SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Ra'iisul wasaaraha DFKMG ah Cali Maxamad Geddi oo maanta la kulmay hay'adaha bixiya Deeqaha ee qaramada midoobay iyo EU-da..
  • Muqdisho oo lagu diley Weriye ka socda British Broadcasting Corp.
  • CIIDAMADII XOOGA DALKA SOOMAALIYA QAAR KA TIRSAN OO MAANTA DHOOLATUS AY KU TAAGEERAYAAN KU QABTAY XARUNTA GOBOLKA MUDUG
  • Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Miss Condeleeza Rice oo ka gaabsatay in ay Soomaaliya ka hadasho mar wax laga waydiiyay dowlada FKMG.
  • Deegaano ku yaalaha Xeebaha Badda Hindiya ee Bariga Puntland oo Masiibooyinkii Tsunami ku dhacday oo laga soo sheegayo xaalad adag. 

Ra'iisul wasaaraha DFKMG ah Cali Maxamad Geddi oo maanta la kulmay hay'adaha bixiya Deeqaha ee qaramada midoobay iyo EU-da..

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com

canabmumtaz@hotmail.com

 
Ra'iisul wasaaraha dowlada FKMG ah ee somaaliya Cali Maxamd Gedi ayaa maanta kulan la yeeshay saraakiisha wadamada bixiya deeqaha soomaaliya ee QM, Eu Swedhan oo gooni u siisa soomaaliya deeq iyo kuwo kale.
 
Cali Maxmamad geedi waxa uu ka dalbaday in ay bixiyaan qarashka ay dowladda ku guureyso iyo kuwa ay ku maaligalinayso howlaha ka haysta dhinaca wax ka qabasha amaanka,tabarida maliishiyaadka,mucaawinooyinka,dib u dajinta iyo dhisida xafiisyada ay dowlada ku shaqayn doona lixda bilood ee ugu horeysa.
 
Lacagahan ay dalbadeen dowladda oo meelo kala duwan ay ku bixin doonto waxa ay kor u dhaafaysaa toddobaatan iyo toddoba milyan oo dolar ($77.3 milion) si wax looga qabtyo dhinacyada hubka ka dhigista iyo tabarida maliishaadka soomaaliyeed oo loo badli doono ciidamo qaran iyadoo dhinaca tabaridana ay ka qayb qaadan doonto hay'adda UNDP.
 
Cali Maxamad Geddi waxa kale oo u sheegay ha'addaha deeqaha bixiya in dowladiisa ay guuri doonto bishan 21 keeda 21/2/05 ka horna ay dirayaan wafdi sii qaabeeya xafiisyadii ay dowladdu ku sii shaqayn lahayn iyo wafdiyo kale oo loo dirayo goboladda dalka si qiimeyn ugu soo sameeyaan meesha dowlada xoogeeda la sii dajin karo amaan ahaan ayna ka fulin karto howlaha shaqo, laakiin aysan guuri doonin inta ay ka helayaan lacagahaas.
 
Shirkan oo maanta ka dhacay xafiiska QM ku leedahay Nairobi waxa ay balan qaadee hay'adahaas in ay bixinayaan qarashyadaas ay ka dalbatay dowlada FKMG ah ee soomaliya si wax looga qabto hub ka dhigista iyo tabarista ciidamada,amaanka iyo mucaawinooyinka ay dadka u baahan yihiiin.
 
Hay'adahan qaarkood oo horay u bixiyay lix malyan oo dolar si wax looga qabto guuritaanka dowladda iyo dirista wafdiyada soo ogaanaya xaaladda amaan ee  ka jirta soomaaliya guud ahaan si loo helo meel dowlada ay ku sii shaqayso inta laga helayo amaab buuxa oo caasimadda ka dhigaya mid leh amaan la isku halayn karo.

Canab Mumtaz | SomaliTalk.com

canabmumtaz@hotmail.com


Muqdisho oo lagu diley Weriye ka socda British Broadcasting Corp.

Waxaa magaalada muqdisho maanta oo Arbaca ah (Feb 9) lagu diley weriye ka socdey British Broadcasting Corp. oo magaceeda la oran jirey Kate Peyton da'deeduna ahayd 39, waxaan toogtey dabley aan la garanayn. Dhaawaca Kate ayaa loo qaaday cisbitaalka, waxayna u dhimatay dhaawacii. Dableyda disheyna lama garanayo haybtooda. Wararka laga qoray dilkaas ka akhri halkan...


CIIDAMADII XOOGA DALKA SOOMAALIYA QAAR KA TIRSAN OO MAANTA DHOOLATUS AY KU TAAGEERAYAAN KU QABTAY XARUNTA GOBOLKA MUDUG

sahrosiglan@hotmail.com | SomaliTalk.com | Galkacyo , Somaaliya



Qaar ka mida ciidamadii ka tirsanaanjiray   xoogga dalka Soomaaliyeed ee kusugnaa gobolka Mudug ayaa maanta isu soo bax aad u ballaaran isugu yimid xarunta gobolka ee magaalada Galkacyo isu soo baxan oo ay ku taageerayaan dawladda Federaalka ah ee kumeel gaarka Soomaaliya , iyo ciidamo shisheeye oo lakeeno gudaha dalka Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa tiradoodu gaaraysay illa 300 oo askari ayaa gaadde kacayaar ka dhex marayay guriga gobolka ee magaalada Gaalkacyo halkaasoo uu kula hadlay guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Warsame Cabdille Jabhad. 
     Ciidankan oo isugu jiray rag iyo haween ayna hor ka cayeen gaashaanle sare Xakiimo Cali Faarax  iyo gaashaanlw sare Maxamed Jamac  waxaa halkaas ay qaar ka mida fanaaniinta ciidanka xooga soomaaliyeed ay ku soo ban dhigeen heeso kala duwan oo ka turjumaya wadaninimo iyo soo dhowaynta dowlad Soomaaliyed.
    Ciidamadan maanta soo ban dhigay wacdaraha ay ku muujinayaan taageerida ay u hayaan in ciidamo shisheeye la keeno gudaha dalka Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafayba lagu diiwaan galinayay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa isu soo boxooda kashaqeeyay masuuliyiin sar sare oo katirsanaan jiray ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed. 

Waxaa isu soobax balaaran isugu yimid dadwayne farabadan oo buux dhaafiyay guriga gobolka ee magaalada Gaalkacyo, halkaasoo dadku ay daawanayeen salaan sharafta ay ka qaateen gudoomiyaha gobolka.
Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Warsame Jabhad ayaa salaan ka qaatay ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed dabadeedna halkaasi ka jeediyay hadal qiiro leh oo kusaabsan midnimada dalka Soomaaliya iyo sida loogu baahanyahay Ciidan suga ammaanka dalka isla markaana dadka hubka ka dhiga.
Guddoomiyaha oo Ilmaynayay ayaa kawarbixiyay sida uu mar ahaan jiray qarankeennii Soomaaliyeed haatanna uu ku danbeeyay, wuxuu ka codsaday ciidankan inay ahaadaan kuwo daacad ah dalkana si hawlkarinimo ku jirto ugu shaqeeya.
Maxamed Warsame Jabhad wuxuu Salaan u diray madaxwaynaha Soomaaliya iyo golyaasha xukuumadda iyo baarlamaanka asagoo urajeeyay inay hawshooda ilaahay u fududeeyo.
Dhanka kale waxa ay balan qadeen ciidamadan in ay la shaqayn doonaan ciidamada hub ka dhigista waa hadii ay yimaadaane gudaha dalka Soomaaliya.

 sahrosiglan@hotmail.com | SomaliTalk.com | Galkacyo , Somaaliya


Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Miss Condeleeza Rice oo ka gaabsatay in ay Soomaaliya ka hadasho mar wax laga waydiiyay dowlada FKMG.

Saida Sheikh Ahmed  saidavip1@yahoo.com

Condeleeza Rice oo ah haweeneyda dhawaan badashay Colin Bowel ahna xoghayaha arimaha dibadda Maraykanka oo iyadu dhawaan ku wareegaalaysanaysay wadamada yurub ayaa waxaa ay booqasho ku tagtay London, Berlin, Warsaw,Ankara,Roma, iyo Paris iyadoo u maraysay wadamaadaasi siyaabo kala gadisan maxaa yeelay waxa ay isku dayaysay soo xaliso qilaafaad ka dhashay dagaalkii Ciraaq oo lagu ala fogaaday sida dalalka Faransiiska iyo Jarmalka taasoo keentay in la iskugu gabyo siyaasada.

Dhanka kale ayay Poland, Italy iyo Britain ugu timid haweeneydaan in ay sii adkayso xiriirka xoogan ee ka dhaxeeyay mudo iyago waliba ay kuwaani ahaayeen wadamo ku taageerey dagaalkii Ciraaq 2003 dii Bishii Maarso, sidoo kale haweenaydaan ayaa dadaal ugu jirta sidii ay uga dhaadhicin lahayd aduunka moowqifka Maraykanka ee ku aadan hubka Nukliyerka Iran iyo sidii loogala qayb gali lahaa dib u dhiska Ciraaq hadaba haweeneydaan ayaa socdaalkeedii maanta ku soo af jartay magaalada caasimada u ah NATO iyo EU waa Brussels ee iyadoo markii ugu horeysey ay kusoo dhaweeyeen dalka Belgium madaxda Belgium oo u ka mid yahay raiisul wasaaraha Belgium Guy Verhofstad iyo wasiirka arimaha dibadda Carl De Gugh iyadoo sido kale Belgium ay ka mid ahayd wadamadii ugu cadcadaa ee aad uga kululaa dagaalkii Ciraaq socdaalada Miss Rice ayaa isu soo dhaweeyey in yar dad iyo dalal aad u kala fogaa balse waxaa wali miiska saaran arinka Iran ilayn arinka Ciraaq la soo dhaafyee wixi dhici lahaana ka dhaceenee.

Dr Rice ayaa usoo gudubtay dhanka NATO si ay ula kulanto wadamada 26 ka ah ee ka ah xubnaha gashaanbuurta NATO  
 
Shir qaatay laba saacadood kadib waxaa ay qabay Miss Rice shir jaraaid iyadoo uu si rasmi ah ugu soo dhaweeyey goobtaas xoghayaha guud ee NATO Mr. Jaap Hoop waxaana ay halkaas

si cad uga sheegtey in ay u timid Brussels in ay gashaanbuurta NATO kala hadasho in ay gacan xoog leh ka gaystaan tababarka ciidamada reer Ciraaq gudaha iyo dibadaba  sidoo kale in ay NATO ugu baaqday in ay si degdeg ah  ay talaabo adag ka qaado hubka Nukliyeerka Iran iyadoo sheegtay  hadii arinkaan Iran ay ku dhago adeegto inuu qof walbaa og yahay talaabadau waxa ay noqon karto taasoo dibloomaasiyiinta ay ku fasirayaan mid cabsi leh oo dagaal loo macnayn karo waxaana ya tiri “waa in ay gaartaa fariinteena reer Iran inkastoo ay socdaalkeedii London ku sheegtay in uusan ajandaha hadda ku jirin dagaallagu qaado Iran”.

 Miss Rice oo xarunta NATO u timid in ay wasiirada arimaha dibada gashaanbuurta NATO ay kala qayb gasho shir aan caadi ahayn oo maanta halkaasi ka dhacayay  ayaa iyadoo kusii jeeda in ay la kulanto EU Commission  waxa ii suurto gashay inaan su’aalo kooban ka waydiiyo xaalada Africa iyo hadii ay jiraan safaro ay dhawaan ku tagi doonto Africa waxaana ugu horeyn wax ka waydiiyay halka ay ka taagan tahay aragti ahaan dowlada cusub ee Soomaaliya dhawaan looga soo doortey Kenya waxayna iyadoo jeesjeesanaysa hoosta iigu dhigaty in ay ka gaabsanayso arimaha Soomaaliya oo aysan hadda ahayn kuwo miiska u saaran iyada waxayna si ixtiram ku jiro iigu soo dhawaysay goobtaas iyadoo iiga jawaabatay su’aalihi kale ee ku saabsana Africa guud ahaan iyadoo waliba ii shegtey in ay safaro ku kala bixin doonto dalal badan oo Africa ah dhawaanahan, ka gaabsiga ay ka gaabsatay Soomaaliya su’aasheeda ayaan u gartay in ay tahay Soomaaliya mid aan mar dhaw qorshaha Maraykanka ku jirin ma aha markii ugu horeysey ee ay madaxda EU iyo USA ay ka gaabsadaan arimaha Soomaaliya iyagoo iiga jawaabana dhamaan su’aalaha ku saabsan guud ahaan Africa ama dalalka kale ee Africa markii laga reebo Soomaaliya .

 Dr Rice ayaa iyadu madaxeeda uu ku jeedaa wax ay ugu yeertey Dimoqraadiyad kusoo dabaalida Bariga Dhexe iyo nabadaynta falastiin iyo Israaiil iyadoo uu socodkeedana kusoo beegmay xili ay muuqdaan ifafaalo nabadeed oo ay xabad joojin madaxda Falastiin iyo Israaiil ku saxixeen magaaladaa Sharma Al Sheikh ee dalkaasi Masar sidoo kale ayay haweenaydaan saaxiibka gaarka ah la ah madaxwaynaha Maraykanka Mr Bush sida ay ku sheegtay waraysi wax laga waydiiyay dadka ay saaxiibka gaarka ah la tahay ay ku tilmaantay Bush mid ay si gaar ah iskaga helaan halka ay qofka labaad ka dhigtay eedadeed oo lagu magacaabo Clyde McPhatter oo ay ku sheegtay qof naxariis badan ayaa ay Rice ugu jirtaa halgan sidii ay gacan balaaran uga heli lahayd EU iyo NATO caawimaad dhaqaale iyo mid Siyaasadeed oo ay wehliyaan tababar la siiyo ciidanka Ciraaq waxayna raadinaysaa kaalmadii laga kaalmeeyey Afgaanistaan mid la mid ah .

Waxay Rice la hoyan doontaa habeenka jimcaha guulo badan oo ay ka soo hoyisey socdaalkeedii daalka badnaa o ay ku jirtey maalmahaan iyadoo uu Rice ka muuqday daal faro badan oo sameeyey aragtida wajigeeda iyo jirkeedaba inkasto ay tahay haweeney xarago badan waxayna sheegtay in ay  xiliyada danbe ee habeenka jimcaha ay ku daawan doonto dalkeeda Super Bowl sidoo kale waxaa Dr. Rice lagu amaani karaa in ay tahay shaqsi jecel dadka madoow oo waxaa aan ka dareemey intii aanu wado joognay in ay ii muujinaysay is xijin gaar ah.

Saida Sheikh Ahmed (VIP)
EU,NATO Press Section
Brussels Belgium
FG Xuquuqda sawirada waxay u dhowran tahay sawir qaade Saida VIP
Saida Sheikh Ahmed  saidavip1@yahoo.com


Deegaano ku yaalaha Xeebaha Badda Hindiya ee Bariga Puntland oo Masiibooyinkii Tsunami ku dhacday oo laga soo sheegayo xaalad adag. 

Cawaale jaamac salaad,Bosaso Somaliya
jamnaf87@hotmail.com
Boosaaso, 010/02/ 2005

Waxaa ka jiray tan iyo markii ay ka dhaceen Xeebaha Badweynta Hindiya Masiibooyinkii Bad-gariirka ee Tsunami meelo ka mid ah Tuulooyinka u dhaxeeya Magaalada Xaafuun iyo Baargaal Dadkii ay ku dhufatay Tsunami xaalad adag oo ilaa iyo hadda aanay jirin cid gar-gaar buuxa u fidisay. 

Deegaanadaas qaylo dhaanta ka soo yeerayso waxay yihiin  Tuulada Binna, Cadayo,Boodaal, Xandho, Gunbax, Gargoore,Hul-caanood iyo Balidoogane oo dhamaan ku yaala Xeeabaha u dhaxeeya Xaafuun iyo Baargaal, waxaana  laga soo deeriyey  inay dad gaaraya ilaa 4380  qof ay waxyeelo ka soo gaadhay Dhibaatada Tsunami, dadkaas oo u badnaa Bad ku nool. waxayna  wararku intaas ku darayaa in Gadiidii ay badda uga shaqeysan jireen intooda badan ay lumen iyo Agabkii ay wax kula soo bixi jireen. sida uu noo sheegay mid ka mid ah Odayaash deegaankaas oo lagu magacaabo Ismaciil Cuar Guuleed waxaa lumay Doonyo Kallumaysi oo gaaraya ilaa 189 Laash oo wax bur-buray iyo wax degay iyo  wax ay dabeyluhu la tageen noqday. 

Odayaasha deegaankaas ayaa sheegay in dhamaan Xukuumada Puntland iyo Hay’adaha Samafalka ay  u gudbiyeen qoraalo ay kaga cabanayaan sidii Gargaar dhinac walba leh oo deg deg ah loola gaari lahaa dadkaas. 

Khasaaraha dhabta ah ee Masiibada Tsunami ilaa iyo hadda si dhab ah looma soo qiimeyn waxaana jira laba qoraal qiimeyn oo kala duwan ayna soo kala saareen Xukuumadda Puntland Guddiga u xilsaaran waxyeeladii Tsunami iyo Qoraalo ay soo gudbiyeen Hay’adaha oo aan dhamaystirneyn. 

Waxyaabaha ugu weyn ee dadku ay hadda u baahan yihiin ayaa Biyo, Baad iyo sidii dib loogu dejin lahaa deegaanadooda  una heli lahayeen Waxyabihii ay ku shaqeysan jireen Dadka Bad ku noolka ah ee gaadiid iyo agab Jilaabeysiga. 

Cawaale jaamac salaad,Bosaso Somaliya
jamnaf87@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 9, 2005


Ardayda Dugsi Quraanka Dhigata oo ku badan XafuunWarbixin ku Saabsan Xaafuun Badgariirkii Kaddib
Warbixintii Cabdifataax Jaamac oo booqday magaalada Xaafuun oo kamid ah meelihii ay dhibaatadu ka soo gaartey aafadii badgariirka... Guji... Feb 8

Madaxweyne Yuusuf oo ku adkaysanaya in dowladda la sii dajiyo Baydhabo
Golaha wasiirada DFKMG oo ka dooday halkii dawlada la dejin lahaa iyo waftiyo loo diray Soomaaliya si ay... Guji... Feb 7

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD