SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI

6 DHALINYARADA SOOMAALIYEED EE SACUUDIGA LAGU DILAY,

WAA “MASKIIN BAA GARBO LAGU SOCDO LEH” 

Sida aan dhamaanteen maqalnay waxaa qoodha looga jaray 6 dhalinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo lagu soo eedeeyay danbiyo ay ka mid ahaayeen, afduub, kufsi, dhac, iyo argagixis ay kula kaceen shacabka sucuudiga gaar ahaan kuwa ku dhaqan Jeddah. 

Hadaba waxaa iswaydiin mudan waxa sababay in lixdaas dhalinyarada ah unuunka la hordhigo.   

  • Ma qof Muslim ah bay dileen
  • Ma diinta Islaamkay ka baxeen
  • Ma danaha Muslimiintay Jaajuuseen
  • Ma Sinaysteen iyagoo xaasas leh
  • Ma ficilooyin Waxashnimo ayay ku dheceen sida (qowmuluudnimo iwm)

Arimahaas waa waxyaalaha banayn kara in la dilo qofkii sameeya, hadaba waxaa iswaydiin mudan waxa sababay in la dilo dhalinyaradaasi. 

Nabigeena Suubani wuxuu xadiis saxiis ah noogu sheegay in Qofka Muslimka ah Dhiigiisa ay banayn karto sadex arimood sida:  

-Inuu dulmi ku dilo Naf Muslim ah (taas oo aad maanta ugu badan Soomaaliya)

 -Inuu isagoo xaas leh sinaysto (taas oo iyana caadi ka ah mushtamaceena)

-Iyo Inuu diinta Islaamka ka baxo (taas oo iyana maanta lagu arkay Qaar ka mid ah Soomaalida Qurbaha, oo waliba kabaxidii aflagaado sharafta muslimka , Nabigeena Suuban Nolishiisii  iyo Allahii aadanaha unkayba ay caadaysteen kooxahaasi)  

Aniga oon marna difaacay ficilooyinka tuugonimo iwm… ee sharafta Islaanimada iyo Soomaalinimadaba ku xun ee ay ku kaceen dhalintaasi, hadana waxaan oran karaa ilaa hada kuma qancin waxa qoorta looga jaray, ama mugdi wayn ayaa iiga jira. 

Sucuudiga waxaa ka dhaca dulmi ka badan kuwa lagu soo oogay dhalinyaradaasi, sida , Raga oo isku taga, Hantida xoogsatada Muslimiinta ah ee u shaqa tagtay Dalkaasi oo la duudsiiyo lana soo tarxiilo, kumaankun Muslimiin ah oo ku xirxiran xabsiyada Dalkaasi iyagoo aan wax danbi ah lagu soo oogin, boqolaal lagu duugay saxaraaga rubuc khaali iyo weliba u gargaar cadowga Muslimka ayay ku kacdaa xukuumada iyo shacabka dalkaasi. (iyadoo isla markaasna aan ognahay inay ka buuxaan malaayiin muxsiniin ah, baytii Alle ku yaalo, nabigeena suubani ku dhashay kuna aasan yahay) ayay hadana tahay in runta la sheego, lana kala saaro ficilka dowlada sucuudiga iyo kan shacabka gaar ahaana kan ehlu khayrka. 

Markaani ma aha markii ugu horeeyay ee lagu xadgudbo xuquuq jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan, sidaa umaysii fogayn markii xabsiga jasiirada u dhow Jayzaan lagu xasuuqay muwaadiniin maato ah ee Soomaliyeed. 

Hadaba Waxa meesha ina dhigay waa markii aynu sharaftii, haybadii iyo qaranimadii iska qaadnay, ayaa ileen calan iyo dowlad la inooga haybaysto ma lihini lagu tuntay sharaftii muwaadinka Soomaaliyeed.  Ilaa la soo celiyo Calankii iyo Awoodii Qaranimo ee Soomaliyeedna xasuuqaas iyo Madaxgooyadaas ayunbaa lagu hayn doonaa Jaaliyadaheena ku sugan dibadaha. 

Waxaa kaloo haboon , in aynu garnaqsano inaga nafteenu , oo Soomaalidu waxay tiraahdaa “Gaal dil gartiisana Sii” sidaa awgeed inaga lafteenu markaynu gubnay dalkeenii, bahdilnay sharafteenii Qofnimo, Islaanimo iyo Soomaalinimo, markaynu boobnay hantidii qaran iyo qofeedba, markaynu kufsanay hablaheenii, dooxanay caruurteenii iyo cirooleheenii , burburinay dhismayaasheenii, ayaad moodaa inaynu noqonay tusbax fikaday. 

Qaar waxay boqolaal ugu dhinteen, bada u dhaxaysa Somaaliya iyo Yaman, Bada u dhaxaysa Liibiya iyo Itaaliya, tobanaan kale ayaa lagu toogtay ama silic ugu dhintay xuduudaha yurubta bari iyo tan galbeed, tobanaan kale ayaa lagu dilay ama lagu dooxday wadamada ay qaxootiga u yihiin, sida yurubta galbeed iyo waqooyiga ameerika, inta buufisku ku dhacay warkoodaba daa, inta (suicide) is dishay warkoodaba daa. 

Hadaba aynu iswaydiino waxa ina badan silica aynu maanta ku suganahay iyo tiiha aan inuu ka soo daro mooyee aan ka soo raynayn. 

Ilaahay wuxuu balan qaaday inuusan umad u gargaarin ilaa ay iyagu isku gargaaraan mooyee. 

Kuwa wali doorbidaya inay Soomaali ku sii hayaan silica ay maanta ku jirto sow kama xishoodaan, kuwa wali dulmiga iyo dumiska ku haya qaranimadii iyo qaayihii Soomaaliyeed sow kama waantoobaan, kuwa iftiin kastee noo siraadma raba inay damiyaan oo isbaarada hordhigtaan sow kama koraan kamana waynaadaan. 

  • Ra’I teen run baan sheegay kamana raysaane ,
  • Roori maysaan ilaa aad rubada waydaane!!!!!!! 

Viva Somalia,

Soomaaliya Ha noolaato, 

Jabarti Osman
jabarti2020@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 


Ethiopia oo Hub & Saanad Soo Gaarsiisey Maamulka G/Hiiraan
»Wadada isku xirta G/banaadir & Sh/hoose oo dib u furantay
»
Shirkii lagu Taageerayay Go'aankii DFKMG oo La soo Celinayo
»
USA oo taageertay go'aamadii W/Arrimaha dibada ee IGAD
»Wadamo islaam ah oo ka hadlay geerida Pope-ka labaad
Wararka oo dhan... Guji...

Faafin: SomaliTalk.com |  April 5, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD