SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

Maxkamada Somaliland oo Go'aan Ka Gaadhay Dacwada Doorashada Golaha Wakiilada

Weriye : Aadan yuusuf qodax | Hargaysa
Email:  Guji Halkan.....

  • Maxkamada Dastuuriga ah ee S/land oo go'aan kagaadhay dacwada muranka  doorashada  golaha wakiilada

Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland ayaa dacwad uu sooqoray madaxwayne rayaale oo kadhan ah golaha baarlamaanka ,kunasaabsan  xeerka doorashada golaha wakiilada ugudbiyay maxkamada sare ee dastuuriga ah ,dacwadaas oo tirsigeedu ahaa XIG/JSL/31/2005  kuna taariikhsaysnayd 20/2/2005,dacwadaas oo uu madaxwayne rayaale kaga ashtakoonayay xeerka doorashada wakiilada ee ay ansixiyeen golaha baarlamaanku ,xeerkaas oo ay kujiraan qodobo hadii sidooda loogu dhaqmo ama looraaco aanay suurtagal ahayn in doorashada golaha wakiiladu kadhacdo somaliland wakhtigii loocayimay oo ah 29ka march ee sanadkan aynu kujirno .

Qodobadaas oo ay kamid yihiin kuwo sheegaya in tirakoob lasameeyo iyo in doorashadu kadhacdo guud ahaan gobolada somaliland oo dhan ,waxaa qodobadaas ay xukuumada , xisbiyada siyaasada iyo dadwaynuhu kutilmaameen in ay yihiin qaar golaha wakiiladu kuxanibayaan in doorashadu dhacdo wakhtigeedii, iyaguna ay doonayaan in ay siijoogaan  aqalka wakiilada .

Hadaba maxkamada sare ee dastuuriga ah ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 26/2/2005  kasoosaartay go,aan dacwadaas xeerka doorashada oo ay maxkamadu ufadhiday ilaa 23/2/2005 , go,aankan ay maxkamadu soosaartay shalay oo looqaybiyay saxaafada waxaa kucadaa sida maxkamadu ufasirtay qodobada dastuuriga ah ee ay golaha wakiiladu u adeegsadeen xeerka doorashada  oo ay maxkamadu sheegtay in ay golaha wakiiladu ufasirteen si khaldan oo kahorimanaysa dastuurka  somaliland .

Waxaa maxkamadu kasaartay xeerka doorashada golaha wakiilada qodobadii caqabada kunoqon lahaa in doorashada laqabto wakhtigeedii   ee ay kusoodareen golaha hada jiraa ,go,aankaas maxkamada oo ay siweyn usoo dhaweeyeen guud ahaan shacbigu kuna tilmaameen talaabo geesinimo oo ay maxkamada sare kutalaabsatay.

Go,aaka maxkamadu wuxuu ahaa sidan:

  1. waxaa maxkamada ucadaatay in qodobada 10aad, 13aad, 38aad, 44aad,ee xeerka doorashada golaha wakiiladu kasoohorjeedaan dastuurka somaliland,dabar iyo caqabna kuyihiin qabsoomida doorashada wakiilada mudadii loocayimay (qodobadaasi waa kuwa sheegaya in lasameeyo tirikoob dadwayne iyo in doorashadu kadhacdo dalka oo dhan ),sidaas darteen maxkamada dastuuriga ahi waxay laashay ama meesha kasaartay qodobada 10aad,13aad,38aad iyo 44aad ee xeerka doorashada golaha wakiilada ee NO.22/2/2005 ee 18/1/05 .
  2. xeer NO.20/2/05 ,marka laga reebo qodobada la,laalay ama meesha laga saaray waxaa sitoosa loogu dhaqmayaa marka uu saxeexo madaxwaynaha somaliland .
  3. Go,aankani wuxuu soobaxay 26/2/05

Garsoorayaasha go,aanka gaadhay: 

  • 1. faysal xaaji jaamac     gudoomiye
  • 2.maxamed xirsi faarasx     xubin.
  • 3. sh.cali cabdi guuleed     xubin.
  • 4. yaasiin xasan ismaaciil     xubin
  • 5. cabdi cilmi xasan             xubin.
  • 6.cismaan ismaaciil axmed    xubin
  • 7. maxamed cumar geele      xubin.

Sikastaba  ha ahaatee go,aanka ay maxkamadu gaadhay waa mid suurtagal kadhigaya in hada doorashada golaha wakiiladu kadhacdo somaliland in kasta oo laga yaabo in wakhtigii loocayimay ay dib uga dhacdo mudo bil ah sida ay kuheshiiyeen sadexda xisbi qaran  taas oo macneheedu yahay in doorasahda golaha wakiiladu kadhacdo somaliland mudo ay hada kahadhasantahay laba bilood iyo maalmo yar .

w.q. aadan yuusuf qodax     hargaysa somaliland
Email:  Guji Halkan.....   

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 27, 2005


"Xukuumada (FKMG) ayaa ku kala Qaybsan Keenitaanka Ciidamada Shisheeye"
Sidaas waxaa yiri afhayeenka isbahaysiga dooxda jubba oo ay SomaliTalk maanta ku waraysatay Kismaayo.. Guji...

Wafdigii DFKMG oo Booqday Garoowe
Watigtiga DFKMG oo Jawhar uga sii safray Baladweyne, Kadibna garoowe iyo Dr.C/qaasim oo sheegay in Keenis Ciidamo Safka hore waa ay abuutreyso dagaal sokeeye
Warka oo dhan ka akhri halkan... Guji.. Feb 25

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

Link email tuugada

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD