SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


MADAXWEYNE RIYAALE MIYAANU OGAYN INUU SHARCI JEBINTA DALKA KA KOW YAHAY

Ilaahay Ayaa Mahad oo dhami u sugnaatay, Naxariis iyo Nabad gelyo
Buuxda Nebi Muxumed (C.S.W) korkiisa ha ahaato.

Marka xigta ayaan jecelahay inaan ka dhiidhiyo fikradaha qaloocan iyo
hanaanka foosha xun ee ka soo burqanaya Madaxtooyada Somaliland
maalmahani ugu danbeeyey, Qarran waxaa lagu asteeya marka shacbi,
dawlad, iyo sharci la isku lifaaqo aalaba inuu President Riyaale aqoon
u leeyahay iyo inkale mooyaane qofka ugu horeeya ee dabacsanaan
siyaasadeed iyo hawlkarnimo looga baahanyahay waa hogaanka qarranka,
taa waxaan uga gol leeyahay maaha in axsaabta Siyaasaddu markasta
tanaasulaad Siyaasadeed sameeyaan.

1. Dooraasho Guud oo shacabka Somaliland markii ugu horeeyey in ka
badan 40 sannadood u codaynayeen ciddii hogaamin lahayd ayaa la
sheegay inay Sannadkii 2003 ka dhacday Somaliland, muran badan ayaa
yimid waxaa la yidhi 80 cod ayaa lagu kala badiyey oo adiga
(Madaxweyne Riyaale) aad ku noqotay hogaamiyaha Somaliland, weligay
intaan noola ma maqal qarran 3 milyan iyo badh ah tiradoodu ah ayaa 80
cod laga soo dhex saari kara guusha uu xisbi gaadhay, waa waxaan
maanka iyo caqliga fayow qaadan karin, Maxkamad ayaa la isla tagay,
Maxkamadda Sare Somaliland Madaxweynow cidda awood u leh inay
magacawda waa adiga, Macnahu waxa weeyaan afarta xaakin (Supreme Court
Judges) ee qaadaayey Maxkamadda mid ay axsaabtu soo magaceeben ma
jirto, waxay yidhaahdeen cododkii 80-ka ahaa 200 oo kale ayaanu ku
darray, dabcan Cadaadis Xisbigii Mucaaridka ahaa ee Kulmiye kaga yimid
dibadda iyo gudaha waa ay tansaasuleen taasina waxay ku muteen
hawlkarnimo qarran.

2. Nidaamka qarran Madaxweynow dadka iyo dalkuba xaq ayuu kuugu
leeyahay in lagula wadaago oo lagu toosiyo, waxaad keentay oo aad isku
xeertay shakhsiyaad aan u qalmin inay qarranka Somaliland xaaladda
Siyaasadeed iyo dhaqaale ee uu ku jiro ka saaran, Dabcan markaan
sidaasi leeyahay Somaliland maaha europe iyo maraykan ee waa dal yar
oo 14 sanno oo qudha xorriyadiisa haystay, miisaaniyadeenu sannadkii
waa 25 Milyan oo dollar waxaanay la dhiganta inta ninka Tujaarka ah ee
dunida koobaad ugu bixiyo bishii Gargaar uu u fidiyo dadyowga ku
tabaalaysan faqriga dunida ama aan si kale u dhigo eh, Madaxweyne
Bush-ka dalka maraykanku markii uu sannadkii hore ku yimid dalka
Britain socdaalka kharashka ku baxay socdaalkiisu wuxuu dhanna 90
milyan oo dollarka maraykanka ah waxay afar jeer ka badantahay
miisaaniyadda sannadkani uu golaahagu sheegay inay tahay miisaaniyadda
3 milyan iyo badh reer Somaliland ah, taa macnaheedu waxa weeyaan
inaynaan tallaabo horumarleh ku talaabsan 2 sanno iyo badhkii aad
xilka dalka haysay oo ay dalka aafeeyeen musuq maasuq ay habarta
indhaha lahi arkayso.

3. Madaxweyne Riyaalow Waxad tahay hogaamiyaha Qarranka Somaliland taa
macnaheedu maaha inaad la ficiltanto ninka Mucaaridka ah ee waa inaad
hadalkiisa ka dhigto mid toosin ah, shacabkani kaagama fadhiyaan
gorgortan siyaasadeed oo aad maalinna nin xilka uga qaadayso maalinna
mid ay shacabkani isku eedeen aad xilka ugu dhiibayso, waxaynu
doonaynay inaynu wareerka Siyaasadda ka nasano 5-ta sanno ee aad xilka
haysay oo aynu gallo cahdi horumar leh(revolution of political,
economical and social development)  sida dalka Taiwan oo kale oo aan
sideena oo kale qarrannimo loo aqoonsanayn balse muujiyey xilkarnimo
uu maanta kaga dhaqaalo badanyahay boqolaal dal oo dunidani la
aqoonsanyahay, Taiwan waxay muujiyeen in midda qudha ee lagu qiimayn
kara tahay nidaam dhaqaale iyo horumar oo ay dalkooga gaadhsiiyaan,
maanta cid ay u baahanyahiin ma jirto.

3. Madaxweynow Majaraha ama nidaamkeena garsoor waa mid liica oo
qaloocan oo sannadkii tagay inoo soo jiiday ceeb iyo sharaf dhac
siyaasadeed, bal u fiirso Mr. President maanta haddii adiga oo
Madaxweyne Somaliland ah aad marlabaad europe ama waqooyiga america
ugu tegto safar waxaan huba inaanay cidina niyad sami iyo kalgacal ay
kuu hayaan kuugu soo dhawayn doonin, waayo hanaankeena xuquuqul insaan
ee dalka gudahiisu wuxuu la dhigma cahdiyadii Keli talinimo ee Agosto
Benichiat-ka waddanka Chile iyo weliba keligii taliyahii aynu ka
xoraynay dhulkeena ee Afweyne Barre, loogama fadhiyin gabadh yar oo
aan 20 sanno gaadhin in aynu u huro jeel iyo xabsi iyo ciqaab innaga
oo taa dalkeena iyo dadkeena, iyo dumarkeena hore uga bad baadinay.

4. Haddii aad madaxweynow markasta aad tidhaahdo waxaa la ii doortay
hanaan dimuqraadi ah Somaliland-na waxaa ka jira Nidaam dimuqraadi ah
balse Qarannku dhammaantii adiga kuu cabudhsanyahay maxay
dimuqraadiyaddu dhaanta ta dalka China ka jirta oo kale ee shuuciyaddu
ku taliso (one party one election one vote), u fiirso, golayaasha
deegaanadu waxay u badanyahiin xisbigaaga UDUB, Hogaankii adiga Haya,
Golaha Guurtida %70 waa xisbigaaga xitaa gudoomiyaha ka taliya adiga
keenay oo waa loo wada fadhiyey,  Doorashadan golaha wakiilada ee la
sheegaayo inay March dhici doonto ee muranka badani ka taaganyahayna
dadku kuma niyad fiicna oo waxaa la huba inay udub ku guulaysan doonto
waayo waxay dadku u joogeen is daba marin iyo ku shubashadii hore u
dhacday, markaa miyaanay qumaynayn inaad toos ugu dhawaaqdo in dalku
yahay One party one elections sida dalalka shuuciyadda oo kale.

Mr. President haddii aanad keenin isbedel siyaasadeed oo horleh
seddexda sanno ee kaaga dhiman xukunkaaga waxaan huba inay Somaliland
ku xasuusan doonto xukunkaaga Cahdi Farta dhexdiisa laga qaniinay oo
ku caan noqday xukun daciif ah, dhaqaale liita, fawdo siyaasadeed, iyo
garsoor qalooca, musuq maasuq baahay, iyo cunaqabatayn Siyaasadeed.

Ilaahay waxaan ka beryaya inuu Somaliland ka Dal dunidu u garawdo,
Aqoonsi buuxda sannadkani 2005 hella, horumar la taaban karana gaadha,
Ilaahay waxaan ka beryaya inuu Madaxweynow kugu ilhaamiyo waxay
dadkaagu badankood arkayaan, kaana dhigo hogaan cadli ah.

Wa billaahi Tawfiiq

Mohamed Abdi  Hassan (diridhaba)

diridhaba2001@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005

Bogga Maqaalada Dadweynaha.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD