SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

YAA U GARNAQI DOONA SOOMAALIA IYO QAB-QABLAYAASHA? 

  Bilowgii sannadkii 1991dii, markaasoo ay kooxo hubaysani afka ciidda u galiyeen dawladdii Soomaaliyeed, kadib taladii waxay gacanta u gashay niman sheeganaya inay hogaamiyeyaal u yihiin kooxaha hubaysan, iyagoo qabiil-qabiil u kala qaybsaday, kuna magacaabay dhowr xaraf ee been ah oo English ah, sida SSDF, SNM,USC, SPM, SNF iyo gobollo ay qoqobteen si ay ugu yeeshaan magac ama ku soo caanbaxaan, iyadoo halkaa ay ku burburiyeen danihii iyo midnimadii ummadda Soomaaliyeed. Haddaba waxaa is weydiin leh; maxaa nuxurka ka qaaday ummadda Soomaaliyeed? Aaway sharafteedii, dhaqankeedii, iyo diinteedii?  

Waxaan aaminsanahay dadka Soomaaliyeed ee wanaagga raadinaya iyo kuwa xumaha raadinaya in ay badan yihiin dadka wanaagga tageera, marka maxaa sababay nimanka kala filqaya (fogaynaya) shacabka walaalaha ee Soomaaliyeed inay ku guulaystaan inay u hayaan majaraha? Waxay ila tahay haddii aan ka jawaabo su’aalahayga in qaar inaga mid ah inay daba socdaan dagaal oogayaasha, qaarna ay afkoodii xirteen oo ay aamuuseen, kuwana ay u baqayaan naftooda, haddaba yaa u garnaqi doona qarannimada Soomaaliya iyo qab-qablayaasha, maadaama ay wali shacabka dhiigiisa jaqayaan? Jawaabta waxaa laga rabaa ummadda Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogto, Waqooyi, Bari, Koofur, Galbeed iyo Qurbahaba. 

Waxaa aan la inkiri karin inay ka dhaceen Somalia wax bani-aadannimada ka baxsan oo dadka qaar markay u adkaysan waayeen wixii dhacayey ayaa waxay xusuusteen oraahda Soomaaliyeed ee leh {dawlad xumi dawlad la’aan bay dhaantaa} sidaa daraadeed waa tii abwaan abshir bacadle gabay ku yiri {duqii doona ducana ugu dara waad na dubateene}. Marka ciddii taageerta dhiigmiiratada ama ka aamusta xumahooda inay iyaga la mid yihiin ama ka liitaan. 

Shacabwaynaha Soomaaliyeedow yaa masuul ka ah caruurta Soomaaliyeed ee agoontoomaysa, diintoodu ama dhaqankoodu ka dhumayaan iyo waliba kufsiga loo gaysanayo dumarka Soomaaliyeed? Jawaabta waxaa laga doonayaa cidkasta oo qaangaar ah, caqli leh, damiir leh, wadanimo ku jirto inay ka hortagaan dhibaatooyinka dhacaya. Sida aan la soconno xukuumadda la leeyahay waxaa lagu dhisay Kenya waxaa  hoggaaminaya kuwii caadaystay inay u laayaan shacabka si ay ugu soo caan baxaan, kadibna warbaahintu u baahiso magacooda. Marka ma waxaan ka sugnaa xal inay keenaan, jawaabtu waa maya, waayo iyagaan xal doonayn oo aan heshiis ahayn marnaba. Maah maah Soomaali ah ayaa waxay leedahay ( labadii sir ku heshiisa saaq bay u collowdaa). 

Shacabka Soomaaliyeedow xadiis nabigeenna SCW laga wariyey ayaa wuxuu leeyahay (KA TAGA QABYAALADDU WAA QURUNE). Sidoo kale waa tii abwaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde Allaha u naxariistee uu yiri ( dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane). Marka maxaa kalifay inay qab-qablayaashu nagu beer laxawsadaan qabiilka, maadaama aanu nahay ummad isku midab ah, farac ah, dhaqan ah, xidid ah, xigaalo ah aysanna jirin wax nalagu kala sooci karo habayaraadeene. Waxay ila tahay inaanu isaga raalli nahay inay na dulmaan dhagar qabayaasha oo qaarkeenba qaar u adeegsadaan si ay danahoodu ugu fulaan. 

Ugu dambayntii :- AMA DHOOFA  AMA XAASIDIINTAAS EHEL KA SII DHAWRTA OO MACNEHEEDU YAHAY (KU NOOLAADO QURBE IYO QOXOOTINNIMO, HADDII KALE AAN SI MIDAYSAN ISAGA QABANNO DULMIWADAYAASHA U SHAQEEYA SHISHEEYAHA.wabilaahi towfiiq. 

C/raxmaan Barre Muuse
barremusse2003@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2005

CILMI BAARIS SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA...


Ardayda Dugsi Quraanka Dhigata oo ku badan XafuunWarbixin ku Saabsan Xaafuun Badgariirkii Kaddib
Warbixintii Cabdifataax Jaamac oo booqday magaalada Xaafuun oo kamid ah meelihii ay dhibaatadu ka soo gaartey aafadii badgariirka... Guji... Feb 8

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD