SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

TALO XUMMADII SHALAY,TUBTEEDII BAA LAHAYAA???


mursalW/D: Mursal Max'd Max'uud(Garaad) E-mail:- stethy1@yahoo.com
 

    Muqadisho waa Caasimaddii quruxda badnayd ee Soomaaliya. Magaaladii bilicda wacnayd ee astaanta u hayd Soomaalinimada iyo Xoriyadda, hoygii Diinta islaamka iyo xaruntii Ganacsiga  Soomaaliyeed. Xaq maaha maanta in Amxaaro loo soo horkaco, sidoo kalena xaq maaha in kooxaha Hubaysan ee Xamar ay xalkeeni waayaan.

    Hadii aad u kuur gasho sida ay wax u rabaana qolyaha horboodaya Siyaasadda Dalka, waxaad moodaa oo  keliya in ay  ka midaynsan yihiin in aanay soomaliya dawlad helin, Xamar cadde-na sidaa ahaado. Haddii  marka kuwaa Xalkii laga sugo sow ma noqonayso in 14 sano oo kale oo rafaad ah la gelayo?

    Rag talo kama dhamaato,Xamar cadde-na in sidaa  lagu eegtaa caqli maahan, Raggii Magaca Xamr wax ku raadinayeyna markay ugu fiicnaayeen waxay soo doortayn Hoggaan ku xiran Cadawga Soomaaliyeed. Hadaba sidee talo loo wada dhan yahay lagu gaaraa?  Sidee Maatadii Xamar-cade iyo Gobolada qaar kood ku dandaraysnaa  loo bad-baadshaa, Wiilasha Qoryaha watana shaqo loogu abuuraa?  Sideese danta Qaranka iyo tan Qabiilka la iskuwaafajiyaa?

    Waxaa Diinta islaamka iyo Sunnada Rasuulka C.S.W ku cad. In haddii qolo kibirto, xaqqa diidaan, dibindaabyada Ummadana caadaystaan oo Mashaa'ikhdooda iyo Waxgaradkoodu isku raacaan xumaha in ILAAHAY adeegsado kuwo iyaga ka shar badan, dabadeedna uu koomka ka qabto. Arintaas oo kale horaa loo arkay. Waxaa loo soo qaadan karaa Sidii ILAAHAY uu ugu difaacay Shinbiro dhagxaan Naar ah tuuraya Sannadkii Caamul-fiil, kadib markii Boqorkii Xabashida ee Xiligaas "Abraham" uu isku dayey in uu Bur-buriyo Kabcada. Waxaa kaloo tusaale sidii yuhuudda ILAAHAY ugu saliday Hitler. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa kibirkii Saddam Xuseen ku hayey Ummada islaamka ah ee Reer Ciraaq iyo sidii uu Bush ugu saliday. waxaa Tusaale u ah kibirkii iyo islaweynidii  Ziyaad Barre iyo siduu ugu saliday Jabhadihii oo ku dagaalamayey Hub aan tayo badnayn.

    Hadaba Dadka La tilmaamo in Xalkii Xamar iyo kii Soomaaliyeedba  u af-duuban yahay iyagana maalinkoodii sow ma moodid in la soo gaaray?... Waayo waxaa muuqata in, in badan ILAAHAY siinayey Waqti ay ku Towbad keenaan, wax badan ayeey ka horyimaadaan Nidaamyo la dhisay iyo weliba horumaro laysku dayey in laga sameeyo xagga Nabadda. Iminka miyaan la oran karin C/laahi Yuusuf iyo MeleZenawe  amar ILAAHAY bay ku socdaan?..

   Waxay u egtahay Saadaashu in lasoo gaaray Waqtigii ILAAHAY Qolyo kale ku eegi lahaa sida ay waxyeelaan kuna bedelayo Intii uu Xalka Soomaaliyeed u af-duubnaa 14-ka sano.  Sida laga War hayo Taariikhda aduunka iyo Diinta islaamka xukun hoostiisa lagu cadaadiyo Masaakiinta, Agoonta, iyo dadka itaalka daran weligii ma taagnaan wax kabadan sanado kooban.

   Inta laxasuusto Taariikhda dhow ee Aduunka waxaa ugu cimri dheer Boqortooyada Ingiriiska, Sababtu waxay tahay Cunsuriyad kama jirto, ilaa xadna Gaaladda iyo Islaamku waa ay u siman yihiin Xukunka Madanigaa?...Tusaale maalin kasta waxaad maqashaan Soomaali u guuraya Ingiriiska kadib markii ay Xoriyad ku heli waayeen Dalalkii kale ee Yurub ee ay Deganaayeen. Nin inta uu kufsado gabar yar oo islaam ah London gudaheeda hadana aan cidi isweydiinayn majirto.

    Bal ufiirso, Jabhadihiii Siyaad Barre Taladii ka tuuray.Hub intee le'eg ayey wateen?......ILAAHAY baa Siyaad Barre garabkiisa ka baxay sow maahan?... Waayo Dulmigii iyo Cadaalada daradii ayaa xad dhaaf noqday, haba ugu darnaato waxyaabihii lagula kacayey Culimaddii Soomaaliyeed. waxaa hadda la dhihi karaa Xumaha Jabhadihii Dalka ka saaray Dowladdii Jaalle Barre xadkii wuu dhaafay,oo markooda ayuu ILAAHAY garabkooda  ka  baxay. Iswaydiintuse waxay noqonaysaa lagaray kuwa dhibka hormuudka u ahaa ee ILAAHAY Qolo kale ku salidayee, imisa kale oo waxba galabsan ayeey galaafanayaan?.

    Waxaa Kitaabka ILAAHAY ku qoran: "qolo haday kibraan oo xaqa katagaan kuwooda ugu xun baa madax looga dhigaa, markaasay ciqaab kulul saaraan, markaasaa kuwa wanaagsani ILAAHAY baryaan, markaas baanu baryada ka aqbali waynaa, ilayn horay udiideen inay xaqqa faraan
dadka oo xumaha ka reebaane" Akhristoow miyaanu hadaba kuu muuqanin ififaalo sidaa u eg?.

                DHANKEE HADABA TALO LAGA ABAARAA??                                       

   Talo waa tii ILAAHAY, laakiin Banaan-baxyo, shir jaraa'id iyo Baroon rasaasta uu haysto la ogyahay in Ethiopia laga keenay baan ku dagaalamayaa kuma filna in dhibku uu sidaa ku haro. Waan jihaadayaa Af-ka baarkiisa ah xal maaha, haduu jihaadku yahay kan aan ku naqaan Diinta islaamka gacmaha ayaan taaganayaana oo waan is dhiibayaa-na xal maaha?

    Xalkuse wuxuu ku jiraa in Dadka tiradda yar ee u adeegaya kuwa mudada 14-ka sano ah dadka isku leeynayey layska qabto. Dadka islaamka ah haddii dibin-daabyada laga daayo,waa suurtagal in markaas Naxariistii EEBE timaado. hadii kale ILAAHAY siduu ugu hiilinayo Adoomihiisa isagaa yaqaan! Dabayl, Duufaan,Malaa'ig, Gaalo, iyo Muslim kale intuba waa Ciidamada ILAAHAY sida uu doonana wuu u adeegsan karaa.

    Dadka horboodaya Siyaasadda Dalka gaar ahaan kuwa Muqdisho Maxaadiidaya in iyagu marka hore isku gar dhigtaan, iskuna sheegaan in Xalkii Malaayiin Soomaaliyihi ay ku noolaan lahayeen iyaga laga sugayo?..... Jabhadihii Riday Dowladdii Marxuum Barre Waxaa ugu firfircoonaa S.S.D.F. U.S.C. S.N.M.& S.D.M. Hadaba S.N.M. oo metelaysay Goboladda W/galbeed Maamulbay dhisteen, S.S.D.F, oo metelaysay Goboladda W/Barri maamulbay samaysteen, oo kala danbaynbaa ka jirta labadaas Gobolba. S.D.M, inkasta oo aanay maamul samaysanin hadana 2dii sano ee ugu danbaysay marka laga rebo, qayladoodu ma badnayn!!!! Maxay tahay Inkaarta u gaarka ah Goboladdii U.S.C-da?...Cuqaal, Culimo, Aqoonyahan Dhalinyaro iyo Haweenba miyaad sidan kuwada qanacdeen?..Maxaa  "hoy" laysaga dhihi la'yahay shar-wadayaasha?..Waxaa idin la gudboon in aad fadhiga ka kacdaan inta goori goor tahay, oo la'iska qabto kuwa Xumaanta u Aaabaha ah, Haddii aad sidaa samaysaan Amxaaro iyo ciddii ay soo adeegsataba waad ka itaal roonaan doontaan, hadiise sidan lagu sii socdo waxaad ku sifoobaysaan wixii Soomaalida kale idin ku xamanayeen ee ahayd: Tashanmayno,Talinmayno, naloona talin maayo, Carradii EEBANA waa halkeeda.

W/D: Mursal Max'd Max'uud(Garaad) E-mail:-
stethy1@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axa aleh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 26, 2005

 

»Dhulkaan Dadkii lahaa meeyey? | Ali Malaaq

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD