SOOMAALIDU MA U BISISHAHAY DOWLADNIMO ?!
Jiritaanka qowmiyadeed ee soomaalidu waxa uu waligiiba ku saleysnaa qaab qabiil iyo aano qabyaaladeed.Nabadi waxay ahayd naadir, colaadina u taagnow. Soomaalida labadii qof oo iska soo hor baxa bariidintu waxay waligeedba aheyd “nabad ma sheegtay”? iyo war halka aad ka timid nabadi ma ka jirtey? Dad badan ayaa isweydiiya waa maxay sababta ay soomaalidu nadbad ma sheegtay iskugu salaamaan. Waxayna intooda badani isku qanciyeen in nabaddu ay wax aan la heli karin u tahay soomaalida, maaddaama ayna in badan ku waa bariisan.
Sikastaba ha ahaatee waayadii hore, markii dhibaato dagaal dhexmarto labo qoys waxaa xallinteeda lahaa odayaasha qabiillada,qabiil walibana waxa uu lahaa hogaamiye beeleed laga dambeeyo kaasoo wixii uu gooyaa aan gadaal loo eegi jirin. Wax walba oo qoysas kala dhex marana waxaa lagu kala bixi jirey geed hoostiis, garina labo nin kama wada qoslin jirin sida waayadan dambe dhacday oo qof waliba qumanihiisa qoorta ku sito.
Markii xaajada la gorfeeyo ciddii ay ku gaddoontaa way qaadan jirtey oo waliba xumeyn iyo xaalmarinba la saari jirey , gabdho ayaa leys weydaarsan jirey si xigto iyo xigaalo loo noqdo, sidaa ayaana nabadda lagu raadin jirey.. Waxaa xaqiiqo ah in ay jireen dagaallo soo noq-noqda oo aan cuqdad dheer salka ku hayn inta badana ka dhalan jirey geela, gabdhaha,gamaanta iyo daaqsinka la wadaago iyadoo nolosha soomaalidu ku saleysnayd hab reer-guuraanimo loo naqraaco hadba meeshii sahanku dhul cosob ah ka soo sheego.
Markii uu gumeysigu soo galay dalka waxaa uu sii kordhiyey is aamin darrada qabiillada iyo burburinta danwadaagta qabiil ee ku saleysnaa talada oday dhaqameedyada, iyadoo hadafkoodu ahaa qaybi oo xukun. Garnaqiddii geedka hoostiisa lagu qaadi jirey way sii gabaabsiday waxaana qayb ahaan loo xuub-siibanayey qaab qaaliyaashu wax xukumaan.
Gobannimada markii la qaaray 60-kii nidaam dowladeedka dhawaangalka ku ahaa somaalida ayaa lagu dabbaqay nidaamka qabyaaladda ,taas oo keentay in ay soomaalidu hanan weydo qarannimo ka madax bannaan daneysi iyo reer- reer, taasina waa midda sababta u ah in ay dheelliyaan xukuumadihii ay waligeedba soomaalidu yeelatay wixii ka dambeeyey xiligii gobannimada, kuwaasoo in si siman loogu dheefsado warkeedba daaye ay dad badani qabaan in dartood loogu gowr falay oo magacii dowladi lahayd loo adeegsadey gumaadkooda. Boogahaas iyo kuwo la mid ahna waxay u baahan yihiin in muddo dheer la dhayo si cid waliba u dareento waxtarka ay dowladnimo leedahay, waxaana taa lagu gaari karaa oo kaliya in ay talada dalka qabtaan rag iyo dumar ka xor ah la haystanimada qabiilka, taasoo iyaduna aan ahayn mid sahlan si lagu gaaro, maadaama dowladnimadii loo fahmey wax qabiil kaliya uu leeyahay.
Odayaashii horseedka u ahaa dowladdii ugu horeysey ee 1960kii waxaa la sahlaneyd in si howl yar looga xuub siiban karey qaabkii dhaqan-qabiil nololeed loona xuub siiban karo mid dowladeed, iyadoo aan la gaarin bisayl siyaasadeed oo ka madax bananan qabyaaladda.
Markii ay soomaalidu kala saari weyday qabiilka iyo qaranimada , lana awoodi waayey in helo dowladnimo dhidibbo adag leh, iyadoo qaar ka mid ah dadkii indheer garadka ahaa iyo abwaannadaba ay u cuntami weydey in leys dhex wado qabyaaladda iyo qarannimada si dowladi ku hirgasho. Raggii arrintaa wax ka yirina waxaa ka mid ahaa abwaab Cali sugule oo xilligaa (lixdamaadkii) sameeyey ruwaayadii ahayd DAB IYO DHAGAX LAYS KUMA DHUFTO taasoo ay erayadeeda ka mid ahayeen " dab iyo dhagax layskuma dhuftee kala dhowraay ,wax ka dhigan gobanimada qabiil dhex galee kala dhowraay, ways dhinac wadnaa kala dhowraay, kala dheer labaduye kala dhowraay", iyo tixdii uu mariyey gabyaagii tima-cadde ee “dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane” , isaga oo cabirayey in haddii arrinta sidaa lagu sii wado natiijadu ku dambeyn doonto bur- bur dowladeed iyo sida maanta arrini tahay, illaa iyo imminka waxa ay dadka soomaaliyeey badankoodu fahmi la' yihiin in ayna is qaban karin qarannimo iyo qabyaalad.
Dowladnimadii soomaaliya ee ku bilaabatay musuq-maasuq iyo reer-reer waxa ay ku idlaatay dhabaqa cid waliba maantay arki karto. Colaadihii waayadii hore waxa ayba ahaayeen i qarso maadaama ay wali jireen dhaqankii la dhowrayey biri-ma-geydada ee oday iyo caaqil talada looga hibeysanayey, shacabka Soomaalidu waxa uu ugu dhawaa kala dambeyn markii kacaankii askartu talada ka maroojiyey odayaasha taasoo ifafaaluhu u muuqdey in la gaarey waqti nin tooxsiga iyo cadaalad darraduna ay dhamaan doonaan ,sidii ay ku balan qaadeen askartu. Caleemo qoyan ayeyna soomaalidu ku soo dhaweeyeen saraakiishii dalka la wareegey, meel fagaaro ah ayaana lagu duugey wax muuqaal ahaan aad u fool xumaa oo lagu magacaabay qabyaalad, iyadoo ruuxii laga maqlo qabiil magaciina uu xabsi ku mudanayey ,sanooyinkaas oo la dhihi karo waa marka kaliya ee ay soomaalidu yeelatay wax dowlad u eg, balse maxaa ku xigey? Waaba iyadii oo qabyaaladdii la naaxiyey loona adeegsadey qaab dowladeed iyo caddaalad darro baahdey ,taas oo sabab u ah is aamin darrada soomaalida dhextaal iyo in loo noqdo qaab ka foolxun kii gobannimadii ka hor, una dhexeeya mid dowladeed iyo tii qabiilka odayaashu talinayeen.
Maaddaama qaabkii dowladeed shaqeyn waayey, isla markaana xilli hore laga tagay midkii ugaasyada iyo malaaqyadu wax xukumayeen, ayaa waxa ay arrintii noqotay in loo afduubnaado qabqablayaal dagaal oo dalkii iyo dadkiiba kala qoqobay kuna salaysan qaab qabiil, kuuwaas oo u dhaxeeya madaxweyne iyo ugaas, mid walibana uu ootay meel ama qayb dalka ka mid ah oo uu isagu madax ka yahay isaga oo aan wax tixgelin ah u hayn ugaasyada ama suldaannada qabiilka, kuna maamulayn nidaam dowli ah. Taasina waxa ay sababtay in wax waliba is dabomaraan oo madaxii majaha loo rogo arrintuna ur iyo jaho yeelan weydo iyo jug-jug meeshaadii iyo meel ka xun joog.
Haddaba waxaan u arkaa in ayna sahlaneyn si ay soomaalidu dib ugu noqoto xilligii ugaasyada kali ahi ay talinjireen.Sidoo kalana ayna wax fudud ahayn in ay dalka ka hirgasho qaab dowladeed ka madax banaan qabyaalad iyo is aamin qarannimo oo si isku mid ah loogu dheefsado.
Si haddaba lagu gaaro arrintaasna waxay u baahan tahay in in shacabku gartaan in aan dani ugu jirin kala qobqobnaanka dhalanteedka ah oo ay usoo jeestaan kawada shaqaynta danta guud. Aqoonyahanka iyo indheergaratada iyo culumada diinta maskaxdoodu ka fiyowdahay cudurkan dilaaga ah ee qabyaaladda in ay hanuunin badan u sameeyaan si ay ummadda soomaaliyeed ku fahmaan foolxumadda qabyaaladda iyo in aaney marnaba isku meel gali karin qabyaalad iyo qaranimo. Waxaa iga dardaarana oo aan qoraalkayga ku soo gabagabaduna waa “ umadyahay qabiilkiyo qaranimadu waa labo aan is qaadan karinoon waligood is qabaneyn, waa qori dabliyo gaasoo haddii aan la kala qarin iyagays qarxinayee”.
Sharif Cali Maxamed (Istiilla)
istiilla@yahoo.com
London, UK
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan