Annagana darxumo iyagana dalxiis

“Eeddo maxaa laga soo sheegay dawladdii ma
waanay imaaheyn dalka, tan kale Eeddoow gacaliye Baarlamaanka baasi muxuu
nooga ridaa dawladdii la arkaba, isagaaba shacabka hor taagane” ereyadaas
iyo kuwo kale oo ay ka buuxaan hamuun dawladeed ayaa ka soo burqanayay
hooyo Soomaaliyeed oo diifi ka muuqato xaamilana ahayd, isla markaana laba
caruur ah oo yar yar gacmaha ku haysa, waxaanna ku kulanay meel baabuurta
dadweynaha laga raaco.
Daqiiqadihii aannu wada sugaynay baabuurka
ayaa waxaan is dhaafsanay hadalo door ah, iyadoo hooyadu ay iiga sheekeysay
sheeko dheer oo aad u naxdin badnayd oo iyada qabsatay waqtiyadii dagaalada,
waxayna ku bilawday sidatan:
“Eeddo anigu dagaaladii waxaan ku waayay
caruurtayda aabahood iyo saddex caruur ah, waan xasuustaa habeen goor dambe
oo xitaa wax xabado ah oo markaas dhacaya aysan jirin ayaan mar qura ka war
helnay Dam iyo qaylo naga dhex yeertay , aniga oo dhaawac fududi Iga soo
gaaray gacanta ayaan intaan booday markiiba anoo meel kale aadin waxaan ku
hormaray qolkii caruurta, markaan Faynuus la dul imid caruurtii ayaa miyir
iigu dambaysay, xittaa war kama aanan hayn in odaygii reerka uu geeryooday
waxaan arkay oo keliya hilbihii caruurtayda, waxaa iigu xigtay oo aan soo
naaxay anigoo naf ahaantaydu Cisbitaal dhex jiifa oo faashado igu duuduuban
yihiin, wixii waqtigaas ka dambeeyey aniga mudda ayaan Eeddo Shoogsanaa oo
aanan caadi ahayn, waa Ilaahey mahaddii waan soo fiicnaadey muddo ka dib
markii reerkaygu ay qur’aan I saareen, eeddow caruurtii intii soo hartay
ayaa waxaa iiga baahday korin, inaan anigu or ordo ayay dantu igu xambaartay,
ninkaygii hore Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa nin dulqaad badan oo
haddana u guntan ilmihiisa iyo guud ahaan nolosha qoyska, in mudda ah ayaan
la rafanayay caruurtii agoonta ahayd, ka dib nin kale ayaan is guursanay,
markaan is qabnay saddex sano oo kaliya ayaa subax subxaha ka mid ah la ii
keenay maydkiisa, isagoo shaqo tegay,….. Marka .. Eddoow dhib badan baa la
soo maray wax laga sheekeyn karo maaha, laakiin eeddoow waa Ilaahay mahaddii
waxaa jira dad badan oo aniga iga dhibaato badan, waana qaddar Ilaahay,
intaasna waxaanu dhawraynay inay dawlad Soomaaliyeed oo khayr qabta noo
dhalato, dhibkaan waanu ka bixi lahayn, hadda dagaaladii ma jiraan oo waa
Ilaahay Mahaddii laakiin Eeddoow ammaan xumaa jirta labada shilin ee aad
suuqa ka soo hesho kuwa baas baa jidka u taagan oo kaa fara marooqsanaya.
Wax badan waxaanu ahayn shir u joog, shirkasta oo la qabtana waa lagu kala
tegi jiray, ….Ilaahoow kan nooga dhig kii ay wax khayraad ka soo baxaan,
halkan annaga waan ku darxumaysan nahay iyaguna waxay rabaan inay hadba
dalxiis iyo damaashaad galaan oo ay Huteello isaga jiraan”
Ereyadaani waxay ahaayeen erayada hooyada
Soomaaliyeed ee aadka u dhibanayd sheekaduna ay nagu dhex martay intii aan
baabuurka wada sugaynay iyo intii aannu sii saarnayn, mana yara run ahaantii
dhibaatada iyo silica soo gaaray dadka Soomaaliyeed ee aafadu haleeshay gaar
ahaan kuwooda ugu taagta daran, waxaanna hadalka hooyadan dhibban ka soo
qaatay, oo iyaduba ay ka dhawaajisay, Annagana darxumo iyagana dalxiis,
hadalkan ayaa waxa uu si toos ah ugu socdaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee
waqtigan nasiibka u helay inay hoggaankooda qabtaan shacab aad u
dhibaataysan, darxumaysan oo aad u daalan, diifaysan oo dalambaabi ah.
Gunta sheekadani waa muraayad laga daawan
karo dhibaatada haysata dadka Soomaaliyeed meeshay doonaanba ha joogaane,
dal aan dawlad dhexe lahayn in ka badan 14 sano, waa wax xanuun badan, ayna
haboon tahay in laga gilgisho, markaad akhriso sheekada kore ee hooyada
Soomaaliyeed waxaad dareemaysaa inaysan hooyadu ka war hayn sida golayaasha
dawladeed u shaqeeyaan, Baarlamaan, Gole Wasiir iyo mid garsoor, laakiin
waxa ay u baahan tahay hooyada Soomaaliyeed ay tahay oo keliya, Dawlad
Caadil ah oo soo celisa ammaankii iyo kala dambeyntii dadkana u fidisa
adeegyadii lagama maarmaanka ahaa, isla markaana aan dalxiis ku maqnaane,
dalka gudahiisa ka hawl gasha.
Waxaa Qoray A. D. Elmi
adelmi@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005
Booqashadii Culumada ee Xeryaha
Qaxootiyada ee Kenya
iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga
Soomaaliyeed
xeryaha Ifo, Xagardheer iyo Dhadhaab ayaa
waxaa booqday Sh. Maxamed Idris, Sh. Maxamad Umal, Sh Mohamed Kassim, Sh
Hassan Ashgar iyo...
Warbixintii Sh. Maxamad Idris...
Guji... Bogga
Maqaalada Dadweynaha.. Guji..
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|