SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

WADAHADALKU WAA BILOWGA FURAHA ISFAHAMKA.

  • Canab Mumtaz
    cmmumtaz@somalitalk.com

Wadahadalku waxa uu abuuraa jawi kalsooni iyo isku soo dhawaansho isfahamna ku dhamaada,waana xalka ugu dameeya ee lagu gaari karo wax walba oo uu khilaaf ka dhasho kaas oo quseyn kara ama saamayn kara shaqsi,koox ama Qaran uu soo kala dhex galo arrimo keena kala fogaansho.

Dhibaatada ka dhacday dalka soomaaliya labaatankii sano ee ugu dambeeyay waxaa sii xumeeyaynayay marba marka ka dambaysa isfaham la'aan ka yimid wadahadalkii xalka lagu heli lahaa oo la waayay,kadib markii u batay wax u eg Nacayb aan qoto dheereyn oo ka dhashay siyaasad la marin habaabiyay,dhalinyaro si qaldan wax loogu sheegay iyo qabiilkii oo laga dhigtay jaranjaro loo maro wax dumin iyo iska horjeenid qaybaha shacabka aan waxba galabsan waxna ka ogayn xaalada la isku hayo.

Dhowrkii shir ee loo qabtay kooxaha isku haya siyaasadda soomaaliya ka dib markii la burburiyay dowladdii milatariga ahayd,mid ka mid ah oo si sax ah loogu guulaystay ma jirto in lagu xaliyo dhibaatada baahday ee dalka oo dhan saamaynta ku yeelatay,mar walbana waxa ay ka baxaysay gees markii meel la maago halaga saxo mid baa sii xumaanaya ilaa iyo haddana lama hayo xal buuxa.

Dowladdii lagu soo dhisay dalka jabuuti ee KMG ahayd(dowladii carta) waxa ay ahayd aragtidayda dowladii ugu rajo wanaagsanayd ee soomaaliya soo marta intii la qabanayay shirarka dib u heshiisiinta waxa ayna kaga wanaagsanayd shirarkii kale ee ka horeeyay ama ka dambeeyay dhowr qodob marka loo fiiriyo.

1.Wadahal toos ah iyo Doodo joogto ah oo dhex marayay ergadii halkaas iskugu tagay iyadoo aysan cidna u dhaxeeynin,qaybihii halkaas iskugu tagay kadibna xal ka gaarayay waxii la isku hayay ilaa isfaham uu ku dhamaado waxii lagu dagaalay.

2.Ma jirin dalal shisheeye oo u dhaxeeyay ergadii soomaaliyeed ee iskugu tagay dalka jabuuti,marka laga reebo taageeradii reer jabuuti iyo caruurta wadooyinka kula kulmayay kuna lahaa heshiiya waabari walba soomaalida iyo taladii Madaxda jabuuti(ismacil cumar gelle).

3.Ergadii halkaas iskugu talay oo ahaa dad ay dhab ka ahayd Nabad ku soo dabaalida dalka soomaaliya,kuwaas oo ahaa dad aan kala lahayd qabiil,xisbi ama aan ku xirnayn dan dal kale kuwa dariska ama ka baxsan,ugu laabsamaa in wax dhismaan una badnaa aqoon yahano,Culumaa'udiin,Madaxdhaqameed,iyo Ururo bulsho rayid lahaana.

4.Dalka lagu qabanayay oo ahaa Dal Soomaaliyeed(Qayb somaliya ka mid ahayd) Af,Diin iyo dhaqanba ay wadaagaan dadka soomaaliyeed ee is dilay,ku faraxsanaa in ay somalidu dowlad helaan si ay iyagana uga helaan garab siyaasadeed dhaqaale iyo Amaanba.

5.Suugaan hayano cabirayay waxii burburiyay dalka soomaaliya,si aysan dib ugu soo laabanin mar kale,casharna ay uga qaataan kuwa cusub sidii ay uga badbaadin lahaayeen ummadda ay xilka u qaadi doonaan,guubaabin nabadeedna u dirayay shacabka soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

6.Soomaalida ku nool qurbaha oo tageero iyo niyad wanaag la garab istaagayay shirkaas lana garab taagnaa qayb libaaxna ka qaatay shirkaas intii uu socday.

Shirkaas waxa uu ahaa bilow fiican laakiin nasiib daro ma yeelanin dhamaad fiican dhowr sababood oo ay ka mid ahaayeen in ay ka maqnaayeen siyaasiyiinti uu hubka gacanta ugu jiray,kuwaas oo ka soo horjeestay siyaasadda dalka jabuuti iskugu yeeray siyaasiyiinta,

waxyaabaha ay ku diidayeen ayaa waxaa ka mid ahayd iyagoo aaminsanaa in aysan jirin awooda la wadaagi karta siyaasadda dalka soomaaliya oo ay isku haysteen,waxa ayna sababtay in ay ka soo horjeestaan dowladaas kadib markii la waayay Wadahadal si loo helo xal una dhexeeya madaxda dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ahaa iyadoo aysan cidna u dhaxaynin.

Dowladaas oo ka gaabisay in ay wadahadal la gasho qaybaha ka soo horjeeda,waxii ay soo balan qaadeena aan u fulinin sidii ay ahaayeen,waxaa abuurmay xiligaas waxii ka dambeeyay xisbiyo mucaarad,dowladdana ku tilmaamay in ay hoy u tahay Argagaxiso si aysan u helin taageero xoogan oo caalami.

Wadamada Dariska(itoobiya) oo gacan siisay mucaaradka kana soo horjeesatay in ay aqoonsato dowladdii jabuuti lagu dhisay dhamaan arrimahaas is bahaystay ayaa hoos u dhigay hadii ay wax qaban lahayd dowladdii KMG ahady ee lagu soo dhisay dalka jabuuti.waxa ugu waynaa abuurayay dhibkana waxa ay ahayd wadahadal si toos ah u dhex mara dhinacyada uu khilaafku ka dhexeeyay waxaana ay qaatay sadax sano wax lagu dhamayn karay maalmo iyadoo la is joogay xal la'aan ilaa laga soo gaaro shirkii ku xigay.

Shirkaas kii kuxigay ee loo qabtay soomaaliya waxaa soo abaabulay dowladaha ku jira urur goboleedka IGAD waxa uuna ka furmay magaalada Eldoret sanadkii 2002-da ayna ka soo qayb galeen dhamaan siyaasiyiinta iskaga soo horjeeda siyaasada soomaaliya ayaa aaqiritaankii ku dhamaaday dhisitaan golle baarlamaan,gudoomiye barlamaan iyo ku xigeeno,Madaxweyne,Ra'iisul wasaare iyo Gollahiisa wasiiradda.

Shirkan dhamaaday billo ka hor walina aan ka guurin halkii lagu dhisay,siyaasiyiinta ku jira labadiis golle tan iyo bilowgiisi ma ahayn kuwo ku heshiiyay xalka soomaaliya,walina iyagoo wada jira oo aysan la joogin dad ajnabi ahi kama qaadanin go;aan xaalada soomaaliya lagu xalin karo.

Dhismihii baarlamaanka ka dib doorashadii madaxweynaha waxaa soo ifbaxayay kala fogaanshaha xagga figradaha ay kala qabaan xubanaha ku wada jira labada Golle,waxa ayna abuurtay in xisbiyo cusubi sii abuurmaan,isfaham la'aantii ka dhalatayna ay sababtay in dagaalo ka dhacaan dalka soomaaliya meelo ka mid ah.

Qaar badan oo ka mid ah labada golle ayaa qaba in lagu xadgudbayo dastuurka,midba waxa uu kan kale ku eedaynayay in uu isagu ku xadgudbay dastuurka,laakiin waxaa cad in khilaafku ka wayn yahay arrimo dastuur oo ay tahay wax la iskaga difaacayo siyaasadda adag ee hortaala dowladda iyo baarlamaanka.

Kala fogaanshahan ayaa ka dhashay wadahadal la'aan,kaas oo xal buuxa lagu gaari lahaa waxa ayna caadiyan isku eedeeyaan xubnahan labada golle in midwalba u adeegayo dano shisheeye balse sida xaqiiqadu tahay lama hayo waddo mid ah oo ay xal ummada ugu keeni karaan ilaa inta laga helayo dariiq wadahadal oo quseeya soomaalida siyaasiyiinta kaligood.

Canab Mumtaz
cmmumtaz@somalitalk.com

 Faafin: SomaliTalk.com |  April 7, 2005


Soomaaliya & Liibiya oo Isku Afgartay in Dib Loo Soo Celiyo Mashruucii LIBSOMA 
»W/Maaliyada DFKMG oo la kulmay W/Maalgalinta Liibiya
»DFKMG oo ka Qayb Qaadanaysa Aaska Pope-ka Kaatoliga 
»Yuusuf Indhacadde oo soo Dhoweeyay Xildhinaano
»Qaar ka mida xildhibaanadii la filayay oo soo gaaray Xamar
»Muqdisho: Shir Jaraa`id oo ku saabsan cudurka Kaduudiyaha
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Apr 6

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD