SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Daabaco Boggan | Print


Siyaasiga Somali-Land Xikmad yar iyo Xiqdi Gadhoodhay. 

Masuulku wuxuu u noolyahay in uu garashadiisa ugu adeego kuna horumar iyo bulshadiisa,taasoo ay ka dhalanayso taariikh ma guurto ah oo uu yeesho.

 Haddii ay isaga darsamaan dhabta iyo dhalanteedka waxaa lumaysa xikmaddiisa iyadoo ay ku dhacayso lagdin aan ka kicis lahayn.haddii uusan ka fiirsanin waxa uu gudbinayo si cadna u kala dhigdhign afkaar badan oo dadka kala dhexayn karta doodeedana lagu kala duwanaan karo,wuxuu u muuqanayaa qof aan miisaanayn wax badanna kala saari karin taasoo aan u fiicnayn shakhsiyadda masuulka. Wax walbo waxaa ka horaysa in aad ceebtaada ogtahay,haddii kale waxaad noqonaysaa qof ceebaha dadka kale u waardiyeysta sida uu duqsiga u ilaashado meesha boogta ah.bulshada oo aad u soo bandhigto afkaar aan horumar lahayn waxaa ka habboon in aad iska aamusto, dadkaagana dhexda kaga jirto.

Waxaan arartaas gaaban ula jeedaa qoraal kusoo baxay Internetka oo uu diyaariyay ninka lagu magacaabo Col:Cumar M. Numcaale oo sheegay in uu mar ahaan jiray wasiirka difaaca ee Somaliland, hadalka Colonaylka wuxuu dabo socday qoraal kusoo baxay wargayska Internetka 8/12/2004 kaasoo lagu daabacay waraysi lala yeeshay sheekha soomaaliyeed ee lagu magacaabo sheekh cumar faaruuq.

Sheekha markii wax laga weydiiyay goonni isu taagga Somaliland ayuu sheegay inuu diidanyahay,sababtoo ah buu yiri sagaaro labo tun oo la kala qalo malaha.jawaabta uu bixiyay sheekhu waa mid ay ka madhantahay gobolaysi iyo deegaan gaar ah is xijin,waa jawaabtii uu bixin lahaa soomaali kasta oo daacad ah iyo siyaasi kasta oo waaqici ah, jecelna horumarka iyo dhismaha umadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto.

 Qofku waajib bay ku tahay in uu ka hortago wixii wax u dhimaya sumcadda iyo nolosha dadkiisa,waase haddii ay tahay mid uusan sababteeda lahayn.haddii sheekha wax laga weydiin lahaa puntland oo uu ku jawaabi lahaa ma jirto wax puntland layiraahdo waxay noqon lahayd jawaab wakhtigeedii ka hormartay,waayo dadka woqooyi bari waxay ku dadaaleen inuusan mowqifkooda wax ka badalin , caajis galinin wixii dalka ka dhacay intii ka horaysay 1991kii.waxay sugeen nabadda goboladooda iyagoo dhinaca kale ka ilaalinaya midnimada dadka iyo dalka,taasoo ay ku mudanyihiin in lagu amaano dareenkooda waddaninimo ee uu ka madhanyahay caqliga isticmaarka runtana ku qotoma.

 sheekhu kuma khaldamin jawaabta uu ka bixiyay su’aasha laga weydiiyay goosashada reer woqooyi ee waxaa khaldan kuwa doonayay in uu u jawaabo si iyaga raalli galisa.

Jawaabtu waa mid booskeedii haysata sababteedana ay leeyihiin siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka reer Somaliland,marka ma ahayn in ay sheekha ku tilmaamaan fiqi tolkii kama janno tagee,waxay ahayd intay dib isugu noqdaan oo ay wax iska weydiiyaan waxa ku goonida ah ee bulshadoodii soomaaliyeed ka dhex saaray.

Dawladdii milatariga ahayd ee dalka soo martay kuma eedaynayo inay la dagaalantay ururkii SNM, waayo cid walbo oo xukun haysa waa dhaqan inay xukunkeeda difaacdo khalad iyo saxba,waxaanse ku eedaynayaa dhibka iyo dhibaatada ay u gaysatay shacabkii ku dhaqnaa gobolada woqooyi ee aan waxba galabsanin.

Waxaa la laayay ardaydii iskuulada,aqoonyahankii,indheer garadkii iyo cuqaashii.waxaa lagu tuntay  haweenkii iyo caruurtii,waxaa la burburiyay hantidii ma guurtada ahayd ee ay lahaayeen,waxaa la dhacay hantidii guurtay oo uu qof walbo u rartay halkii uu ka yimid.arintaas waxay xusuus aan wanaagsanayn ku reebtay maskaxda qof walbo oo soomaali ah,xog-ogaalna ah.iyadoo ay taas jirto haddana waxaa reeban dhibaato ay gaysatay xukuumad gacan adag oo lagulana wadaago  inay kugu xanbaarto ku tallaabsiga wax lagu iloobo wixii horay u dhacay.waxaan taas uga dan leeyahay:

Go’aankii kasoo baxay kulankii ay Burco ku yeesheen 1991kii,taageerayaashii ururkii SNM kama turjumaynin dareen shacab oo sal adag ee wuxuu ahaa qaraar ay qaateen siyaasiyiin caadifaysan iyo ciidan caraysan,wuxuuna calaamatul-su’aal saaray fikir la qabay oo ahaa in siyaasiyiinta Somali-landiisku ay wax badan dheeryihiin kuwa qaybaha kale ee soomaalida,maadaama shacabka gobolada woqooyi ee ay ka dhasheen uu ahaa kan ugu ilbaxsan soomaalida ama ugu furfuran.

waxaa la dhowrayay go’aanka ay gaaraan inuu noqdo mid xal dawo u hela dhibkii badnaa ee lasoo maray,wuxuubase noqday ka daroo dibi dhal.

Waxay yidhaahdeen waxaan lasoo noqonay xoriyaddii laga qaatay ingiriiska sanadkii 1960kii.waxay yidhraahdeen waxaan u codeynay dastuur ay taageertay 97%bulshada gobolada woqooyi,waxaa ilaalinayay bay yiraahdeen wufuud caalami ah oo ay ku jirto Koofur Afrika.

Waxaa su’aal ah,yey tahay cidda laga soo ceshaday madax bannaanida ee xoogga wax ku haysatay?.waan ogayn isticmaar duudsiyay xaqa shacabka soomaaliyeed oo lala halgamay,mase garanayno sokeeye gumaysi ah oo in laga xoroobo ay tahay,waa kee isticmaarka ka danbeeyay kii caddaanka?.

In loo codeeyo dastuur gobolada woqooyi ka goynaya dalka inttiisa kale ma aha arrin iyaga u gaar ah,ee waa xaq uu cod ku leeyahay soomaali kasta oo ku sugan jamhuuriyadda xorta ah,maadaama halgankii guusha keenay uu ahaa mid laga wada qayb qaatay.ilaalada goob joogga ka ahayd doorashada waa mid si is diris ah uga qayb gashay,aanse ninna ka wakiil ahayn.  

Waxaa si gaar ah in loo caddeeyo ay tahay dawladda koofur afrika ee isku haysa dadka ku kala gaddisan midabka,dhaqanka,diinta iyo luqadda ee si ay uga nabad gasho dhibka ku dhacay qaaradda inteeda kale waardiyaha u ah ilaalinta iyo dhowrista xeerka u yaalla midowga afrika,xog iyo siyaasadba way adagtahay inay taageerto kala go’a soomaaliya,wayse dhici kartaa carrab laalaadin aan sharci ku tiirsanayn oo laga helo dad meel hoose jooga oo si gaar ah loola macaamalooday,si war baahinta loogu khaldo.

Dadku waxay xaq u leeyihiin la dagaalanka maamul aan ilaalinaynin danaha dadka iyo dalka iyadoo dhinacyo badan wax laga eegayo,laakiin gulufkii dagaal ee lala galay xukuumaddii askarta ee dalka qabsatay 21/10/1969kii, in uu Jihaad ku sifoobo iska dhaafe ma ahayn mid waddani marka la fiiriyo qaabkii loo dhaqmay iyo sida ay natiijadiisu noqotay.

waa dagaalka ay horseedka ka ahaayeen kuwa ku doodaya in Hargaysa iyo Burco marnaba aysan ka mid noqonin soomaaliya maadaama uu Ingiriisku xukumi jiray.fikirkaas oo iska  indho tiraya ama is diidsiinaya jiritaanka bulshada soomaaliyeed oo mid ah iyo daganaashaheeda geeska afrika in uu ka horeeyay xukunkii isticmaarka iyo imaashihiisiiba. 

Saaxiibka maqaalka qoray wuxuusan xog-ogaal ka ahayn dawladaha Ruushka ama Sovietkii hore ka go’ay inay ahaayeen kuwo aysan kala dhexeynin dhaqan iyo dhalasho toona,xoogna lagu qabsaday,markii danbana ka faa’iidaystay fursada soo martay,wuxuusan wax badan kala soconin Masar iyo Suuriya markii ay isku darsamayeen inay ahaayeen labo dawladood oo labo madaxweyne leh,ujeedada isku daristooda laga lahana ay ahayd in meesha laga saaro kala oqobka uu istimaarku ku sameeyay shucuubta carbeed.,marka fikirkii haboonaa ee  ujeeddo wanaagsan looga dan lahaa ma noqon karo mid tusaale looga dhigto xumaan iyo kala goynta dadka soomaaliyeed ee aysan jirin wax ay ku kala gaddisanyihiin.

Col:Numcaale isagoo ay waliba ka muuqato xushmayn ayuu haddana sheekha ku duray jumlo dhahaysa fiqi tolkii kama janno tago. Sheekhu wuxuu ku hadlay run iyo caddaalad dhibaysa kuwo badan oo neceb dawladnimada iyo dadnimada umadda soomaaliyeed, isla markaana u ooman hirgalinta caqliga isticmaarka Col:Numcaalena ka midka yahay.haddaba jumladaas waxay noqonaysaa mid dheeraad ah oo aan xiriir la lahayn xaaladda jirta ee uu saaxiibkeen iska adeegsaday. 

Dawladda soomaaliyeed ee dhalata ma noqon doonto mid loo meeriyo siyaasadeeda ku aadan dhulalka soomaaliyeed ee maqan iyo dadyowga soomaaliyeed ee dhiban,mana aha qaabaka ay qaddiyadahaas ula dhaqanto mid ku dhex milmaya maamulka dawladda sidii horay u dhici jirtay,waxaase dhab ah oo aysan labo cali is weydiinaynin inay ku khasbantahay dawladdu taageeridda dadkaas soomaaliyeed ee ay haysato caddalad darada gumaysiga.

Waxaa kale oo jirta muwaadin kasta oo Soomaali ah si qofnimo ahna ugu nool Jamhuuriyadda xorta ah kana soo jeeda goboladeenna ay wali mushkiladda ka taagantahay in uu yeelanayo xuquuq la siman inta kale,waana middaas tan sharciga  u siinaysa qof walbo oo Soomaali ah in wax laga weydiiyo danaha qaybaha Soomaalida oo dhan,Sheekh Cumar Faaruuqna waa muwaadin Soomaaliyeed,Caalim Soomaaliyeed iyo Siyaasi Soomaaliyeed oo  ka mid ahaa Baarlamaankii qaranku lahaa ee lagu soo dhisay tuulada carta ee dalka jabuuti,intaas oo dhan ayuuna ku mutaystay in wax laga weydiiyo arimaha Soomaali oo dhan,Hargaysa iyo Burcana ka mid yihiin.

Guntii iyo gabagabadii Dadka ku dhaqan gobolada woqooyi inay yeeshaan aayo ka madax bannaan Shacabka Soomaaliyeed waa caqli isticmaar oo ay wehliso xiqdi gadhoodhay iyo xikmad yari ay dhaqan u leeyihiin siyaasiyiinta gobolada woqooyi.waxaana leeyahay soomaali baad tihiin,waadna ahaan doontaan ee xaqiiqda u soo noqda inta ay goori goor tahay. 

Diyaariye: Daahir Mox’ed Cali(baasto).
dareerto2003@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005

Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada ee Kenya
iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed
xeryaha Ifo, Xagardheer iyo Dhadhaab ayaa waxaa booqday Sh. Maxamed Idris, Sh. Maxamad Umal, Sh Mohamed Kassim, Sh Hassan Ashgar iyo... Warbixintii Sh. Maxamad Idris... Guji...

Bogga Maqaalada Dadweynaha.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD