SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Beesha Hawiye oo Kulankoodii Maanta Ka Soo Saaray Go'aamo.
Kulan qaatay mudo saacado ah oo lagu soo gabagabeeyey kulankii ay beesha hawiye iskugu yimaadeen hotelka jakaranda ee magaalada nairobi ayaa dood dheer kadib waxa laga soo saaray heshiis ka koobnaa shan qodob oo ay ku saxiixnaayeen siyaasiyiinta labad golle ee dowlada iyo baarlamanka kaga jira beesha hawiye.
 
Shirkan oo ahaa mid aan caadi ahayn waxaa la isku dhaafsaday hadalo kulkulul oo iskugu jiray guubaabo iyo canaan ay siyaasiyiintan ula jeedeen in beesha go'aan ka gaarto xaaladda ay ku sugan tahay caasimadda soomaaliye ee Mogadisho iyo aragtida ay ka qabaan ciidamada shisheeye ee dalka lagu wado in la keeno.
 

Soomaaliya: Meelaha lagu duugey Sunta Halista ah... GUJI...
Dr. Ibraahim Dasuqi oo ah aqoonyan ayaa lagu casuumay ugu horeyn in uu ka soo jeediyo kulanka qudbad kooban,waxa uuna tilmaamay sida xaalka xamar yahay iyo sida looga fadhiyo hogaamiyayaasha hawiye ee xooga ku leh caasimada.
 
"Waa inaad ka fakartaan sidii aad caasimadda u xasilin lahaydeen waayo waxaa ku jirtaan dowlada iyo baarlamaanka, hubkuna idinkuu gacanta idiinkugu jiraa ee tala keen noqda hadaad tihiin hogaamiyasha hawiye" hadalkan oo uu jeediyay Dr.Ibraahim Dasuuqi oo hal maalin kaliya soo moogaa xamar ayaa intaas ku daray in wax laga xumaado ay tahay in dowladda dadkii sheeganayay ay isku kalsoonaan waayaan iyagoo waxa u dhexeeyana ay tahay Badbaadinta Mujtamaca Soomaaliyeed.
 
Hadalada laga soo jeediyay Goobtan ma ahayn ku sahlanaa waxa ayna qaar ka mid ah xildhibaamadu carabka ku dhufteen"in Beesha hawiye ay ku leedahay baarlamaanka kuraas dhan 61 ayna ku qasban tahay in ay raacdo waxii dan u ah soomali waynta kale ee kula jirta baarlamaanka FKMg ah ee soomaliya." 
 
Siyaasiyiinti ka hadlay meesha waxa ay dhamantood ka simanaayeen in aan ciidamo shisheeye la keenin dalka gaar ahaan kuwa socda wadamada safka hore.
 
Siyaasiyiintii ka hadashay goobtan maanta kama marnayn hadalkoooda maanta in ay ka biya diidsan yihiin keenis ciidamo shisheeye gabigood waxaana ka mid ahaa dadka diidan Wasiirka ganacsiga Muuse Suudi yalaxow oo sheegay dhaqaalaha lagu bixinayo ciidamo shisheeye ay u baahan kuwa soomaaliyeed oo diyaarka u ah in ay daafacaan dadkooda hadii ay helaan dhaqaale iyo xirfad ay ku shaqaystaan.
 
Siyaasiyiinta kale ee beesha hawiye dhamaantood waxa ay balan qaadeen in ay ilaalinayaan amaanka caasimadda dowladana la shaqaynayaan,hadii ay ilaaliso shuruucda u dagsan dowlad ahaan.
 
Wasiirka Amniga Maxamd Qanyar Afrax oo qudbad dheer soo jeediyay ayaa sheegay in beesha hawiye aysan ku haboonayn in ay mar walba qabtaan shirar noocan ah,balse looga fadhiyo Go'aan fulin iyo saxiix daacad laga wada yahay oo beesha si cad uga soo baxdo arrimaha kaga aadan dowladda.
 
Shirkan oo aad u dheeraa maanta Waxaa laga soo saaray shan qodob oo ay beesha wada saxiixday waxaana ay kala ahaayen qodobadas.
 
1.In beesha Hawiye ay xalisay Khilaafkii ku dhex jiray.
2.In Beesha Hawiye ay si buuxda uga qayb qaadanayso hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maliishiyaadka.
3.In caasimadda ay ka saaraan maliishiyaadka iyo hubkooda.
4.in ay isku raaceen Guddi Farsamo oo arrintan guda gala dowladana kala xaajooda.
5.In Awooda keenista ciidamo shisheeye uu leeyahay baarlamaanka FKMG ah  ee soomaaliya.
 
Heshiiskan waxaa saxiixay 39 ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirada beesha hawiye waxaan ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Xuseen maxmad caydiid.
maxamd Qanyare Afrax.
Muuse Suudi yalaxow.
Cumar Finish
Cismaan caato.
Maxamad Jaamac Furux.
Ing.Caddow.
Caasha Xaaji Elmi.
(Liiska oodhan hoos ka eeg)
 
iyo siyaasiyiin kale waxaana ka maqnaa heshiiskan oo aana saxiixin xubno kale oo  ka mid ah beesha hawiye laakiin waxa ay guddigani sheegeen in ay la qabaan go'aamada soo baxay ayna taageerayaan.
 
Ugu dambaynti waxa ay dad badani rumaysan yihiin in beesha hawiye hadii ay heshiiyaan ammaan iyo maamul mid ahna ay ku soo dabaalaan caasimadda ay wax badan iska badalayaan guud ahaan dalka oo dhan dhinacyadiisa dhaqaale iyo nabad galyo. Balse wali waxaa muuqata sidii ay doonaanba wax ha u dhaceene in beesha hawiye aysan wali qaadanin go'aan kalsooni ah oo ay ku fuliso go'aamadan ay soo saareen sababta oo lagu fasiray in wali ay jirto gacan shisheeye kuwa ku adeega oo aan maslaxadi dan ugu jirin.
 

www.somalitalk.com/sun/ 
Heshiiskan waxaanan saxiixin oo ka maqnaa Cismaan Caato iyo Maxmamd Jaamac Furux laakiin laga sheegay goobta in ay saxiixeen laakiin marki uu dhacayay saxiixa oo aan goob joog ka ahaa iigama muuqanin laakiin waxa ay guddiga sheegeen in ay wax ka saxiixeen.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com | Nairobi
Email:
Mumtaz kala Soo Xiriir halkan| Feb 27, 2005


Xubnaha Labada Golle ee Beesha Hawiye ayaa shir Sedex cisho Socday ka dib soo saaray Qodobadan 





Shirkan waxa uu socday muddo sadex cisho ah waxaana gudoominayay Xidhibaan Cumar Xaashi Adan waxa uuna ka Biloowday Hotelka 680 ee Nairobi iyadoo aakhirkiina lagu soo gaba gabeeyay Hotelka Jigaranda ee isla Nairobi. 

Haddaba dood dheer iyo Falanqayn ka dib waxa ay Xubnaha Beesha Hawiye ee ku Jira labada Gole ee Doowlada Federaalku isla Garteen Qodobadan: 

1-in ay ogolyihiin soona dhawaynayaan in Dalka Soomaaliya la keeno Ciidamo ka socda Beesha Caalamka oo aysan ku jirin Wadamada Soomaaliya Xuduuda lalleh (Front line States) 

2-Howlgalka, Waajibaadka,Tirada& mudada ciidamadaasi dalka Soomaaliya ay joogayaan waxaa sharciyaynaya Golaha Shacabka KMG jamhuuriyada Federaalliga Soomaaliya,

Sidoo kale Xubnaha labada Gole ee beesha Hawiye waxa ay isla ogolaadeen Qodobadan, 

1-Xildhibaanada& Wasiiradu waxa ay si dhaba u xaliyeen kana Gudbayn waxii Khilaafaad ah ee dhaxdooda Yiilay waxii maanta ka danbayna waxa ay aragti midaysan ka qaadanayaan meel marinta Hoowlaha Qaranka, 

2- Xildhibaanada & wasiiradu waxa ay go'aan ku gaareen in ay si buuxda uga qaybqaataan Hub-ururinta guud ee Dalka laga Hirgalinaayo iyadoo la raacayo nidaamka Doowliga ah waxa ayna balan qaadayaan in ay fulinayaan kaalinta kaga aadan 

3- Xildhibaanada iyo wasiiradu waxa ay go'aansadeen in ay magaalo madaxda ka saaraan maleeshiyooyinka & Hubkoodaba si dagdagana ugu laabtaan si ay ufuliyaan hoowshaas una soo dhaweeyaan golayaasha Doowlada, 

4- Xildhibaanada iyo Wasiiradu waxa ay isku raaceen in la magacaabo gudi farsamo oo ka baaraan daga hoowlaha lagama maarmaanka ah fulinta Qodobadan la isku raacay Heshiiskaan waxaa saxiixay 41 Xildhibaano iyo Wasiiro iskugu Jiray waxaana ka mid ahaa:

  • 1-Cusmaan Xasan Cali Caato
  • 2-Maxamed Qanyare Afrax
  • 3-Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxow
  • 4-Eng Xusseen Maxamed Faarax Caydiid
  • 5-Cumar Maxamed Maxamuud Filish
  • 6-Eng Maxamed Xuseen Cadow
  • 7-Cumar Xaashi Adan
  • 8-Bootaan Ciise Caalin
  • 9-C/kariim Axmed Cali
  • 10-Maxamed Jaamac Furux
  • 11-Yuusuf Mire Seeraar
  • 12-Muusse Nuur Amiin
  • 13-Dr Cali Baashi Cumar Rooraaye
  • 14-Xirsi Adan Rooble
  • 15-Xasan Dhinbil Warsame
  • 16-Cabdi Axmed Dhuxuloow
  • 17-Axmed Diiriye Maxamuud
  • 18C/qaadir Nuur Caraalle
  • 19-Caasha Xaaji Cilmi
  • 20-Ciise Wehliye Maalin
  • 21-Maxamed Macalin C/rixmaan
  • 22-Maxamuud Sh Nageeye
  • 23-Ibraahim Sh Cali Jeebo
  • 24-Xuseen Caraalle Cadaan
  • 25-Maxamuud Sh Axmed Gabyow   N,B ma saxiixnayn balse magaciisa waa qoranaa
  • 26-Bashiir Maxamed Adan
  • 27-Nuur Waber Cabdi
  • 28-Maxamed Xuseen Raage
  • 29-Cumar Ugaas Muumin
  • 30- Muusse Cali Cumar
  • 31-Axmed Ducaalle Geele Xaaf
  • 32-C/fitaax Axmed Muumin
  • 33-Cumar Isloow Axmed
  • 34-Cabdi Buulle Xuseen
  • 35-Dr Cusmaan Maxamuud Maxamed Duflle
  • 36-Cali Shire Gacal
  • 37-C/casiis Ibraahin Cusmaan
  • 38-Nuur Axmed Diirshe
  • 39-Xuseen Cabdi wade
  • 40-Maxamuud Salaad Nuur
  • 41-C/laahi Macalin Maxamed

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2005


"Xukuumada (FKMG) ayaa ku kala Qaybsan Keenitaanka Ciidamada Shisheeye"
Sidaas waxaa yiri afhayeenka isbahaysiga dooxda jubba oo ay SomaliTalk maanta ku waraysatay Kismaayo.. Guji...

Wafdigii DFKMG oo Booqday Garoowe
Watigtiga DFKMG oo Jawhar uga sii safray Baladweyne, Kadibna garoowe iyo Dr.C/qaasim oo sheegay in Keenis Ciidamo Safka hore waa ay abuutreyso dagaal sokeeye
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Feb 25

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD