SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Waan Inaan La Garab Istaagno Taageero Ducaaddaas 
Waxaa mahad oo dhan iska leh Allaaha na abuuray oo naga dhigay Islaam. Intaa kadib waxaan mahad weyn u celinaayaa "Somaali Talk" oo runtii ah mid u adeegta bulshada Soomaliyeed.Adeegaas oo ah inay markasta soo baahiso oo soo ban dhigto wixii ku saabsan soomaalida iyo arimaheeda. Waxaana filayaa inay tahay mid gudatay hadafkii loo abuuray.
 
Runtii anigoo ah ama kamida akhristaayaasha bogga somalitalk inay i imurugo gelisay markaan akhriyay akhbartii wadaadada ay soo booqday xeryaha qaxootiga sida IIFo,Dhadhaab oo ay kasocdeen ololaha gaaleesiinta ee ba'an. Marna waan ku farxay sidii wanaagsaneed ee xilkasnimada ahayd ay socdaalkii culimada ku dhamaatay. Tan kale barnaamijkii qorsheesnaa oo ay wadaadadu usoo gudbiyeen si wax looga qabto arinka murugada leh ee ah dadkii ku xereesnaa xeryaha qaxootiga iyo siddi loogu celin lahaa dalkkodii looguna ssubin lahaa cirfad ay ku shaqeestaan si ay ooga baxaan hoosjooga gaalada.
 
Hadaba waxaa ah mid la hubo inay gaalo markasta doneesay inay hesho sidii ay kusuurta gelin lahaayeen in laga waayo diwaanka aduunka somaali waa 100% muslim.
 
Hadafku muxuu yahay? waa mid aan u baaneen in laga doono jawaabteeda meel dheer. Waayo Ilaah waa tuu noo sheegay oo yidhi: "Gaalo iyo yuhuud  idinka raalli noqon meyso ilaa aad raacdaan miladooda".
 
Tan xigta ololahaan waa mid qoto dheer oo ku wajahan "Manhaj" waxaa maanta dagaalku ka taagan yahay waa in lagaa lu miyo manhajka saxiixa ah oo ah Islaamka.
 
Maxaa nala gudboon soomaaliyey! waxay tahay in la taageero oo lagu bixiyo wakhti, caqli, iyo lacag sidii loo badbaadin lahaa caqiidad dadkaas nala dhashay ee soomaalida ah ee gacanta u galay gaalada.
 
Waxaan ugu dambees odhan lahaa in somalitalk ay noqoto midaan ka harin oo u baarta unasoo bandhigto arintaan si aad u xeel dheer.Iyo inay soomalidu u bandhigaan khatarta wayn oo ay leedahay in laga haro ka qayb qaadashada barnaamijkaan.
 
Waxaan odhan lahaa Allaa mahad leh Allahasoo markasta aan cidhib tidhin ducaad u taagan inay ugu yeraan umadda jidkiisa toosan. Yeeritaankaas oo ah mid ku dhisan raacida ama ku dayashada Nebi Maxamed jidkiisii (S.C.W).
 
Walaalayaal soomaliyey aan taagerno mashruucaan kheyriga ah oo mid ay noosoo bandhigeen walaalaheen. Kuwaasoo uhuray wakhtigooda qaaliga ah dadka walaalhood siday ooga badbaadin lahaayeen ololaha gaaleesiinta ee aan lahayn geed ku gabasho.
 
 
Waalalkiin,
 
Cabdiraxmaan Rashiid Jaamac
Jeddah, Sacuudi Careebiya.
kalam_talk2002@yahoo.ca

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005

Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada ee Kenya
iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed
xeryaha Ifo, Xagardheer iyo Dhadhaab ayaa waxaa booqday Sh. Maxamed Idris, Sh. Maxamad Umal, Sh Mohamed Kassim, Sh Hassan Ashgar iyo... Warbixintii Sh. Maxamad Idris... Guji...

Bogga Maqaalada Dadweynaha.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD