SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO

Barnaamikii Radio Xoriyo
 
Feb. 08, 2005
  • Baabuur cadowga lagaga gubay duleedka Dhagaxbuur
  • Shir lagaga hadlayay arrimaha Ogadenya oo ka dhacay magaalada London
  • Gumaysiga Itoobiya oo xayiray dhaqdhaqaaqii gaadiidka ee Ogadenya
  • Eritereya oo Itoobiya canbaaraysay
  • Iyo barnaamijkii Aragtida Halgamaaga

====================================

Baabuur cadowga lagaga gubay duleedka Dhagaxbuur

- 13/01/05 Garaac meesha la yidhaahdo oo ka tirsan Gobolka Qorraxay dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 5 askari, waxaana lagaga dhaawacay 4.

- 31/01/05 Lebiga oo ka tirsan Degmada Dhagaxbuur ee Gobolka Jarareed kolonyo ciidanka cadowga oo marayey ayuu CWXO u dhaba galay. Waxay halkaas lagaga baabuurkii ugu horreeyey, waxaana ku dhimatay 35 askari. Waxaa kaloo rasaas lala beegsaday baabuurkii labaad oo khaasaare lixaad leh la gaadhsiiyay.

Dhinaca kela taliska Ciidanka gumaysiga Itoobiya ee fadhigiisu yahay magaalada Qabridaharre ayaa isugu yeedhay ciidamada calooshooda u shaqaystayaasha ah ee gobollada Nogob, Jarar, Doollo, Qorraxay iyo Shabeelle, waxaana maalintii shalay ahayd ee taarikhdu ku aaddanayd 7/02/05 uga furmay magaalada Qabridaharre shir lagu qiimaynayo hawlgalladii loo diray ee ka dhanka ahaa halganka shacabka Ogadenya ugu jiro xuquuqdiisa.

Waxaa kaloo shirkaas loogu talagalay in ciidamada calooshood u-shaqaystayaasha ah loogu sheego waajibaadyo cusub oo la rabo inay fuliyaan.

Maalintii axadda ahayd ee bisha Febrawari 6-da ahayd waxay CWXO jidka ku heleen maleeshiyadii Fiiq iyo Sagag ee shirka u soo socotay, kuwaasoo markii la helay marayay meel lagu magacaabo Qayd oo u dhexaysa Fiiq iyo Garbo. Waxaa halkaas lagaga dilay taliyihii Maleeshiyada Sagag oo ahaa nin muddo dheer cadowga u shaqaynayay.

Shir lagaga hadlayay arrimaha Ogadenya oo ka dhacay magaalada London

Maalintii sabtida ahayd ee taariikhdu ahayd 5/02/05 waxaa magaalada London ee carriga Ingiriiska lagu qabtay shir wayn oo lagaga hadlayay arrimaha Ogadenya. Shirkan waxaa lagu rogrogay arrimo badan oo ku saabsan siyaasada Ogadenya, waxaana lagaga dooday xaaladda dalka Ogadenya. Waxaa dhambaalkan magaalada London looga soo diray Samatar Guuleed oo shirka goobjoog ka ahaa.

Gumaysiga Itoobiya oo xayiray dhaqdhaqaaqii gaadiidka ee Ogadenya

Xukuumadda gumaysiga Itoobiya ayaa xayiraad ku soo rogtay dhaqdhaqaaqii gaadiidka ka dhex shaqeeya dalka Ogadenya iyo gaadiidka ka dhex shaqeeya Ogadenya iyo Itoobiya.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in baabuur badan oo dalka Ogadeyna laga leeyahay ay hadda hoganayaan magaalada Jigjiga, iyadoo loo diiday inay u baxaan gobollada kale ee Ogadenya.

Gaadiid badan oo rar u waday gobollo kala duwan oo Ogadenya ka mid ah ayaa iyagana lagu hakiyay magaalooyinka Qabri-bayax iyo Awaare, iyadoo loo diiday inay dhinacna u dhaqaaqaan, isla markaana ilaa iyo hadda meelahaas ku xayiran.

Wararku waxay intaas ku darayaan in gumaysiga Itoobiya uu gaadiidlayda u sheegay in xaaladda nabadgelyada oon fiicnayn awgeed aan la oggolayn in gaadiidku isaga socdo gobollada Ogadenya. Arrintani waxay dhibaato wayn soo gaadhsiisay dadwaynaha rayadka ah ee Ogadenya oo markii horaba ay dhibaato ka haysatay dhinaca gaadiid xumada, haddana looga sii daray.

Dhawrkii toddobaad ee ugu denbeeyay waxaa meelo kala duwan oo Ogadenya ka mid ah lagu gubay baabuur ay wateen ciidamada gumaysiga Itoobiya, iyadoo khasaare lixaad leh loo gaystay ciidamada gumaysiga, taasina waxay keentay in ciidamada gumaysigu ay xayiraada ku soo rogaan gaadiidka oo dhan, si ay wadar-ahaan ugu ciqaabaan dadwaynaha Ogadenya oo dhan.

Eritereya oo Itoobiya canbaaraysay

Guddiga dawlada Eritereya u qaabisla xidhiidhka ergada nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee kala dhex fadhida Eritereya iyo Itoobiya, ayaa taliska TPLF ku eedeeyay inuu isku dayayo falal daandaansi ah, kuwaasoo uu ku doonayo sidii uu dagaal uga billaaban lahaa labada dhinac.

Guddiga Eritereya wuxuu bishan seddexdeedii soo saaray bayaan uu ku beeninayo in ciidamada Itoobiya ay aagga Manda ee gudaha Itoobiya ku dileen qaar ka mid ah askarta Eritereya, arrintaasoo taliska Addis Ababa uu daboolka ka qaaday kawdii bishan.

Eritereya waxay taliska Addis Ababa ku canbaaraysay inuu khalkhal iyo degganaansho la’aan ka abuuray nawaaxiga Bure ee aagga Manda, ka dib markii uu ciidamada nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobey ku martiqaaday inay soo arkaan dad halkaas lagu laayay oo Itoobiya sheegtay inay Eriteriyaan ahaayeen.

Eritereya ayaa sheegtay in dadka la laayay ay ahaayeen kooxaha Canfarta ah ee hubaysan ee ka soo horjeeda xukuumadda Itoobiya.

C/Nuur Sh.Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2005


Ardayda Dugsi Quraanka Dhigata oo ku badan XafuunWarbixin ku Saabsan Xaafuun Badgariirkii Kaddib
Warbixintii Cabdifataax Jaamac oo booqday magaalada Xaafuun oo kamid ah meelihii ay dhibaatadu ka soo gaartey aafadii badgariirka... Guji... Feb 8

Madaxweyne Yuusuf oo ku adkaysanaya in dowladda la sii dajiyo Baydhabo
Golaha wasiirada DFKMG oo ka dooday halkii dawlada la dejin lahaa iyo waftiyo loo diray Soomaaliya si ay... Guji... Feb 7

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD