SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI

Qarni Cusub iyo Qiiro Qabiil
( Qaybsiga 4.5)

Gudoomiyaha Xisbiga SSUP
Yaasin Maaxi Maclin

Waxaa Mahad badan leh Ilaaheey sw nabad galyana ha ahaato cidii hanuunka Eebe raacdo.

Sida aan ka warqabno siyaasada soomaalida waxay madax la gashay NIDAAM aan aduunka looga dhaqmin kaas oo ah Nidaaka wax qaybsiga ee 4.5 .

M aaha ceeb in magaca qabiilka laysku aqoonsado laakiin waxa nala qaldan in nidaam laga dhigto iyo in siyaasadii lagu dabaqo oo AXDIGII Baarlamaanka KMG lagu saleeyo 4.5 waxaaba taas ka sii daran oo aad maalin walbo maqleeysaa Siyaasad ahaan, "4.5 wax noogu qaybsha", fadhi kasta iyo geed kasta iyo meelkasto oo layskuugu yimaado.

Hadii Baarlamaankii, Golihii wasiiradii, Hay`adihii lagu qaybsanaayo 4,5 aaway cadaalada aay inoo sheegayaan dadkaan horboodaaya siyaasada maanta.

Waxay ahayd in la dhiiri galiyo habka ku saleeysan Dimuquraadiyada iyo aqoonta taasoo lagu soo doorto ama lagu xusho qofka kartidiisa dadaalkiisa iyo weliba garashadiisa.


(c) Amiin Caamir

U jeedada 4.5 laga lahaa maxay ahayd? Ma in dhibaato jirtay lagu xalinayaa (Short term) mise dowladdaan la soo dhisay in lagu raaligaliyo qabqablayaasha dagaalka Warlords. Marka waxaa Jira Qaldaad fara badan oo ka buuxa dowladdaan KMG ah ee lagu soo dhisay Nairobi. Hadaba waxaa haboon
1) In lagu dhiiri geliyaa Baarlamaanka habka wax qaybsiga 4.5 inuu yeeshaa waqti cad oo laga gudbi doono, ee uusan noqon qodob joogta ah oo mar waliba wax la qaybsanaayo lala soo boxo oo la cuskado qodobkaas.

2) In dadweynaha loo furo dood lagu caddeynayo in wax qaybsiga 4.5 ay tahay caddaalad darro laakin sabab looga dhigay in dhibaatada Soomaalida haysata iyo aqoon la'aanta masuuliyiinta maanta hogaanka qabtay ay kaga gudbaan kuna helaan dowladda si buuxda dib ugu qorta dastuurka kana tirtirto wax qaybsiga 4.5.

W axaa xaqiiq ah oo aaynu isku wadnaa QARAN IYO QABIIL oo kala ah labo aragti oo aan marnaba isqaadi karin, A rgtida qabiilka waxay sababtay oo aay bur-burisay dawaladii iyo qarankii soomaaliyeed. Qabiil waa cadaw u daran taranka ummada,waa cadawga abuura dib u dhaca dhaqaale iyo midka baa`biya awooda iyo kartida hal abuurka maskaxeed ee ummada.

Waa maxay Qabyaalad?

Qabyaaladdu waa lahaansho cadiifad ku saleeysan magac qabiil taasoo aan jirteen hadii qofku uu ku xisaabtamaayo faaa`iidada iyo qasaaraha ugu jira

Waxaan dhihi karnaa qabyaaladdu waxay u dhega nugushahay xumaanta oo aanay wanaaga maqlin, iyo iney indho la`dahay, taas waxaa u sii dheer iyadoo qabyaaladdu samaysmata marka xumaati jirto oo dadka mideeysa oo isu keenta, marka colaadaa dibada ka timidna dhamaato (aay baxdo) qabiilku wuu kala baxaa oo isagaa dhexdiisa ayaa isa sii colaadiya. 
D arajada ama aan iraahdee qiimaha ugu sareeysa aay bixiso qabyaaladu waa LAANDHEER oo magacyada la taxo qofka ugu tirsiga dheer ayaa darajadaas la siiyaa
LAAN DHEERE

Ummada soomaaliyeed waxay ilaawsan taahy kala gedisnaanteena ineey tahay xoogeena

Our clan diversity is actually our strength
Maxaa abuura qabyaaladda iyo xumaanteeda?

W aa su`aal loobaahan yahay in leeys weydiiyo mar hadii aaynu isla garanay in qabyaaladdu ay tayahay cadiifad dhalanteed ah. Hadaba su`aasha waxay tahay Yaa abuura? Yaa adeegsada? Maxaa laga faa`idaa? Yey wax u tartaa qabyaaladdu?.

U kuurgal lagu sameeyey in la ogaado kuwa ay yihiin dadka qabyaaladda isticmaala aayaa waxaa la ogaaday inuu yahay qof aan lahayn

  • Aqoon
  • Farsamo
  • Karti
  • Kalsooni iyo
  • Dadnimo uu kaga qeyb qaato tartanka nolasha,

W axaa kale oo ka mid ah kuwa qabyaalada adeegsada dambiilayaasha dagaalka ayaga oo

ku dhuumanaaya buulkii beenta ku dhisnaa ee qabyaalada islamrkaana ka dhigtaan gabood laga hoos galo sharciga. Waxaaney dadkaasi wadankeena ku soo bateen sanadihii ugu danbeeyey ee ay sii tukubeeysey dawladii la riday iyo waqtigaan faro-ka baxa ah (ee dawladaan fedaraalka kmg ah ee dhismaheeda socdo Nerbi)   Dadka xirfadaha sarre leh ayaa ugu qabyaalad yar dadka Soomaaliyeed. Waayo? Wexey og yihiin ineey xirfadahoodu ku meel mari karaan.

Gudoomiyaha Xisbiga SSUP
Yaasin Maaxi Maclin

www.ssup.org
info@ssup.org

S ideedaba harqaanluhu qofkastaa cabirkiisa ayuu dharka u tolaa, hadaba shacabka soomaaliyeed waa in loo helaa nidaam ka taliya aayatiinkooda, hadii kale waxaa dhaceeysa dhar aaysan lahayn in ummada soomaaliyeed lagu dirqiyo oo loo geliyo taasoo keeneeysa fadeexad iyo qaawanaan

Jawi nabada inaan soo Celino oo aan raadino soomaali
calankiina aan soo joojinoo jiilasha u aasno
iyo inaan jihaad iyo dagaal weligeen ku joogeeyno
ka jawaaba idinkaa jec laa jabal araaskaase.

Cabdule Raage tariiwiil ayaa tiriyey tixdaan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan 


Ethiopia oo Hub & Saanad Soo Gaarsiisey Maamulka G/Hiiraan
»Wadada isku xirta G/banaadir & Sh/hoose oo dib u furantay
»
Shirkii lagu Taageerayay Go'aankii DFKMG oo La soo Celinayo
»
USA oo taageertay go'aamadii W/Arrimaha dibada ee IGAD
»Wadamo islaam ah oo ka hadlay geerida Pope-ka labaad
Wararka oo dhan... Guji...

Faafin: SomaliTalk.com |  April 5, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD