SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Muqdisho:- Soo Dhaweyntu Daacad Maka Tahay.

Waxay Soomaali badani u fadhiday dalka Kenya Muddo gaadhaysa  24 Bilood sidii dib u loogu soo noolayn lahaa qarannimadii Soomaaliya ee godka ku dhacday , waxa kale oo ay ergooyinkaasi u fadhiyeen sidii dib u heshiisiin looga dhex dhalin lahaa ummadda Soomaaliyeed , iyada oo la eegan kari waayey dacdarada ku habsatay Soomaalida meelkastay joogtaba. 

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen qabqablayaasha Soomaaliya dhamaantood marka laga reebo Daahir Riyaale Kaahin oo aad moodid in uu sugayo uun marka dawladu dhaqaaqdo , kana shakisan in tareenka ay saran tahay dawlada cusubi meel dhexe ku banjaro. 

Waxa kale oo shirkan iyada oo laga shiidaal qaadanyo , kulamadii hore ee Soomaalida loo qaban jiray halka ay ku danbeeyeen , uuna ugu danbeeyey kii lagu soo dhisay Xukuumadii C/qaasim Salaad Xasan ee lagu Qabtay Dalka Jabuuti , tuulada lagu Magaacabo Carta, ayaa waxa aad looga taxadaray in aanay marlabaad dawladii la soo dhisaa carqalado xoogan aanay ka hor iman ,sida Hogaamiye Kooxeedyada Hubaysan ee ku bahaasan Soomaaliya Inteeda Badan. 

Waxaanu shirkani noqday mid ay hormuud ka noqdaan Hogaamiye Kooxeedyadii ama kuwii uu Ismaaciil Cumar Geele u bixiyey Dagaal –oogayaasha, oo iyagu noqday haatan wasiirada iyo xildhibaanada intaba, Hogaankooda ugu sareeyaana uuba yahay  aabihii Kacdoonada soomaaliya Aafeeyey. 

Taasina waxay rajo weyn ka muujisay dhinaca dib u soo noolayta qaranka , oo waxa u muuqday aduunweynaha iyo Soomaalida badankeedana in kuwii dalka Burburiyey hadana laga maarmi waayey in ay dib u  dhisaan. 

Xukuumadii dhawaan lagu dhawaaqayn ay ahayd mid , Habqabiil awood qaybsigeedu ku salaysanaa, isla markaana awooda oo dhan hadana la siiyey hogaamiye kooxeedyada,. 

Waxaa hadaba isla markiiba la soo darsay Maamulkii Nairobi lagu soo dhisay caqabadihii markii ba kala daadin jiray xukuumadahihii hore ee dibada lagu soo dhisi jiray, ayna ugu danbaysay tii Carta lagu soo dhisay, caqabadaas oo ah Caasimada Soomaaliya sida ay uga hir gali karto Xukuumadaasi, maadaama ay halbowle u tahay dhulka Soomaalida , horena loogu heshiiyey in ay Soomaali magaalo madax u noqoto. 

Waxaana Jira Fikrado Badan oo kala duwan oo ay dadweynaha Soomaaliyeed ka qabaan Caasimada Soomaaliya, maadaama ay haatan ku sugan yihiin Bulsho inteeda badani aanay faa’iido ugu jirin nidaamka iyo kala danbayntu. 

Waxaana ka mid ah fikradahaas oo ay qaban dad badani in aanay Caasimada Soomaaliya Dawladu ka tisqaadi Karin inta ay ku sugan yihiin kuwii xukuumadihii horeba dhiciseeyey, hubkoodiina sidoodii u haysta, bulshooyinka dalka ku dhaqani iyagoo fikradaaas kala duwan qaba ayaa dhawaan mar aan socdaal hawleed ku tagey Gobolka Cayn ,Gaar ahaan Caasimada Buuhoodle ayaa hooyo ka mid ah hooyooyinka Gobolkaasi waxa ay tidhi “Tii  horeba waxaa lagu dhabar jabiyey Muqdisho oo uu hogaaminayey Nin ay cid isu xigaan , manta oo aan sharci iyo kala danbayni ka jirin Muqdisho ma ka hir galaysaa xukuumadu , waxayna islaantaasi tidhi waxaan Madaxda Xukuumadan u sheegayaa in aan la gayn Muqdisho Hawlaha Xukuumada , hadii la doonayo in anaay Burburin rajada u bidhaantay Soomaali oo aanay God madow galin”. 

Nin oday ah oo isaguna ku sugan magaalada Laascaanood ayaa yidhi “U malaymaanyo in soo dheyntii C/qaasim ay ka liidatay tan hada lagu soo dhaweeyey Shariifka waa guddoomiyaha golaha shacabka‘e iyo waftigiisa, laakiin maxaa ka danbeeyey soo dhaweyntii C/qaasim?., Curyaamin ayaa ka danbaysay ayuu yidhi.” 

Waxa kale oo jira dad badan oo qaba in marka hore Caasimada Laga sii dhigo goob ku meel gaadh ah, inta ay reer Muqdisha dib isu waansanayaan oo ay nidaamkii iyo kala danbayntii ku soo celinayaan Muqdisho, hubka culusna lagu soo wareejinayo xukuumada, waayo?. waxaa kala tuuri kara labada madfac ee Muusa Suudi ee gaadha Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha, oo aad muudid xilliyadan danbe in marba hogaamiye kooxeed cusubi soo baxayo, oo shirkii la qabtaaba uu dhalo Cumar Finish Cusub. 

Marka laysku Soo xooriyo rajada u bidhaantay Soomaali ee dawlad qaran in dib loo soo celiyo ayaa ku xidhan hadba sida laga yeelo Caasimada manta aan la ogayn wax gudeheeda ceegaaga hub,iyo waxa ka danbeyn doona dhoola tuskan soo dhaweynta ah. 

Sidaas daraadeed manta waxaa looga fadhiyaa reer Muqdisho sidii ay u muujin lahaayeen xilkasnnimo, wadannimo iyo sidii haday doonayaan in ay ilaashadaa caasimada ay nidaamka iyo kala danbaynta ugu soo dabaali lahaayeen, taas oo lagaga baaqsan karo ciidama shisheeye. 

Su’aashu Reer Muqdisha hotaalaana ay tahay ma ilaashan doonaan Caasimada?. 

Asad Cadaani Ibraahim
Laascaanood Puntland Somaliya.
assadlaska@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga kusaxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2005

CILMI BAARIS SUNTA KU DUUGAN SOOMAALIYA...


Ardayda Dugsi Quraanka Dhigata oo ku badan XafuunWarbixin ku Saabsan Xaafuun Badgariirkii Kaddib
Warbixintii Cabdifataax Jaamac oo booqday magaalada Xaafuun oo kamid ah meelihii ay dhibaatadu ka soo gaartey aafadii badgariirka... Guji... Feb 8

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD