Rajada Puntland
Haantaawilif Dheer Ka Dib
(SHHRF 0027/2005, 12 Jannayo 2005)
(Nuqul Soomaali)
Waxaa amman mudan dadweynaha Puntland,
kuwaasoo isticmaalay xaquuqdooda dastuuriga ah doorashooyinkii madaxweynaha
iyo ku-xigeenkiisa ee dhacay bisha kowaad ee sannadkan 2005. Taasi waxay
ahayd gabo-gabi xilli la soo maray iyo bilow mid ugub. Waxay kaloo ahayd
bilow fiican markii dadka Puntland ay muujiyeen in faankooda iyo ficilkood
isku meel u jeensan karaan. Dabaqadda siyaasaddu waxay muujisay, muddo lix
sano iyo bar ah, ka dib inay ka miro dhalin karaan rabitaanka shacbiga.
Hadba aqbilaadda shacbiga aqbalo maamulka
waxay ku xirantahay daacadnimada maamulka, iyo sida loo xaqiiyo fikirka
Puntland ku asaasantay oo ahaa in maamulku hoos ka soo unkamo. Qaabka
maamul-hoos-ka-unuggu wuxuu khasbaa in maamulku uu leeyahay xisaabtan
bulshada xoog ku leedahay. Haddii bulshadu raalli ka tahay qaabka maamulka
waxay keenaysaa inay yaraato collaadda siyaasadeed. Taasina waxay
tilmaamaysaa tubta nabadda iyo dimoqoraadiyadda.
Maadaama ay Puntland weli ku jirta waji
colaad-damis, waxaa mudan in maamulka cusubi xoog saaro dib-u-dhayid
dhaawacyadii bulshada soo kala gaaray. Calool isu xaarnaan sahal kuma imaan
karto meel colaadi ka dhacay oo la isku tacadiyey. Sidaas daraaddeed, waxaa
lagama maarmaan ah in la raadsho hab looga bugsoodo wixii dhacay si bulshadu
horay uga sii tillaabsato. Tani kale waa in la helo niyad dhisan oo darsi
looga qaatay khaladaadkii hore, si aysan mustaqbalka u dhicin. Waa in ciddii
dambi cid kale ama ummadda ka gashay qoor keesataa.
Colaad kasta waxay ku rafataa dheelitirka
qaab-deegaanka ee bulsho. Si taas looga waantoomno, waa muhiim in la helo
caado ku salaysan ka hortag xididka colaadda intuusan fidin iyo sababka uu
salka ku hayo. Taas waxaa ka mid ah in xoog la saaro sidii looga waantoomi
lahaa ku xadgudubka xuquuqda aadamiga iyo sharcigaba.
SHHRF waxay soo dhawaynaysaa doorashadda
dhawaan loo dortay Gen. Maxamuud Muuse Hirsi (Cadde) iyo ku-xigeenkiisa,
Xasan Daahir Afqurac, madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeenka Puntland.
Inkastoo shaqo adagi hor taal labadaas masuul, waxaa muuqda rajo bilow ah.
In lagu dhawaaqo in colaadda gobolka lagu dhameeyo wada hadal waa wax loo
guuxo. Sidoo kale dalbidda in hantida ummadda la dhowro waa waajib hore loo
gudan waayay welina muqaddas ah. Labadaas qodob (waa colaad hurin iyo
qaataye-qaado) waxay ahaayeen meelaha maamulkii hore ka dheelliyey.
Ugu dambayn waxaa SHHRF
kula talinaysaa maamulka cusub inay hangool ummadda uga qabato ragga ama
dumarka ku mabay hantidii ummadda, aanna lagu soo darin xubnaha muhiimka ah
ee maamulka hadda la unkayo. Kuwa galay dembi dagaaleedka ayaga warkooda daa.
Sultan Hurre Human Rights
Focus
suldanhurre@suldanhurre.org
http://www.sudlanhurre.org
Faafin: Somalitalk.com | Jan 17, 2005
 MADAXWEYNUHU
WAA DIBAD JOOGE WAANA BAASABOOR LA’AAN
Faalladii Isniinta Faahad Yaasiin...
Guji...
AKHRI BOGGA MAQAALDA:
www.somalitalk.com/maqaallo
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|