SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI

Inta Xaraashay Xaafuun baan, Xamar  Xabashi Keenayaa

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Mar aan fogeyn waxaan soo qoray sheekhadii shirkaddii sheegatay in laga iibshay Xaafuun muddo dhan 99 sanadood. Dhowr qof baa isoo weydiiyey su’aalo ah: 

  • 1.      miyaan Puntland xaq u lahayn inay dhulkeeda sey rabto ka yeesho?
  • 2.      boobka dhulkaas barwaaqaa ka dambeysa
  • 3.      iyo boosas ay leeyihiin dad Kenya u dhashay oo loo ogolaaday in Soomaali dhisato muddo go’an 

Haddii qof Puntland u dhashay uu rabo inuu Soomaaliya madaxweyne u noqdo, caqligal ma ahan inuu jiro dhul ay gooni u leeyihiin oo ay Soomaalida kale ka xigaan. Qof kasta oo Soomaali ahi wuxuu leeyahay wixii hanti ah ee gooni u leeyahay ee ma jirto cid gooni u leh dhulka iyo badda Soomaaliyeed. Dhulka ma ahan ceesaan ama hal geel ah oo uu nin kasta suuq geysankaro ee waa hanti lawada leeyahay oo uusan qof gooni ahi ku takrifali karin. Marka caqligal ma ahan in aan dhahno Xaafuunna innagaa leh, Xamarna waan xukumeynaa. 

Haddaan tixgelinno caqliga dad yar oo faro-ku-tiris ah oo aamminsan inuu boobkaasi xaq yahay waxaan weydiinayaa su’aalashan: 

Puntland ma korneyl C/hi baa? Haddii jawaabtoodu haa tahay, ma filayo inay u qalmaan in hadal lala sii wado laakiin hadday huwadaan marada Puntland waxaan weydiinayaa sidee ku suurtogashay in dhulka intaas le’eg aan wax laga weydiin labada gole ee Puntland iska daa shacabka Punltand e’? Goormaa arrinta Xaafuun looga dooday golaha wakiillada ee Puntland? Golaha wasiirrada? Bal ugu yaraan dadka Xaafuun deggen arrintaas wax ma laga weydiiyey? 

Tan barwaaqada waxaan leeyahay: dad baa cadaabka iyo dhibka u arka barwaaqo. Dadkaasi waxaysan fahmin inaysan shirkaddu u imaan inay Soomaaliya barwaaqo gaarsiiso ee ay u timid danteeda iyo inay faa’iido dhaqaale iyo mid siyaasadeed gaarto. Haddii Soomaaliya ama Puntland dhaqaale gaareyso waxay ka helilaayeen badda. Korneylka iyo shuftada Xaafuun iibsatay waxay horay maraakiib kalluumeysi u gasheen badaha Puntland ee yaa ka faa’iiday dhaqaalaha arrintaas laga helo? Xitaa hal shilin mala geshay magaalooyinka ay shuftadaasi ka soo jeedaan? Marka haddii lacagtii Soomaalidu xaddayba aysan gelin Soomaaliya sidee uga fileysaa in shirkad ajnabi ah ku hammiso inay Soomaaliya barwaaqo gaarsiiso? 

Tan seddexaad ee dadkaasi sheegeen waa iyagoo yiri waxaa jira ganacsato Soomaaliyeed oo Kenya, dad Kenya u dhashay u ogolaadeen inay boosaskooda inta dhistaan ay degenaadaan muddo go’an. Laakiin dadkaasi waxaysan fahmin inay ka hadlayaan boos yar oo uu qof ama shirkadi leedahay. Ganacsatada Soomaaliyeed ee dhulkaas, muddo go’an dhisatay waxay raacayaan sharciyadda u yaal dowladda hoose ee dalkaas ee siday rabaan uguma takrifali karaan. Markay rabto baa dowladda Kenya wax ka qaban kartaa sida iyagoo dhaha waxaa la marinayaa jid ama arrimo kalaa lagu qabsanayaa iyadoo haddii la rabo loo celin karo hantidooda qaar ka mid ah halka arrinta Xaafuun ay taas ka duwantahay oo shirkaddu qaabkey rabto ay wax u dhisanayso oo iyado looga dambeynayo arrinta magaaladaas. Awalba shirkadda labo tuug baa la xaashay haddaan laga dhiidhinna ma jirto cid hadhow wax ka qaban karta. 

Arrinta Xabashida 

Ma Xabashi baa Soomaaliya xallineysa? Bal horta intaanan Soomaalida kale ka hadlin imisa dad ehel ah oo dega dhulka Soomaalida ee Xabashidu heysato oo la qabiil ah reer Puntaland, isku laayey dhulkaas gumeysigu heysto? Ilaa 1995 ilaa hadda waxaa ku dhintay boqolaal qof oo dhulkaas dega mana jirto wax ay Xabashidu ka qabatay. Marka haddii ay Xabashidu wax u qabanweyday Soomaalida dhulkey heysato ku nool sidee bay wax ugu qabanaysaa kuwa Xamar ama Xuddur deggen? Kii ugu dambeeyey wuxuu ahaa mid ka dhacay meel la yiraahdo Miro-Khaliif oo Wardheer u dhow. Waxaa jira Soomaali kale oo isku leysa xuduudaha u dhow Hiiraan, Bay iyo Bakool, Gedo iyo meelo kale. Waxaa intaas dheer gumaad joogto ah oo ay Tigreegu ku hayaan dadka Soomaali Galbeed dega. 

Ilaah baan ku dhaartaye waan la yaabbanahay dadka Soomaaliyeed! Bal kuwa Soomaaliya jooga, “xildhibaannada iyo golaha wasiirrada” la garaye meeye dadkii Soomaaliyeed ee qurbaha joogay? Waxaad maqlaysaa ururo Soomaaliyeed oo dibadaha ka jira sida London oo kale. Maalin waxaad arkeysaa iyagoo “dowladda cusub” soo dhoweynaya maalinna iyagoo leh waxaan la shirnay dublamaasiyiin shisheeye oo waxaan kala hadalnay arrimo ka soo horjeeda siyaasadda dowladdaas! Haddaad siyaasadda dowladda ka soo horjeedo maxaa awal dhalashadeeda ugu dabbaaldegaysay? Waxaa intaas dheer waxaad maqlaysaa shirar la leeyahay waxaa looga hadlayaa siyaasadda Soomaaliya oo la qabanayo. 

Hadda waa in bur iyo biyo loo kala baxaa. Waa in la noqdo dad ka soo horjeeda soo gelitaan ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya iyo kuwo taageersan. Khasab maahan in qof kasta oo ka soo horjeeda ciidmada Xabashida uu xaq doon yahay laakiin waa muhiin in arrintaas loo midoobo. Sidii horay loo sheegay waa in ciddii Amxaaro ka soo horjeeddaa meel kasta ooy joogaan  ka sameeyaan muddoharaadyo waaweyn oo muujinaya diidmada arrintaas. Ma ahan arrin dhib badan ee keliya saacado yar u quur waddankaaga hooyo. Marka inta la iska daayo sheekada fadhi-ku-dirarka ha la isu soo baxo. Bal ugu yaraan dadka sheeganaya inay metelaan ururo Soomaaliyeed arrintaas halaga arko haddii kale yaan dadka la waalin. 

Waxaan ku talin lahaa dadka UK jooga ee arrintaas ka soo horjeeda inay sida ugu dhaqsaha badan isu abaabulaan oo inta ballan la qabsado la isu soo baxo maalin la ogyahay haddii Ilaahay idmo. Siduu Mursal qoray waxaa soo baxday arrin aan ninna u ceeb qarineyn. Waxaan maqli jirnay culumo Ehlu-Sunah Wal-Jamaaco la yiraahdo baa jirta, kuwo maxkamadeed, Salafiyada cusub, Al-Itixaad, Al-Islaax, waddaniyiin, ciidamada qalabka sida, ururo bulsho, ganacsato iyo Soomaali kale.  

Waxaa dad iila qaab daran dadka marka  makhaayadaha iyo guryaha la joogo iska dhiga inay Itoobiya aysan rabin laakiin aan ogoleyn inay arrintaas muddoharaad ku muujiyaan. Reer Banaadir baa dhaha: 

cimrigaaga dheeraada geel dhalaayaas ku tusaa! 

Haddaan ogaaday inaan cimri joogo maxaa yaaley waxaan sugayaa Xabashi nabad-ilaalin ah oo Soomaaliya xasilineysa! 

Sida korneylku sheegtay wuxuu yiri waxaan ahay askari halgamaa’ ah mana jirto cid aan Xamar uga heybeysanayo. Inkastoona shiribka ku fiicneyn haddii shirib loo bedelo waxay noqon kartaa: 

·         Inta xaraashay Xaafuunbaan       Xamar Xabashi keenayaa 

Marka Abshir Bacadle iyo reer Xamar baa jawaab laga rabaa. 

»Boobkii Dhulka Soomaaliyeed oo Puntland laga bilaabay  | C/waxid

C/Waaxid C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Tarjumadii: SomaliTalk.com | Feb 13, 2005


Wafti Kasocda Baarlamaanka Soomaaliya oo u Dhoofay Talyaaniga
»Waftiga BFKMG oo la kulmi doona Baarlamaanka Talyaaniga
»Koxda Ciyaaraha Soomaaliya vs Jorday
»Warbixin Ururka Ardayda Puntland ee India 
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Feb 13

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD