MAXKAMADDAHOOW MEESHAA KA SII
WADDA
(MAXAAKIIMTA Vs MOORYAANTA )

W/D: Mursal Max'ed Max'uud(Garaad)E-mail:
stethy1@yahoo.com
Markii ay dhacday Dowladddii dhexe ee Soomaaliya, meeshana ay ka baxday
howshii Ciidamadda nabadgelyaddu ay u hayeen dadka, ayaa waxaa bedelay
Meleeshiyaad aan cidna ka amar qaadan, kana qowlaysta Wadooyinka, lacago
baad ahna ka qaata Gaadiidka iyo Dadwaynaha caadiga ahba. Arintaas oo Suuqyo
iyo Wadooyin badanba ka dhigtay goobo haawanaya oo aanay cidina isticmaalin.
Cabsi laga qabo in lagu furto ama lagu dhaco hantidooda darteed, intaas uun
kuma ekayn dhibaatadda meleeshiyaadkuye waxaa sidoo kale laga caagay in
Haweenku ay si caadiya uga soo adeegtaan suuqyadda, haba ugu darnaato
xliyadda gabalku marka uu dhaco ka danbeeya.
Dhibkii markuu balaartay oo qofwalbaahina gundihiisa(hoostiisa)ka arkay ayaa
Culimo-udiin Soomaaliyeed soo jeediyeen in waxa kaliya ee dhibkaasi looga
bixikaraa ay tahay iyadoo loo laabto Allaah(S.W.T) iyo ku dhaqanka
shareecadda Islaamka. Iyaddoo fikirkaas Saliimka ah laga ambaqaadayana waxaa
markii ugu horaysay laga hirgeliyey Maxkamad Islaami ah Waqooyiga Muqdisho,
xili ay Nabad gelyo la'aan aad u xumi ka jirtay Muqdisho gaar ahaan
Waqooyiga. Maxkamaddaas oo uu hormuud ka ahaa Sh. Cali dheere, waxay si wayn
ugu guulaysatay in ay soo celiso amnigii iyo xasiloonidii goobaha ay ka
howlgalaysay. Waxaana xusid mudan in qofku uu horay u qaadanayey waxyaabaha
qaaliga ah sida Lacagta iyo Dahabka oo kale, iyadoo cidina aanay saa u eegi
karaynin.
Maxkamaddii Islaamiga ahayd ee xiligaas waxay si wayn u kasbatay taageeradda
dadka iyadoo shacbiyad badana ku heshay. Hogaamiyihii Siyaasadda W/Muqdisho
ee xiligaas oo aan u bogin xowligii ay ku socotay Maxkamaddu iyo Laamaha ay
ka samaysanaysay guud ahaan Degmooyinka W/Muqdisho ayaa bilaabay
dhaq-dhaqaaq xoog leh oo uu ku wiiqayo awooddii Maxkamaddaasi, isagoo si
xeeladaysan adeegsanayana wuxuu Gudoomiye ku xigeenka Urur-Siyaadadeedkiisii
ka dhigay Wadaadkii Labaad ee ugu sareeyey Maxaakimtaas. Taasina waxay soo
dedejisay Bur-bur ku yimaadda Maxaakimtii Islaamiga ahaa, dibna loogu laabto
xiliyaddii dhibka badnaa ee Dilka dhaca iyo Fowdadda. Hogaamiye
Siyaasadeedkii xiligaas ee W/Muqdisho waxaa latilmaamaa in uu iminka aad uga
qoomamaynayo fara-gelintii uu ku sameeyey Maxaakimtii Islaamiga ahaa.
Sikastaba ha ahaatee isku dayaddii ahaa in la sameeyo Maxaakim Islaamiya
halkaas kuma ekaanin, lagamana niyad jebin, balse waa la sii dhaqaajiyey
walloow ay gaabis ku socotay. Waa Illaahay mahadiise hadda waxaa jira
Maxkamaddo Islaamiya oo leh hal-dalad oo midaysa, waxayna howl mug leh oo
muuqata u qabtaan dadka ku dhaqan Xamar. Maanta haddii gaari la dhaco
Lambarka lagaraacaahi waa kan Maxaakimta. Haddii Koox dabley ihi ay wax
afduubtaan cidda loogu yeero in ay wax ka qabtaan waa Ciidamadda Maxaakiimta.
Ninka Xoolihiisa laga haysto ama handadaad lagula kaco meesha kaliya ee uu u
dacwoon karaahi waa Maxkamadaha Islaamiga ah. Waxaan layska in dho tiri
karin in Maxkamaduhu ay wax muuqda ka qabtayn meelo badan oo halaq mareen
ahaa, oo min siyaasi ilaa qof caadi ah uu wax ka qaban waayey, sida Xaafadda
Sii-sii oo ku caan ahayd in la geeyo Gawaaridda lasoo kala dhaco iyo dadka
lasoo afduubtaba, hadana ay ka shaqayso Maxkamad Islaamiya, Isgoyska Sos kan
H/wadaag iyo kuwo kale oo dhamaanba horay u haan jiray goobo nafta lagala
baqo iminkana la arkayo in ay ka jirto xasilooni lataabankaro.
Waxaanse aad uga xumahay in dhibka ay ku mutaan (maxaakiimtu)baacsiga
Burcadda iyagoo naftoodana halis ku geliya dadna ay kaga dhintaan markasta,
dhaqaalana aan ku haysanin dadkii ay u adeegayeen in hadana dhinacyo bdan oo
Bulshadda ihi ay ugu daraan Dacaayaddo aanay waxba ka jirin. sida 1.
Culimadda qaar, sida kuwa dariiqooyinka oo uga faa'idaysanaya khilaafkii
kala dhexeeyey, in ay wax uga sheegaan howlaha ay Maxaakimtu hayaan, si
loolankii ay Bulshadda ugu jireen ay iyagu ku qaadaan.
2. Qab-qablayaasha dagaalka oo uga faa'iidaysanaya Mashruuca ladagaalanka
waxa loogu yeero Argagixisadda, iyadoo la ogyahay in qaarkood ayba ku
andacoodaan in Alqacidda ay ka howl gasho gudaha Dalka.
3. Warbaahinta oo mararka qaarkood haddii danahooda iyo howsha Maxaakimtu
iska horyimaadaan Seeftoodda gasha kala baxa.
4. Iyo dhamaan inta Fowddo ku noolka ah oo afka iska furta, iyaddoon laba
maqashiin karin Shareecadda Islaamka maadaama Ficiladda ay ku dhaqaaqaan ee
dhaca, Isbaaradda ama ku garabsiinta dadka ku kaca aanay Shareecadda
Islaamka ihi ogolaanaynin.
30kii Bishii tagtay ee December 2004, abaarihii 3:35 daqiiqo ee xiliga danbe
habeenkii ayaa Weerar lixaad leh oo siwayn loo soo agaasimay lagu soo qaaday
Laanta H/wadaag ee Midowga Maxaakimta Islaamigaa ee Magaaladda Muqdisho.
Weerarkaas oo ahaa mid aad u qaabaysan Socdayna ku dhowaad 4-saacadood,
layskuna adeegsadey Hubka nuucyadiisa kala gedisan, ayaa waxaa la aaminsan
yahay marka laga soo tago Meleeshiyaddii horay dadka ugu dhici jiray oo weli
hunguri ku jiro, in haddana ay ka qayb galayeen dagaalkaasi dhinacyo cusub
oo hor leh, oo ayna ku jiraan Meleeshiyooyin hoos taga Hogaamiye kooxeedyo
caan ah.
Waa berigii 7:30, markii ay Rasaastii qabowday ayaan u soo dhaqaaqay dhinca
meesha ay wax ka dheceen anigoo isku dayaya bal in aan wax ka ogaado sida ay
wax u dhaceen, baaxadda khasaaraha iyo hdal-haynta dadkii isugu soo baxay
goobtaas. Marka laga soo tago dadka samo jeclaha ahaa ee la dhacsanaa
howlaha Maxkamaduhu ay wadaan, waxaan qarowsaday in ay Muhiim tahay in la
dhagaysto Doodda inta ka soo horjeeda. Oday aad u Caraysnaa oo ka mid ahaa
dadkii meesha isugu soo baxay ayaan waydiiyey waxa uu ka cabanayo, isagoo
aad u xanaaqsan ayuuna igu yiri"Kuwani(Maxkamadaha) waa ay inooga dareen,
wiilashii hore (Mooryaantii) ayaa inooga wanaagsanaa" dareenka xamaasadeed
ee markaas ka muuqday Odayga iima saamaxaynin in aan Su'aal kale sii
waydiiyo ee waan ka sii socday. Gabar kale iyana waxay qabtaa in kooxdii
hore(Meleeshiyooyinkii)ay wanaag sanaayeen.Gabadhaan oo ka ganacsata Qaadka
ayaan waydiiyey sababta ay ku doorbidayso Meleeshiyaadkii mar haddii ay ku
hayeen xasilooni darro Xaafadda iyo isku socodka dadwaynaha ayaa waxay iigu
jawaabtay " Suuq la'aan ayaa nagu dhacday, cid maxaad haysaa leh oo Qaadka
naga iibsanaysa malahan,habeen kasta waxaa nagu baarixi garooba dhowr
Marduuf (xirmo) oo Qaad ah". Waxaan u gartay in gabadhaasi ay ku qanacsanayd
Mooryaanta oo marna ka iibsanaya, marna ka dhacaya, markalena laga yaabo in
ay kula kacaan falal anshax-xumo. Ninkale oo da'dhexeed ah kuna haysta
ganacsi goobta uu Dagaalku ka dhacay, ayaa isagu diidan Lacagta Tabarucaada
ah ee lagu howl gelinayo Ciidamadda Maxaakimta. Waxaan su'aalay waxa uu ku
diidanyahay mar hadii ammaankii lagu sugayo oo uuna si nadiif ah ku
ganacsanayo. Wuxuu yiri" Inaga Qabiilkeenu malahan Maxkamad Islaami ah,
sidaas darteed mawaxaan korinayaa Wiilasha Beelo heblooyin?"
Hadaba jawaabahaas oo qaarkood aad loola yaabi karo in ay ka soo yeeraan
isla dadkii wax loo qaban lahaa uguna nuglaa xasilooni daridda ayaa ka
dhigaysa Hal-xirale aanad garan karin meesha dadkan loo waddo, waa dad aan
dantooda garanayn, waa dad Qabiil u kala xiran, oo qoloba meel ay goosatay,
midka dadka soo dhexgelayana xittaa laga yaabo in uu caloosha ka jiranyahay.
Abwaanadda Soomaaliyeed Suugaanta ayeey wax walba ku dhameeyeen, waxaana la
tilmaamaa in inta badan ay ka hadlaan wixii taagan iyo wixii imaan karaba.
Dadkeenu sida ay u dhaqmayaan iyo wax maqal la'aantoodu iyo weliba in
qaarkood lasii shaqaynayaan weli mooryaantii Dhibkoodii markay arkeen kadib.
Waxay i xasuusinaysaa Gabay uu Mariyey Abwaankii waynaa Allaha u Naxariistee
C/laahi Suldaan Max'ed (Timacadde) mar uu malaha ka yaabay dhaqanka
Soomaalidda oon dantooda garanayn, waxuuna qayb ka mid ah Gabaygiisii Dugsi
malahan Qabyaaladdi waxay Dumiso mooyaane ku lahaa sidan::
* Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede
* Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane
* Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
* Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
* Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye
Hadaba inta Mucaaradsan howlaha Maxaakiimta, haddii aad waydiiso Adigoo lagu
dhacayo makugu daawadaan dhibka ku haysta?....Marka aad u soo cabato maku
waydiiyaan Qabiilkaaga marka horeba, si ay wax kuula qabtaan?........Goobaha
ay ka Howlgalaan ma ka dhacaan falal xasilooni darro?.....Madhacaa Dilkii
maalin kasta dhici jiray, oo xittaa Wiilasha kirish-booyadda ka ah Gaadiidka
Dadwaynaha haddii ay soo daahiyaan Lacagta Leejadda loogu bedelo Xabad?.....Maku
haysataa Cabsidii ahayd in Alaabadaada aad soo iibsatay aad iyagoo bed-qaba
la dhaafto Wadooyinka ay Maxaakiimtu gacanta ku hayaan, horayse fadhiisin
ugu ahaa kooxo Meleeshiyooyin ah?....Ma jirtaa Baqdintii ahayd in aanad
qaban karin Talefankaaga Gacanta marka uu kuugu soo dhaco Isgoysyadda
qaarkood, ka hor intii aanay Fariisimo ka samaysanin Ciidamadda Maxaakiimtu?.
Waxaay ku siinayaan Jawaab mid ah, taas oo ah MAYA. Hadaba Maxay dhibka ku
doorteen?..lama garanayo.
Dad badan ayaa laga yaabaa in ay u qaataan in aan difaacayo khladaad ay
suurta-gal tahay in ay ku dhaqaaqaan Maxaakiimtu. Hayeeshee waxaan leeyahay
Maxkamaddaha cidda howlgelinaysaahi waa Bini'aadam, macsuumna maahan
Bini'aadamku, oo khaladaad waa uu ka dhici karaa marka ma in latoosiyaa mise
waa in laga dhigo in aanay khaldami karin inta kalena ay khaldami
karto?..Waxaa jira in Wariye ka tirsan Idaacadda Hornafric oo lagu magacaabo
Xasan Kaafi C/raxmaan (Qoyste) ay xirreen Ciidamada Midowga Maxaakimta,
isagoo sida la sheegay ku jiray howlihiisii shaqo, markiiba Hay'adda
Warbaahinta ee Hornafric waxay ka bixisay jawaab aan dhihi karo aad ayaa
loogu deg-degay, taas oo ay ku sheegayn in koox dabley ihi ay afduubteen
Wariye X/Kaafi C/raxmaan, haddiiba ay khaldanyihiin Maxaakiimtu ma khalad,
khald ku saxbaa? Sow ma wanaagsanayn in ay la xiriiraan Madaxdda Maxaakiimta
si ay u wada saxaan Khalad ka jira iyo waxa keenay in xarig lagu la kaco
Weriyahaasi. Howl gal haddii la samaynayo dabcan koontoroolku wuu badanayaa
cid aan waxba galabsana waxbaa gaaraya, sidaas darteed waa in dulqaad la
muujiyaa. Ugu danbayntii waa in si Shuruud la'aan ah lagu sii daayaa Weriye
X/Kaafi, hornafrikna ay Hubka dhigtaa, horseedna ay ka noqotaa wixii danaha
Umadda loogu adeegayo, siddii horayba looga bartay.
W/D: Mursal Max'ed Max'uud(Garaad)E-mail:
stethy1@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: Somalitalk.com | Jan 15, 2005
AKHRI BOGGA MAQAALDA:
http://www.somalitalk.com/maqaallo/
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|