SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Doorashii Madaxwaynaha Puntland 2005: Marna Rizaaq Marna Rashiid Inta Kale Ma rootiyaa?  

Waxa isha aad loogu hayey sida ay u dhacaysay doorashadii Madaxwaynaha D.G. Puntland 2005. Dorashadaasi waxay u dhacday si dimoqraadiyad ah, waxayna ahayd guul u soo hoyatay Umadda Puntland iyo Somali oo dhan ka dib burburkii iyo Dawlad la’aantii 14 sano ee Somalia ay ku sugnayd.  

Maamul Goboleedka Puntland waxaa la aas aasay June 1998, ka dib markii la arkaya burburkii ku habsaday Beesha Koonfur Dhexe (USC), taas oo keentay fashilintii ay ku sameeyeen  Shirwaynahayaasha nabadda, kii 1aad ilaa kii 7aad oo kulligood ay fashilisay Jabhadii USC. 

USC marna diyaar uma noqon dib u heshiisiin iyo dhismo dawladeed Somaliyeed midna, boob iyo dhac xoolo iyo dhul mooyee. Markii ugu danbayntii shirkii nabadda ee 8aad oo lagu qabtay Ethiopia laguna go’aamiyey in la dhiso dawlad loo dhan yahay, lana sameeyey dastuurkii lagu dhaqmi lahaa, waxaa lagu heshiiyey in Dawladda lagu dhiso dalka gudihiisa gaar ahaanh Boosaaso,  

Waxaase dhacday in mar kale in beesha USC ay diideen in ay ka soo qayb gasho shirka Booasaaso halkaas shirwaynihii nabadu ku bur buray, iyaka oo u arkayey in uu Abdulaahi Yusuf ku soo bixi karo Madaxwaynenimada. 

Waxaa markaas lagama maar maan noqotay in aan wakhti kale aan lagu lumin Beesha USC ee la dhiso maamul goboleed ka kooban Beesha SSC, iyo Bari, Mudug, Nugaal iyo Bari (MNB) oo ay wakiil ka ahaayeen USP iyo SSDF. 

Waxaa markaas kulan yeeshay Jabhadii SSDF oo uu hogaaminayey Colonel Abduylaahi Yusuf Ahmed iyo USP oo uu hogaaminayey Mudane Mohamed Abdi Hashi, iyo Cawad Xasharo, waxayna go’aanadeen la go’aansaday, laguna guulaystay dhismaha Puntland. 

Dorashadani waxay muujinaysaa bislaanshaha iyo wacyiga shacabka Puntland uu gaaray. Waxyna noqon kartaa tusaale fiican oo lagu daydo maadaama uu koonfurta ka dilaacay cudur la dhaho dhul raadinta, sida uu qoray buuga, “The Struggle for Land in Southern Somalia: The war behind the war”. Dhul boobkii konfurna burburkiisiina hadda wuxuu ku soo laabtay Cadaado iyo Gelinsoor oo u noqotay Kismanyo iyo Baydhaba.  

Waxaa iyana xagga Waqooye Galbeed (Somaliland) ka dilaacay cudur la dhaho, “Somali Phobia”. Waqooye Galbeed waxay isku dayayeen 45 sano in ay Somalia ka go’aan, waxayna isku dayeen in ay U. K. ka helaan aqoonsi. Waxayna aqoonsigaas ka heli karaan U.K.oo kelia marka U. K. aqoonsato IRA dee SNM na waa aqoonsan kartaa markaas. 

Puntland intii ay jirtay waxaa majaraha u hayey Colonel Abdulaahi Yusuf Ahmed iyo Mudane Mohamed Abdi Hashi oo labaduba dadaal dheer u soo galay midnimada iyo dib u heshiisiinta Somalia.  

Si looga hortago goosashada Somaliland Madaxda Puntland waxay soo jeediyeen in labada Maamul Puntland iyo Somaliland la isku daro oo uu Madaxwayne ka noqdo Mohamed Ibrahim Cigaal, Wasiirka 1aad uu nodqo Colonel Abdulaahi Yusuf. Arintaas way isku raaceen Somaliland, laakiin waxaa Cigaal soo jeediyey in Gobolada SSC ay soo raacaan xagga Somaliland. Isla markiina UK waxay sheegaty in ay aqoonsanayo. 

Waxaa loo ologaaday in afti laga qaado SSC shacabkooda haddii ay iyaku diyaar u yahiin in lagu daro dhankooda. Wuxuu Cigaal haddana soo jjeediyey in Somaliland maamusho aftida laga qaadayo SSC. Taasna waxay noqotay mid aan laga ogolaan Karin, waxaase loo arkay, “hashu markay diidayso maqaarka meelo dal daloola bay ka eegtaa”. 

Wax qabadkii Puntland wuxuu ahaa wax la taaban karo, madaxdii ka soo shaqaysayna in lagu tixgeliyo mudan.Waxaana u kala saaraynaa xagga siyaasadda, dhaqaalaha, iyo nabad gelyadda: 

1. Xagga Siyaasadda:

  • 1.      Samayn Dastuur Goboleed.
  • 2.      Samayn Sadexda Hayado ee Qaran ka kooban yahay sida: Gole Dawladeed ama shrci fulin (Executive), Gole Sharci Dejin (Parliamentary), iyo Gole Sharci Ilaalin (Maxakamadaha).
  • 3.      Dejin nidaam doorsahda shacbiga ah oo dalka oo dhan min qiyaas la tilmaamo u noqotray.
  • 4.      Samaynta deegaan sida: Gobolo iyo degmooyin cusub.
  • 5.      Adkaynta midnimo Somalia.

2. Xagga Dhaqaalaha:                                                                                                        

  • 1.  CanshuuUruurinta.
  • 2.      Horumarinta iyo taageeridda Dhaqaalaha iyo Ganacsiga madax banana.
  • 3.      Ku dhiiri gelin shacabka Gobalada kale ee Somaliyeed in ay maal gashadaan   Dhulka Puntland ee amaanka.
  • 4.      In ganacsatada kiilka shanaad ama Somali Galbeed loo sahlo in ay xoolahooda ka dhoofsadaan Boosaaso, maadaama Hargaysa bahalo galeen ku noqotay.
  • 5.      Shacabka Puntland oo hirgeliyey 5 Jaamicadood (Universities). 

3. Xagga Nabad Gelyadda:

  • 1.      Sugudda iyo Adkaynta nabad gelyadda gudaha Puntland.
  • 2.      Hub ka dhigista maleeshiyooyinkii jiray.
  • 3.      Abuurista Ciidanka Nabad gelyadda (Police).
  • 4.      In aan magaalooyinka Puntland qori lala dhex Mari Karin.
  • 5.      In qofkii qof dila isna lagu xumo dil.
  • 6.      In qofkii waxa dhaca sharciga la hor keeno.

Arimahaas oo dhan waxayna ku yimaadeen hogaan adag, dadaal iyo daacadnimo is biirsaday, madaxdii ka soo shaqaysayna waxay mudan yihiin qaderin iyo boogaadin. 

Doorashaduna waxay ahayd mid dimoqraadiyad ah, laakiin waxaa wax laga xumaada ah

In la isu gaashaan buuraysto si loo rido madaxdii kaadidooda u soo cabay hirgelinta Puntland, taas oo faaiido u ah dhamaan beelaha ku bahoobay Puntland, ayna tahay ka keentay ku guulaysigii Abdulaahi Yusuf Madaxwaynenimada D. Federalka ah.  

Qaska la geliyaa Puntlandna ay keeni karto manja xaabo lagu wado riddayo Madaxwaynaha iyo Dawladda Federalka ah oo haddaba ay dawladaha qaar sida Masar iyo Maamulka Riyaale ay wadaan ay ka shaqaynayaan sidii loo ridi lahaa.  

Dagaalkii ari cadeeyana wuxuu ahaa mid Somaliland ay ku khal khal gelinayeen Puntland, kagana hortagayeen in aan Abdulaahi Yuusuf loo dooran Madaxwaynaha Somalia. Madaxda Puntlandna sidaas bay u araktay oo talaabo uma qaadin in ay is difaacaan mooyee. 

Si arimahaas looga hortagana oo ayn u dhicin sidii ku dhacday Patrice Lumumba Wasiirkii 1aad ee Congo markay Belgium ka qaadatay Xoriyadeeda July 1, 1960 isla markaana July 11, 1960 waa toban beri ka dibe, labadii Gobol ee ugu qanisanaa Congo sida Kataanka oo uu hogaaminayey Moise Tshombe, iyo Kasai Province (The Mining State) oo uu hogaaminayey Kalonji ay ku dhawaqeen in ay ka go’een Congo, taas oo ahayd shirqool ay wadatay Belguim laguna ridayey halyeygii Patrice Lumumba. 

Hadaba waxaa haboon in Garoowe iyo Qardho ay fahmaan sil siladaas daadsan, oo qof jago laga qaaday iyo khaladaad yar yari ayn kala waynaan qadiyadda guud ee beelaha isu keentay. Marka loo eego Mudug iyo Bosaaso oo horay uga xumaa qalalaasihii la geliyey Puntland, haddana taageero buuxda siiyey madaxdooda si aan man jare habaabin loo gelin. 

Markaan arkay xubnaha Baarlamanka qaybta SSC oo ah 17 xubnood, kuwa Gobalka Bari oo keliyana 21 xubnood wax baa I qub yiri. Is gaashaan buuraysigii lagu riday Mr. Mohamed Abdi Hashi oo weliba Gaagaab oo xagga abaabulka iyo kicinta khabiir ku ah la socdo waa quustay?   

Waxaana taas weheliyey in xubnaha Barlamaanka Puntland, ayn ahayn kuwo shacabku soo doortay, waxaana soo magacaabay Isimada Puntland.  Waayo Maamulkii Puntland waxaa la siiyey mudo 20 beri ah in ay ku soo dhameeyaan, go’aankaasna waxaa qaatay Guurtada Isimaha Puntland, markaas waxaa jiri Kara xiligii doorashada xubnaha qaar uu hogaamiyey maadigu oo aan moral hogaamin, waana arin weli ka jirta wedemada saboolka ah. 

Waxaa dhacday xilligii daakhiliyada in Wasiirka 1aad loo doortay Abdulaahi Isse 1956, uuna Wasiirka Arimaha Gudaha u soo magacaabay Haji Muse Boqor. Markaas Beesha Hobyo oo Abdulaahi Ciise ka dhashay ay dhaheen, “Eebow waxaad noogu soo dhiibi lahayd Abdulahi Isse noogu soo dhiib Haji Muse Boqor.” 

Kolna Reer SSC hadda oran mayaan Eebow waxaad noogu soo dhiibi lahayd Mohamed Abdi Hashi noogu soo dhiib Ina Muse Boqor (General Cade), waxay leeyihiin Reer SSC, Puntland waxay u ekaatay, “Marna Razaaq, Marna Rashiid, Inta kale ma rootiyaa.” Waase arrin u baahan in SSC  ay daraasad danbe ku sameeyaan arimaha Puntland. 

Waxaana ugu danbayntii leeyahay, “Generalle Congrat”, mar labaad hanbalyo, waxaana ku daray, “Maamulka Puntland bal uuraysayey, aan eegno waxay umulidoonto”. 

Waa Bilaahi Tawfiiq. 

Abdisalam Haji Ismail
suxufi2004@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: Somalitalk.com | Jan 15, 2005

AKHRI BOGGA MAQAALDA: http://www.somalitalk.com/maqaallo/

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD