markiiba dhumaysaay awoodii codeed ee ay dowlad ku leeyihiin waxaanay ku khasbanaan doonaan ama in ay ka dagaalamaan ama cadkii la siiyo in ay qaataan.

Waxaa kale oo ku khasaarayaan dhamaan inta sugaysay in la dhiso wax dadka ka dhaxeeya iyo in ay hirgasho dowlada la isla wada maamulo.

Waxaa kale oo khasaaro xaga cumcada ah ay soo gaaraysaa oo siyaasad ahaan dhaawacmaya raŽiisul wasaaraha, madaxweynaha iyo raŽiisul baarlamanka gaar ahaan raŽiisul wasaraha oo isagu isaga oo duruufaha taagan ka fakirin dowlada u raray magaalo ay ku hafan doonto.

Waxaa kale oo ay u badan tahay in madxweynaha Xamar lagu dilo oo ay sidaas ugu suurto gasho kooxaha xagjirka ah ee ay xiniftu ka dhaxaysay in ay Ujeedadooda gaaraan.

Maxaa talo ah?.

waxaa fiican In aan Xamar lagu dag dagin haddiise lagu dag dago oo ay Dadka ka xoog badiso Caafid Qabiil iyo Magalada Beeshayadu dagan tahay ha la tago waa in Ciidan Shisheeye oo Ciidamada Qaranka tabobara baraan oo Dowladana ka ilaali in ay Beel magan u noqoto la helaa inta Ciidan Dadka ka dhexeeyo oo Dowlada ilaaliyaan Dadkana Hubka ka dhiga la helayo.

Haddii Caqligu talin waayo oo ay Caadifo taliso waxaa hubaal ah haddana cad in ay Dowlada Cusub ka tabar daraan doonta tii Carte.

Jagne Dahir jagne3@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

MAQAALADII HORE EE JAGNE

Faafin: SomaliTalk.com |  April 4, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 
MAQAALADII 2004
Shirkii Minneapolis iyo wacdarihii ka dhacay!

Guji..
Minnesota oo noqotay meesha afka Soomaaliga loogu qadarin badan yahay
Guji...
Erataria Oo ka Hadashay Shirka Soomaaalida Uga Socda Kenya
Guji...
Qoysas-ka Somalida Reer Canada Ee U Soo Guuray Pune Hindiya Maxaa Sababa
Guji...
Maqaalkaagu Yaanu  Noqon Mid Mashaakil  Keena... Maskaxdaadu yey noqon..
Guji...
Samata Bixinta Dalka Dalka Soomaaliyeed iyo wax Qabadka aqoon yahanka Guji
MAXAAD KA TAQAAN DHAQANKA SWEDESHKA IYO KAN SOMALIDA
Guji...
Fariimo Bulshadeed
oo Dahsoon

Guji...
Xaalada Bulsho, Dhaqaale iyo Siyaasadeed ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland
Guji...
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare



HTML CD