SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

Faalooyin kookooban  oo uu soo diyaariyey Wardheere

 

Nasiib daradii haystatay Soomaalida waxaa ku soo biiray degaankii badda oo la wasaqeeyey.

 

Bal fiiri waxa aan ku samaynay caruurteena Soomaaliyeed.

 

sun soo caarideyHaamaha Sunat ee ku duuqan Soomaaliya... GUJI...

Wax laga naxo oo laga wel welo waaye degaanka badda Soomaaliyeed ee la wasaqeeyey.  Ninkii markii hore u malaynayey shaki ama wax aan la hubin maanta waa ka baxday.  Natiijada UN baaritaankeedii waakaas yiri.  Badda Soomaaliya waa la wasqeeyey sharikado Yurub ayaa wasaqeeyey.  Kimikada lagu sheegay in badda Soomaaliyeed lagu shubay ayaa aad looga dayriyey.  Wasaqdan oo afka qalaad lagu yiraahdo Toxic waste iyo hazardous materials ayay qubarada aqoonta u leh sheegeen inay saamayn weyn ku yeelan doonto caafimaadka dadka Soomaaliyeed.  Waxaa kale oo la sheegayaa in bad gariirkii dhiwaan dhacay uu sii kaakiciyey suntan. 

 

Dhibta dawlad la’aanta waa badan tahay tanina ma noo danbaysay?

Badda la wasaqeeyey ayey leeyihiin aqoon yahanadu waxaa dhici karta in caruurta dhalan doonto xataa ay saamayn ku yeelato.

 

Bal fiiri waxa aan caruurteena ku samaynay? 

 

Caruurta Soomaalida ee qaxay oo ay weli ka muuqato calaamadii dagaalkii sokeeye

 

Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya dhibka uu u gaystay dadka Soomaalida lama koobi karo.  Kuwii ka shaqeeyey inay dadka walaalaha ah isku diraan ma ahayn kuwa ka fakarayey wanaagga iyo musyaqbalka Soomaalida.

 

Arrinta lala yaabay ayaa noqotay in iskuulo badan oo ku yaal dalalka galbeedka ay ka buuxaan caruur soomaali ah oo lugo ama gacmo go’an ama xubno badan.  Waxaa laga yaabaa inaad tagto iskuul dhan oo hal gabar ama will curyaan ka yahay waxaad naxaysaa markaad ogaato in qofkaasi yahay Soomaali.  Inaad weydiiso way kugu adkaanaysaa maxaa ku helay laakiin waayeel korkiisa waa wada indho.  Qof ogaa sida jabhadahii waalnaa u dhaqmayeen ma garan waayayo waxa caruurtan Soomaaliyeed helay.  Nasiib darro weli qirigii waa la ridayaa dhiiga Soomaalida waa daadanayaa.  Bal aqri bogga qaranimo socdaalkii weriya Diini uu ku tegay isbitaalkii Madiina oo ay jiifaan dhaawaca Yusuf Muriidi Saafi iyo Nasteexo Cabdi Cali oo 8 jir ah oo hub lagu soo tuuray lugaha gooyey.

Bal fiiri waxa aan ku samaynayno caruurteena soomaaliyeed.

 

Toogo iyo Ukraine iyo Cuba iyo dalal kaleba waa na dhaamaan sida ay u saxaan dawladooda ayagoon hubka qaadan. 

 

Keligeen ma ahan dal dictoor xukumo ee laakiin annaga waxaanan garanayn in wax aan qori ahayn wax lagu xalin karo.  Haddii uu dictator ku qabsado si xeelad leh ayaa loo ridaa ee dalkaba lama wado gubo.  Shalay Ukraine maantana Togo beri Cuba bal aan fiirsano sida wada hadal qilaafaadka loogu dhamaysto.  Jabhad lama noqdo iyo dab huriye lagayaabo inaad hadhow demin kari waydo ama adigaba aad ku gubato.  Su’aashu wxay tahay jabhadihii soomaaliya ma ogaayeen in dawlad la’aantu xun tahay? In malaayiin dad ah qaxi doonaan? In badda Soomaalya qashin qub noqonayso? In  lafaha qabuuraha jidka lagu soo shubi doono? In daryeel caafimaad, waxbarasho, shaqo. Nadaafadba la waayi doono.  In horumarka adduunka iyo bilicda magaalooyinka iyo magaca Soomaaliya la waayo doono?  In waayeelka iyo caruurta soomaaliyeed qurbaha ku rafaadi doonaan?  Dalka dhexdiisa caruurta dhigata iskuulada waa 7 boqolkiiba.  Jiilka soomaalida ee maanta waa la ogyahay waxa haysta laakiin maxaad ka filaysaa mustaqbalka caruurta Soomaalida.

 

Maxamuud Nuur Wardheere


mnwardere@yahoo.com

Minneapolis, MN, USA

Qoraaladii Hore ee Wardheere....

 

»Dhulkaan Dadkii lahaa meeyey? | Ali Malaaq

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD