SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

BANAADIR LAMA BOOQAN KARO, BEEN DHEH!

Wmursal/D:Mursal Max'ed Max'uud(Garaad) E-mail: stethy1@yahoo.com

 Af-hayeenka Barlamaanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aaden iyo Wefdi balaaran oo uu hogaaminayey ayaa si Dad badan oo Gudoomiyaha gudhiisu ku jiro aanay filayn loogu soo dhaweeyey Magaalo Madaxdda Muqdisho. Shariifka,oo ka soo degay Garoon ku yaala duleedka magaaladda ayaa waxaa kaga hortegay ilaa 10.000 oo qof, oo Ubaxyo iyo Caleemo qoyan luxayey kuna dhawaaqayey Mudne ku soo dhawaaw dhulkaagii hooyo,halka Dad lagu qiyaasay ilaa 50.000 oo kalena uu kula hadlay Barxadda Tarabaaunka(ex Fagaarihii 21ka Octoobar).

    Dadwaynaha soo dhawaynayey Af-hayeenka Barlamanka iyo Wadigiisa waxay safnaayeen, Garoonka uu ka soo degay ee Deyniile, Fagaaraha Xoriyadda 1-da Luulyo Ilaa Hotelka uu degay ee Saxafi international. Shariifka markii uu Dadka la hadlayey waxaa laga dheehan karey in farxad aan la qiyaasi karin uu hadalka la gefgefayey, isagoo aad ula yaabay sida Reer Xamar ay heeganka ugu yihiin in ay Garab galaan lana shaqeeyaan Dowladooda, wuxuuna aad u xaqiijiyey sida ay u kala duwantahay Xaaladda Dadka Muqdisho iyo sheekaddii lagu hayey Nairobi!!

    Waxaa xusid mudan sida aan dhibsiga lahayn ee Dadkii soo dhawaynayey Gudoomiyaha ay u taagnaayeen ilaa 7-saacadood oo xiriir ah, iyagoo u dhabar adeegayey Haraadka iyo Cadceedda oo aad u kululayd, Wafdiga oo ka soo dib dhacay Waqtigii loogu tala galay awgeed. Dadkii isku soo baxay oo ka koobnaa qaybaha bulshada oon u kala harin sida: Dhalinyaradda,Haweenka,Ururadda Bulshadda,Ardaydda Dugsiyadda,Fanaaniinta Qaranka,Culimaa,udiinka,Ubaxa Qaranka iyo Qaybaha Ciidankaba waxay iskugu hanbalyeeynayeen Imaantinka Wafdiga ka socda T.F.Gda ee Af-hayeenku hor kacayey, qof walibana waxaa ka muuqday shucuur wadaninimo, isagoona isku qacinayey in 15sanno oo rafaad ah ka dib uu Nolol wanaagsan iyo Nabad ku naaloon doono! Islamarkiibana waxaa la dareemay hoos u dhac ku yimid Qiimihii Sarifka Lacagaha- Qalaad. Waxaad  moodaa Dadka Xamar inay uga faa,iidaysteen isku soo baxoodaas in ay ku muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan Ciidamo shisheeye, Wasiirka Amniga oo ka mid ahaa Wafdiga ayaana dadka ku beer dulucsay in aan loo keeni doonin Amxaaro. Sidoo kale Gudoomiyaha Barlamaanku wuxuu salaan sharaf ka qaatay illaa 4,000 oo Askari,oo Ciidamadda Qalabka sidaa, kuwaas oo gaada kacayaar aad u qurux badan ku soo bandhigay Iskuulka Boliiska. Shariifka oo sidoo kale halkaas Dadka kala hadley wuxuu shacaka Soomaaliyeed ka Codsaday in ay ILAAH u Toobad keenaan, hubkana layska dhigo, si Caasimaddu ay u noqoto meel cid walbaa ku noolaan karto, iyadoon la waardiyeenayn.Afhayeenka Barlamaku wuxuu amaan balaaran u jeediyey Qaybaha Ciidanka, wuxuu yiri "Hub waa laydin heli doonaa, intaa ka horaysana waa in aad Budkiina ku sii shaqaysaan"aad ayuuna ugu hanbalyeeyey Ciidanka oo isugu jiray Rag iyo Dumarba. Hadaba su'aasha meesha taal waxa weeye, waa muuqataa oo ma qarsoona in Dadku doonayo Nidaam iyo kala-danbayne, waa halkee meesha ay wax iska qaban la'yihiin Gaar ahaan dadka Xamar???

   Qaabka loo soo dhaweeyey Gudoomiyaha Barlamaanka waxay isoo xusuusinaysaa sanaddii 2000, markii ay timid Dowladdii uu hogaaminayey Dr. C/qaasim,oo ay soo dhaweeyeen Dad ku dhowaa 100.000, iyadoo ciriirigii iyo is riix-riixiina ay ku neef qabatimoobayn ugu yaraan 3dex Ruux. Maalinkaa waxaan is lahaa alaylahe dhib halkaa ku har oo maantay Soomaali Qaranimadeedii boorka ka jaftay,hase yeeshee qiyaastii mar qura ayeey isbedesahay Dowladdii Cartana wax-wayn way ka bedeli waysay Xaaladdii uu Dalku ku sugnaa, marka laga reebo metelaada Kuraastii Soomaaliya ku lahayd Ururo Caalami ah.Waxay Dowladdaasi ka shaqayn waysay Dadkii tiradda badnaa ee sida layaabka leh ugu  soo dhaeeyey Caasimadda.

    Marka Reer Muqdishoow dhibku halkee ka jiraa, ma Qoladdii Bacadle ka sheegay, Dadkani Dowlad waa rabaan waxaase diidan Duul qarsoon baa adeeganaysa? Marabo in aan saadaal xun ka baxsho Mustaqbalka Dadka Xamar waxaanse leeyahay Soo dhawayntiinu yaanay la mid noqon kuwii hore, ee aad ku baran jirteen Wajiyadda Wufuudda!!

Soo dhawaynta Af-hayeenka, oo dhabarjab ku noqonaysa Qorshahii Madaxweynaha

   Waxa dhacay iyo sida loo soo dhaweeyey Gudoomiyaha Barlamaanka, waxay meesha ka saaraysaa Shakigii Madaxdda Dowladda qaarkood ay qabayn, ee ahaa in Muqdisho aan la tegi karin. Waxay kaloo muujinaysaa in aanay jirin Baahi wayn oo loo qabo Ciidamo shisheeye. Sidaas darteed waxaa wanaagsan in Madaxwene C/laahi Yuusuf aanay taladdu ka hoos bixin,oo uusan abuurin kala shaki iyo Gobolaysi hor leh. Waxaa iska cad halka uu Madaxweynuhu ka doonayo Ciidamo Amxaaro uu Dalka ku qabsado, in haddii uu Dadkiisa kal-sooni ku abuurto oo yiraahdo waa i kan una yimaado, loo soo dhawayn doono sidii Shariifka iyo si ka wanyba. Sidoo kale lama filayo in Aduuyaddu aqbali doonto, haddii Madxweyne Yuusuf uu ku sii adkaysto Go'aankiisaas laab-lakaca ah, Waayo maanta Caalamku diyaar uma ahan in ay dhaqaalo ku bixiyaan Rabitaan ku dhisan Dikteetarnimo iyo Annaa iri.

  DHIBAATOOYINKA KA IMAAN KARA HADDII FIKIRKA MADAXWAYNHU SHAQEEYO

    Fikradaan uu Madaxwynuhu riixayo ee ah in Ciidamo shisheeye la keeno Dalka waxyaabaha ay keeni karto waxaa ka mid ah. (a)In marka ugu horaysaba ay Dowladdu laba dhinac u kala jabto, oo Ninba markiisa Codka loo qaado. (b)In ay abuurmaan Isbahaysiyo Mucaarad ah oo taageero badan ku hela qaab qabiil, iyadoo waayo aragnimadda 14ka sanno ay ina barayso in aan la dhayalsan karin Mucaaradnimadda 1-Koox, ama Hogmiye Kooxeed. (c) Waxaa xoogaysanay Mabaadii'da ku dhisan Qabiilka,iydoo ay imaan doonto Gobol hebel ayaa naloo Gacmo qabanayaa. (d) In ay abuurmaan qaybo bulsadda ka tirsan oo ay diintu isku keento, lagana dhaadhicyo in ay ku Janno raadsadaan Jihaad ay galaan.

    Waxyaabahaas oo dhan waxay ka hor imaanayaan jirtaanka Haykalka Dowladnimo, iyadoo Madaxweyne Yuusufna ay ku celin doonto Darajadii uu ka yimid ee Hogaamiye Gbobol, waloow maanta aanuba boos kaga banaanayn. Sikastaba ha ahaatee Kubaddu iminka waxay u soo laadantahay dhanka Baarlamaanka, ilaa 80 Xubnood oo Muqdisha booqdayna waxay in dhahooda ku soo arkayn waxa halkaas ka jira iyo weliba waxa Dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir ay doonayaan iyo Mowqifka ay iska taagayn keenista Ciidamo shisheeye. Sidaas darteed waa in Barlamaanku aanay marsiin Dhibaato, isla markaasna waa in ay ka feejig naadaan Go,aankasta oo dib u dhac ku keeni kara Hanaankii Nabadda Soomaliya ee mudada dheer loo fadhiyey, dhaawicina kara Mirihii Dib-u-heshiisiinta.

W/D:Mursal Max'ed Max'uud(Garaad) E-mail: stethy1@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2005


Ardayda Dugsi Quraanka Dhigata oo ku badan XafuunWarbixin ku Saabsan Xaafuun Badgariirkii Kaddib
Warbixintii Cabdifataax Jaamac oo booqday magaalada Xaafuun oo kamid ah meelihii ay dhibaatadu ka soo gaartey aafadii badgariirka... Guji... Feb 8

Madaxweyne Yuusuf oo ku adkaysanaya in dowladda la sii dajiyo Baydhabo
Golaha wasiirada DFKMG oo ka dooday halkii dawlada la dejin lahaa iyo waftiyo loo diray Soomaaliya si ay... Guji... Feb 7

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD