SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Daabaco Boggan | Print


GURI BA'AY (WAR-BIXIN SAWIR BUUXA KA BIXINAYSA HADIMADA QOYSKA QURBA-JOOGGA)

Daryeel kama dhex muuqdo oo meel waliba way dal-dalooshaa. Waa wada qabyo iyo baylah. Dhankii aad ka eegtaba waxa maanka iyo dareenkaaga gudaha mud-mudaya mudacyo af-dhuuban. Docdii aad u kacdana waxa kaa soo celinaya mindiyo afaysan oo xiiraya, cabsi ayaad dareemaysaa oo sanqadh-tirashada ayaad door-bidaysaa, waana meel uu muqdi simay oo aan lahayn iftiin lagu soo hirto iyo wax kale oo la weheshado midkoodna. Jacaylkii iyo isku qanacsanaan oo dhami daaqadda ayay ka baxeen. Weji dadab quus ah iyo dibno qaniin fool-goosi ah ayaa isku soo mutuxan oo beddeley isku soo hilowgii iyo isu soo riyaaqii laga dhex quuddarrayn lahaa aabbaha iyo hooyada qoysas badan oo ka mid ah soomaalida u soo barakacday ee ku nool dalalka shisheeye ee Yurub, Amerika, Canada iyo Austreliya. Sida  soomaali badan ay u khiyaamaynayaan nafahooda iyo lafaha ubadkooda, ayaanad mooddaa in uu sidaasi oo kale uga hiilinayo, ugana horjeedo hab-nololeedkan kakan ee xiimaya ee ay  soomaalidu ku soo dhex dhaceenna.

                                                           CARTAN

Cartan waa aabbe ka soo barakacay dhulka xoolo daaqeenka ah ee ay soomaalidu degto markii ay dirirta sokeeye soomaaliya ka qarxatay. Dal-ku-gal ama fiise ayaa waddanka Ingriiska uga soo baxay. Magaala madaxda dalkaasi Itoobiya ee Addis-ababa oo ahayd magaaladii ugu horraysey ee uu salka dhigo intii uu noolaa, ayaa waxa uu ku ahaa habeen-dhax. Dhowr bilood ka dibna waxa uu ka soo degey magaalada isku murugsan ee adag ee London. Kelidii Cartan ma ahayn oo waxa la socdey oo safarkaas dheer la soo galay dhowr carruur ah iyo hooyadood oo uu ka soo dhuyaaliyey (kudaal ahaan) halkii ay xoolaha ku dhaqan jireen.

Haddaba waxa uu haatan Cartan muddo tobaneeyo sannadood ah ku nool yahay oo carruur kalena uguba dhalatay Magaalada London. Ilaa muddadaa Abbaahaasi (Cartan) wuu is la’ yahay oo wuu is-doon doonayaa, welina isma uu helin oo wuu is-waayey. Isaga iyo afadiisii ayaa isla il-daran. Way is af garan la’ yihiin oo xitaa af-soomaaligii iskuma fahmayaan. Marka uu midkood geel u heeso, ayaa kooda kalena gorayo u heesayaa. Turjumaan ma haystaan, luqad kalena kuma hadli karaan oo xitaa farta Ingriisida ma kicin karaan, kuma hadli karaan oo weli lama aanay qabsan. Is-faham la’aantaas labadaasi waalid ka dhex aloosani waxa ay ku butaacdey oo hafinaysaa degaanka ubadkooda ay ula soo hayaameen dibadahan shishe iyo Yurub.

Guriga qoyskaasi ayaa waxa uu u muuqdaa goob ay dirir sokeeye  ka oogan tahay, waxana hirdan iyo dagaal uu ku dhex marayaa saddex ciidan oo uu midba kooda kale ka horjeedo, iskana caabiyayo. Marba laba xoog ayaa foodda isku daraya, mararka qaarkoodna saddexduba way isla jiidhayaan oo way isku dhex duqaynayaan. Odayga qoyska oo Cartan ahi waa Atoore had iyo goor fadhi-ku-dirir ah. Markasta waxa afkiisa ka soo horraysa Dalqadda oo waxa uu xaaskiisa ku halgaadaa Waan ku furay. Dhowr goor ayuu si dhayalsi ah afadiisa u dalaaqay oo uu guriga uga baxay. Laba iyo saddex goorba way ka badan tahay inta goor ee uu afkiisa kaga tiraabay dalaaqda xaasku. Haddana waxa uu u haystaa in  haweeneydaasi ay weli xaas u sii tahay. Sida uu dalaagu ama furrinku uu agtiisa uga fudud yahay, ayay rajactuna ama soo celintuna ay ugu sahlan tahay; sida uu dalaaqu afkiisa uga soo horreeyo ayaa  dibnihiisana ereyga xumi saaran yahay; sidaas ay xumaantu uga soo horrayso, ayaa gacantiisa halgaaddu ay uga soo horraysaa. Waxaas oo xumaan ah ayaana shiiqinaysa intii wanaagsanayd ee uu yeelan lahaa.

                                                                  CAMBARO

Ma qaro iyo baaxad yara dhibaatooyinka iyo aafooyinka ku yuurursaday ee dul-qawdhiidha  ee gabagabaynaya hannaanka qaab-dhismeedkii qoyska soomaalida ee qurbuhu. Cambaro waa haweenay aan iyada lafteedu xasarad yarayn. Iyada, odaygeeda iyo ubadkooduba waxa ay Ingriiska ku soo galeen dariiq la mid ah kii qoyska reer Cartan ay ku yimaaddeen, haseyeeshee waxa ay labada qoys ku kala duwan yihiin halka Reer Cartan ay xoola raacatada reer guuraaga ah ka ahaayeen intii aanay soo gelin Yurub, qoyskan kale waxa uu isagu ahaa magaalo-galeen amaba reer magaal benderka ku dhaqnaa. Labada qoysba waxa ay ku asqoobayaan dawaar-nololeedka xiimaya ee kakan ee ay yurub ugu yimaaddeen!

Cambaro waxa ay durbadiiba la dhacaysaa oo laabta ku qaboojinaysaa markii loo sheegay ee ay ogaatey in degaankan cusub ay dumarku awood dheeraad ah ku leeyihiin, raggana sidii ay doonaan ay haweenku ka yeeli karaan. Marka uu Cambaro odaygeedu il-gurracan ku eegaba waxa ay iyana ku eegtaa sagaal indhood oo ka sii gurracan. Marka uu hadalku sii batana waxa ay taabataa lambarka xasaasiyadda ee saddexda sagaalaad ka kooban (NO:999). Dhowr jeer ayay Cambaro xilli wax-saareen ah oo cawo-daran ah ninkeeda guriga dibadda ay dhigaysaa, dharkiisana ay bac madow ugu guraysaa oo albaabka u dhigaysaa, waxana aakhiritaankii lagu kala xasilayaa in la kala noolaado, lana kala degganaado.

Haddaba waxa isku soo baxsanaya Cambaro iyo ubadkii qoyskeeda, odaygiina suuqa ayuu iska gelayaa oo waxa uu iska dhiibayaa meel kale, waxana iska nasinaya oo isu beddelaya murqaanka merfishyada qaadka iyo walaaca iyo walbahaarka dibad-yaalnimadiisa. Cambaro iyadu waxa ay raacdaa adduunyada, waxanay aad isugu mashquulisaa oo wax kasta oo kaleba ka hormarisaa ururinta giniyaadka Isterliiniga ah. Waxa ay Cambaro ku jirtaa Hag-bad madaxaa ha-ku-furto ah oo aan dhammaad lahayn inta ay dhimanayso. kalkeeda waxa ay qaadataa kuusas Giniyaad ah. Dusheeda waxba ugama quudho, guriga iyo ubadkeedana kama daryeesho oo inta ay doorkeeda soo qaadataba dhammaanteed dibadda ayay u dhoofisaa ama u xawishaa oo badda ayay ka tallaabisaa. Waxa afka u kala haysa oo waddankii looga dhisayaa daar casri ah oo ku kacaysa ilaa 50.000 US$!

Dhinaca kale Cambaro uma kala abtiriso dharka qaboobaha iyo  kan xilliga kulaylaha ee ubadkeeda, waayo uma hayso lacag ay dhowrkii biloodba mar ay dhar soo geliso, waayo waxa laga sugayaa hag-baddii oo aan jixin-jixin lahayn, waxa soo galaana uma qaybsamaan quudinta maalinlaha ah ee xubnaha qoyska iyo Hag.baddaas oo iyadu ah ta wax kasta mudnaanta ka leh. Carruurta waxa ka muuqda dayac iyo dar-xumo,  arrad iyo nafaqo la’aan iwm. Cambaro waxa ay taas ku eedaysaa qaboobaha iyo ubadka oo aan xilliga kulaylaha soo hadh gelin oo dibadda meeraysta.

                                                        HAMUUNTA UBADKA

Carruur badan oo ka mid ah ubadka ay soomaalida qurba-joogga ahi dibadaha ay ku hayaan, ayaa waxa ay dugsiyada waxbarashada kala soo rawaxaan cadho iyo umal ballaadhan, suuqa ayaana ubadkaasi ku dhaliya muhasho iyo hamuun xoog leh oo ka soo jeedi kara rabitaanka dareenkooda gudaha. Waxa ay carruurta soomaalidu arkayaan ubadka kale ee ay isku fasalka ama filkaba yihiin oo ka dhar wanaagsan oo hadba loo soo lebbiso noocii u dambeeyey. Waddamadan Yurub dadkuba waa iska ‘Mode’-raac, carruurtuna waabay ka sii xag jirtaa oo bil kasta waxa suuqa la soo geliyaa buc-shirad u jihaysan ubadka oo dookhooda lagu iib-gelinayo.

Run-ahaantii carruurta soomaalida laguma dhererin karo suuqaasi xaamiga ah ee dookh-raaca ah, waxase ubadka wax u noqon lahaa oo macne u samayn lahaa haddii sannadkiiba laba jeer dookhooda la ciyaarsiiyo, loona iibiyo waxa uu qalbigoodu la jiro ee caadiga ah, waayo waxa ay suuqa ku arkayaan wax badan oo ay quluubtoodu soo jiidanayso, una baahan yihiin, sida dharkii dhallinyarada ee xarragada iyo casriga, hu’gii dhaxanta, kii kulaylaha, dharkii xilliga roobabowga iyo kii xilliga diiraamaadka qaboobe-xigeenka ah, dharkii ciyaaraha iyo caalamkii carruurta oo dhan.

Cambaro waxa ay isla liitaan ubadkii ay haysey. Arrintan ku saabsan dookha carruurta iyo muhashadooda suuqa, ayaa dhibaato weyn ku haysa oo aanay akhriyi karaynin, waayo cambaro il-qudha ayay sideedaba wax ku aragtaa, waana hag-baddii daa’imiska ahayd. Dhowr jeer ayaa bilayska xaafaddu uu Cambaro gurigeeda ku soo booqday, waxana looga soo dacwoodey ubadkeeda oo lagu eedaynayo in ay dukaamada xaafadda ama suuqa kaleba ay wax ka qaad-qaadeen amaba ay wax ka xadeen. Cambaro aad ayay uga xumaataa arrintaas, waxanay carruurta kula haddaa wal-days iyo canaan weji-ka-fiiqis ah. Ma awoodi karto in ay garato sababta ay ubadkeedu u tuugaysanayaan, waxanay ku qanacsan tahay in aanay gaajo kelliftaa jirin oo ay guriga u yaalliin wax ay cunaan. Waxase Cambaro ka maqan in gaajada carruurtu aanay ku koobnayn baahida iyo damqashada caloosha oo qudha.

Xaqiiqadiina waalidiin badan oo soomaalida qurba-joogga ka mid ahi ma dhaaddana, kumana baraarugsana xidhiidhka adag ee ka dhaxayn kara alaabta dhal-dhalaalka badan ee indha-sarcaadka leh ee suuqa wadhan iyo hamuunta carruurta iyo dhallinyarada ku indha-dillaacsanaysa caalamkan dookh-raaca ah. Waxa waalidiin badan ka maqan baahida loo qabo in yareeyo hamuuntaas iyo muhashada laab-qaadi karta da’yarta soomaalida ee qurba-joogeenna maanta. Waalidiinta soomaalida qurba-joogga ah waxa la gudboon in ay dib u eegaan qaab-nololeedkooda qurbaha oo haatan u muuqda mid ragaadsan oo curyaan ah, oof-wareenna uu ku yuurursaday.

Waxa qumman oo lagama maarmaan ah in la hagaajiyo xidhiidhka xubnaha qoyska, gaar ahaan sokeeyenimada aabbaha iyo hooyada iyo labada waalid iyo ubadkooda. Waxa kale oo ma-dhaafaan ah in la helo aqoonley ka taageerta waalidiinta la qabsiga dawaar-nololeedkan xiimaya ee qurbaha iyo Yurub, waxana arrin biyo-kama-dhibcaan ah u muuqanaysa in la xoojiyo isku xidhnaanta waalidiinta iyo meelaha dadka soomaalida loogu tala galay in loogu adeego, sida masaajidyada iyo meeleha kale ee ay ururada soomaalida ee adeegyada bulshada qaabilsani ay ka hawl galaan, iyada oo la kordhinayo tayada goobahaasi iyo ta dadka ka adeegayaba. Habkaas iyo wixii kale ee soo raaci kara, ayaa waxa ay u sii jan-jeedhsanayaan xakamaynta waxyaalaha fududeeya burburka qoyska qurba-joogga soomaalida iyo tasowga ama lumitaanka ubadkiisa. Baaba’a gurigana bulshadaa u dhaawacan.

Qalinkii: Maxamed Baashe X. Xasan
mohamedbashe@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005

Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada ee Kenya
iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed
xeryaha Ifo, Xagardheer iyo Dhadhaab ayaa waxaa booqday Sh. Maxamed Idris, Sh. Maxamad Umal, Sh Mohamed Kassim, Sh Hassan Ashgar iyo... Warbixintii Sh. Maxamad Idris... Guji...

Bogga Maqaalada Dadweynaha.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD