Haddii waraabe xaakim noqdo arigu wax
xuquuq ah ma leh.
Waxaa
jirta sheeko xariireed ama sheeko baraleey Soomaaliyeed oo caan ah “seben
hore ayuu waraabe dadka ka codsaday in laga bedelo magaca Waraabe oo loo
baxsho Aamin, laakiin arinkaas iyo magac bixnta cusub waxaa aad u diiday
dadkii oo u sheegay waraabaha inuusan qaadan karin magaca Aamin maadaama
uusan aaminba galin, laakiin waraabihii waxa uu ku adkaystay uuna codsaday
in magacan Waraabe laga bedelo, lagana daayo Yur Yurta har iyo habeenba lagu
hayo, dadkii ayaa markaas go’aansaday in la imtixaano haddii uu imtixaankaas
ku guulaystana sidaas magaca looga bedelo cayrinta badanna laga dhaafo,
waxaa waraabihii subax hore looga tegay hal iyo nirigteedii, waxaana la yiri
labadan neef ayaa lagugu tijaabinayaa, waxaana laguu imaanayaa markay
qoraxdu sii dhacayso, geelii kalena waa lagala tegay, Waraabihii markii
laga tegay ayuu intuu afar qaadleeyey oo hadba dhinac u orday ayuu
go’aansaday inuu cuno haddana waxa uu soo xasuustay in waxani ay ammaano
ahaayeen oo lagu tijaabinayo wuxuu marba iska celiyo oo iska ilaaliyo markii
dambe oo uu is hayn waayay ayuu hashiina Candhada/ naasaha ka cunay
nirigtiina faruuryaha ka goostay, wuuna iska ag fariistay, dadkii ayaa soo
laabtay iyagoo geellii kale wada, waxay arkeen labadii neef oo bed qaba
marka kor laga fiiryo iyagoo u qaatay inaysan jirin wax dhibaato ah oo uu
Waraabaha magac cusub doonka ahi uu gaarsiiyay ammaanadii looga tegay, intay
farxeen ayay ku yiraahdeen “War aamin baad tahaye wixii maanta ka dambeeyana
cidda ayaad ka mid tahay ee isku sii daa nirigta iyo hasha ha nuugtee
hadhowna aan maalnee. Waraabihii intuu qosol ku dhuftay oo meel gees ah u
baxay ayuu yiri “XAGAY KA NUUGTAA, MAXAYSE KU NUUGTAA..?” taas oo
macnaheedu tahay inaysan naaso iyo faruuryaba meesha ool, sidaas ayuuna
duurka ku sii galay.
Muhimadda aan sheeka xariireedkan u soo
qaatay ayaa waxay tahay inaan sawir guud ka bixiyo dawladda Soomaaliyeed ee
Mpegathi lagu dhisay oo ay xubnaha ku jiraa intooda badan yihiin dagaal
oogayaashii burburka iyo xasuuqan maantada gaaray dalka iyagu mas’uulka ka
ahaa, waa kuwii dulligan iyo darxumada maanta dalkeena iyo dadkeenaba
haysata hormuudka u ahaa, dadkii caynkaas ahaa oo dhibaatada ku caanbaxay,
ayaa maanta waxay yiraahdeen “Annaga ayaa dalka iyo dadkaba gaarsiin doona
barwaaqo, waxayna abaal marin u heleen in adduunyadu ka ogolaato madax u
noqoshada shacab aad u daallan oo aan waxba kala dooran karin, wey
dhaarteen iyagoo hoosta ka xariiqaya inay dadka Soomaaliyeed wax u qaban
doonaan, “Allow Run U Hiili”.
Inkastoo ay xaqiiq tahay inay dhaar mareen
oo ay u dhaarteen wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed, ayaa haddana dhinac
kale waxaa loo qaadan karaa inay u dhaaranayeen shacabka Soomaaliyeed oo ay
la mid tahay sidii iyagoo leh “WALLAAHAY BILLAAHAY WAA NA KANAA MEEL AAN
IDIINKA HARAYNO MA LEH, ADDUUNKUNA MA NAGA KIIN CELIN KARO” maxaa kale oo
aad ku fasiri lahayd…? Koox abaabulnayd in mudda ah oo shalay wax qaribayay
iyagoon dhaqan celin helin, suurta gal ma tahay inay deg deg u noqdaan dad
aad u fiican..? jawaabtu waa maya. Waxaa laga yaabaa in qof kasta oo
Soomaali ah uu maanka ku hayo oo uu is leeyahay “RAGGAN QORYAHA SITAY BAL
HUBKA HA ISKA DHIGEEN SI LOOGA BADBAADO MADAAFIICDII IYO DHIBAATADII
XANUUNKA BADNAYD” waa sax haddiiba ay kooxuhu, hubka dhigayaan oo la
aruuriyo qoryahoodii, in arintu ay ka fiicnaan doonto jabkii iyo hooggii la
soo maray, laakiin haddana waxaa meesha taalla, marka ay wasaaradaha iyo
dhammaan xafiisyadii dawladda ay kuu fariistaan raggii caynkaas ahaa waa
maxay waxa aad ka fili karto, caddaalad intee leeg ayaad ka rajaynaysaa
inaad kala kulanto..?. dhinaca kale waxaa yaab leh in golayaashii dawladda
looba diiday inay ku soo biiri karaan cid kale oo bannaanka ka timid, iyadoo
laga yaabi lahaa in dad maskax fiyow oo qalbi daahir ah wata ay bannaanka ka
imaan kareen, laakiin hadda taasi ma jirto, waxaana la oran karaa
xukuumaddaan iyo golayaasha kaleba waa tii dagaal oogayaasha ee bal waqti ha
la siiyo, maadaama lagu khasban yahay in la sugo oo la daawado waxqabdkooda
qariban.
(Waxaan ahaa dagaal ooge haddana waxaan
ahay madaxweyne, waxaan ahaa dagaal ooge haddana waxaan ahay wasiirka
caddaaladda, waxaan ahaa dagaal ooge, haddana waxaan ahay qaadiga maxkamadda
sare, waxaan ahaa dagaal ooge haddana waxaan ahay xildhibaan, waxaan ahaa
dagaal ooge haddana waxaan ahay iyo waxaan ahay), Haddaba arinta dagaal
oogayaashu waxay ka dhigan tahay sidii waraabihii yiri Aamin ha la ii baxsho,
ee ka dibna hashii iyo nirigtiiba faruuryaha iyo candhada ka goostay.
Sidaa daraadedd waxaa la oran karaa haddii
dagaal oogayaal, xaakimiin noqdaan shacabku wax xuquuq ah ma leh, haddii ay
yeeshaanna waa xuquuq ku salaysan faruur iyo naasa goyn subax walba taagnaan
doonta, laakiin shacabka waxaa u furan waddo kale oo ah inay iyagu dooran
karaan 5 sano ka dib ciddii ay doonaan, haddana ay aqbalaan sida dagaal
oogayaashu ay wax u fuliyaan.……
(Allow naga caymi kuwii caradeena
colaadda ku baahshay, Allow naga caymi kuwii calankeena ciidda ku beegay).
Waxaa Qoray A. D. Elmi
adelmi@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005
Booqashadii Culumada ee Xeryaha
Qaxootiyada ee Kenya
iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga
Soomaaliyeed
xeryaha Ifo, Xagardheer iyo Dhadhaab ayaa
waxaa booqday Sh. Maxamed Idris, Sh. Maxamad Umal, Sh Mohamed Kassim, Sh
Hassan Ashgar iyo...
Warbixintii Sh. Maxamad Idris...
Guji... Bogga
Maqaalada Dadweynaha.. Guji..
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|