SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Fadlan, Qabiilkaaga ii sheeg maanta. 

S : Qoloma ayaad tahay?
J : Waxa an ahay qolo heblaayo. 

S : Yaad ka sii tahay?
J : Waxa aan ka sii ahay Qolo Heblaayo. 

Qolo heblaayo…Qolo Heblaayo …... Qolo Heblaayo… Qolo heblaayo (infinitive ) 

Wax ay soo socoto ba qabyaaladdu waxa ay ku joogsatay aniga oo Hebel ah !!! 

Sidaas darteed qabyaaladdu waa wax jira. Way jirtaa oo waxa uu Ilaah inoogu sheegay naska Quraanka kariimka ah suuradda Al-Xujuraat, aayadda 12aad. ( Suuraddaas oo keli ah haddii si wanaagsan loo fahmi lahaa oo lagu dhaqmi lahaa dhib fara badan ayaa laga gudbi lahaa ). Illaahay hortiis ! 

Sida uu Ilaahay inoo sheegay qabiilku waa jiraa LAAKIIN ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay waa in la isku garto oo keli ah. Waxa la inoo caddeeyay in waxii dhaafsan in la isku-garto ay tahay xaaraan oo la mamnuucay. EEg aayadaha ka horeeya tan iyo billowga suuradda aan kor ku soo sheegnay. Waxa la iska abhinayaa ama la isu diidayaa dhaqan-xumada iyo qaab-darrada loo isticmaalayo qabyaaladda ee faanka iyo quudhsiga leh.. 

Carabtii hore ( Acraab ) , Islaamka hortii ayaa waxa ay la gaartay qabyaaladdu in uu qof waliba samaysan jiray wax uu qoro oo uu u egaysiin jiray sawir qof ama shey kale oo la jecelyahay oo qiimo ka lahaa dhexdooda markaas na loo bixiyo magaca qabiilkiisa. Waxa waajib ahayd in marka ay isa salaamayaan in isna la salaamo sawirkan qoran ee uu qof waliba sito sidii cibaado ahaan. Salaan qaayo badan oo ay ku jiraan erayo ammaan iyo aftahanimo xambaarsan ayaa ahayd in ay u doortaan salaanta sawirka la qoray. Haddii ay dhacdo in uu qof ka mid ahi illaawo salaanta dhaxaga la qoray in halkaas ay ka bilaabmi jirtay xumaan, colaad iyo dagaal. 

Waxa la barbar dhigi karaa qabyaaladd-xumada Acraabtii hore tan ay maanta ku jirto  Somalidu guud ahaanteed. Waxa aad arkaysaa maanta Somalida dhexdeeda dad badan oo xiiqsan oo waqtigoodii oo dhan ku lumiyay muran iyo dood fara badan qabyaalad iyo qoloqolo heer walba leh. Xataa haddii ay ku tahay aqoon yahankii dalka wax u soo bartay. Haddii aad u fiirsato ama aad u dhabbo gasho in aad fahamtid waxa lagu faanayo waxa ay yihiin, waxa aad ogaanaysaa in lagu faanayo

qabiilkayagu wax buu dili jiray, dadkuu dhici jiray oo uu xoog wax kaga qaadi jiray ! 

Qof waliba waxa uu ku faanayaa xumaan iyo dembi la galo  midka ugu foolsha xun ifka iyo aakhirda ba. Dil, Dhac, Boob, Dulmi, Joor-fal, Gabood-fal, ku-tumasho xuquuqda dadka, Qaddarin la'aan, Qiimayn la'aan qofka aadamaha ah, inkiraad, indhacddayn, aflagaado, awood sheegasho, aargoosi, fasahaad, iwm. Intaas oo dembi ayuu qof waliba ku faanayaa oo uu si badheedh ah u qiranayaa. Waa intii qaruumahii hore lagu rogay ee lagu halligay. Markaas miyuu shaki ku jiraa in ay Somalidu halaag ku jirto. Ogow na siyaabaha uu Ilaahay  

wax u hallaago iyo siyaabaha uu wax u cadaabo way kala duwan yihiin laakiin dhammaan waa wada cadaab wixii lagugu dhibaa ba. 

Waxa la arki jiray in uu qofku ku faano wax-hagaajin, wanaag iyo hor-u-mar uu ku soo kordhiyo nolosha inta uu abuuran yahay. Maqli maysid qof Somali ah oo ku leh waxaas fiican ayaan ku soo kordhiyay aduunka iyo dal Somaliyeed, in yar oo Ilaahay u naxariistay mooyee. Qof waliba waxa uu halkan la taagan yahay reer hebel ayaan ahay. Wax intaas dhaafsan oo lagu darayaa na ma jirto. Reer hebel ma dayuurado ayuu inoo sameeyay? Ma ceelal biyo laga cabbo ayuu inuu qoday? Ma cusbitaalo iyo adeeg caafimaad ayuu inoo suurta geshay? Ma waddooyin iyo laami ayuu inoo dhigay,? Ma waxbarasho iyo cilmi ayuu inoo kordhiyay? Ma wershado iyo masaanic ayuu inoo rakibay? Ma nal iyo iftiin ayuu inoo bixiyay? Ma nadaafad iyo qurux ayuu inoo suubshay?

Inta yar ee wax qabatay shaqkhsi ahaan Illaahay ha ka abaal mariyo inta kale na waa in ay kuwaas daba gasho oo ay wax la qabato. Waa in kuwa naftooda guul gaadhsiiyay ee wax qabsaday loo doorto hogaanka iyo mas'uliyadda dalalka . Waxa wax lagu qiimeeyo waa in uu noqdo wax qabad. Qoomka sidaas ku sifooba ayaa ah qabiili fiican.  

Waxa aan aamin sanahay in ay Qabyaaladdu iyadu tahay wax wanaagsan haddii aan la xumayn. Waa maadad jirta oo ina hortaal oo aan la dafiri karin. Waxa ay ka mid tahay caamil la fal-galay noloshaada kala duwan maadaama ay tahay wax ay bulshadu qiimayso ama ay ku dhaqanto.   

Sidaas dartee isagu na qabiiligu waa qof jira. LAAKIIN qabiiliga wanaagsani waa qofka yaqaan in wixii isaga ku xun ee aanu qaadan karin qofka kale na ku xun yahay. Dunida oo dhan way ka jirtaa qabyaaladdu. Midabka iyo magaca ayuun baa kala duwan waa na sadex nooc oo kala ah : 

  1. Mid ku salaysan isir iyo wada dhalasho dhab ah ( sulaalad ama roots )
  2. Mid la isireeyay
  3. Mid ku salaysan taxaaluf iyo iskaashatayn sida : Quruun, Dhul, Gobol, Diin, Xuduud, qaran, qaarad, midab, magac, jinsiyad, iwm.

Si kasta ba ha u jirtee waa tii uun ay jirto qabyaaladi meel kasta dunida korkeeda. Macnaha ugu weyn ee ay ku fadhido qabyaaladu waa tilmaan aad cid ku tilmaan sato garsho ahaan. 

Qqabyaaladda Somalida. 

Qabyaaladda Somalidu waxba kama duwana midda ay wataan dadyowga kale ee dunida . LAAKIIN waa la xumeeyay midda Somalida. Sida waxii kale ba loo xumeeyay ayaa qabyaaladdii na loo xumeeyay. Qofkii ayaa la xumeeyay qabyaaladu na waa qofka – Qofku na waa qabyaaladda. 

Siyaabaha loo xumeeyay waxa ka mid ah. Habka iyo qaabka loo adeegsado ama loo isticmaalo qabyaaladda Somalida oo ay dhibta ugu weyni tahay sugnaan la'aan aysan qabyaaladda Somalidu sugnayn . Shey haddii aanu sugnay waxba ma saaran kartid ama waxba kuma sargoosan karid. Wax ba kuma qaabayn kartid, kuma qaybin kartid ama kuma qiyaas qaadan kartid. 

Tusaale :                     1X28                =            28

                                    2X2X7              =            28

                                    2X14                =            28

                                    4X7                  =            28 

Caddadka, raqamka ama tirada 28 waxa uu ka kooban yahay cunsur-rada tirooyinka yar-yar ee kala ah sidan : 1 , 2 , 4 , 7 , iyo 14.  Isagu na waa tiro 28 ah. Ma jirto tiro kale oo loo yaqaan 28 isaga mooyee. Marka la sheego ama loogu magac yeero tirada 28 waxa la ogyahay in ay meesha ku dhan yihiin cunsur-rada tirooyinka kala ah 1,2,4,7,14. Sidaas darteed na in mar walba la xuso tirooyinka 1,2,4,7,14 iyo in mar keli ah la xusu tirada 28 oo la ogyahay sidaan soo sheegnay in ay meesha diyaar ku yihiin Mr. 1,2,4,7,14 waxa isticmaal wanaagsan oo sugan in la xuso tirada 28. Sidaas waxa ku sugan tirada 28 oo ka wakiil ah cunsur-rada tirooyinka kale. Tirada 28 waxa ay la mid tahay qarankii  oo kale sida J. Jibouti, J. Somaliland ama J. Somalia. Markii loo baahdo sadexduba waxa ay samayn karaan tiro sugan oo kale oo ah 84 oo wakiil ka ah intii hore iyo mid lagu daray ( Cafar ) oo sidan ah : 1,2,3,4,7,14. Sidaas oo kale waxa hadba lagu biirin karaa cunsur tiro kale sida ( Somali-galbeed NFD ) waxa na dhici karta in aanu cunsurka tirada yari inta badan aysan waxba iska-bedelin . 

Saamiga wax loogu qaybiyay qabaa'ilka shirarkii Jaboutiland iyo Kenya ee 4.5 waa tiro sugan LAAKIIN waxa taas ka hor imaanaysa middii guud ee dalalka labada ah ( Somaliland & Somalia )  oo aan lagu sar-goyn. Laba tiro oo sugan ma ka dhaxyn karto caamil isku jaad ah. Tirada 4.5 waa hal tiro oo aan lahayn cunsuro kala baxa. Waxa ay ku haboon tahay in ay tahay hal tiro oo halkeeda ku sugan, hal qaran sida Somalia. Laakiin se haddii ay meesha ka jirto laba tiro oo sugan ma ahaan karto cunsurka tirada yar mid ka dhaxayn karta sida Somalia iyo Somaliland. Waxa mar walba jiraysa khalkhal dhinaca sugnaanta sidaas darteed na waxba lama saaran karo qaabkaas mana aha mid shaqayn karta. Mana shaqayn doonto. 

Qabyaaladda sugan. 

Isticmaalka qabyaaladdu waxa uu ku fiican yahay in uu sugan yahay oo uu xad leeyahay ama uu meel uu ku joogsado leeyahay. Sida waxa loo yaqaan Beel , Qolo, Haan, Jilib, Laf, Jifo, Reer, Qoys ama ilma ayo, laqab ( Family lineage ) iwm.

Qabyaaladda wax ba lama saaran karo haddii aysan lahayn meel ay ku joogsato oo ay kolba jiidanto ama ay hadba meel kula tagto kor iyo hoos – waxii la yeersho ba waan ahay oo wax baan ku leeyahay dhibteeda ayay leedahay. 

Qabyaaladda aan sugnayn ee la dhinac wado siyaasadda, maamulka, doorashooyinka Madaxnimada iyo wax kasta oo la is-yiraahdo dhaqaajiya waa midda ugu mushkiladda badan mana aha wax sugan oo waxa ay ka hor imaanaysaa inta badan caddaaladda iyo xuquuqda qofka. Waxa ku lumaysa dadaalka shakhsiga ah haddii ay noqoto geelba sibir godan iyo aniguba waxa baan ahay. Reer hebel ayaan ahay oo wax lagu doonto inta la iska soo tooso isaga oo aanu qofku la imaan guul uu ku manno sheegto qof ahaan. Waxa ay taasi ka mid tahay cilladaha ugu waaweyn ee curyaamiyay dalalka Somaliyeed dhinaca hor-u-marka, dhaqaalaha, siyaasadda iyo aqoonta cilmiga.  

  • Nin-kasta oo dakana galay,
  • Qoluu dabada geliyow,
  • Dembi dhacay mas'uul ma leh,
  • Markaad hebel duqaysaa,
  • Reer hebel danqanayaa.
  • Ardaygu na dadaalkiyo,
  • Dugsigii hadduu gabay,
  • Delluu meel ka haystaa,
  • Waxaan daah ka sarnayn,
  • Isagoon diktoor noqon,
  • Inuu darajo tolan karo,
  • Inuu doolar heli karo,
  • Ama dayday noqon karo,
  • Daba-laab ku xoogsada !  Maxamed Xaashi Dhamac – Gaarye 1994.

Qabyaaladdu waa wax mar na dhalsha oo korta mar kale na dhimata oo baaba'da. Waxa ay ku dhalataa ama ay ku dhimataa hadba saamaynta ay ku yeelato arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha, danaysiga, is-difaaca iwm. Qabyaaladda ay Somalidu isticmaashu waxa ay dhammaanteed tahay midda isirka iyo sulaalada ama la isireeyay. Taas oo hadana khaldan. Qayb ka mid ah qabyaaladda isirka ku salaysan ayaan ahayn isir sax ah oo jira. waxa soo dhex galay qolo la isireeyay iyo qaab xulifaysi oo isiroobay. 

 Da'da qabyaaladda isirooday ee Somalida ( abtirsiinley ) kama badna 700 sano inta la ogyahay. Wixii ka horeeyay saamaynta uu Islaamku ku yeeshay Somaalida waxa jirtay habkii loo yiqiin Hooyaleey ama abtirsiga hooyada ( Mother Ride System ) oo ilmuho hooyada ku magac lahaa. Haddii aad maqasho hayb ay ku jirto Habar Heblaayo …waxa halkaas isku soo gadhay nin laba magac leh dhinacii aabaha iyo Dhinaca hooyada oo uu ka sii xoroobay. Habar Awal…Habar Yoonis… Habar Jeclo…. Habar Gidir… Habar Yacquub ... Habar Xabuusheed iwm. Haddii aad isweydiiso qofka magacan leh ma nin ba ma se dumar lama kala saari karo. Maxaayeelaya waa habkii hooyaleyda oo uu ku soo gaadhay habkii aabaha. Waa nin ku soo beegmay marxalad kala guur magac hooyo iyo kii aabe oo kal wareeg ah. 

Abtirsiga 700 sanadood wixii ka horeeyay waxa lagu kabayay magacyo aan jirin oo ka tarjumaya taxaaluf ama iskaashato in ay hal magac isugu timaado. Waxa loo malayn hayaa Magacyada Koombe, Kablalax iyo Murbadle Maradheere, Hooshaar Carbeed, Samaale Irir iwm in aysan isir ahayn ee ay yihiin taxaaluf ama iskaashato beel ama qowmiyad ku salaysan. Kuwo kale na kaba sii daran oo meel aad u saarto ma leh in ay isir ku salaysan yihiin sida. Digil iyo Mirifle oo la sheegay in ay magacyo dhir yihiin ama laba geed magacood Jareer weyne. Banaadiri iwm. Way na adag tahay in la helo abtirsiin ay isugu yimaadeen qabaa'ïlkaas aan soo sheegnay.. Waa taxaaluf iyo qabyaalad mar na dhalanaysa mark kale na dhimanaysa. Waxa aad maqlaysaa qabiil jira oo lagu leeyahay asalkiisu waxa uu ahaa beel hebel. Halkaas waxa laga fahmi karaa in uu mar ba taxaaluf cusubi samaysmayay.  

Taxaalufka qabiilka isiroobaya ayaa ah mid uu raadkiisu muuqdo mar ka aad ogaato in maanta la abuurayo taxaaluf-isir cusub " Harti " oo ka kooban Majeerteen, Dhulbahante, iyo Warsangeli Abgaal.  Dawladda Cali Maxamed Geedi iyo Cabdulaahi Yussuf awgeed.  

Abtirsiga qaarkiis waa wax dhaadheer siiba qabaa'ilka Somaliland iyo Jaboutiland. Qaar kale na waa gaaban yihiin gaar ahaan qabaa'ilka Somalia/ Gobolada dhexe iyo foonfur Moqdisho. 

Magacyada qabaa'ilka ay hadda Somalidu isticmaasho sida ; Banaadiri, Baajuuni,Carab Saalax , Dir. Daarood, Digil, Gadabuursi, Gaaljecel, Gabooye, Hawiye Jareer, , Mirif, Irir, iwm dhammaan waa magacyo taxaaluf ama iskaashato oo la isireeyay. Waa magacyo maalin walba dhalsha oo ay ku soo kordhaan kuwo cusub oo taxaalufey markaas na la isireeyay sabab siyaasaddeed ama is-difaac ( Protection ) awgeed. 

Waxa loo jeedaa waqtigan ay Somalidu burburtay in ay kordhayso ama ay korayso tirada qabaa'ilka laga tirada badan yahay sida Gabooyaha, Banaadiriga iwm. Sababta oo ah waxa si weyn isu-qora oo ku soo biira kuwa iska dhiibaya qorbaha ee raba magangelyada qaxoontiga. Waxa la tuhun san yahay in kuwa ku abtirsada isirada Sheekh Isxaaq iyo Sheekh Ismaaciil Jabarti aysan dhammaantood si toos ah ugu wada aroorin dhalashada tafiirta sheekhyada ee qaarkood la isireeyay. Sidoo kale na Ciisaha Jabuutiland. Waxa la fahamsan yahay in aysan Sheekhyadu asal ahaan ka soo jeedin Carab ee ay ahaayeen Somali ka tagtay Dalalka Somaliyeed oo u gudbay dalalka Carabta halkaas na kala soo noqday ilbaxnimo Carbeed iyo Diinta Islaamka. 

Qabyaaladda danbe ee ku dhisan taxaalufka ama iskaashataynta waxa ay jiri kartaa inta ay sii jirto nolosha reer baadiyaha ee reer guuraanimada ku salaysan oo ay xoog ku leedahay. Waxa ay ku baabi' kartaa marka la helo degaan magaalo iyo maamul dawladeed ee qaran. Wax ba uma faa'iidayso qabyaaladda-taxaalufku qofka ku nool magaalooyinka uu ka jiro maamul iyo nabadgelyo. Qof ba qof ka uu ka tacliin yar yahay ama uu ka waxbarasho liito ka qabyaalad kulul. Waxa uu la mid yahay Acraabtii waqtigii jaahiliyadda iyo sawirkii yaraa ee  ay isku qasbi jireen in la isku salaamo. Marka la adeegsado isticmaalka qabyaaladda xulufaysiga ku dhisan waxa dib loogu noqon hayaa noloshii reer baadiyaha iyo xadaarad ( civilization ) la'aanta.

Qabyaaladda ku salaysan isir iyo wada dhalasho dhab ah ( sulaalad ) way sugan tahay wax na waa lagu qabsan karayaa oo waa ay shaqayn kartaa intii la doono sababta oo ah waa tiro sugan oo cunsur-keeda la  yaqaan. Dhammaan waa isku reer ( all in the family ) inta badan na meel ayay wada degaan. 

Koleyba qabyaaladda aan sugnayn ee loo adeegsado majaraha garsoorka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo asaas kasta oo ay dawladi leedahay waxa ay ka mid tahay wax yaalaha la hadhka ah ee keenay dib u dhaca weyn bulshada Somalia qaarkeed dhinaca nolosha magaalada iyo xadaaradda.  

Dawladda lagu soo dhisay Mbagathi/Kenya Oct. 2004 oo ku salaysan qabyaaladda taxaalufaysan ama iskaashataysan ayaa ah mid aan laga qabin rajo sidaas u weyn in ay shaqayso. Sababta 1aad oo ah, waxa ay ku fadhidaa danaysi gaar ahaaneed iyo maslaxad shakhsi ah oo aan cid na wakiil ka ahayn ( shaqo tag ). 2aad. Ma jirto mabaadi' kale oo la qadariyo ama la ixtiraamo. Cunsurka qabiil ee ay ka samaysan tahay ama lagu saleeyay ayaa isagu na ah mid aan sugnayn.   

Qabyaaladda isirka ku salaysan waxa ay ku qurux badan tahay in aan laga badin ama aan laga dheereen abtirsiga inta Beesha iyo Qoyska ( Sure name and family name ) oo markaas looga gudbo tan la wada leeyahay ee ummadd ka dhaxaysa. Waa heer Qaran oo ka wax-tar iyo hor-u-mar badan. Maxaa yeelay qof waliba waxa uu ku tashanayaa xaqiiqada awoodda naftiisa haddii aanu ahayn qof cadilan ama meel la'. Kaas na waxa u yaala xeer lagu daryeelo. Qabyaladda noocaasd ah ayaa ah mid sugan oo wax la saran karo. 

Qabyaaladda aan sugnayn waxba ma dhisto ee wax bay dumisaa.

" Dugsi ma leh qabyaaladi waxa ay dumiso mooyaa ne". Cabdulahi Suldaan – Tima cadde 1960. 

Qabyaaladda nooca sugan oo la muujiyo aqoonsiga shakhsiga iyo meheradda ayaa ah mid ku filan tilmaan inta uu Illaahay inga rabo ee uu inoo sheegay iyo weliba mid ay ka dhalato tartan ficilo hor-u-mar leh dhinaca nolosha oo uu qofku heli karo qiyaas xadaysan oo aan ka baahin. Wixii ka horeeyay 1960kii waxa ay ahayd qabyaaladdu mid kooban. Maanta se si xad-dhaaf ayaa loo fidiyay. Sababta oo ah waxa ka taliyay mid wata dan gaar ah siiba dhinaca siyaasadda oo aan xoolo u haysan iyo aduun uu ku hirgelyo ujeedadiisa, markaas na raba xoog bilaash ah in uu dantiisa u maro ( Qabyaalad ). 

Tusaale ahaan: Ninka ku nool magaalada Kismaayo, Gedo iyo Afmadow oo ku yaal xadka Kenya ay la leedahay Somalia iyo Ninka  ku nool Bosaaso oo any waxba isla gaadhin anfac iyo aduun oo la isku isireeyay, waxa ka muhim san in uu la qabiil noqdo Ninka Laascaanood ninka Burco iyo Garowe ama Ceerigabo. Qaranimadu waa halkeeda ama ninka Laasqoray Ninka Ceerigaabo iyo Boosaaso Qaranimo wa halkeeda wax na isma yeelayso in uu qofku laba qaranle ahaado oo ay isku degaanka yihiin oo ay ku taxaalufaan wada jirka nolosha halkaas na ay ku isiroobaan. Maxaa diiday?  

Qabiil waxa maanta ugu fiican oo hor-u-mar leh in la ahaado mid qaran iyo Neynaas ama "Laqab" ama famillineage ( Nationality + Sure name and Family name only ) 

Mahadsanid. 

Ducaale Wanaaje.
ducalewanaje2@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005

Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada ee Kenya
iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed
xeryaha Ifo, Xagardheer iyo Dhadhaab ayaa waxaa booqday Sh. Maxamed Idris, Sh. Maxamad Umal, Sh Mohamed Kassim, Sh Hassan Ashgar iyo... Warbixintii Sh. Maxamad Idris... Guji...

Bogga Maqaalada Dadweynaha.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD