War Saxafadeed Beesha
Samaroon (Gadabuursi) ee Kanada
- Jahliyadda
Samaroon ee Kanada
Waxaa lagaal xiriiri karaa:
Mudane CAli Qayad (Toronto)
gudoonwacan@yahoo.com
Toronto, 16 janaayo
2005
Ka dib wararka la
halmaala saami qaybsiga kuraasta Baarlamaka ee Soomaliland, waxaan halkan ku
xusaynaa war murtiyeed ay soo saareen Jahliyada Samaroon ee dagan Dalka
Kanada.
Warka ku saabsan
saami-qaybsiga kuraasta Baarlamanka waxaan ka xunahay in aan halkan ka
sheegno sida aan uga xunahay qaybta loo qoondeeyay gobolka Awdal oo ay ku
noolyihiin laba qoomiyadood oo ka mid afarta ku Nool Soomaliland. Waxaan ka
xunahay oon marna la qaadan karin tirada afka lagu dhuftay ee Baarlamanku ka
doodayo.
Waxaan si cad uga soo
horjednaa habka loo qabshay kuraasta oo qabiilka Isaaqu sad bursi uuna u
qalmin la dul saaray. Waxaan cadaynaynaa in arintani tahay jabkii ugu
horeeyay ee la soo gudboonaada Soomaaliland wakhti aan loo baaahnay. Waxaan
u aragnaa khalad cad oo siyaasadeed oon geedna loogu soo gaban in Isaaq isku
kala qaybsho dhowr iyo tobankiisii jilib halka qabiilooyaka la siman ee
Awdal loola dhaqmay si jilib-hoosaad Isaaq ay yihiin. Waxaan marnaba la dul
qaadan karin dhacdadan oo u eeg mid ay ka soo shaqeeyeen dad aan dan ka
lahayn midnimada Soomaaliland iyo jiritaankeega.
Waxaan ugu baaqanaa
mudanaasha baarlammanka ee Awdal ka soo jeedaa inay si degdega wax uuga
qabtaan arintan oy mowquf adag iska taagaan iyagoo turjumaya dareenka
dadweynaha reer Awdal oo arintan ka midaysan. Ma matali karaan mustaqbalka
Awdal afar nin oo golaha wasiirada ka tirsan iyo Daahir Rayaale oo cadaystay
inuu abaal celinaayo isaga u gaar ah.
Yeeli mayno cad qudhsiga
sidan ah waxaanan ku talaabsanaynaa siduu arinkani u fashilmi lahaa. Noqon
mayno oo markhaati ka noqonmayno taariikhda xaaraanta ah ee la rabo in
Hargaysa noo qorto. Arintan haddii si deg deg ah wax looga qaba waayo waxaa
cad in isku xidhnaantii iyo wada shaqayntii Awdal iyo inta kale halkaa ku
dhamaan doonto.
Waxaan Mudanayaasha reer
Awdal ee Hargaysa jooga ugu baaqaynaa in aan hiil iyo hooba la garab joogno
sidii ay arintan wax uuga qaban lahaayeen. Waxaanan ku waaninaynaa inay
sidii Mudane Xuseen Ceelaabe is casilaan si ay u muujiyaan halka arinta ay
ka taagan yihiin. Arinta Xuseen Ceelabe iska casilay waxaa ka daran oo ka
aayo xun tan Hargaysa laga wado oon sinaba loogu dul qaadan karin.
Dhibaatooyinka
siyaasadeed ee arintan ka dhasha waxaa masuuliyadeeda iska le intii ku
talisay iyo intii ku raacday taladan quudhsiga adinka ku haysa.
Awdal wax badan iyay
tanaasulaad samaysay, laakiin tani waa kama dambayn waana mid lagu kala tagi
doono haddii si deg deg ah wax looga qaban waayo. Marka Cadaalad halkaa
layska taago ma aragno waxa soo socda ee loogu xisho Soomaaliland waayo
Awdal waa gobol isku filan…
Jahliyadda
Samaroon ee Kanada
Waxaa lagaal xiriiri karaa:
Mudane CAli Qayad (Toronto)
gudoonwacan@yahoo.com
Canada:
Wasiirad Isku
Casishey Arin La Xiriirta Pizza
Faafin: Somalitalk.com | Jan 16, 2005
AKHRI BOGGA MAQAALDA:
www.somalitalk.com/maqaallo
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|