SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Janaral cadde muuse ma waxuu qaadayaa raadkii  Col.jaamac cali jaamac mise?
Gen.cade muuse ayaa loo doortay madaxweyne nimada puntland 8-1-2005 iyadoo uu kaga guuleystay si lama filaana madaxweynihii hore maxamed cabdi xaashi inkastoo uu lugta u bixiyay DR,faroole oo uu khilaaf siyaasadeed oo ba,ani ka dhexeeyay madaxweyihii hore ee xaashi xiligii DR.faroole ahaa wasiirka maaliyada puntland si kastaba ha ahaatee waxaa isweydiin leh sida uu uga gudbi karo madaxweynaha cusubi askari jiifyada dhaadheer ee horyaal.
 
madaxweyne cade waa nin caybkee ah. waxay dadka yaqaani ku tilmaamaan nin aamus badan oo ka taxadara hadalka kasoo baxaya waxbadana uga hooseeyaan waxa uu ku leeyahay in badana dhegta waxa looga sheego ku camal fala aan jeclayn inuu dhunsado hanti umadeed. dulqaad yar. jecel saldano. had iyo jeer qabyaalad badan oo hadba qofka u sokeeya xigsada aan kasban karin saaxiibo badan
sida aan og nahay cade waxaa keenay dalka caadifad qabiil kadib markii laga adkaaday ina adeerkiis jaamac cali jaamac wuxuuna ka qayb galay dagaalkii dhuudo inkastoo uusan ku guulaysan  wuxuu qaxooti ku noqday somali land ka dibna wuxuu doorbiday inuu heshiis la galo maamulkii uu madaxda ka ahaa c/laahi yuusuf ka dib markuu talo wax ku ool ah oo dhinaca nabada ah ka helay  Beeldaaje xaaji c/laahi beeldaaje maxamed alaha u naxariistee oo markaas ku sugnaa mandiqada shaariqa,
mar aan kula kulmay Gen cade hotel narama ee magaalada bosaso dec-dhamaadkeedii ayuu ii sheegay in muhimadiisu ay tahay inuu dalka wax u qabto
 
markaan usoo noqdo su,aasheyda cade muran kama taagna inuu yahay maanta wadaxweynaha puntland balse jihadee ayuu mari doonaa?waxaan la soconaa in col.jamac cali jaamac uu ku hungoobey hankiisii madaxnimo doonka kadib markii uu la tashaday xigaaladiisa
maxaa xagal daaciyay maamulkii cali jaamac?waxaa majaraha u qabtay rag aan aqoon ulahayn habka maaulka waxaana loo maamulayay hab boqortooyo matalan waxaa la sameeyay gudi ka kooban beesha jaamac cali jaamac oo la talisa jaamac gudigaas oo uu madax u ahaa nabadoon caan ah taladoodiina waa tii dhalisay in jaamac maro wado qarda jeex ah waxay gudigaasi si qayaxan u hor istaageen beel ala beeshii xurgufi ka dhexeysay beeshooda taasoo keentay fadeexadihii waaweynaa ee dhacay waxa gudigaasi sameeyay xulafooyin aan macno ku dhisnayn oo markii danbe lagu hungoobey iskusoo duuboo jaamac oo loo hanweynaa wuxuu ka tegey dalka isagoo aan sharaf ku lahayn walow jaamac dadka yaqaani ku tilmaamaan inuu ahaa nin jecel nabada daraadiisna ay u badbaadey dagaalo badan oo qabiil oo gudigu qorsheeyay inay dhacaan
 
hadaba madaxweyne cade maka leexan doonaa wadadaas qodaxda badan oo wuxuu qaadi doonaa wadada cadaalada iyo nabada oo runtii ah tan keliya ee uu ku badbaadin karo umada reer puntland ee uu madaxda u yahay iyo kursigiisaba
iyadoo durba hadalada soo baxayaa sheegayaan inuu madaxweynuhu doonayo arimo badan sida inuu faragashado arimaha ganacsiga isagoo doonayo inuu rag gaara naas nuujiyo
 
sidee ayuu ku bad baadin karaa puntland ?
-inuu talada dalka kala tashado dadka ka talin kara iyadoo aan loo eegayn qabiil
-inuu ka dheeraado gudiga beeshiisa ah ee hadaba jira
--inuu maamulka dawlada ka qayb geliyo mucaarad iyo muayidba
-inuu shaqaalaha dawlada si siman u qaybiyo
-inuusan farta ku fiiqin gobolo gaara
-inuu wax walba nabada ka hor mariyo
-inuu maamulkiisii ku dhiso wada tashi ee uusan jagooyinka dawlada u dhiibin cida uu danaynayo
-inuu cadaalad wax ugu qaybiyo beelaha puntland
-inuu ka hormariyo danta shaqsiga danta guud dalkana wax u qabto gaar ahaan dadka shacabka ah ee aan awoodin in caruurtoodu hesho wax barasho caafmaad IWM
-inuusan fara gelin arimaha ganacsiga
-inuusan badaha buntland u xakamayn cid gaara ama lagu naas nuujin ee uu ogaado in ay tahay hanti umadeed wixii kasoo baxana wax loogu qabto umada
intaas hadii uu  qabto waxaan is leeyahay madaxweyne cade wuu ka leexday wadadii qodaxda badnayd ee gudigu u jeexay madaxweyne jaamac
 
Qoraa. abwaan yuusuf mohamed
 dubai   UAE
 xsangaale@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Jan 15, 2005

AKHRI BOGGA MAQAALDA: http://www.somalitalk.com/maqaallo/

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD