SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Socdaalkii Wariye C/risaak kaneec ee daarihii faraacinada qaahira

waxaan aroor hore katagay gurigay ookuyaala xaafada giza oo ah xaafad kamid ah xaafadaha ugu wayn magaalada qaaraha,marka hore qaahira waxay uqaybsantaa labaqaybood oo uu webigu kalaqaybiyo waxaana lookayaqanaa giza iyo qaahira.

intaa kadib waxaan raacay taxi oo aan kadalbaday in uu igeeyo mesha looyqaan haramka, oomarkaa magaalada ujirta 7km,waxaan sii maray goobo badan oo taariikhiya oo ay kamid tahay halka ay ku asantahay sayida saynaba,nabad gelyo iyo naxariis ale hasiiyee,iyo nafisa oo labaduba kamid ahaa xaasaskii nabiga csw,iyo halka ay masaarida kusheegaan in lakeenay ama lagu asay madaxii,xuseen bin cali,nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaate,waxaa kalo jira meelo kale oo dalxiiyashaasu aad utaqaan oo ay kamid tahay.

masxaraxa qaahira oo uuyaal circoon jirkiisii

masaajidkii salaaxuldiinil ayubi

masjidkii cumar binu caas

aqaladii iyo guryihii ay dagaan jireen circoon iyo colkiisiiiyo goobo badan oo aad utiro badan ay kamid tahay

iyo masjidka ay ku asan tahay sayida saynaba calayhi salaam,waxaana dhamaan goobahan markaad tagto dhoowaan dalxiisayaal kawada yimid dunida dacaladeeda

hadaba aniga waxaa iigu cajiib badneed sida ay fircoon iyo colkisii ay udhiseen sedex dhisme oo usamaysan sidii sedexagal oo kuwa masaarida ay caanka kuyihiin,oo intabadan aad kadaawataan tv yada iyo meelaha bookshops yada iwm,waxaad arkaysa markaad udhowaato goobtaas, dhismayaal cirka kushareeran oo dadka joogaana ay aad utiro badan yihiin hada qaahira waxaa kuyaala sedexdaas dhismo oo ah kuwa ugubadan ee uu dakhliga kasoogalo dowlada masar.

waxaa intaas dheer iyo ay sedexdaas sedexagal siduu uu fircoon uga tagat ay usamaysan yihiin, fricoona wuxuu ula baxay magacayadan hoos kuqoran waxayna kala yihiin sidan.

1--kan uguwayn waxaa layiraahdaa {khaafuu}

2-kan kuxigana waxaa layiraahdaa {khurfaa}

3-kan sedexaadna waxaa layiraahdaa{mankara}

waana magacyadii uu uyaqaniinay ficoonkii masar

sedexdaas daar hoosteeda waxa ku aasan fircoon wayn oo isaga iyo sesedexagalba ay taariikhda hijriyada kahoreyeen 700 sano,kahor in meeshaas laga dhisay,waxaana qabrigaas kahoreya sawir wayn oo nin ah oo leh waxaad moodo dhego wuxuuna lawakhti ahaa xiligii faraacida ilaa maanta waxaa looyaqanaa ninkaas {abulhuul}hadii aad aragto muuqa dhismayashaas,waxaad aqoonsanaysaa sida uu ahaan jirey xaalka firooc iyo colkiisii.

waxaa mesha aad uilaaliya ciidan aad uxoog badan dalxiiska oo ubadan dad ajinabi ah,oo markaa saaran arw mise geel sida qofba uyaqaan, waxaa qalbigaaga kusoo dhacaya ku cibra qaadasho iyo ulaabasho xaga eebe,waxaad kaloo ogaanaysaa sida ay ay udhibadnaayeen fircoon iyo asxaabtiisa waayo dhagaxa meshaas kudhisan maaha mid maanta wiishashaka jooga ay xanbaarikaraan ama qaadi karaan waase inta dhumucdoodu le"egtahay,waxaana ale karajaynayaa in uu naga dhigi kuwii ku cibra qaata

weriye c/risaak adan ali

kaneec1@yahoo.com /cairo

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan  

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 12, 2005

Bogga Maqaalada Dadweynaha.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD