Adeegsiga erayga
“Wahhabi”
Mahad Allaa leh, nabi
Muxamed naxariis iyo nabad galyo dushiisa ha ahaato.
Waxaan damcay inaan wax ka
iraahdo qoraalkii Fahad iyo qaabka loo adeegsado erayga
wahhabi. Isticmaalka erayga wahhabi waayadaan dambe
wargeysyada & idaacadaha caalimka ayuu ku badnaa.
Waxaan ogsoonahay in waqti walba ay jiraan magacyo soo
baxa. Magacyadaas badankood waxaa bixiya dad
ujeedadoodu kala duwan tahay, qaarkood doonaya inay kala
soocaan ummada, qaarna ixtiraam daro iyo dhaliil doon,
qaar kalena ujeedo qarsoon oon kheyr ka dambeyn wata.
Xiligii dagaalada
waxaan maqli jirnay erayada mooryaan, iyo dayday oo laga
wado kuwa hantida dadka xaalufiya, maanta eraygaas waxaa
loo adeegsadaa sidii taariko lagu aqoosado dadyow gaar
ah. Sidoo kale, isticmaalka erayga midgaan shalay caan
buu ka ahaa Soomaalida dhexdeeda, balse maanta waa ceeb
ama ixtiraam daro.
Goor dhoweyd ayaan ku
garaacay bogga google erayga wahhabi waxaa ii soo baxay
dhowr bog oo badankood xambaarsan macno tusaya, qof
Islaamka si adag u haysta, ama, qof Muslim xag jir ah,
ama, qof Muslim ah oo lid ku ah dimiqoraadiyada iyo il
baxnimada aduunka, ama Muslim dagaal kula jira
Muslimiinta qun yar socodka ah. Sidoo kale, qaamuuska
internetka yaan ka eegay waxayna ku macneeyeen sidatan:
n : a member of a
strictly orthodox Sunni Muslim sect from Saudi Arabia;
strives to purify Islamic beliefs and rejects any
innovation occurring after the 3rd century of Islam; "Ossama
bin Laden is said to be a Wahhabi Muslim" [source:
dictionary.com]
Micnahaan ayaa
cadeynaya in Wahhabi la yiraahdo qof ama dad Sunni
Muslim asal raac ah, si adag diinta u haysta oo diidan
bidcada lagu saa'idiyey diinta. Waxaa kaloo micnaha ka
muuqda in wahabbi loo yaqaan qeyb Sunni Muslim ka mid ah
kana soo jeedda wadanka Sacuudiga.
Waxaan oran karaa
macnaha erayga iyo isticmaalkiisa wey kala duwanaan
karaan. Hadba dhankii la doono ayaa loo qaadi karaa.
Xumaan iyo wanaag labada waa loo adeegsadaa. Waayadaan
dambe ayaa idaacadaha iyo wargeysyada aduunka eraygaan u
adeegsadaan dhaleeceen loola dan leeyahay dadka diinta
sida adag u heysta ee diidan inay u hogaansamaan
dimiqoraadiyada. Waxaa laga yaabaa in dadka badankood
ay u arkaan erayga inuu yahay "negative" diidmo ama
xumaan. Balse hadii loo qaado meeshuu ka soo farcamay
iyo afkaarta uu wato, waa wax qofka Muslim ahi farax
galin kara.
Intaas waxaa sii dheer
in erayga wahaabi lagu xiriiriyo afkaar khaldan oo
mujtamaca iyo jiritaanka horumarka aduunka lid ku ah.
Waxaad maqleysaa dugiyada wadamada Muslimiinta waxaa
ciyaalka lagu baraa afkaarta wahaabiga "Wahhabi
ideology" waxaana maamula xarakooyinka wahaabiga "Wahhabi
movement" waa in Muslimka laga joojiyaa waxa loo yaqaan
"Wahhabism". Erayada noocaas ah waxaa waayadaan dambe
lagu arkaa wargeysyada caalamka. Tafsiirka noocaas ah
markii la saaro wuxuu ku soo baxayaa wax dhib u keeni
kara dadka. Tan ayaa keentay in dad badan ay diidaan in
wahaabi loogu magac daro.
Isticmaalka labaad ee
eragya wahaabi ayaa ah in Muslimka lagu kala qeybiyo.
Qeybna la yiraahdo waxaad tihiin tabliiq oo diinta uun
safar u gala. Qeybna la yiraahdo wahaabi ayaad tihiin
oo Muslimka meel-dhaxaadka ah ayaad ka soo horjeedaan,
afkaartii qarnigii sadexaad ayaad rabtaan inaad dadka ku
xukuntaan. Qeybinta noocaan ah ayaa sababtay in
wadamada Islaamka dhul gaar ah, dad gaar ah, iyo calan
gaar ah mid walba loo yeelo. Sidaas daraadeen ayaan u
arkaa in eray walba oo bixintiisa ama micnihiisa tusaya
qeybin in laga fiirsado hadii aan sharax faahfaahsan la
raacin. Waxay ila tahay in tafaraaruqa Islaamka aysan
ku banaaneyn marka wixii arrintaas keeni kara in la iska
ilaaliyo ayaa fiican.
Waxaa igu adag inaan
fahmo in dad loo bixiyo wahaabi ayadoon ogahay inaysan
jirin mad-had loo yaqaan wahaabi. Koley inta cilmigeyga
gaarsiisan wili ma maqal. Dadka raacsan mad-habka
Xanbali ama Shaafici, dhib uma arkaan inaad tiraahdid
mad-habkaas ayaad raacasan tahay balse hadiii aad magac
uga dhigtid dhib ayuu keeni karaa. Sidoo kale, mad-hab
aan jirin dad laguma tilmaami karo. Waagii aan dugsiga
qur'aanka dhigan jiray ayaa macalinkeyga iyo masjidka
dariska nala ahaa lagu xaman jiray "Qaadiriya" ama "Saalixiya"
ama "Axmadiya" balse ma maqal macalin ama sheikh leh
cinwaankaas ayaan sitaa. Waxaan u arkaa inay malo-awaal
iyo iska yeelyeelid tahay in Sheikh caalim ah lagu
tilmaamo "Aabihii iyo saldhigii Wahaabiyada" Tan waa
nasiib daro balse waxaan leeyahay Alle ha na garansiiyo
mudnaanta culumad geeriyootay, dambigooda ha dhaafo,
hana ka abaal mariyo cilmigey na bareen. In qof loogu
magac daro wahaabiya maadaama uu Sheikh Maxamed Ibn
Cabdiwahaab kutubtiisa bartay waxey la mid tahay in qof
loogu magac daro "Ibn Taymiya" maadaama uu cilmiga ka
bartay kitaabada sheikhaas ama "Al-Sudays" maadaam uu
sheekhaas ka bartay quraanka, ama "Ali Suufi" maadaam uu
tajwiidka ka bartay Sheikh Cali Suufi. Waa arrin
amakaag keenta.
Waxaa haboon in la iska
eego erayga la isticmaalayo iyo micnaha ka danbeeya.
Tusaale ahaan, siyaasiyiinta reer galbeedka waxaa la
sheegaa inay labo u qeybsan yihiin, liberal iyo
conservative. Erayga liberal eray xun ma aha balse
idaacadaha ayaa ka dhigay. Sidaas daraadeed siyaasiyiin
badan ayaa diida in lagu sifeeyo liberal. Waxay
jecleyihiin in lagu sifeeyo erayga “progressive”
Xizbiga dimiqoraadiga iyo siyaasiyiintiisa ayaa sheegta
inay yihiin xizbi progressive ah. Kuwa ka soo horjeeda
ayaa ku xanta oo ku eedeeya inay yihiin “liberal party”
Labada eray liberal iyo progressive wey isu macno dhow
yihiin. Laakiin markii qof lagu sheego liberal, micno
iyo afkaar gaar ah ayey xambaarsan tahay. Marka waa
muhiim qofka calaamada "label" lagu tilmaamayo inuu ku
sifaysan yahay amaba uu raali ka yahay iyo in kale.
Waxan ku soo
gabagabeynayaa in aynaan eray walba isticmaalin anagoon
fahasaneyn wuxuu magac u yaal u yahay. Waxaan
rajeynayaa in qoraalkeyga uusan noqon mid dhaliya
tafaraaruq ama abuura caadifad. Hadii ay taas dhacdo,
raali ka noqo waa aragtideyda. Talo iyo wax tusba waan
soo dhaweynayaa ee emailka hoose igala soo xiriir.
Wabilaahi Towfiiq
Ali Daray
Alidaray@gmail.com
Alidaray@yahoo.com
Minneapolis, MN