SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Soomaaliyeey, dawlad la`aanta ameey noo fiican-tahay!
Bile Jaamac (Gaagaale )

Oslo, Norwey

 sharmarke10@hotmail.com

Dawladeey maxaa tahay?

Dawlad, fasiraadeeda oo gaaban waa :- koox dad ah, oo leh awood siyaasadeed kunna maamula dal ama deegan gaar ah.

Dal, dawlad, madaxweyne, ra`iisal-wasaare iyo wasiir; waa wax dhaqan-keena Soomaaliyeed aan aqoon u laheeyn oo aan ka dhaxal-nay, wadamadii na gumeeystey ee reer Yurub ahaa.

Bal-mucjisadaan ila arag, nin Baydhabo degan baa la yiri-waxaa isku dal-tihiin nin degan Hargeeysa.

Labada magaalo-ba, aniga, qof ahaan waa tagay. Hadii "Visa" u qaado la i dhihi lahaa labadaas magaalo waa- Baydhabo iyo Hargeeysee- waxba kama qabi laheeyn. Runtii muslimiinta, degan Indoniisiya iyo Maleeysiya, ee macawiista u xiran,wax-yar ayeey igala duwanaayeen.

Soomaalida Jabuuti degan-ba, deegaankooda, Visa -ayaan ku galay, Ciisaha-soomaalida ahna, waalidkeey waxeey iigu sheegeen in aan "Dir" isla nahay.

Boosaaso, nin degan baa waxaa la rabaa in loo sheego waxaad isku dal iyo dawladnimo indinka dhaxeeysaa, nin degan Baraawe iyo Jilib-war ila qosol.

Boorame iyo Laascaanood nin degan baa waxaa la rabaa in laga dhaadhiciyo waxaa dal iyo dawladnimo idinka dhaxeeysaa Aw-dheegle iyo Walan-weyn nin degan, waa ka daroo dibi-dhal.

Siyaasadeey, maxaa tahay?

Odayaal Soomaaliyeed markaan weydiiyey oo cuqaal ahaa,-Waa maxay siyaasad dawladeed?- waaba garan-waayeen. Oo af-Soomaligii hore maba ku jirto, maxaa-ba la sharxaa.

Reer Yurub : dalka Griig iyo Old Fransiis -waxeey ku sharxeen- (politic: citizen)

Dadka Hindiya iyo Shiinaha oo ka kooban laba bilyan iyo rubac

( 2.250.000.000.000) sharaxaad fiican uma hayaan, macnaha siyaasad, marka ma waxaa aduunkaan-Gaal iyo muslin-wada degan, erayga Griig iyo Old Fransiis ka yimid oo tiradooda ka yartahay 100.000.000, war ka dhageeystaa.

Siyaasad-qabiileed, oo ku dhisan 4.5 cid garasho u yeelataa waaba la heli waayey, Soomaalida dhexdeeda.

Marka erayga-siyaasad-dhaqanka soomaaliga ah-cid sharaxaad fiican ka bixin kartaa ilaa hadda lama hayo.

Kuwa reer Galbeedka: Yurub iyo Mareeykanka fikradiisa wata waxeey ku dabo raftaan -mr Smith sidaas ayuu u sharxay; mr Huuhaa reer Yurub ee noolaa waqtigaas, erayga siyaasad sidaas ayuu ku fasiray;

Qolada wadaadda ahna waxeey ku dabo raftaan; shiikhii ku noolaa Kuufa ama shiikhii kaloo ku noolaa Xijaas wuxuu yiri ama uu u sharxay, hanaanka siyaasadeed sidaan iyo sidaan.

Labada qolo-ba, waxeey iska indho tiraayaa, dhaqanka Soomaaliyeed ee ku dhisan -Siyaasadda qabiil-ka -ku dhisan oo aan dhago iyo indho kale laheeyn, waaba hadaan siyaasad sidaas ku fasirno.

Madaxweyne iyo ra`iisal wasaare

Odayaal Soomaaliyeed, oo aad u cimri weyn ayaan waxaan weydiiyey, sharaxaada -madaxweyne iyo ra`iisal wasaare?

Odayaashii Soomaaliyeed, waxeey la soo boodeen haa madaxweyne iyo ra`iisal wasaare Soomaaliyeed waa jireen, haba kala fiicnaadaanee.

Waxeey yiraahdeen, waxaan na soo maray : Aden Cadde; Abdirashiid; Abdirizaaq iyo Maxamed Siyaad.

Aniga, su`aal baan ku celiyey oo waxaan ku iri, ragaan aad sheegeeysaan, gumeeysigii na haaystay ee reer Yurub, markuu dalka ka tagay-"maamul-hanaaneedkii", uu diyaariyey kuwa raacay waaye, waana fahansanahay, oo aniga baaba qaar u soo joogay.

Odayaaashii baan mar kale su`aasha ugu celiyey, oo waxaan ku iri :

1920 kii, soo ma joogin idinka - haa beey i dheheen-,

markaas baan waxaan ku dhahay, odayaashii idin dhalay ee Soomaaliyeed, maxaa sharaxaad ah, oo eey idinka sheegeen macnaha ku jira -madaxweyne iyo ra`iisal wasaare- oo dhaqanka soo jireenka ah, ee Soomaaliyeed looga tusaale qaadan karaa.

Odayaashii Soomaaliyeed, waxeey igu yiraahdeen , adeer waxaan annaga ma aqoon oo gumeysigii reer Yurub ka hor, waxaan aheeyn qabiilo-deegaano, gaar ah leh.

Waxaanna lahaan jirnay oo talada laga qaadan jiray, xaaladaha ah ( war and peace) nabad iyo dagaalba, odayaal Kaabo-Qabiilo ah sida: Isimada; Garaadyada; Malaaqyada; Imaamyada iyo Cuqaasha.

Dawlad la`aan Soomaaliyeey

Soomaaliyeey, dawlad la`aan xumaan yaan laga dhiga-nin, oo dilka, dhaca iyo boobka aan iska deeyno.

Oo nabad iyo heshiis deegaaneed kuwada noolaano, dhibkii dhacaana -kaabo-qabiilada - loo geeyo, si eey xal ugu raadiyaan, oo ku saleeysan mid dhaqameed iyo diineeyd, oo geedka hoostiisa lagu xalin jiray. Dawlad baa wax xalin kartana meesaha laga saaraa oo leeyska iloobaa.

Qof walboo Soomaaali ah, kaabo-qabiilkaada ku dabo-safo

Soomaalaay, beenta iyo riyada aan ka baxno, qabiil baad rabtaa in uu dalka ka taliyo(waaba haduu dal jiri doono), qabiilkaasna uu noqdo kaad adiga, ka dhalatey.

Qabiiladda Soomaaliyeedna, waxeey ka koobanyihiin dhawr qabiilood, waxaad sii rabtaa, jilibka aad ka dhalatey in uu dalkaan ka kooban 100-ka jilib, ee qabiileed, kaada in uu ka taliyo, ee aad markaasna ku faantid, xataa hadaadan garoor lagaaga shubin.

Sidaas darteed, aan dawlad la`aan iska ahaano, si eey naf iyo maal noogu nabad galaan.

Qof walboo oo Soomaali ahoow, kaabo-qabiilkaada dabo-safo, meeshii uu aduun iyo aakhiro-ba ku geeyo.

Gabagabo, Soomaaliyeey dawlad la`aanta, aan fursad siino, oo 50 sanno sidaan aan u kala joogno, cid cid wax ku darsataa eeynaan jirin-"dhinaca maamulka"-, ganacsiga iyo guursiga ayagu xuduud ma laha oo waa leeysku dhex-wadanaayaa, sida taariikhda bani`aadamka laga dhaxlay ayeey ahaaneeysaa.

Laakiin, Soomaaliyeey yeey nagu dhicin, sidii Ciraaqiyiinta ku dhacday "Carab cigaal-wata oo cod-bixin, lagu qasbay; iyo Carabiyadd cabaayad-wadata ee cod-bixineeysa, oo qasab ah".

Maalintaan u diyaar noqono in aan dawlad dhisanno oo naga wada dhaxeeysa, allaha na gaarsiiyo oo aan ku dhisneeyn-4.5 oo qabiilo loo qeeybinaayo. 

Bile Jaamac (Gaagaale)
Oslo, Norwey

sharmarke10@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaag kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 3, 2005

Qoraaladii hore ee Gaagaale

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD