SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Bom lagu Qarxiyey Muqdisho:: Ugu Yaraan labo Qof ayaa kudhintay lix kalena waa ku dhaawacmeen...

Feb 17, 2005

Wararka ugu dambeeyey ee ka soo baxaya caasimada dalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa tibaaxay in bob lagu qarxiyey meel u dhow gurigii ahaan jirey wasaarada arimaha dibadda ee Soomaliya.

Bomka waxaa lagu soo qariyey mooto la dhigay wadada xaafadda loo yaqaan K5. Halkaas oo u dhow saxafi hotel oo ay degaan dadka martida ah.

Sarkaal Soomaaliyeed oo ay soo xiganeysey hay'adda Reuters ayaa sheegay in bomkan loola dan lahaa waftiga xaqiiqo raadinta ee AU ee ku sugan Soomaaliya.

Cabdullahi Ganey oo ah guddoomiyaha magaalada Muqdisho waxa uu u sheegay AFP in bomka loo wadey kooxda AU ee magaalada Muqdisho u timid xaqiiqo raadinta. "Waxaan filayaa in bomka loola jeedey AU, laakiin weli waan baaraynaa cidda ka dambaysay weerarkan" ayuu yiri Ganey. Wargeyska "TurkishPress" oo hadalkiisii sii wata ayaa yiri qaraxa kaddib ayaa wafti ka socda AU waxay u baxeen magaalada jawhar oo ka mid ah meelaha u sii qorshaysanaa in ay tagaan.

Warar kale ayaa sheegaya in dhimashadu ay tahay saddex qof iyo toddoba qof oo dhaawacmay.

Hay'adaha wararka ee caalamka ayaa xusay in xamar aan lagu aqoon jirin bombaano la qarxiyo balse lagu aqooon jirey iska xor imaadka maliishiyooyinka.

Muqdisho waxa asbuucii hore lagu diley gabar weriye ah oo u shaqayneysay British Broadcasting Corp.

Tarjumadii SomaliTalk.com | Feb 17, 2005

ISHA: AP, AFP, TurkishPress, Reuters.


Hal qof ayaa dhintay mid kalana waa uu dhaawacmay habeenimadii xalay kadib markii niman dablay ah ay tacshiirad huwiyeen gaari uu leeyahay mid ka mid ah mas'uuliyiinta isbahaysiga dooxada jubba 

Falkan dhibaatada lagu gaysanyo labadan nin ayaa waxa uu dhacay xalay abaarahii afartii habeenimo ayadoo marka gaarigan tacshiirada lagu furayay uu marayay halka loo yaqaano bisha cas oo ku taala duleedka magaalada kismaayo. 

Labada qof ee xalay tacshiirada la huwiyay ayagoo gaarigooda wata waxay ahaayen niman dhalinyaro ah oo markaasi ku sii socday guryahooda islamarkaana uu midka dhintay ahaa qaad wale ama uu ka ganacsanjiray qaadka.

Hadaba dhaawaca soo gaaray labadaasi nine ee xabada lagu furay midkood ayaa waxa uu yahay dhaawac sahlan ayadoo isla markiiba loola cararay isbitaalka guud ee magaalada kismaayo ayadoo hada lasoo sheegayo in xaaladiisa caafimaad ay wanaagsantahay. 

Lama garanayo sababta dhabta ah ee ka danbaysay in tacshiirad lagu furo gaari uu leeyahay masuul ka tirsan isbahasiga dooxada jubba, mas'uulka gaarigan leh ayaa lagu magacaabaa maxamuud cali shire  ayadoo maleeshiyada gaarigan rasaasta ku furtayna  ay ku hubayesnayeen qoryaha fudud oo uu ka midyahay akee 47.


sawirkan waa baaburkii xabada lagu furay oo uu ninka ku dhintay midka kalena ku dhawcamay

Waxaa sidoo kale warar soo baxaya ay sheegayaan in falkan xalay lagu wax yeeleyay raga uu ahaa fal aar gudasho.

si kastooy ahaataba waxaa haatan soconaya dadaalo ay wadaan odayaasha dhaqanka oo lagu xalinayo arintan murugsan ee xalay dhacday ayadoo sidoo kalena ay isbahaysiga dooxada jubba ay wadaan  sidii ayana loo hakin lahaa  falalkan had iyo goor soo noqnoqda ee aar gudashada ah ee lagula kaco dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

 SomaliTalk.com | Feb 16, 2005


Wafti Xaqiiqo Raadin ah oo ka Degey Muqdisho
»Wafti ka socda AU  iyo Jaamaca Carabta oo gaarey Xamar
»Shariif Xasanoo Baarlamaanka Hor dhigay Warbixin...
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji..

Cabdullaahi Yuusuf oo Xamar ka Degi Doona Siddeed Maalmood Guduhood...
Madaxweynaha DFKMG ayaa sheegay in uu ka degi doono muqdisho asagoo aan... Guji....

Wafti Kasocda Baarlamaanka Soomaaliya oo u Dhoofay Talyaaniga
»Waftiga BFKMG oo la kulmi doona Baarlamaanka Talyaaniga
»Koxda Ciyaaraha Soomaaliya vs Jorday
»Warbixin Ururka Ardayda Puntland ee India 
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji... Feb 13

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD